Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.11aad
(Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Shanaad.
Ismuujintii Awoodda Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qormadda Kow iyo Tobnaad.
Kooxaha sida fog daacadda u ahaa Gen.MSMorgan ee ka
barbar dagaalamayey Islaamiyiinta waxay baneeyeen aagii ay difaaca uga jireen si
aanay u guulaysan Islaamiyiinta oo dagaal gacmaha la isula tegey kaga soo
horjeeday ciidamo lagu qiyaasay 3000 (saddex kun) oo dagaal yahan iyo in ka
badan 120 (boqoliyolabaatan)gawaarida tiknikada dagaalka ah. Iyadoo tiradda
Islaamiyiinta ee waqtigaa dagaalka ku jirtay lagu qiyaasay 500(shanboqol). Xooga
kale ee u harsanaa Al-itixadad waxaa laga dhigay kayd ciidan. Islaamiyiinta
dagaalka Araare ee agagaarka Jamaame waxaa hogaaminayey Col.Maxamuud
Ciise(AbuuMuxsin), Ibraahim Afgaani, Col.Cabdulqaadir Macallin, Col.Faarax Xasan
(Weji xun).

Fikirkii Gen.MSMorgan ee ahaa in la jebiyo kooxihii
islaamiyinta ka dagaalamay aagaas waa uu guulaystay. Waa laga gacan sareeyey
Islaamiyiintii Al-itixaad. Waxaa dagaalkii Araare kaga geeriyooday Al-itixaad
inta u dhexeysa Konton ilaa Lixdan dagaal-yahan,waxaana kaga dhaawacmay inta u
dhexeysa 110 ilaa120 dagaalyahan. Sidoo kale waxaa USC-da soo gaaray dhimasho
iyo dhaawac intaas ka fara badan. Waxaan dagaalkaas Gen.MFCaydiid uga hooseeyey
hogaamintiisa Col.Cabdi Qaybdiid oo ah ninka inta badan geystay tacdiyadii ay
galeen maleeshuiyaadkii USC-da ee ka dagaal galay Jubadda Hoose..
Waxaa la arkayey inuu jiro qorshe midaysan oo ay qabeen
hogaamiyayashii dagaalka sokeeyey ee Soomaaliya horkacayey. Iyagoo ka soo wada
horjeeday kooxaha Islaamiyiinta ah. Gen.MFCaydiid iyo maleeshiyaadkii uu
hogaaminayey waxay Kismaayo soo galeen 25Aprile 1991-dii. Iyagoo soo jiiray
difaacii dagaalyahanadii Al-itixaad oo dagaalka ay uga bexeen qabiilooyinkii ka
feer diriraayey ee la haybta ahaa.
Soo gelitaankii USC-da ee Kismaayo. wax yar ka hor waxaa
dekeda Kismaayo ka furtay Markab lagu magacaabi jiray M/V Kuanda. Kaas oo u
raraa hay’adda ICRC-da. Waxaa Markabkaas xoog ku kaxaystay dagaalyahanadii
Al-itixaad ee gacanta ku hayey Dekedda. Waxaa Markabka ka raacay Kismaayo ilaa
600(lix boqol) qof oo u badnaa Al-itixaad iyo taageerayaashooda. Waxay
Al-itixaad ku rarteen Markabkaas hubkoodii intiisii badnayd. Iyagoo hubkaas kala
degey Markabka kolkii uu gaaray Raas-Kambooni.
Dhamaan ragii saaraa M/V Kuanda waxaa loo dejiyey xeebta
Ras-Kambooni. Iyadoo lagu wargeliyey si khiyaama ah in Markabku ciladaysan
yahay. Waxaa loo abaabulay si koox koox ah. Iyadoo qaar loo diray inay qoryaha
wax lagu karsanayo soo guraan. Hawlaha socda iyo in Markabku tegeyo Al-itixaad
waa ay la socdeen. Keliya hadafkooda ayaa ahaa inay helaan rag dagaalama oo la
mabda noqda. Sidaas ayuu ku ambabaxay M/V Kuanda iyadoo aan laga warhayn. Weli
dadkii Markabkaas raacay waxay ka sheekeeyaan tacadigii dagaalyahanadda
Al-itixaad kula kaceen dadkii saraa Markabkaas.
Ras-Kambooni ayaa noqotay saldhiga ay isku urursadaa
xoogagii Islaamiyiintu ee ka soo jabay Kismaayo. Iyadoo si dhaqso ah qaab ciidan
isugu habeeyey. Waxaa jiray dagaalyahano ka tirsanaa Al-itixaad oo dhaawac ahaa
iyagoo doon loogu qaaday Boosaaso. Waxaa Doon lagu magacaabi jiray
Nabiyuu-Bismilaaha keentay 24 Aprile 1991-kii dhaawicii Islaamiyiinta dekadda
magaaladda Boosaaso .
Run ahaantii dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu shaki
soo kala dhex geliyey kooxaha Islaamiyiinta oo u kala miirmay si muuqata
qabiilooyinkii ay ka soo jeedeen. Waxaa soo shaac baxay kala qaybsanaatoodaa.
Iyadoo kooxiba kooxda kale ku eedaysay inay xadgudub sameeyeen ku aadanaa
dhinaca mowaaqifa ahayd inay dhex ka noqdaan dagaalka qabiilooyinka u dhexeeyey.
Waxaa intaas barbar socotay barabugaanda dagaal oogayaashu ku hayeen inay
Soomaaliya ka soo shaac baxo fakir kale oo ka duwan tan ay aaminsan yihiin ee
ahayd in Soomaalidu qabiil qabiil u kala haysataan.
Magaalada Muqdisho ayaa tageerayaasha USC-du waxay
Islaamiyiinta u arkayeen inay yihiin kuwa u adeegay qabiil iyaga cadow u ah.
Waxaa maalmahaas caan noqotay kooxaha Islaamiyiinta ah oo qabiil qabiil
ciidamo u samaysanaya. Halkay waqtigii hore ka ahayeen kuwa isku duuban oo mid
ah. Dagaalkii Araare waxaa keliye ee laga bartay ayaa ahayd sida fudud ee
kooxaha Islaamiyiinta ah u degdegaan iyagoon qorshaynsan istaraatijiyad ay u
dhan yihiin. Waxaa kaloo Al-itixaad lagu amaanaa sida geesinimadda lahayd ee ay
dagaalka uga qayb qaataan goobaha la iskaga horyimaado.
Islaamiyiinta ayaa iyagu ka gilgisha hadaladda siyaasad
ahaan lagu durayo amaba iyaga lagu dhaleecaynayo afkaartooda. Dagaalkii ka
dhacay Araare Islaamiyiinta ku abtirsadda qabiilka Daaroodka ayaa la yiraahdaa
inay si qabiilinimo ah dagaalkaas uga horyimaadeen maleeshiyadii USC-dii
Gen.MFCaydiid oo baacsanayeey ciidamadii qabiilka Daaroodka ee sida awooda ah ku
tegey daafaha magaaladda Muqdisho. Iyagoo qarka u saaraa inay qabsadaan
caasimadda Soomaaliya Muqdisho.
Su’aal la isweydiin karo ayey noqotay. Maxay
Islaamiyiinta Kismaayo ku sugnaa u hor istaagi waayeen ciidamadda Daaroodka ee
duulaanka ku soo ahaa Muqdisho iyo beelaha Hawiye? Maxay labadda ciidan ee
dagaalamayey u kala dhex geliwaayeen?
Xubno aan ka soo jeedin Islaamiyiinta Daaroodka oo aan
arrimahan wax ka weydiiyey ayaa sheegay in dagaalkii Araare loo wada dhamaa.
Marka laga eeggo xagga qabiilooyinka Soomaalida iyo unugyadda ay ka koobnaayeen
xooggaga Islaamiyiintu. Inkastoo ay si balaaran u shaacday in Islaamiyiintu
fikirka qabiilku soo kala dhexgalay.
Mid ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta oo ku sugnaa
Boosaaso ayaan weydiiyey waxa ka jira in qaab qabiil Islaamiyiintu u kala
qaybsameen dagaalkii 1991-kii ka dhacay Araare? Wuxuuna iigu jawaabay
’’Arrintaasi sax ma ahan, qabiil qabiilna
Islaamiyiintu uma kala qaybsamin.’’
Waxase jiray ayuu yiri
’’ In lagu degdegay in la galo dagaalkii Araare
xilligaas’’.
Ibraahim Afqaani ayaa si kale, isna u dhigay dagaalkii
Araare. Mar uu tegey Sanadkii 1991-kii magaaladda Nairobi ee Kenya. Isagoo
sheegay in fikir ahaan lagu kala qaybsanaa dagaalkii Araare, ayna jirtay
sinbiriirixasho qabiil ee dhinaca dagaalkaas sida loo maamulay. Waxaa xusid
mudan in Ibraahim Afqaani uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii dagaalkaas ka dhacay
Araare ee Islaamiyiinta iyo maleeshiyadii Gen.MFCaydiid iskaga horyimaadeen
goobtaas.
