Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.9aad
(Siraha Qarsoon )
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Afaraad.
Maxaa Fashiliyey Dhexdhexaadintii Xasan Al-Turabi Ee Siyaad Barre iyo
Islaamiyiinta Soomaaliya?
Qormadda Sagaalaad.
Islaamiyiinta Soomaaliya waxaa inta badan lagu sheegaa kuwa aan bislayn oo
hal la boodo leh isla markaana aan la jaanqaadi karin isbedelka siyaasadda
waqtiyada qaarkood. Marka la barbardhigo wadama badan oo islaam ah. Sida Masar
iyo Sudan.
Wadanka Sudan kolkii uu fashilmay Afgembi ay wadeen
kooxo Shuuciyiin ah oo uu hogaaminayey Axmed Maxjuubi July 1971-dii ayaa
Madaxweynihii wadankaas ee xilligaas Jacfar Al-Numayri waxaa uu wadankiisa ka
eryey July 1971-dii khubaradii Midowgii Soofiyati ee Sudan joogatay, isagoo
isla markaana hoos u dhigay xiriirkii uu la lahaa Soofiyatka tuhuna ka qabay
inuu gacan siinayey isku daygaas Afgembiga. Halkaas waxaa ka faa’iidaystay
Islaamiyiinta Suudaan oo markaas u muuqday Cadawga koowaad ee xukuumadaas uu
madaxda ka ahaa Jacfar Al-Numayri.
Sanadkii 1977-kii ayaa waxaa heshiis dib u heshiisiineed
dhexmaray laba kooxood Islaamiyiinta Sudan ahaa , waxaana Xasan Al-turaabi loo
ogolaaday inuu dalka dib ugu soo noqodo, isagoo Sudan uga maqnaa Masaafuris iyo
weliba xabsi lix sano uu ku jiray oo ka horayey Masaafuriskaas.
Turaabi waxaa la siiyey Jagada Wasiirka Cadaaladda
Sanadkii 1979-kii isagoo ku dhex milmay nidaamkii uu madaxda ka ahaa Jacfar
Al-Numayri, ugana faa’iidaystay inuu bulshada reer Sudan ku baraarujiyo ku
dhaqanka shareecadda Islaamka.
Sudan ayaa ahayd wadan ay wax ku bartaan Soomaali badani
iyadoo waxbarashadaasina ay saamayn ku yeelatay ardaydii wax baranaysay .
Sudan codka Qalinjebinta ardayda Jaamacadaheedu waa 26 cod sanadihii
sideetamaadkii. Waxaa 25 ka mid ah codadkaas ku guulaysta ardayda u janjeerta
afkaarta Islaamiyiinta taasoo Sudan ka dhigaysa meel ay aqoonteeda hogaamiyaan
Islaamiyiintu. Waxaay lagama maarmaan in Soomaalida wax ku soo baratayna ay
sidaas oo kale noqdaan.
Aqoon-yahan Cabdicasiis Faarax ayaa ka mid ahaa raga
wax ku soo bartay Sudan. Kan tirsanaa Ururka Al-itixaad. Bartamihii
Sideetamaadkii ayaa Cabdicasiis Faarax waxaa uu tegey Sacuudiga sida uu ii
sheegay Aqoonyahan A.A oo ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta.Xilligaas ku
sugnaa Sacuudiga waxaa jirty warqad qoraal ah oo uu Xasan Al-Turaabi u soo
dhiibay Cabdicasiis Faarax, uguna soo dhiibay Islaamiyiinta Soomaalida oo
madaxdoodu inta badan ku sugnayd Sacuudiga waxaana uu xoog warankiisii iigu
bilaabay sidan:-
’’ Anigu waxaan waqtigaas ka mid ahaa ardaydii wax ka
baranaysay Sacuudiga,aad ayaan ugu dhodhowaa xarakadda Islaamiyiinta. Waan ka
war hayey Allaha u Naxariiste Cabdicasiis Faarax inuu xarakadda u soo gudbiyey
dhanbaalkii Xasan Al-Turabi odayadii madxada u ahaa xarakadda Islaamka. Nuxurka
dhanbaalka ayaa ahaa in uu dhexdhexaadiyo Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya
Maxamed Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta oo ragga inta badan hogaamiyaa ay joogeen
Wadanka Sacuudiga . Waxaa Turaabi qorshihiisaa dhexdhexaadineed ku soo bandhigay
inuu isagu la hadlayo Maxamed Siyaad Barre, kana dhamaynayo wax dhinaciisa ku
xiran. Waxaa uu ku booriyey Islaamiyiinta Soomaaliya in iyaga reer Sudan ahi la
heshiiyeen Jacfar Al-Numayri. Intaad dibadda ka ahaan lahaydeen dawladda waxaa
ka haboon ayuu u sheegay inaad la heshiisaan oo dhexgashaan. Waxaa uu soo
bandhigay in Bangi Islaami ah oo Sacuudigu maalgelinayo laga furayo
Muqdisho.Siyaad Barre waa ogol yahay ayaa qoraalkaas ku qorayd.’’
Markaas ayaan waxaan weydiiyey maxaa fashiliyey isku
daygaas? Waxaa uu iigu jawaabay:
’’ Waxaan oran karaa bisayl la’aanta waqtigaas
Islaamiyiinta iyo Islaamiyiinta u badnaa reer Waqooyiga oo ku adkaystay inaan
wax wada hadal ah lala gelin Siyaad Barre. Waxaa kaloo laga baqay in
Islaamiyiinta Soomaaliya kala qaybsamaan hadii qolo isku daydo in wada hadal
lala furo Xukuumadii Kacaanka ahayd. Laakiin Turaabi aad ayuu marar kale isugu
hawlay inuu wada hadalsiiyo Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta. Mar dambe ayaan
garanay waxaa uu Turaabi u doonayey inaan la heshiino Siyaad Barre ………’’
Kolkaas ayaan ku celiyey maxaad garateen oo aaydinaan
markii hore garan?
’’ Waxaan garanay taladii Turaabi hadaan raaci lahayn in
wax badan noo qabsoomi lahaayeen. Laakiin wax walbi waa qadar alla.’’
Akhri... Qaybta 10aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....