SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


 

General Samatar Waxaa Markhaati Ugu Filan Taariikhdiisa

Dr Ahmed Said Ali 

Waxaa doonayaa inaan ka hadalo arrin todobadyadan la hadal hayey  oo ah dacwada madani ah oo soo qaban qaabanqaabiyey ururka la yiraahdo Center of Justice and Accountability oo isagu ugaarsada madaxda ajnibiga ah  ee soo degta  ama  soo booqata Maraykanka isagoo kaashanaya dad dhib sheeganaya una dhashay dalkii ay madaxdaasi ka talin jireen. Uruku oo hadda kaashanayaa nin sheegtay in la yiraahdo Baashe Abdi Yusuf iyo dhowr qof oo kale oo magacyadooda qariyey wuxuuna doonayaa in  dadkaasi magdhow looga qaado Maxamed Cali Samantar oo ka mid ahaa madaxda sare ee dawladii Soomaaliya. 

Markii aan arrintaasi akhriyey ayaa waxaa durbadiiba maskaxdeyda ku soo dhacdey su'aasha ah Bashe iyo saxiibadiisa isqariyey ee ku doodaya in la xiray, in jir dil lagu sammeeyey,in la kufsadey iyo in xadgudubyo loo geystey  miyey aqoon u lahayn sida dawladii Soomaaliya maamul ahaan u shaqeyn jirtey ama dawladiba u shaqeyso? miyeysan hore u maqal xilalkii uu dawladaa ka  hayey mudane Maxamed Cali Samatar? 

Si aan su'aalahaasi uga jawaabno aan wax yar ka sheego waxqabad socoday muddo ka badan 40 sano oo mudane Maxamed Cali Samantar ku leehay taariikhda Soomaalida.

General Samanatar wuxuu bilaabey inuu xil u qabto ummada Soomaaliyeed isagoo jira 25 sano markaasi oo uu taliya ka noqday Saldhiga Degmada Marka isagoo xiddigle ah oo ka soo qalin jibiyey kuliyad militri oo ku taala dalka Talyaniga, wuxuuna ka mid noqday saraakiishii dhalinyarada ahyd ee muujiyey karti ay ku hanana karaan sugida ammaanka dhulkooda taasi oo gummeystihii Talyaniga ku kaliftay inuu ogaalaado inay gcanta ku dhigaan maamulka amnigooda. Waxaa iyana xusid mudan in 1Luulyo 1960 habeenkii calanka Soomaalida la saarayey uu general Samantar ahaa taliyihii watay ee dalbanayey cutubyadii calanka salaanta siinayey wuxuuna Samatar markaasi ahaa taliye xiggeenka ciidanka gobolka Banaadir 

Waxaa iyana aan la iloobi Karin kaalintii uu ka qaatey dagaalkii 1964tii ee Ethiopian ku soo qaadeen dawladii da'da yareyd ee Soomaaliya.General Maxamed Cali Samantar wuxuu ka daagaal galay aagga Togwajaale halkaasi oo ciidankii uu watey ka muujiyeen geesinimo dalkana ka difaceen ciidamadii Ethiopia wuxuuna ku muteystey bilad iyo dalacaad 

General Samanatar oo ah Askari loo tababarey difaaca dalka una dhaartey inuu xilkaasi si daacadnimo ah u guto ayaa waxaan taariikhdiisa lagu xusuustaa dhismahii xoogga dalka Soomaaliyeed intii uu ahaa wasiirka gaashaandhiga isagoo gaarsiiyey heer ay Soomaliya yeelato ciidanka ugu tayo sareyeeya Afrika marka laga reebo dawaldii cadaanka ahayd ee konfur afrika.ciidankaasi oo hantey difaaca dalka Soomaaliya. 

