SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAALLO

Halkay isaga mid yihin halkeese ku kala duwan Yihiin Dowladdii C/llaahi Yuusuf iyo Midda Shiikh Shariif

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


31kii Janaayo ee sanadkaan ayaa waxaa madaxweynenimo loo magacaabay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii Isbahaysigii lagu aasaasay Asmara oo isagu labo u kala jabay, halgan dheer kadib loo ogolaaday in ay wax la qaybsadaan Dowladdii C/llaahi Yuusuf . Sheekh Shariif ayaa waxa markiiba ku dhawaaqay in la soo xerogelin doono kooxaha ka maqan Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in uu kula kulmi doono meel kasta oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah, waxaana xiligaasi dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Haddaba haddaan isbarbardhig ku sameynayo Dowladdii C/llaahi Yuusuf iyo midda uu haatan hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaa la dhihi karaa meelo badan ayay isaga mid yihiin, meelo kalana waa ku kala duwan yihiin , xiligaan markaan ka hadlayno Dowladdii C/llaahi Yuusuf iyo Midda Sheekh Shariif meesha koowaad oo ay iska shabahaan waa in xiliga ay madaxda dowladda dalka ka dhoofayaan ama soo degayaan la xiro qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho, waxayna dhibaato ka soo gaartaa shacabka Soomaliyeed xirnaashaha wadooyinkaasi.

Dowladdii C/llaahi Yuusuf waxay isticmaali jirtay Waddada Makka Al-Mukarama, marka maanta la eego Dowladda Sheekh Shariif madaxda ka yahayna iyana waxay isticmaashaa waddada Makka Al-Mukarama, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika.

C/llaahi Yuusuf haddii lagu duqeyn jiray xarunta Madaxtooyada, Maanta Sheekh Shariif isna kama marna, oo sidii C/llaahi Yuusuf ayaa isna loo duqeeyaa, mararka qaarkood waxaa dhacda in goobaha laga soo rido hoobiyaasha ay dowladdu iyana hub culus ku tuurto,

sidoo kale dowladdii C/llaahi Yuusuf waxayna kooxaha Mucaaradka ah ka duqeyn jireen Garoonka Diyaaradaha, maanta midda Sheekh Shariif sidaas oo kale ayaa iyana loo duqeeyaa ama madaafiic loogu tuuraa, haddii dekedda waagii C/llahi Yuusuf la duqeyn jiray, duqeyntaasi ma aysan istaagin oo sidii ayaa loo duqeeyaa, gaar ahaan marka ay ku soo xirtaan Maraakiibta sahayda u sida Dowladda Federaalka ama ciidamada AMISOM.

Dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxaa askar badan uga dhinteen laba saldhig Booliis oo ku yaal xaafadaha Hodan iyo Howlwadaag waxaana maqleysaa saldhi hebel waa lala wareegey ,Maya qoladii kalaa la wareegtey maanta fiiri Dowlada Shiikh Shariif waxa ku dagaalamayaan laba saldhig oo kala ah Saldhiga Yaaqshiid iyo kan Dharkeenleeyey waxaana ku dhimanaya dhalinyaro badan ,Ma garanayo Xikmada ku jirta in laba saldhig oo aan waxba oolin ay maalin weliba ku dhintaan dhalinyaro soomaaliyeed

Dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxay xildhibaanada iyo Golaha wasiirada ay degenaayeen Hotelo , bal fiiri mida Sheikh Shariif dhamaantood waxay degen yihiin Hotello

Dowladdii C/llaahi Yuusuf ciidankeeda waxaa lagu magacaabi jiray Calala-uus, kuwaas oo magacaas qura ka wada dhexeeyey, maanta aan fiirino ciidamada Dowladda cusub, waxaa loogu magacdaray shaqsiyaad, waxaadna maqleysaa "Halkaan waxaa degan ciidanka Cabdi Qaybdiid", "Halkaas waxaa degan ciidanka C/qaadir Cali Cumar" "halakaan waxaa degey Ciidanka Shiikh Yuusuf Indha-Cadde xaqiiqdii ciidanka Dowladda cusub ma ahan mid mideysan.

Khariidadda Barakacayaasha

91,000 oo Qof oo ilaa hadda ka Barakacay Dagaalada ka Socda Muqdisho... (May 8 - Jun 4, 2009)

Dowladdii C/llaahi Yuusuf, waxaa Magaalada Muqdisho ka barakacay Boqolaal kun oo qoys, kuwaas oo la dhihi karo waxay ka barakaceen madaafiicdii faraha badneed ee ay tuurayeen Ciidamada Itoobiya, maanta Dowladda Sheekh Shariif arrintaasi waxay la wadaagtaa dowladdii hore oo shacabkii oo dib u soo laabtay ayaa si aad ah u barakacay, goobo aan horey looga barakicin ayaa waxaa ka bilowday barakac baahsan kadib markii ay shacabku u adkeysan waayeen madaafiicda ay labada dhinac is weydaarsanayaan.

Haddii aad maqli jirtey waagii ay jirtey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf BM Afar Afar ah maanta oo ay jirto Dowlada Shiikh Shariif waxaa maqleysaa BM 21 ah oo dadkana waxay leeyihiin ” Fooryowgaan ma dhamaado miyaa”

Dowladdii C/llaahi Yuusuf waxaa shacabka Muqdisho Xasuus ma hadho ku reebay Xasuuqii ka dhacay Masjidka Hidaaya , Maanta shacabka Muqdisho waxay Hadal hayaan wixii ka dhacay Masjidka Xoosh inkastoo Dowlada Raali gelin ka bixisey dhacdadaas

Markii uu tallada hayay C/llaahi Yuusuf waxaa dalka ka jiray dilalka lala beegsanayo mas'uuliyiinta Dowladda, maanta midda Sheekh Shariif waxay la kullantay waddadaasi waxaana la dilay rag sarsare oo ka tirsanaa dowladda Sheekh Shariif oo qaarkood ay ahaayeen xildhibaano.

Haddii aad Maqli jirtey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf hadaladii Qaar ka mid Hogaamiye Kooxyadii , Maanta midda Sheikh Shariif sidii baa u maqleysaa weliba xubno ku jira Dowlada ayaa afka ku balaariya in ay dagaal qaadayaan oo leh waan soo afjareynaa, Waliba waxaa Dowlada Sheikh Shariif u sii dheer Wasiiro maalin kasta jecel in ay warbaahinta ka hadlaan waxay dadka isweydiiyaan “Dowladaan malaha Miyaa afhayeen waa maxay Wasiiradaan hadalka badan

Dowladdii C/llaahi Yuusuf, waxaa xiligeedii jiray Isbaarooyin oo tan ugu weyni taalay Ex-Control Afgoye, Bartaas oo Gaadiidka looga qaadi jiray lacag fara badan , Dowladda Sheekh Shariif oo hore u baa'bisey Isbaaradaas waxaa mar kale isbaaradii lagu soo celiyey Ex-Control, waxaana Gaadiidka looga qaadaa Lacago Sharci daro ah.

Xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM, markii ay jirtay Dowladdii Cabdulaahi Yuusuf si aad ah ayaa loo weerari jiray, maanta weeraradaasi ma aysan dhamaan oo si aad ah ayaa loo weeraraa, ha noqoto habeen iyo maalin, shacabkuna waxay weli maqlayaan daryanka Madaafiicda iyo Rasaasta yar yar oo ay rajeynayeen in ay meesha ka bixi doonto.

Dhanka kale, waxaa keliya oo la xusi karaa in ay Dowladdii C/llaahi iyo Tan Sheekh Shariif ku kala duwan yihiin dhanka hadal Macaanida, Walow maalmahan soo baxeen Wasiiro iyo Xildhibaano u ololeynaya Dagaal,

Dowladdii C/llaahi Yuusuf waxaa maalin walba ka soo yeeri jiray hadalo ay bulshadu ka argagaxaan, balse tan Sheekh Shariif waxaa ka soo yeera ereyo Bulshada loogu laab qaboojinayo oo u badan in ay diyaar u tahay in ay la heshiineyso cid kasta, waxay kaloo ku kala duwan yihiin in Dowladdii C/llaahi marka si loo fiiriyo waxay Ciidamadu shaqo ka dhigan jireen ama ay ka beecmushtari jireen Xirxirada dad aan waxba galabsan si ay u helaan kharash iyo waliba waxaa u sii dheeraa dhac ay u gaysan jireen dadka rayidka ah, balse Dowladda uu maanta hor kacayo Sheekh Shariif kuma caan bixin arrimahaa horey loo bartay, sidoo kale waxaan xusi karnaa in Dowladda Sheekh Shariif uga duwan tii C/llaahi iyadoo qaadatay ku dhaqanka Diinta Islaamka.

Isku soo wada duuboo xaalka Soomaliya waa mid maalinba maalinta ka dambeysa ka sii daraya, shacabku markuu is yiraahdo maanta ayaad nasan doontaan, arrintu cirka ayay isku sii shareertaa oo tii horee jano ahayd ayaa dad badan laga hayaa.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Hadba Nooc Shaatiyo Badan!!!: 19-sano ayaa waagii soo baryaba waxaan maqleynay wax cusub oo... Akhri...

Faafin : SomaliTalk.com | June 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: