Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.5aad
(Siraha Qarsoon )
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Koowaad.
Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qormadda Shanaad.
Dr.Cabdiqasim Salaad Xasan10 oo ka hadlayey wixii
Soomaaliya ka dhacay 1975-tii. Ayaa Sanadkii1995-tii bandhig siyaasadeed
ka jeediyey Waqooyiga magaaladda Muqdisha. Xubnaha soo qabanqaabinayey
kulankaasna waxaa ka mid ahaa Ustaad Cabdiraxmaan Baadiyow oo sida cajaladda aan
ka dhigaystay isagu hadalka ku soo dhoweeyey Dr.Cabdiqaasim Salaad ayaa waxaa
hadalkiisii ka mid ahaa :-
" Nidaamkii Xeerka Qoyska iyo SinaantaRragga iyo Dumarka rag la yaqaan ayaa
ka danbeeyay, Weyrax iyo Maxamed Aden xataa Gollihii Sare ee Kacaanka waxaa
loogu sheegay jaranjaradii ex -stadium cones"
Silsiladdii bandhig siyaasadeedkiisaa ka hadlayey xogta dilkii wadaadada
iyo xeerkii kacaanka ee sinaanta ragga iyo dumarka Cabdiqaasim Salaad waxaa uu
sheekadiisa uu ku kordhiyay.
" Maalin jimce ah ayay wadaadadu ka ridiyeen masaajidyada sinaanta raga iyo
dumark. Iyadoo Maxamed Siyaad ku maqnaa magaaladda Baraawe oo uu kormeer ku
tegey maalintaas. Galabtii markii uu ku soo noqday Muqdisho ayaa Janan.
Cabdullaahi Shiikh Maxamuud (Matukade) u sheegay Maxamed Siyaad in niman wadaada
ahi haystaan magaaladda Muqdisho. Kaliya waxaa ku fillaa in uu masaajidada
makarafoonada ka gooyo si aan hadalkooda loo maqal"
Xogagaal ka warhayey arrimahaas Xeerka Qoyska kase gaabsaday in magaciisa
la sheego ayaa ii sheegay sidan:-
‘’ Sanadkii 1971-kii ayaa la bilaabay u ololaynta Xeerka Qoyska, waxaa
jiray guddi ka koobnaa dhowr xubnood oo ay ka mid ahaayeen Weyrax, Maxamed Adan
Shiikh , dhowr gabdhood.. Sharciga Xeerka Qoysku diyaar ayuu ahaa. Waxaase
diiday oo mudo hortaagnaa oo warwareejinayey Wasiirkii Caddaaladda Shiikh
Cabdiqani Shiikh Maxamed oo diidanaa inuu saxiixo. Waayo marka Wasiirku soo
saxiixo ayaa Madaxweynaha loo gudbin jiray oo uu markaas ka dib Saxiixi jiray,
Faafinta Rasmiga ah ee dawladana lagu soo saari jiray. hase yeeshee intii ka
dambaysay Maarso 1974-tii ayaa dardar la geliyey kolkii ay soo dhowaatay
sanadkii loogu magic daray Haweenka Aduunka ee 1975-tii.’’
Waxaan weydiiyey. Wasiirkee Saxiixay ka hor intaanu Madaxweyne Maxamed
Siyaad saxiixin Xeerkii Qoyska ?
‘’ Wasiirkii Cadaaladda ee waqtigaas. Cabdisalaan Shiikh Xuseen. Lix
bilood ka hor dhaqan gelintiisii oo ku beegnayd 11 Jan 1975-tii.’’
Siyaasiyiin xogagaal ahayd ayaa leh waxaa Golihii Sare ee kacaanka qaarkood
loogu sheegay jaranjaradii Stadium Conis.maxaa ka jira arrintaas?
‘’ Waxaba kama jiraan arrintaas . waa la ogaa mudo dheer inuu diyaar ahaa
Xeerka Qoysku, waana la sugayey in lagu dhawaaqo. Ma aqaan dadka sidaas leh
halka ay ka keeneen.’’
Dr.Maxamed Yuusuf Weyrax ayaan wax ka weydiiyey waxaa uu ka ogaa Xeerka
Qoyska . Waxaa uu igu yiri:-
‘’ Qof kasta oo Soomaali ahi si ayuu wax u sheegaa. Xilligaas aniga iyo
Maxamed Adan iyo Kiimkoba kama aanan mid ahayn xukuumaddii jirtay oo dibadda
ayaan ka joognay. Waa ayaamahaas la dilayo Wadaadada. Maxamed Siyaad xoogaa
siyaasadayda ayaa maalmahaas is jiirsanayn, ma ahaan inaan ku leeyahay lama soo
shaqayn. Waxaanse kuu sheegayaa inaanu jirin qof siyaasadda ama dawladda ku
jiray ee joogay Soomaaliya xilligii Kacaanka oo ka hor iman karay Jalle Siyaad.
Raga qaarkii ee taariikhda ka been sheegaa waxay ahaayeen kuwa ugu dhow-dhow oo
Jaalle Siyaad dadka ku diri jiray amaba talooyinka xun siin jiray. Kuwaas oo aan
awood u lahayn inay waxay aaminsan yihiin sheegaan. Adeer waxaan ku weydiinayaa
waxyaabihii Soomaaliya ka dhacay ma Maxamed Siyaad kaligiis ayaa Sameeyey?
Su’aal aan ka fogayn su’aalihii hore ayaan waxaan ku weydiiyey magaaladda
Garowe Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn. Waxaa uu iigu jawaabay;-
‘’ Waxaa uu ahaa Xeerka Qoysku arrin soo taxnayd ilaa iyo Sanadkii
1972-dii. Waxaa uu lahaa guddi. Markasta waxaa madax u noqon jiray Wasiirka
Cadaaladda. Waxaa ka mid ahaa afar qof oo aad u firfircoonaa Dr.Maxamed Aden
Shiikh, Dr.Maxamed Yuusuf Weyrax, Drsa.Nuurta Xaaji Xasan, Drsa.Faadumo Axmed
Caalin (Cureeji). Kuwan oo mar kasta dhinaca Madaxweynaha u janjeeray. Runtii
gudigii hawsha loo diray waxay soo diyaariyeen nidaam waafaqsan diinta Islaamka.
Way wada saxiixeen. Maxaase dhacay? Kolkii loo geeyey Maxamed Siyaad waa diiday
gebi ahaantiisab. Afarta qof ee firfircoona waxay bedeleen nidaamkii lagu
heshiiyey ee gudigu soo bandhigay. Waxay ku bedeleen waxay Soomaaliyo dhami
diiday ee ka hor imanayey diinta Islaamka ee lagu sheegay Xeerka Qoyska. Oo lagu
sheegay dadka in Ragga iyo Dumarku inay siman yihiin.’’
Waxaan weydiiye ma saxiixay Wasiirkii Hore ee Cadaaladda Dr.Cabdisalaan
Shiikh Xuseen Xeerka Qoyska ?
‘’ Haa. Waa saxiixay. Lix bilood ka hor. Waxaa uu saxiixay nidaamkii ay
gudigu wada saxiixeen ee aan ka hor imanayn Xeerka Qoyska ee Diinta Islaamka ahi
ogoshahay.”
Xeerka qoyska ee dambe ayaa saxiixay?
‘’ Waa lagu been abuurtay. Saxiixoodii hore ayaa la isticmaalay.afartaas
qof ayaa Maxamed Siyaad u isticmaalay fullinta qorshahiisa.’’
Hadal uu siiyey weriye Yuusuf Xasan Macallin oo ka tirsanaa BBC-da Sanadkii
2002-dii Gen.Axmed Jilicoow oo ka mid ahaan jiray saraakiisha Nabadsugidii
kacaanka ragga ugu caansanaa. Ayaa waxa uu hadalkiisaas ku sharaxay sidii
sharci daradda ahayd ee loogu soo oogay dacwadda wadadaaas. Oo uu sheegay inay
ahayd wax ka fog cadaaladda iyo weliba baaristii Xeer Ilaalintii Maxkamadda
Badbaadada oo aan u hayn wadaadadaas cadaymo ku filan oo lagu ciqaabi karo
dil..
10-kii wadaad ee ay naftoodii galaafatay xeerkii qoyska ee sinaanta raga
dumarka ayaa shacabkii Soomaaliyeed u aqoonsadeen Shuhadaa naftood hurayaal ah
oo diintooda darteed u god galay. Waxaa soo ifbaxay guux ay horseed u
ahaayeen dhalinyaro wadaado ah wax ku soo bartay wadamda Carabta oo ka
faa’iidaystay khaladaadkii dawaladii kacaanka ahayd ka gashay diinta islaamaka.
Wadaadan oo iyagu ku dhaqaaqay inay gundhigaan kobcinta rayiga dadweynaha
caadiga ah si loo helo kaadir islaamiyiin ah oo dardargeliya qorshayaasha
horyaalay.
Waxaan weydiiyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ah xeel dheere diimeed
wax badan ka og xaaladda dhabta ah ee uu soo maray baraaruga Islaamka inuu
Kacaanka Oktoobar helay Wadaado ama Culli’mo si diini ah ugu taageerta
fikirkiisa Sinaanta Raga iyo Dumarka ayaa ii cadeeyey in kacaanku ku fashilmay
isku daygiisaas ahaa inuu helo qayb Wadaada ka mid ah qaybtay doonaa ha
ahaadaane. Ma helin kacaanku hal Wadaad oo qur ah oo si bareer ah arrinkaas u
taageera.
Sirta qarsoon ee ka dambaysay qorshahii Xeerka Qoyska ayaa xogogaalo
waqtigaa ka mid ahaa dawladii Kacaanka ahayd waxay ku sheegaan hardan
siyaasadeed oo ka dhex jiray xubnaha wax ku lahaa go’aankaas dawlada. Waxaa
intaa lagu daraa inay Hantiwadaaga iyo qaadashadiisa ay ka dambeeyeen xubno aan
ka mid ahayn Gollahii Sare ee Kacaanka. Kuwaas oo kaga riixanayey awooddda xubno
aqoon lahaa oo waqtigii biloowga kacaanka ka mid noqday Gollihii Xoghayayaasha
la oran jiray ee kacaanka, una Janjeeray dhinaca reer galbeedka. Waxaa ka mid
ahaa Xasan Cali Mire, Cismaan Nuur Cali Qonof. Laakiin xubnaha Hantiwadaagu
madax maray waxay ka adkaan waayeen xubno yar oo dhinaca Carabnimadda u
dhowaa.
Arrinta ayaa cirka isku shareertay kolkii Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda
ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib uu ka dhex taagay Calankii Soomaaliya xarunta
Jaamacadda Carabta, Soomaaliyana ay xubin buuxda ka noqotay 14 Feb 1974-tii
Ururka Jaamacadda Carabta. Waxaa aad uga carooday raggii loogu yeeri jiray
garyarta ama Hantiwadaagiinta, waxayna bilaabeen inay maleegaan qorshe lagu
kala fogayn karo dawladii kacaanka ahayd iyo wadamadda Carabta. Waxay
Carabnimadda u arkayeen in Islaanimo ku daaban tahay. Raggaas oo kaashanaya
saxiibadoodii Midowga Soofiyati ayaa Madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre ka
dhaadhacsiiyey ku dhaqanka Xeerka Qoyska. Isagoo si ka fiirsasho la’aan iyo
aqoon la’aanba ah ku dhawaaqay nasakhida ayaado ka mid ah Kitaabka Qu’raanka
ee Kariimka ah.
Xigasho.
- 10- Cajaald Laga Soo Duubay Kulankaas.
Akhri... Qaybta 5aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....