Waxaa kaloo dunida oo dhami ku baratey General Maxamed Cali Samanatar hogaamintii ciidamadii Soomaaliya ee cududa ku muquuniyey ciidamadii Ethiopia ee lagu tilmami jirey libaaxa  Afrika sannadkii 1977 iyo dagaalgelintii uu u dejiyey dagaalkaasi oo ka mid noqotay  duruusta  lagu barto dugsiya staratijiyada dagaalka ee aduunka.

Samantar oo ah nin qaran doorkiisu kuma ekeyn difaaca dalka oo keliya ee wuxuu horseed ka noqday hawlihii deblomasiyad soomalida ee waqtigii dagaalkii qaboobaa ka jirey dunida wuxuuna doorweyn ka qaatey meelmarinta siyaasaddii Soomaalida isaga oo ah nin si weyn looga soo dhoweeyo dalkii Midowga Sifooyi iyo dalka Mareykan kaba

Waxaa taariikhdaa inooga cad in General samantar uu ahaa nin Somali ah oo aad u naxariis badan muddo dheerna ka mid ahaa madaxdii dawladii soomaliya marnan aan lagu eedeyn ama lagu xaman ficil xun ama dibindaabyo binaadam wuxuuna ka mid yahay madaxd Soomaliyeed ee fara ku tiriska ah ee ku can baxay akhalaaaq wanaaga iyo hogaaminta toosan taasi oo ay ka markhaati ka kacayaan inta badan ummmada Soomaliyeed ama dadka si dhab ah u yaqaan Maxamed Cali Samantar. 

Hadaba maxaa keenay in baashe iyo saaxiibadii ay ku eedeeyaan Maxamed Cali Samanatar inuu xadgudubyo u geystey inagoo wada og inaan marna General Samantar masuul ka noqon xafiiska laga maamulo xabsiyad iyo nabad sugid toona?

Waxaa hubaal ah in Baashe iyo saaxiibadiis  garanayaa ninkii xiray, ninkii amarka xariga bixiyey iyo weliba kuwii xadgudubayada u geystey, balse ay ka mid yihiin  koox aaminsan in Soomaaliya la googooyo oo aysan marnaba midoobin, in la gubo calanka Soomaaliyeed ee astaanta u ah jiritaanka ummada Soomaaliyeed iyo in la ugaarsado, meelna  looga dhaca sharafta iyo haybada  dadka magaca iyo qadarinta ku leh ummada soomaliyeed ee aamisan jiritaanka iyo midnimida ummada inay tahay muqadus sida General Maxamed Cali samantar 

Somalidu waxay ku maahmaahdaa ruuxii  si ogaal ah runtii u garabmaraa wuxuu  galay saddex gaf, mar wuxuu u gafey garaadkiisa, marna wuxuu u gafay dadka dhegeysanya garashooda marna wuxuu u gafay madasha garwaaqsigeeda, hadaba Baashe iyo kooxda ay isku afkarta yihiin mar ka hore waxay u gafeen garaadkooda markii ay u qaateen in afkaartaa guracan, ee ay aaminsan yihiin, inay yihiin kuwa lagu dhaqmi karo, marka labaad waxaay u gafeen garashada ummadda Soomaliyeed markii iska dhaacidhiciyeen in ummadda Soomaliyeed ku taageyreyso dacwadooda ah in Maxamed Cali Samatar uu masuul ka ahaa  xirigoodii ayna mudan yihiin in magdhow looga qaado, marka saddexaad waxay u gafeen gudoonka ummadda Soomaliyeed ee ah in Soomaali mid ahaato, meelna uga soo wadjeesato cadawgeeda kadid markii ay saaxiib ka dhigteen cadawga Soomaliyeed. 

Ummada soomaliyyed waxay leedahay taariikh aan iloobin wadaniyiinta iyo madaxda naftooda, xoogooda iyo maskaxdooda u hura sida General Maxamed Cali Samantar. Taariikhdu waa marag waa jiri markhaatileh. 

Ahmed Said Ali
samokaab@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD