Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika

Ahmed Dowlo | dawlo@hotmail.com 

Johannesburg, South Africa | Agoosto 6, 2002

Deeqa Ibraahim Cawad (Allaha u naxariistee) oo 26 jir ah kuna dhalatay magaalada Xamar ee dalka Soomaaliya waxay u ahayd habeen caadi ah intii ayna niman ilaa hadda loo malaynayo budhcad ayna soo weerarin gurigeeda oo ku yaala xaafada Mayfair ee magaalada Johannesburg habeenkii Axada ee bisha August ay ahayd 4.

WARBIXINTII LABAAD EE WARKA K/AFRIKA
DAD SOMALIYED OO LAGU LAAYEY DALKA SOUTH AFRICA   

(Caqiil Sh. Yuusuf )

Deeqa waxay ahayd umul haysata wiil jira inka yar 4 asbuuc oo dhashay 7 July 2002. Habeenimadaas ayaa ninka Deeqa oo ah ganacsade la yidhaahdo Garaad Cali Axmed oo 1960 kii ku dhashay Luuq-Gannaane uu albaabka ka furay sida uu sheegay niman laba ah oo isugu sheegay inay fariin uga wadaan qof uu ganacsi ka dhexeeyay oo “Malawian” ah, kadibna ay tacshiirad saareen qoyska. Deeqa waxaa madaxa kaga dhacay laba xabadood oo ayna naf la dhul dhicin, saygeedana (Garaade) waxaa qaarka sare kaga yaala 3 xabadood. Waxaa Garaad lagu dawaynayaa isbitaalka la yidhaahdo Helen Joseph ee magaalada Johannesburg.

Nimankan oo sida muuqata soo dabaray iqtiyaalkan ayaa isticmaalayay qalabka aamusiiya rasaasta.

Garaad iyo xaaskiisa Deeqa waxay labadii sano ee la soo dhaafay deganaayeen Johanensburg ayaga oo ka soo kicitimay dalka Holland oo deganayaen mudo 19 sano ah ayna jinsiyadiisa haystaan.

Sida u diiwaan gashan ururka Jaaliyada Soomalida ee loo yaqaano (SASA) dilkan Deeqaad wuxuu ka dhigayaa tirada Soomaalida lagu dilay Koonfur Afrika 18 qof.

Kuma koobna dilku Soomaalida oo kaliya ee waa dhibaato haysta dalka oo dhan. Wadanka K/A wuxuu ka mid yahay wadamada aduunka ugu danbiyada badan waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay kuma ugu dilka iyo dhaca badan marka laga reebo wadamada “ku jira xaaladaha dagaal; sida Soomaaliya oo kale”.

Tusaale ahaan 9 kii bilood ee u horeysay sanadkii ina dhaafay ee 2001, tirakoob ay booliisku ka qaadeen 1130 booliis istayshin oo ku yaala wadanka K/Afrika oo dhan waxay sheegeen in mudadaas 9ka bilood ah lagu dilay wadanka dad gaadhaya 15 054 qof. Waxbixintan oo aan ka soo xigtay wasaarada bad-baadada dadweynahu waxay u kala qaaday danbiyada waawyen ee wadanka ka dhacay sidatan:

Nooca Danbiga

Kiiska oo dhacay : JAN - SEP 2001

% boqolkiiba

Qudh-gooye

15 054

0.8

Isku day Qudh-gooyo

21 207

1.1

Dhac Hubaysan

87 610

4.8

Kufsi

37 711

2.0

Jaraaxo Dhiig ku daatay

188 961

10.2

Jaraaxo Caadi ah

182 110

9.9

Guri Jabsi

223 045

12.1

Dukaan Jabsi

67 279

3.6

Dhac Caadi ah

65 766

3.6

Xatooyo (dukaan oo kale)

49 661

2.7

Xatooyo (dukaan oo kale)

49 661

2.7

Xatooyo Baabuur

74 281

4.0

Booliisku waxay rumaysan yihiin in tirada danbiyada aan la soo wargalinin xarumahoodu ay aad u badan yihiin ayna suurta gal tahay inay intaasi ka badan yihiin.

Deeqa oo lala sugayo inay hooyadeed ka timaado Amsterdam, Holland waxaa la aasi doonaa insha Allaah maalmahan fooda inagu soo haya.

Ahmed Dowlo

dawlo@hotmail.com 

Johannesburg, South Africa

FAAFIN: SOMALITALK.COM | Agoosto 5, 2002

WARBIXINTII LABAAD EE WARKA K/AFRIKA
DAD SOMALIYED OO LAGU LAAYEY DALKA SOUTH AFRICA
(Caqiil Sh. Yuusuf )

 

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika 

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.