Dadaal ayaa jiray ay Islaamiyiintii u badnaa ururka
Al-itixaad ku hawlanaayeen. kuwaas oo ku wajahnaa sidii mar kale loo midayn
lahaa xoogga Islaamiyiinta, meeshana looga saari lahaa kala shakiga soo galay,
loona dhayi lahaa diiftii uu reebay dagaalkii Araare. Taas oo keentay tuhma ah
in qabiil qabiil loo kala qaybsamo. Wadaada doorka ku lahaa xilligaas waxaa ka
mid ahaa Sheekh Xasan Dahir oo isagu si furan u sheegay in laga haboon yahay in
la kala qaybsamo, wadar jirkuna uu yahay guusha dhabta ah ee Islaamiyiinta.
Wafdiyo ayaa Islaamiyiintu u kala direen degaanadda
Jubadda Hoose iyo Waqooyi Bari si is faham loo dhaliyo, ergooyinkaasina waxay
soo hooyeen guul ah in mar kale la mideeyo Islaamiyiinta. Waxaa la qaatay
go’aan ah in la xoojiyo awooda goboladda Waqooyi Bari ku leeyihiin
Islaamiyiinta maadaama degaan kaasi yahay halka isku xiri karta Konfurta iyo
Waqooyiga Soomaaliya, kuna dhow magaaladda Burco oo xudun u ahayd hogaanka
sare ururka Al- itixaad .
Waqtigaas waxaa hoosta laga xariiqay xoogaga ku jira
mucaskarka Raas Kambooni in loo soo raro magaaladda Boosaaso. Maadama
magaaladaasi tahay magaalo istaraatijiya oo ku dhow gacanka Carabta, buuralayda
gollis. isla markaas si toos ah xiriir loogagala samayn karo wadamadda kulaalaya
Soomaaliya. Ee islaamka iyo carabtaba ah.
Xoogagii Islaamiyiinta ayaa afar bilood ka dib waxay ka
soo guureen Ras-kamboni Bishii Agosto1991-kii. Iyagoo soo degey Dhoobley.
Taladooda guud ayaa ahayd Islaamiyiinta in dhica goboladda Bari la soo aado.
Halkaas waxaa kaga haray Shiikh Xasan Turki oo diiday inuu soo kicitimo
Goboladda Waqooyi Bari. Waxaa uu si toos ah uga amar diiday hogaanka sare ee
Al-itixaad. Isaga iyo ciidama taabcsanaa waxay kaga hareen Dhoobley xoogagii u
soo guuray Bari. Waxaa kaloo taladaas ku raacay Cabdiraxman Maxamed Jabriil oo u
sheegay Al-itixaad inaanay ka soo faa’iidayn aaditaankooda Bari. Waxaa uu ku
adkaystay Shiikh Cabdiraxmaan in lagu negaado degaanadda Jubooyinka .
Siyaasad ahaan ayaa waxaa la arkayey xilligaas doorka
sii xoogaysanayey ee Islaamiyiinta dhinaca siyaasadda, kobocooda awoodeed iyo
hanka hogaamineed ee ay qabaan inay Soomaaliya ku hantaan. Inksatooy jirtay
aragti feejigan oo ka imanaysay raga u hanqal taagayey inay gacanta ku dhigaan
awooda hogaameneed ee Soomaaliya. Iyadoo raggaasi aalladda ay siyaasadooda u
isticmaalayeen ahayd qabiilka oo inta badan dadka Soomaalida ahi u nugul yihiin
habar isu wacasho markay timaado. Taas ayaa badiyaa meesha ka saartay in
Soomaalidu yeelado hadaf iyo waxay si nuxur ah u aaminsan yihiin, mana lahan waa
Soomaaliduye’ asaas siyaasadeed oo ku salaysan axsaab la aaminsan yahay,
khibraddan ayaana laga helay waqtigii Sagaalka Sanadood ahaa ee dawladii
rayadka ahayd..
Tusaale ahaan marka axsaabta mucaaradka xubnaha ku soo
gala barlamaankii Lixdamaadkii doorashadda xilligaas. Ayaa markay ku fariistaan
kursiga barlamaanimo. Gadaal u eegi jirin bulashadii soo dooratay ee uu
codkooda wax ku helay, waxaana uu si fudud ugu biiri jiray xisbiga S.Y.L. oo
ahaa kan ugu weyn ee dawladaas hogaamin jiray. Xaqiiqooyinka laga dhaxlayaa ayaa
inoo marag furay sida Soomaalidu uga fog tahay mabda’ la aamino. Balse
Islaamiyiintu waxay ay noqdeen kuwii ugu horeeyey ee Soomalida qaraniga
labaatanaad ee si dhab ah u aamina waxay aamin san yihiin oo ah in diintu tahay
siyaasad sharci, aqoon laguna maamuli karo dadka Soomalaiyeed iyagoo
cuskanaya waxaa loogu yeero islaami siyaasi.
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....