SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Jawaab Celin Shirkii Minneapolis 

Waa iska cadahay dacwada lala beegsaday Cali Samatar in ay tahay mid xaq daro ah.

Assalaamu Calaykum,


Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Maxamed Cali Samatar..

Salaantaas Islaamka dabadeed, waa iska cadahay dacwada lala beegsaday Cali Samatar in ay tahay mid xaq daro ah. Shaqsiyaadka ka dambeeyana waxay ula beegsadeen dacwadaas Cali Samatar kaliya, iyagoo is leh odayga kama dhalan qabiil wayn oo difaacaya anigu sidaas ayaan is leeyahay in ay u dhacday arrinta.

Sababtoo ah Cali Samtar kaliya kama galin dambi shacabka Soomaaliyeed ee dulman, laakiin waxaa galay dambiyadaas madaxdii la shaqaynaysay xukuumadii Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii ka dambeeyay markay xukuumadaas dhacday ka dib intoodii badnayd.

Waxaase muuqata in shaqsiyaadkaas Cali Samatar kaliyah kasoo qabsaday in ay tabar yaro oo dhinaca qabiilka ah ku tuhmayaan, haddiiba lasoo cadeeyo in shaqsiyaad dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay jiraan waa in aan lala beegsan kaliya dadka lagu tuhmaayo in aanay ka dhalan qabaa'il waawayn oo difaacaya.

Talo: Waxaan dadka dacwada la beegsaday Cali Samatar kaliya ugu baaqayaa in ka taxadaraan in ay sameeyaan cadaalad xumada ay ka tirsanayaan Cali Samatar mid kasii liidata waa haddii damiir Soomaalinimo ay jirtaa.

Abbas Omar Mohamed
Ottawa/Canada

amoham5702@rogers.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD