Maxaa hortaagan Qaranimadii Soomaaliyeed
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Leicester
Qeybtii 1aad
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib dhammaan
akhristayaasha qaayaha lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).
Sida aynu la socono dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa ay bur burtay
sanadii 1991, markaas oo ay siyaasadda Soomaaliya ay horboodayeen
jabhado kala ujeedo ah, oo mid walba qaab qabyaaladeed ku doonaysay inay
ku badasho nidaamkii ka jiray waddanka. Haddaba illaa iyo waqtigaas wey
jireen iskudayo fara baddan oo lagu doonayey in lagu soo celiyo
qaranimadii iyo dowladnimadii Soomaaliyeed, laakiin mar walbaa waxey ku
dhamaanayeen bur bur iyo fashilaad.
Haddaba waxaa isweydiin leh maxaa hortaagan qaranimadii Soomaaliyeed.
Dad baddan ayaa arintaas ka qaba fikrado kala duwan oo kuwaba ay si gaar
ah u saarayaan diiradda. Bal waxeynu oran karnaa arimaha hortaagan inay
ugu waaweyn yihiin arimaha soo socda: -
Qabiil & Qabyaalad
Sida aynu la socono qabiilku waa wax jira oo qof walbaa qabiil buu ku
abtirsadaa, Allaah ayaa inoogu sheegay quraankiisa in uu naga abuuray
Shucuub iyo qabiilo si aynu isu kala garano, allaah agtiisana uu noogu
kheyr baddan yahay kan noogu alla ka cabsiga baddan. Qabiilka Soomaalida
waa mid ay gaarsiiyeen heer aad iyo aad u liita oo wax walba lagu
miisaamo qabiil. Waxaad arkeysaa siyaasiyiinta Soomaalida in lagu kala
fadilayo qabiil oo siyaasiga reer hebel mar walbaa uu yahay ceeb ka
saliim, oo aragtida reer tolkiis mar walbaa waa nin qiimo leh, oo aan
qaldamin, wax walbana waa lagu garab galayaa. Halka siyaasiga reerka
kale hadduu wax walbaa akhriyo aan looga dhageysaneyn, xitaa hadduu
wanaag wado oo uu kheyr u horseedayo lagu oranayo cid kaa dhageysaneysaa
majiraan. Qabiilka ayaan oran karnaa marka inuu ka mid yahay caqabadaha
ugu xun xun ee hortaagan dowladnimadii Soomaaliyeed. Waxaad arkeysaa in
qofkii Soomaaliya madaxweyne ka noqdaa lagu taageerayo qabiil ama looga
soo horjeedo waa reer hebel. Aragtida noocaas ah oo ah qiimeyn wax lagu
qiimeeyo midda ugu liidata dunida ayaana ah wax Soomaali halkaas dhigay.
Daneysi gaar ah.
Kooxo waxaa jira dowladnimada ka dhalaneysaa Soomaaliya mar walbaa
saara miisaan iyaga u gaar ah, oo haddey ka waayaan dantooda gaarka ah
isku daya siday uga qeyb qaadan lahayeen bur burkeeda. Kooxo waxaa jira
aaminsan dowlad haddii ay soo noqoto in la helayo kal danbeyn iyo hanaan
Dowladnimo, taasoo ka horimanysaa dantooda ah inay dhiig miirtaan dadkii
masaakiinta ahaa.
Kooxo heystaa hantidii iyo Guryihii ummadda.
Kooxo waxaa jira illa iyo maalintii uu dhacay bur burka xoog ku
heystay hantidii guud ahaaneed ama mid sida gaarka ah loo lahaa, kuwaas
oo aaminsan haddii ay dowlad timaado in lala xisaabtami doono, oo aan
marnaba dooneyn in wanaag yimaado. Kooxahaasi runtii way fara baddan
yihiin oo mar walbaa waxaa dhiba wanaaga iyo heshiiska Soomaalida. Kuwa
noocaas ah ayaa mar walba waxey taageeraan kooxda ay dantoodu ku jirto
oo kasoo horjeeda dowladda markaas la soo dhiso.
Faragelin Shisheeye
Arintan ayaa iyadana ah caqabadaha ugu horeeya ee na hortaagan,
taasoo runtii laga faa’ideystay daciifnimada Soomaalida oo aan oran
karno innaga ayaa fursada dhiibnay. Faragalintan shisheeye oo ka
imanaysaa dhinacyo baddan, sida kuwo ay dan ugu jirto Soomaali inay
dowlad la’aan iska ahaato weligeed, kuwo doonaya in ay Soomaaliya ka
dhalato dowlad iyaga u adeegta danahooda, kuwo aaminsan haddii ay dowlad
Soomaali soo noqoto in ay nabadgelyadooda qalqal galeyso, kuwo
baddaheena iyo kheyraadkeena si ay isaga gurtaan mar walbaa kasoo
horjeeda inay dowlad Soomaaliyeed soo noqoto, kuwo dagaalo ay kula
jiraan kooxo kale darted u baabi’inaya Soomaaliya, kuwo aaminsan in ay
iyagu mas’uul ka yihiin Soomaaliya oo aan wanaag noo heyn, ciddii wanaag
u keenta Soomaaliyana kahorimanaya. Iyo kuwo Soomaaliya u isticcmaala
kudaafad ahaan oo ku duuga suntan qatartaa ee wadamadooda lagala soo
cararay kuwaas oo haddii ay dowlada adag soo noqoto waayaya dantooda oo
mar walba caado qaate Soomaaliyeed ku daba naban.
Haddii aan si kale u qoro Soomaaliya waxa halkaas dhigay waa ururo
iyo dowlado uu mid walbaa dan gaar ah ka leeyahay Soomaaliya, oo iyagu
kala gabanaya sida Amerika, EU, IGAD, Itoobiya, Kenia, Masar, Eritaria,
Alqaacida iyo Talyaaniga. Hardanka ka dhaxeeya waddamadan iyo ururadan
ayaa ka mid ah ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan Qaranimada
Soomaaliya.
Lasoco Qeybta 2aad
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Leicester
saicentadv@yahoo.com