Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.2aad
(Siraha Qarsoon )
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Koowaad.
Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qormadda Labaad.
Halgankii Xornima doonka Soomaaliyeed ee xoogaystay
dagaalkii labaad ee dunida kadib ayaan ka marnayn dhaqdhaqaa Islaanimo. Sanadkii
1952-dii ayaa ururkii Rabida Al Islaamiya ee uu hogaaminayey Shariif Mara Cadde
laga dareemay inuu sansaan Islaamiyiin lahaa. Waxaase jirtay inuu ahaa ururkaasi
mid Wadaniyad Carabeed huwan. Taas ayaa markii dambe dibadda u soo baxday kolkuu
Shariif Maracadde si bareer ah u taageeray afkaartii Jamaal Cabdinasir
hogaamiyihii Wadanka Masar ee caanka ahaa, sida adagna ula dagaalamay
dhaqdhaqaaqii Ikhwaanu Muslimiinka Masar.
Sanadkii 1967–dii ayaa waxaa dibada isa soo dhigay
Jamciyad la oran jiray Al- nahda oo ay horseed ka ahaayeen dhalinyaro wax ku soo
baratay wadanka Masar iyo Sacuudiga, ayna ka mid ahaa Shiikh Cabdiqani Shiikh
Maxamed iyo Sheikh Maxmed Garyare iyo Shariif Calawi oo ku xiraa ururkii
Ikhwaanu muslimiinta Masar. Iyo sheikh Maxamed Macalin Ilaahay ha u naxariiste
oo isagu Masar ka soo noqday. Waxaa sal u ahaa dhaq-dhaqaaqaas Islaamiga ah ee
Soomaaliya ka hanaqaadayey Maktabad lagu iibiyo kutubta diiniga ah ee la
jaanqaadaysay xarakada guud ee Islaamiyiinta. Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed
kolkuu uu tegey Kuweyt dabayaqadii lixdamaadkii waxaa uu la kulmay raga ugu
waaweynaa Ikhwaanka wadanka Kuweyt oo uu ka mid ahaa Yuusuf Xija iyo Cabdalla
Mudawac. Kutubta maktabadaas lagu iibinayey waxay u badnaayeen kuwa ay qoreen
raga hormuudka u ahaa Ikhwaanka. Maktabadaas ayaa ahayd halka loo soo mariyo
shacabka Soomaaliyeed aqoonta diinta ee baraarugsan. Waxaa kaloo jiray xarraka
Islaamiya oo la oran jiray Itixaad Al-shabaab Muslim, ayna asaasayaal ka
ahaayeen Shiikh Cabdikariim Xirsi iyo Sheikh Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud,kana
mid noqtay biloowga asaaska Islaamiyiinta Soomaaliya.
Ururkii Ansaarul Sunna Al-Muxamadiya waxaa madax u ahaa
Shiikh Nuur Cali Colow (Nasurdiin) waxa uu xanbaarsanaa fikirka salafiyadda.
Gabyaagii caanka ahaa ee Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa xilligii soo if baxeen
Islaamiyiintu kontomaadkii dabayaaqadiisii waxaa ka mid ahaa tixdan gabaygiisii
ahaa Yaw Garniqin Doona oo uu malaha markaas ula jeeday wadaadka Shiikh Nuur
Cali Coloow oo isagu afkaarta salafiyiinta la yimid wadanka:
- Muslinkii4 Gumaysiga ku jiray Garay Xumaantiiye
- Guhaad iyo wuxuu Wada qabaa Gayrashiyo ciil e’
- Gidigii islaamkii haduu Gees isugu Leexday iyo
- Gaaaladaynu Ogsoonahay yaw Garniqidoona
- Culumadii Gadaalkan waxaa Galay Khillafweyne
- Geyigana Dariiqooyin baa Goosan ku ahaaye
- Khaliifyadatan Guutadawata iyo Calanka Giirgiiran
- Iyo Gabanada soo Baxay Dhowaan yaw u Garniqi doona
Shiikh Nuur Cali Colow ayaa la oran karayaa sida dad
badani qabaan inuu ahaa horseedaha Salfiyiinta Soomaaliya ee Qarniga 20-aad.
Waxaa uu ahaa ninka bilaabay baraaruga Islaamka ee waalidka u noqday. Inkastoo
dhalinyaradda dambe aanay aqoon dururgsan u lahayn Shiikh Nuur. Waa lagu dhibay
oo lagu dhaleeceey fidinta afkaarta Salafiga ah ee Soomaaliya. Waqti dad yari
fahansanaayeen baraaruga Islaamka .
Shiikh Nuur Cali Colow ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii
Islaamiyiinta ahaa ee wax ku soo bartay Masar kuwoodii ugu horeeyey, kana soo
qalin jebiyey Jamacadda Al-Azhar, kuna takhasusay Shareecadda iyo Qaanuunka.
Isagoo Tafsiirka ka akhriyi jiray Masaajidka Marwaas ee ku dhowaa agagarka Baar
909 iyo suuqa Xamar weyne. Wuxuu inta badan ka hadli jiray oo dadku u sheegi
jiray arrimaha Towxiidka iyo in laga fogaado Shirkiga noocuu doono ha ahaadee.
Shiikh Nuur Cali Colow dhowr jeer ayaa xabsiga loo taxaabay. iyadoo loo arkayey
inuu ka mid yahay wadaadada asalka u ahaa dacwadda Islaamka ee shacabka
Soomaalida lagu baraarujinayo diintooda.
Curashadii kacaankii Oktoobar ayaa gebi ahaanba waxaa la
mamnuucay axsaabtii siyaasadeed ee wadanka ka jirtay. Kuwaas oo kor u dhaafayey
in ka badan 80 (sideetan) xisbi. Dhaq-dhaaqayadda Islaamiyiintu waxay ka mid
noqdeen axsaabtaas irridaha loo laabay. Waaga cusub ee Soomaaliya u beryay kama
muuqan farax ay Islaamiyiintu ku farxaan isbedelkaas askartu samaysay ee ay
awooda dalka ku maroorsadeen. Waxaa biloowgii Kacaankaas jiray fursad aad u yar
oo ay Islaamiyiintu kaga faa’iidaysteen. Taas ayaan sababtay in Shiekh
Cabdulqani Sheikh Maxamed loo magacaabo Wasiirkii Caddalaad ee dawladaas
Kacaanka ahayd. Walow markii dambe ay isla jaanqaadi waayeen Islaamiyiinta iyo
Kacaankii Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan qaatay.
Shiikh Cabdulqadir Nuur Faarax ayaan weydiiyey sababta
Kacaanku ugu magacaabay jagooyin muhiim ah rag ka tirsanaa Islaamiyiinta?
’’ Kacaanka ayaa biloowgiisii la yimid fikrada ah Ayaa
taqaan in lagu bedelayo Maxaad taqaan Shiikh Cabdiqani Shiikh Mxamed iyo Shiikh
Maxamed Garyare ayaa ahaa niman aqoon u leh hawsha loo dhiibay iyo weliba
askarta afgembiga samaysay oo aan aqoon u lahayn hawshaas ay hayeen. Mar dambase
Kacaankii iyo iyagu waa ay isla soconwaayeen.’’
Sanadkii 1971-dii ayaa si qarsoodi ah waxay
Islaamiyiintu u asaaseen dhaqdhaqaaq lagu magacaabi jiray Al-ahli. Waxaa ka mid
ahaa ragii maskaxda u ahaa Shiikh Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud oo mar Kacaankii
Oktoobar xiray. Iyadoo xubnaha ugu cadcadaana ay ka mid ahaayeen Cabdiwaaxid
Xaashi, Cabdicasiis Faarax, Salaad Cabdulqaadir Aw-Muuse, Saciid Maxamud xaaji
iyo rag kaleba. Waxaa la oran karay asaasida Xarakadda Islaamiga ahayd ee
Al-Ahli waxay u muuqanaysay talaabo is miidaamin naf huridnimo ah. Waayo may
dhici karin in Kacaanka Oktoobar oo dardartiisii qabay waqtigaas laga dhex
abuuro Xarrakad Islaami ah oo ka soo horka jeeday afkaartii Kacaanka
Hantiwadaaga ahaa.
Al-ahli waxaa saldhig u ahaa Masjidkii
Cabdulqaadir(Maqaamka Cabdulqadir) magaaladda Muqdisho ee Ceelgaabta ku yiilay.
Waxaa halkaas inta badan mawaadiic Diini ah, Tafsiirka Quraanka iyo dacwad
Islaamiga ahba ka soo jeedin jiray Allaha u naxariistee Shiikh Maxamed Macalin
oo si geesinimo leh u waday ku baraarujinta Islaamka shacabka Soomaaliyeed.
Shiikh Maxamed Macallin wuxuu ka mid ahaa tiirirka
Islaamiyiinta Soomaaliya kuwooda ugu magaca weyn. Taasoo ilaa iyo maanta lagu
xusuusto. Isku celcelina waxaa Kacaankii Hantiwadaaga ahaa xiray 9 (sagaal)
jeer. Intii u dhexeysay 1976-dii ilaa 1982-dii waxaa uu ku xiraa Xabsigii aadka
u adkaa ee la oran jiray Labaatan Jirow iyo Laanta Buur. Marka la tiriyo mudadda
uu xabsi ku jirayna waxay noqonaysaa 11 Sano oo waqtiyo kala duwan ahaa.
Shiikh Maxamed Macallin tafsiirkii Quraanka ee uu ka
akhriyi jiray Masjidaka Shiikh Cabdulqaadir ee Muqdisha ayaa ahaa meel ay ku
xirnaayeen waqtigaas dhalinyaro baahi u qabay barashada diinta Islaamka.
Goobtaasi waxay ahayd meeshay ka bidhaamaysay Islaanimada xilli Soomaalidu ku
jaahwareersanayd Hantiwadaag Cilmiga ku Dhisanaa.
Sanadkii1972-dii ayaa Kacaankii Oktoobar wuxuu si buuxda
u gashaday kabihii Hantiwadaaga. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ii sheegay
in Madaxweyne Maxamed Siyaad cadeeyey inaan laba Hantiwadaag jirin. Waxaana uu
yiri:-
’’ Hantiwadaageenuna (Soomaalida) waa kan Cilmiga ku
dhisan ee Karl Mark iyo Lenin.’’
Sida rag qaarkiis ii weriyeen waxay maalinta hadalkaas uu
jeediyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahayd maalin Ciid ah.
Dr.Yuusuf Xirsi Axmed ayaa ku sheegay Buugiisii Xabsigaygii. In
kacaanku kolkuu bilowga ahaa qabanqaabiyey doodo furan oo looga hadlayey
Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisnaa (ScientificSocialisim)
.Talcliinta., Dhaqaalaha iyo siyaasaddaba Sanadkii 1974-tii Waxaa uu yiri:-
’’ Waxaa soo qabanqaabiyey doodo furnaa dawladii
kacaanka ahayd.Waxaa madax ka ahaa aqoonyahandaas doodaas hagayey Dr.Maxamad
Yuusf Weyrax oo ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed,isla markaana ahaa Wasiir
ka tirsanaa ukuumadii Kacaanka ahayd iyo rag kale oo siyaasiyiin ahaa.Habeenkii
dooda siyaasadda waxaa hagayey Gen.Axmed Saleebaan Dafle Taliyihii Ciidanka
Nabad Sugida (NSS-ta). Doodahan ayaa macnaha kacaanku uga gol lahaa ahayd in uu
ogaado fikirka aqoonyahanadda iyo siday ula jaanqaadayaan Kacaanka oo ku jiray
marxaladiisii uu karaarka badnayd.’’
Prof.Yuusuf Xirsi Axmed5 ayaa doodii Waxbarashada ee
kulan fikradeedkaas waxaa uu ka soo jeediyey inaanay shardi ahayn in qofku
meeshuu wax ku soo bartay fikirka laga haysto soo qaadanayo.Waxaa uu tusaale u
soo qaatay Karl Marx oo ku soo ababay dal Hantigoosad ah, kana soo jeeday
Yuuhuud oo lagu yaqaan lacag jacaylka. Inuu la yimid fikirka Shuuciyadda, kana
soo horjeedsaday fikirkii Hantigoosadka ee dalka Jarmalka loo dhaqmayey.
Hadalkii Prof.Yuusuf Xirsi (Ilaaha ha u naxariistee) ka
jeediyey doodii furayd ee aqoonyahanaddu is dhaafsanayeen ayaa kacaanyahanadii
waqtigaas aad u qaad-qaadeen. ’’Karl Marx hal abuurihii Shuuciyadda ayaa
Yuuhuudi lagu sheegay.’’ Kacaankii ayaa ka baqay in kacdoon dadweyne abuurmo.
Waayo Soomaalida ayaa ah dad aan Yuuhuuda Diin ahaan u jeclayn. Iyadoo kacaanku
dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqayey inay raacaan dhabada uu jeexay Karl Marx.
Waxaa hadalkii Dr.Yuusuf Xirsi ee ahaa Karl Marx inuu Yuhuudi ahaa dhibsaday
horboodayaashii kacaankii Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisnaa ilaa iyo Madaxweyne
Siyaad Barre. Taas oo sababtay in Prof.Yuusuf Xirsi lagu asteeyo shabadda
kacaandiidnimadda.
Xigasho.
- 4- Buugga Gabayada Cismaan Keenadiid ee uu Qoray Saciid
Cismaan.
- 5- Buugaygii Xabsigaygii oo uu Qoray Prof.Yuusuf Xirsi
Axmed.
Akhri... Qaybta 3aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....