Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya- Q.1aad
(Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Koowaad.
Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qormadda Koowaad.
Afgembigii1969-kii aanu dhiigu ku daadan, awooda xukunka dalka
Soomaaliyana kula wareegeen Ciidankii Qalabka Sida oo uu hogaaminayey
Maj.Gen.Maxamed Siyaad. Ayaa waxaa la oran karayey Soomaaliya waxay
askartaasi ku soo kordhiyeen hab-dhaqan-dhaqaale ka duwan marxaladii soo
jireenka u ahayd ee reer guuraanimada.
Soomaalida oo u badan xoollo dhaqato waxay si niyad ah u aaminsanaayeen
diinta Islaamka, Diintaana u ahayd halka loo noqdo mar walba oo is qabad
dhexdooda ahi yimaado. Balse Kacaanka maamulkii dalka qabsaday ayaa si
la boodo ah wuxuu ugu dhawaaqay ku dhaqanka Hantiwadaaga
Cilmiga(Scientific Socialisim) ku dhisan oo aanay Soomaalidu aqoon
durugsan u lahayn. Kacaankaas oo la yimid xirxirnaansho siyaasadeed iyo
mid bulshaba. Iyadoo Soomaalidu tahay dad furfuran oo laab xaaran.
Kacaanka Oktoobar ma la oran karay waxaa uu dagaal kula jiray Diinta
Islaamka?. Mar haduu qaaday toobiyaha Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan?
Su’aashaas ayaan waxaan weydiiyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Waxaa
uu iigu jawaabay:-
" Kacaanku waa ku tala jiray inuu
isbedel ku sameeyo Diinta Islaamka. Waayo dawlad Shuuci ah ayuu ahaa. Waxaa taas
daliil u ah nidaamkii Xeerka Qoyska ee uu qaatay. Kaasoo ka horimanayey Diinta
Islaamka. Ku dhawaaqistiisu waxay muujinaysay kacaanku dagaalkii uu kula jiray
Diinta. "
Shiikha ayaan mar kale wax ka weydiiyey qaadashadii Hantiwadaaga iyo
waxa uu ka xasuusto. Waxaa uu ii sheegay sida wax u dhaceen markii la
qaadanayey Hantiwadaaga, waxaana uu yiri:-
" 1970-kii
Bishii Oktoobar ayey ahayd maruu Maxamed Siyaad Barre khudbad ka jeedinayey
halka loo yaqaanay Daljirka Dahsoon. Waxaan aniga iyo nin saxiibkay ahaa Shiikh
Yuusuf Aden ka soo lugaynay Taree Biyaano. Ma haysan lacag aan Tagsi ku soo
raacno. Niman dhalinyaro ah ayaan ahayn. Lug ayaan ku nimid anagoo danaynayna
hadalka Madaxweynuhu jeedinayo. "
Waxaan weydiiyey muxuu Madaxweyne Siyaad sheegay maalintaas?
" Khudbadii Madaxweynaha waxaa ka mid ahayd. Waxaan qaadanay Mabda’a
Hantiwadaaga. ".
Madaxweynuhu waxaa kaloo hadalkiisii ku daray ayuu yiri:-
" Waa la isweydiin karaa xagee ka soo qaadanay Hantiwadaaga?
Waa isu jawaabay Madaxweynuhu oo yiri:-
"
Waxaan ka soo qaadanay Diinta Islaamka. "
Waa sii watay hadalkiisii, Shiikh Cabdulqaadir si fiican ayuu ii eegay.
Siyaad Barre waxaa uu yiri;-
" Waxaa Nabigii iga soo
gaartay raali allaha ka noqdee. Ma oran salaalahu calayihi wa salam. Iyadoo
duulan la yahay inuu dadka isugu daray saadkii (sahaydii). "
Muxuu kaloo ku daray khudbadiisa ayaan weydiiyey wadaadka?
" Yaa u sharixi kara dadweynaha mabda’a Hantiwadaaga ee la qaatay ayuu
Madaxweyne Siyaad Barre weydiiyey dadkii Khudbadiisa dhegeysanayey?. Aan
idiin sheego ee waxaa u sharixi kara nin aqoon yahan ah,nin wadaad ah oo
si fiican u bartay Diinta. Wadaad xume meel ugama fura. Wadaad xume
waxaan ugu yeeray. Ninka Diinta intuu wax ka bartay oran doona
Hantiwadaaga iyo Islaamku isma waafaqsana.”
Kacaanka Oktoobar ayaa Sanad guuradiisii Koowaad ee ku beegnayd 21
Oktoobat 1970-kii waxaa uu gudoonsaday ku dhawaaqida iyo qaadista tubta
Hantiwadaaga oo lagu jiheeyo dadweynaha Soomaaliyeed. Go’aanka ayaa ahaa
bud-dhigida isbedelka dhinac walba ee lagu doonayey in bulshadada
Soomaalida looga raro habdhaqankoodii hore iyadoo loo sahminayo
habdhaqan ka duwan midkay horay u lahaayeen.
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Marka dib loo yara milicsado taariikhd waxay Soomaalida ahaayeen
weligood bulsho diinta aaminsanaanteedu aad ugu fogtahay. Halgankii
Daraawiishta1 ee uu hogaamiyaha ka ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo
ahaa Dariiqada Saalixiyada ayaa la oran karay waxaa uu salka ku hayey
diidmo dadka Soomaalidu gebi ahaanba diideen waxaa ka soo horjeeda
diintooda, sharaftooda, dhaqankooda,uguna babacdhigeen quwado awood
ahaan aad uga xoogweynaa xilligaas. Iyagoo halgan kula jiray
gumaystayaal fara badan Sanadkii 1900 ilaa 1921-kii.
Sidoo kale waxaa
marar badan soo shaac baxay wadaado Soomaaliyeed oo daacad u ahaa
diintooda sida Shiikh Bashiir iyo Wadadadka Shiikh Xasan Barsane oo ahaa
Dariiqada Axmadiya ayaa la dagaalmay, kana soo horjeestay Gumaysiga.
Gobolka Shabellada Dhexe Feb ilaa Aprile Sanadkii 1924-kii. Kuwaas si
bareer ah uga horyimid gumaysigii Soomaaliya haystay. Halka la sheego
Shiikhyo badan inay xiriir hoose la lahaaayeen gumaysigaas iyo weliba
inay gunooyin lacag ah ka qaadan jireen.
Waxaa dadka taariikhda Soomaaliya ka hadlaa weriyaan marka la soo qaado
salafiytiinta Soomaaliya in Qarnigii 19-aad ay jireen rag ay ugu
horeeyeen Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-Khayre oo ku magac dheeraa Xaaji
Cali Majeerteen iyo Shiikh Xasan Ibraahim Yabarow. Laakiin Suufiyadda
ayaa waqtigaas ka xoog badnayd Salafiyiinta. Waxaase jirtay inay dad
door ah ka aflaxeen dugsiyada Shiikhyadan iyo weliba inay qabteen hawlo
badan oo dib u heshiisiin ah. Colaado u dhexeeyey qabiilooyinka oo ay
xaliyeen. Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka
diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba
waxaa markii ugu horeeyey qeexay Iimaam Shamsudiin Al-Dahabi oo ka mid
ahaa culimadda Shaafiiyadda, kuna dhashay Dimishiq 637 Hijriyada kaasoo
geeriyooday 748-dii Hijriyada. Waxaa uu ku macneeyey Salafiyada2:-
" U noqosho dhaqankii ay lahaayeen Saxaabadii Rasuulka iyo labadii jiil
ee ka dambeeyey. Asalka Salafiyada waa in diinta islaamka laga qabsadaa
Kitaabka iyo Axaadiista, Axkaamtana laga qaataa Kitaabka iyo Xadiiska
saxiixa ah. " Waxaa xilliyadii dambe Soomaaliya la oran karay waxaa
nooleeyey fikirka Salafinimadda Shiikh Nuur Cali Colow.
Suufinimadda3:-
"
Waxay ka kooban tahay qaybo dariiqooyinka ka mid ah oo ku caan baxay inay
akhriyaan digri waqtiyo oo kala duwan,hadba qolo walba siduu Shiikhoodu ugu
tilmaamo si ay u gaaraan martabad sare ee xagga ruuxda darajo ay u yaqaanaan
Al-awliyaa amaba awliyonimo. Sideedaba Suufiyadu ma ahan dariiqo gaar ah ama
diin gaar ah amaba mad-hab gaar ah ee waa dariiqo qofku u marayo siduu Ilaahay
ugu dhowaan lahaa sida suufiyiintu aaminsan yihiin. Waa la Isku khilaafaa Ahlu
Suufinimadda. Dadka qaar ayaa ku sheega inay ka soo jeeday koox muslim ah oo
Masjidka Nebiga ag joogtay. Ninka lagu magacabo Ibni Jawsi Kitaabkiisa Tablis
Ibliis waxaa uu ku sheegaa Suufiyiintu inay ka soo jeedeen Sufa Ibna Mara ninkan
oo hooyadii nidar ku gashay inay suridoonto tiirka Kabcada markay dhasho ka dib
si uu ugu go’o diinta. Markaas ayaa loo bixiyey Sufi. Waxaa kaloo la sheegaa
inuu Sufi macna ahaan ka soo jeedo eray Giriig ah oo la macna ah Falsafa. "
Xigasho.
- 1- Taariikhdii Darawiishta. Qoraa Aw-Jaamac Cumar Ciise.
- 2- 3 Fasiraadahan waxaa laga soo dheegtay Internetka
Akhri... Qaybta 2aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....