Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
DAD SOMALIYED OO LAGU LAAYEY DALKA SOUTH AFRICA

Diyaariye: Caqiil Sh. Yuusuf
qamuuda@webmail.co.za 

August 5, 2002

Shalay Shantii galabnimo (5:00 PM) ayaa Xaafada MAYFAIR ee ay somalidu ku badan tahay ee magaalada Johannesburg waxaa dagaal xabado nool la isu adeegsaday uu ku dhex maray labo kooxood oo hubaysnaa oo markii danbana lagu sheegay in ay ahayeen burcad dad wax soo yeeshay iyo Police baacsanayey, iyadoo qaybtii hore ee isbaacsigaasi socday aysan labada qolo midna xirnayn wax Dirays ciidan ah ayaa waxay isku eryaneey jidadka xaafadaas, siiba wadada dheer ee 8th Ave taasi oo dadkii halkaa dagganaa ama marayey Somalidana u badnaa ku abuurtay qas iyo jaahwareer aad u weyn, xaaladana u ekaysiisay mid la mid ah tii jidadkii Muqdisho iyo Mooryaantii xabadaha isugu ridi jirtay sida kafiirsi la’aanta ah.

WARBIXINTII LABAAD EE WARKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
(Axmed Dowlo)
Nin ka mid ah kooxda burcada ahayd ayaa si orod ah ku galay gaari uu watay wiil Somali ah oo lagu magacaabo Maxamed Khlaiif Yussuf. Loona yaqaano Carab, halkaas oo xabadihii la is dhaafsanayey Carabna ku sigtay, gaarigiisana muraayadaha qaar bur-burisay. meesha gaari kale oo nin oday ah o la yiraahdo Sheekh Maxmuud isagana xabadi muraayada danbe ka haleeshay. Arintaas oo markii danbe la sheegay inay ku danbaysay qaar ka mid ah burcadii oo la dilay iyo Police-kii oo ku soo noqday Somaalidii una qirtay inay lahaayeen xabadaha khasaaraha u gaystay Somaalida, waxayna siiyeen magaca askarigii lahaa xabadaas iyo Saldhiga laga helaba (station-kiisa). Iyadoo arini halkaa marayso galabnimadii 5:00-6:00 PM

Ayaa maqribkii ka dib waxaa gurigooda lagu soo weeraray qoys kale oo Somaliyeed waana meesha ay mashaqadii ugu ba’anayd ka dhacday xalayto. Aabe la yiraahdo Garaad Cali Axmed iyo Hooyo Deeqo Ibraahim Cawad iyo caruurtooda ayaa waxaa Albaab kooda ku soo garaacay dad u labisanaa sidii wadaadada Tabliiqa oo kale, kadib markii albaabka laga furay lana fadhiisiyey shaahna loo doonay iskuna shegeen inay ka socdaan nin Malaawiyaan ah oo ay is yaqaanaan Garaad oo ah ninka guriga iska leh ayey lasoo baxeen Bistoolado, kuna qabteen Garaad oo ah qofka kaliya ee markaas qolka fadhiga la joogay labadaas shaydaan ee dharka culimada soo xirtay.

Garaad ayaa horay ugu booday mid ka mid ah labadii nin iskuna dayey inuu xabada kan kale soo ridayo isaga dhigo, markiiba xabad ayaa Garaad garabka kaga dhacday. Xaaskiisii ayaa maqashay Risaasta kuna soo oraday iyadoo dhawaaqeysa dagaalkiina dhex gashay, kadibna madaxa ayey ka toogteen Hooyadaas Somaliyeed oo ahayd Umul bil iyo 18 Cisho ah. Muddo yar ka dibna u geeriyootay dhaawicii. Halka Mudane: Garaadna ilaa lix xabadood kaga dheceen uuna u egyahay dhaawac sahlan haddana uu Isbitaalka ku jiro.

Lama sheegin haba yaraatee wax lacag ah ama alaab ah oo ay qaateen Burcadaasi. Burcadaas Aqalka soo gashay ayuu garaad iigu sheeegay mar aan Isbitaalka ku booqday inay ahayeen labo nin, laba kalana ay gaari banaanka yaalay ku sugayeen (isku dar Afar nin) sida ay shegeen dad arkayey markay ku baxsanayeen gaari banaanka u yaallay oo ay wateen.Labada gudaha soo gashay ayaa markii ay guriga ka baxayeen waxay Bistoolad madaxa kaga qabteen wiil yar oo gabadha dhimatay la dhashay kuna qasbeen in uu albaabka ka furo, sidaasna waxay kaga baxeen albaabka danbe ee guriga Johannesburg ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah caasimadaha aduunka kuwa ugu dilka iyo dhaca badan. Somalidana ma aha markii ugu horaysay ee ay South Africa kala kulmaan dil ama dhac kan oo kale ah. Dadka ku dhintay ama ku laxaad waayey labadii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu qiyaasaa in ka badan labaataneeyo (20s) qof. Waxaa intaa dheer dhac joogta ah oo lagu hayo dadka somaliyed ee ka ganacsada Dalkan South Africa, taas oo sabab loogo dhigo inta badan dadka somalida ah ee ku nool wadankan oon hubaysnayn iyadoo inta badan dadka South Africa daggan ay hubaysan yihiin. Dilkan iyo dhacan ayey dadka Somalida ah ku sheegaan in intiisa badan ay ka danbeeyaan Dad kasoo jeeda dalka Tanzania uu ka dhex burcadeeya dalka South Africa xog-ogaalna u ah in aysan Somalidu hubaysnayn. 

Diyaariye: Caqiil Sh. Yuusuf
qamuuda@webmail.co.za 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo araagtida SomaliTalk

FAAFIN: August 5, 2002 | SomaliTalk

WARBIXINTII LABAAD EE WARKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
(Axmed Dowlo)

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.