SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.4aad

(Siraha Qarsoon )


W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

cobol319@gmail.com

Qormo Taxane ah...



Cutubka Koowaad.

Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Afaraad.

Waxaa Maxkamadii Badbaadada la hor keenay 35-kii wadaad 18 ilaa 19 Janaayo 1975-tii, Wadaadada waxaa Qareen u doodayey u ahaa Axmed Cali salaax. Iyadoo uu ahaa Gudoomiyaha Xukunka Wadaada ku riday Gen.Maxamuud Geelle Yuusuf oo ahaa xubin ka tirsan Golihii Sare ee Kacaan, ahaana waqtigaas nin aan shahaado ku saabsan sharciga haysan, amaba aqoon u lahaa qaynuunka. Waxaa Xeer Ilaaliye ahaa Cismaan Maye oo si aan dhamaystirayn dacwada ugu soo oogay wadaada. Xataa gudaha maxkamada ma joogin markhaatiyaal ku filin oo ku marag furi kara wadaada la eedaynayey. Waxaa uuGen. Maxamuud Gelle Dil toogasha ah ugu xukumay wadaadadii kitaabka dartiis uga horyimid kacaanka in la nasakho ayaado ka mid ah ayaadaha ilaahay samad ka soo dejiyey waxana xukumkii Maxkamadaasi noqday sidatan :

Tobanka mid ahaa waxaa lagu xukumay dil toogasha ah.

1- Axmed Shiikh Maxamed. 2- Cali Xuseen Warsame, 3- Ciise Xasan Axmed, 4- Muuse Yusuf, 5 -Axmed Liibaan, 6- Maxamed Saciid Xirsi, 7- Cali Jaamac Muuse, 8- Aden Cali Muuse, 9- Cismaan Jaamac Maxamed, 10- Yasiin Cilmi Cawil

Lixkale waxaa lagu xukumay soddon sano.

 1-Adam nuur Cilmi Cali, 2-Maxamed Samantar Cali, 3-Cabdi Salaad Cabdulaahi, 4-Xirsi Xuseen, 5-Adam Cabdulaahi, 6-Xasan barre

Toddoba iyo toban waxaa lagu xukumaylabaatan sano.

 1-Axmed Maxamed cusman, 2-Cabdi Cali C/rahmaan, 3-Cabdi Cabdullahi, 4-Maxamed Maxamud Weheliye, 5-Axmed Cali Yusuf, 6-Shariif Maxamed Yusuf, 7-Cabdullahi Faarax Cigaal, 8-Xasan Cawaale, 9-Ismaaciil Xasan Aaden, 10- Maxamed Abdi, 11-Abuubakar Xasan,12-Cumar Sheekh Cali, 13-Cali Mursal Maxamed,14-Bashiir Sheekh Maxamed,15-Cabaas Muse Faarax, 16-Yacquub Maxamed Macallim, 17-Xasan Macallim C/rahmaan.

Maxkamadda Badbaadada ayaa ahayd mid aan wax Racfaan ah laga qaadan Karin, waxaana la asaasay 1971-kii iyadoo lagu xeeriyey jirintaankeedaas xeer 03 kaasoo soo baxay 10 Janaayo 1971-dii

Gen.Ismaaciil Axmed Ismaaciil9 Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka hadlaya dhacdadii dilkii wadaadada ee Sanadkii 1975,waxaa uu yiri:-

" Habeenkii markii dardaarankii wadaadada laga qoray lay keenay.Ayaan arkay wiil 17-jir ahaa oo ku jira. Wiilkaaswadaadka ahaa, marka hore wuxu sheegtay 18-jir. Balse, markii dambe wuxuu sheegtay 17-jir. Sidaa darteed wiilkaasi da'ahaan ma ahayn dil dabadeedna waxaan damcay inaan la socodsiiyo cidii ku shaqada lahayd, si aan ugu sheego wiilka 17-jirka ah oo markii hore 18-jir sheegtay inuu ku jiro, si looga baajiyo dilka. Hase yeeshee,wiilkii intaan talaababa la qaadin, ayuu muusanow ku dhuftay oo uu yiri: War Jannada hayga reebina, waar ummadda hayga reebina, wallaahi 18-jir baan ahay. Wiilkaas yar caqiidadiisu xoogay lahayd iyo sida iimaankiisu ahaa, aad baanu uga yaabnay dhamaantayo. Bal nin la leeyahay berri baa lagu dilayaa, ee ha lagaa baajiyo, oo ku leh dadka hayga reebin ka waran! Sidaa darteed, lagama reebi ee sidii ayaa lagu toogtay.”

Markaa kadib maxaa dhacay? Gen.Ismaaciil Axmed Ismaaciil markale ka sii hadlaya sidii wax u dhaceen, wuxuu yiri,;-

" 33-askari oo ciidandamada kala tirsan ayaa toogashada fulin jiray. Sarkaal millateriga ka tirsanaa ayaana subaxdaa ciidanka watay. Sideedaba anaga Asluub ahaan marka la fuliyo toogashada kadib uun baa ribootka naloo keeni jiray. Sidaa aawadeed waxa laga wer-wersanaa in ciidanka toogashada fulinayay soo nabad noqon doonaan iyo inkale.Markaa subaxnimadii anigoo weli xabsiga dhexe ee Muqdisho jooga ayaan arkay laba diyaaradood oo isku dhacay. Markiiba midi dhulkay ku dhacday, oo meel aan xabsigii dhexe ka fogayn ah, tii kalena meel kale oo ka durugsanayd ayay ku dhacday. Dad badan baa cibro ku qaatay arrintaas, oo yidhi waa wax lagu cibro qaato wadaadadii la dilay iyo diyaaradahan isku dhacay"

23 Janaanyo 1975-tii oo ku beegnayd Khamiis 11-kii Muxaram 1395-tii ee Hijriyadda ayaaRadio Muqdisho waxaa uu sheegay in Wakaaladii wararka ee Sonna soo tebisay sida idaacadu sheegtay in lagu fulliyey dil tobankii waadaad ee ay horay Maxkamadii Badbaadadu ugu xukuntay dilka, waxaana lagu toogtay fagaaraha loo yiqiiin Dugsiga Booliska iyadoo ay toogashadooda fuliyeen xubno ka kala tirsanaa ciidamadii dalka oo isugu jiray ragg iyo dumarba si dadweynaha loo tusiyo fulintii xeerkii qoyska ee kacaanka.

Sirta qarsoon waxay ahayd in Wadaadadii ka hor yimid oo sida bareerka ah u diiday Xeerka Qoyska ee loo toogtay inay ahaayeen wadaada caadiga ah. Kama mid ahayn Xarakadii Al-Ahli ama dhalinyaradii Baraagu Islaamka ayuu cadeeyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur. Taas ayaa waxay marag fur u tahay sida dadka Soomaaliyeed dhamaantood u diideen Xeerkaas ka hor imanayey Diintooda.

Xigasho.

  • 9- Ogaal Newspaper . Hargaysa.

Akhri... Qaybta 5aad....

mireW.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2008

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS