SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.3aad

(Siraha Qarsoon )


W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

cobol319@gmail.com

Qormo Taxane ah...



Cutubka Koowaad.

Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Sadexaad.

11 Janaayo 1975-tii ayaa Kacaanka taageerayaashiis ugu yeeri jireen inuu barkaysnaa dhaqangeliyey xeer loogu magac daray Xeerka Qoyska (Sinaanta Ragga iyo Dumarka). Xeerkan oo si muuqata uga horimanayey kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo shareecadda islaamka. Halkaas ayaa la oran karaa waa goobta u noqotay bilowga kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya kacdoonkoodu ka abuurmeen. Waa halkay ka falagsantay isbedelka lagu doonayo hoggaan Islaamiya oo Soomaaliya ka curta .

Sanadkii 1952-dii ayaa wareegto ka soo baxaday maamulkii gumeysiga Talyaaniga ee xornimadda gaarsiinayey Konfurta Soomaaliya. Wareegtaas ayaa ka hadlaysay in dhamaan xeer Sharciyeed loo sameeyey lagu dhaqayo dalka Soomaaliya. Marka laga reebo xeerka Qoyska oo isaga lagu dhaqayo Kitaabka Manhajka ah. Waxaa ku dhaqaya Qaadi(Garsoore) Muslim ah oo yaqaan Shareecadda Islaamka. Iyadoo la asaasay Maxkamadaha Degmooyinka(DistricCourt )oo shareecada wax ku xukumaysa. Ma asyan xukumi kari Maxkamadahaasi wax ka badan 3000(Sadex Kun ) oo shillin. Waxaa sidaas ii cadeeyey Avv. Xuseen Cabdulle Codweyn.

Talyaanigu6 aad ayuu uga gaabsaday xeer u samaynta qoyska. Qaynuunadii kale oo dhan wuxuu u bedelay Koodishinaal (Codetional). Nikaax, Furiinka, Dhaxalka .Magaha waxaa uu u daayey Shareecadda Islaamka inay Soomaalidu isku xukunto.

Soomaaliya kolkay xornimadda qaadatay Sanadkii 1960-kii. Waxaa sharci ahaan la isticmaalayey nidaamkii Talyaanigu ka tegey. Hase ahaatee Sanadkii 1967-dii7 ayaa Barlamaankii xilligaas waxaa la hor geeyey mashruuc Qaynuun ahaa oo ku saabsanaa Xeerka Qoyska. Waxaa xeerkaas soo nidaaminayey Cullimo Masari iyo Soomaali isugu jirtay. Xeerkaasi waxaa loo soo dhisay Afarta Mad-habadood ee jira mid waliba meeshay uga dhegen tahay nidaamka qoyska. Waxaa la horgeeyey mashruucaas Barlamaankii. Way diideen,ma gudbin. Iyagoo ku diiday hadaanu nidaamka qaynuunka Qoysku noqonayn Fiqi Shaafici ah. Meeshaas ayuu ooli jiray ilaa 1969-kii oo wadanka inqilaab ka dhacay.).

 Madaxweynihii Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu ugu baaqay culimadii waqtigaas. Inaanay ka horiman go’aanka dawladiisa kacaanka ahayd qaadatay ee ku saabsanaa Xeerka Qoyska. Wadaadadu kama yeelin codsigiisaa, aad ayeyna uga gilgisheenXeerkaas.

Maalintii Axad ahayd ee 12 Janaayo 1975-tii Madaxweyne Siyaad Barre waxaa uu khudbad ka jeediyey Garoonkii Kubbadda Cagta ee (Stadium Conis). Waxaa uu si aad ah ugu hadlay waxayaabo la xiriira oo ay ka mid yihiin dhaxalka, furiinka iyo xuquuqda raga iyo dumarka ee Ilaahay jideeyey. Maalintaas waxay u ahayd hogaamiyihii Kacaankii Oktoobar Maxamed Siyaad maalintaariikhda u gashay.

Maalintii xigtay ee Isniinta ahayd 13 Janaayo 1975-tii waxaa uu hogaamiye Siyaad Barre la shiray Garsoorayaashii Maxkamadaha dalka oo ay ku jirtay Maxkamadii Badbaadada dalka la oran jiray. Waxaa uu si cad ugu sheegay dhaqan gelinta SharcigaXeerka Qoyska ee Kacaanku soo saaray in siduu yahay loogu dhaqmo. Iyadoon loo dhego raaricin Shiikhyada sida tooska ah uga horyimid xeerkan khilaafsan diinta islaamka. Sir doonka Kacaanka ayaa iyagu faafinayey in culimadda qaarkood ee diidanxeerka Kacaanku soo saaray inay gacan saar la leeyihiin ururo carbeedoo dib u socod ah isla markaan dhaqaale iyo tababaro ka hela wadamo Carbeed oo ay ka sheegeen Wadanka Sacuudiga oo keliya.

Maalmihii 15 Janaayo ilaa 17Janaayo waxaa jiray diidmo xooggan oo u dhexeysay cullimada diinta iyo kacaankii Oktoobar 

Maalinimadii Jimcaha8 ahayd ee 17 Janaayo 1975-tii ayaa waxaa Salaadii Jimcaha ka istaagay Masaajidka Cabdulqaadir. Allaha u naxariistee Shiikh Axmed Shiikh Maxamed oo gacanta ku haysta Wargayskii Xidigta Oktoobar oo lagu soo qoray Khudbadii Madaxweyne Maxamed Siyaad. Taasoo si toos ah uga horimanaysay Qur’aanka Kariimka ah iyo shareecadda islaamka. Ha ugu waaweeynaadaane arrimaha dhaxalka. Waxaa uu Shiikhu si geesinimo ah u sheegay inaanay suuragal ahayn in la aqbaloku xadgudubka diinta islaamka, culi’maddana ay waajib ku tahay inay hor istaagaana arrimahaa khatarta ah. Waxaa Shiikha ka daba hadlay culli’ma badan,kuna raacday talladda uu soo jeediyey.

 Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan wax ka weydiiyey xaaladda maalintaas. Waxaa uu ku dheeraaday geesinmadii Shiikh Axmed Shiikh Maxamed. Waxaa kaloo uu xusay Shiikh Muuse Yuusuf wadaad la oran jiray. Waxaa uu yiri :-

 ’’ Shiikh Muuse Yuusuf ayaa si bareer ah u yiri:- Ilaahow Ruush isku dhaqan ma nihin. Isku diin ma nihin ee si na kala dheh. Waxaa uu Shiikh Muuse maalintaas ka hadlayey Masaajid aan ahayn Masjidka Cabdulqaadir. Isagoo si weyn uga hor yimid Xeerka Sinaanta Ragga iyo Dumarka ee Kacaanku meel mariyey. Masjidka Cabdulqaadirwaxaa maalintaas Jimcaha ahayd Khudbadii ka dib gudaha u soo galay Ciidamadii Nabad Sugida iyo Booliska. Waahareereeyeen Masjidkii, korontadiina ka gooyeen. Waxay xabsiga u taxaabeen tiro badan oo dadkii Masjidka ku tukanayeey ka mid ahaa’’

Ciidamadda Nabad-sugida ayaa dadkii ay qabqabteen oo xabsiga u taxaabeen waxaa ka mid ahaa 35 ee culimadii diinta magaaladda Muqdisho ahaa. Iyadoo Idaacadda Radio Muqdisho ay baahinaysay hadalo lid ku ahaa dhaq-dhaqaaqa wadaadada oo iyagu keliya ku taagnaa waxay diintu ka qabto xeerka uu soo saaray Madaxweynuhu.

Xigasho.

  • 6- 7 Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn.
  • 8- Waraysigii Cabdulraxmaan Baadiyow ee Ogaalonline.com

Akhri... Qaybta 4aad....

mireW.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2008

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS