ISLAAMNIMO MISE
WAHAABINIMO? (Q.3aad)
CULUMADA ISLAAMKA IYO INA CABDIWAHAAB
Runtii ma
doonayn in qormooyinkani ay noqdaan kuwo taariikheed, hase yeeshee “far baa tog
ila xushay” oo qodobba qodob ayuu ii dhiibey.
Qormadan
waxaan ku soo qaadanaynaa bal falceliska ay culimada islaamku kaga jawaabeen
baaqii shiikha iyo wixii ay ka yidhaaheen.
Maxay culimada Islaamku ka yidhaaheen dacwadii
Sh.Muxammed Cabdiwahaab?
Haddii
arrin laga doodayo ama la isku qabto, waxaa marka hore loo bandhigaa daliilka
sharciga iyo tusmaynta caqliga. Markii labadaasi la soo dhaafo waxa ugu
wanaagsan oo wax lagu caddeeyaa waa markhaatiga dadka wax garanaya. Haddii
intaasi is kaashadaanna xaqqa iyo xaqiiqada ayaa caddaada.
Waxaynu
haddaba soo hoga-tusaalaynay mabaadi’dii uu ka anba qaaday Sh. M Cabdiwahaab,
waxaana inoo haray inaynu ogaano: Maxay ka yidhaaheen Culimadii Islaamka ee
wakhtigaas joogey iyo kuwii ka danbeeyey? Miyay ku markhaati
fureen mise way u markhaati fureen?
Runtii
haddaan isku dayo inaan soo guuriyo dhammaan wixii culimadu ka yidhaaheen Sh.
Muxammed iyo dacwadiisa hadalku waa ila dheeraanayaa, waxayna arrintu isu
rogaysaa diiwaan qorid iyo taariikh dhigid, taasina waa wax aanan qoraalladan
uga dan lahayn.
Waxaan
odhan karaa ma jirto dacwo ama shakhsi waayadaan danbe soo baxay oo wax looga
qoray sida Sh. Muxammed wax looga qoray. Waxaa wax ka qoray boqollaal iyo
boqollaal ku kala firiqsanaa daafaha dunida islaamka iyo xataa galbeedka.
Haddaba inkastoo ay jireen kooxo ka soo hor jeeday sheekha iyo dacwadiisaba;
haddana badiba culimadii islaamku way u riyaaqeen oo hanbalyeeyeen dacwadii
sheekha. Qaar kalana si cilmi iyo aadaab leh ayay shiikha ugala doodeen qaar ka
mid ah mawaaqiftiisa.
Waxaan
hadda horatayda ku hayaa 80 ka mid ah culimada islaamka, dhammaantoodna wax ka
qoreen oo taageereen shiikha. Siddeetankaas caalim kuma jiraan culimada reer
Najdi [halkii shiikhu joogey], ama kuwa lagu tilmaamo inay yihiin “wahaabiyiin”,
ee waa culimo islaam oo ka soo jeeda daafaha dunida islaamka, iyo madaahibta iyo
tayaaraatka fikriga ah ee kala duwan.
Waxaynu
soo qaadanaynaa dhowr ka tirsan culimadaas iyo hadalladii ay yidhaaheen:
-
Sancaani, Muxammed bin Amiir Al-sancaani–Yaman.
Waa faqiih
ku xeel dheeraa cilmiga xadiiska, waana sheekha qoray kitaabka “Subulus-salaam”
ee uu ku sharxay kitaabkii Xaafid ibnu Xajar (a.h.n) ee “Nuluuq Almaraam”, waana
caalim weyn oo aad loo yaqaan loona qaddariyo, waana sida uu Showkaani ku
tilmamay “mujtahid mudlaq”.
Haddii aad
akhrisid kitaabkiisa “Tad-hiirul Janaan” waxaa kuu caddaanaysa sidii uu sheekhu
xoogga u saaray “tawxiidka” iyo sida uu u kala caddeeyey qaybaha tawxiidka.
Wuxuu dagaal aan dabac lahayn la galay kuwii qubuuraha dul gabranaa ee sida
tooska ah ama sida dadban awliyada u tuugayey.
Sheekh Sancaani oo isagu ka da’weynaa Muxammed Cabdulwahaab, ayse isku wakhti
ahaayeen, ayaa waxaa soo gaarey
warkii Sheekha iyo dacwadii uu dadka ugu baaqay. Markaas ayuu aad ugu riyaaqay
sida ay isku waafaqeen wixii uu dadka u sheegijirey iyo waxa sheekhani sheegayo.
Wuxuu Sancaani yidhi: “Markii ay nagu soo duushay
akhbaar sheegaysa in uu gobolka Najdi ka soo baxay caalim la yidhaaho Muxammed
bin Cabdulwahaab, oo ay nasoo gaareen qaar ardaydiisa ka mid ah, oo ay nooga
warrameen xaaladihiisa dhabta ah, iyo sida uu ugu dadaalo Alle ka cabsiga,
faridda wanaagga iyo reebista xumaanta; ayay naftaydu u hilowdey inaan gabaygan
u diro sannadkii 1163h”
Wuxuu sheekhu qasiidadiisa ku muujiyey sida uu ugu
farxay in uu helay cid ay isku aragti ahaayeen, isagoo yidhi:
“waxaa i farxad geliyey manhajkiisa waxaanna
moodayey in aan dariiqan kaligay ku ahay”
لقد سرني ما
جاءني من طريقه
وكنت أظن هذه الطريقة لي وحدي
Wuxuuna
sheekha ku tilmaamay:
- Inuu
dadka ku hanuuninayo waddadii Nabiga (sallallaahu caleyhi wasallam).
- Wuxuu
dhaleeceyey kooxaha ka soo hor jeestey, isagoo weliba ku tilmamay inaanay
diinta aqoon u lahayn.
- Inuu
dib usoo noolaynayo sharcigii xaniifka ahaa.
- In uu
faafinayo cilmigii ay bidcoolayaashu qariyeen iyo in uu duminayo qubuurihii
ay dadku ku aafoobeen.
-
Hadallo kale oo aad u qurxoon ayuu sheekhu sheekha ku ammaanay.
-
Showkaani, Muxammed bin Cali Al-showkaani-Yaman
Waa
caalimkii weynaa ee reer yamaneed, ee isna la wakhtiga ahaa Sheekh Muxammed
Cabdulwahaab, waana caalim aad u caanbaxay oo qofwalbaaba yaqaano. Waxaana si
wacan loogu xusuustaa kitaabkiisa “Neylul Awdaar” iyo kutubtiisa kale ee tirada
badan.
Showkaani
wuxuu ku sugnaa caqiidada salafka, wuxuuna si weyn halgan ula galay aaminidda
iyo barakaysiga qubuuraha. Kitaabkiisa “Sharxu Asuduur bi taxriimi rafcil qubuur”
ayay ka muuqan kartaa wixii uu aaminsanaa.
Wuxuu
kitaabkiisa taariikhda ah ee “Al-Badru ad-Daalic” si fiican uga war bixiyey
dhacdooyinkii Shiikh Muxammed, markii uu geeriyoodeyna wuxuu u tiriyey gabay aad
u xeel dheer oo gaarayey ilaa 100 beyt oo baroordiiq ah.
Qasiidadaas oo aad u dheer aadna u macaan, waxaa mireheeda ka mid ahaa:
“Wuxuu
dadka ugu baaqay kitaabka Alle iyo sunnadii uu la yimid Daha (scw), Nabigii Alle
ee runta badnaa”. Kitaabkiisa taariikhda ah ee “Al-Badru ad-Daalic” ayuu isna
kaga warramay marxaladihii ay soo mareen dhaq-dhaqaaqyadii shiikhu. Intaas ka
bacdi isagoo tibaaxaya in wararka ay sheegaan kooxaha shiikha ku kacsani aanay
ahayn kuwo rasmi ah ayuu yidhi: “warar kalana waa na soo gaadhaan Allaase og
dhabnimadeeda. Dadka qaarkoob baa sheega inuu aaminsanyahay caqiidada
khawaarijta, ise malayn maayo in taasi jirto…”
وتبلغ أمور غير هذه، الله أعلم بصحتها. وبعض الناس يزعم أنه يعتقد اعتقاد الخوارج
وما أظن ذلك صحيحاً. فإن صاحب نجد وجميع أتباعه يعملون بما تعلموه من محمد بن
عبدالوهاب، وكان حنبلياً
Wuxuu
kaloo sheegay in uu sannadkii 1215h, arkay risaalooyin uu qoray Sh. M
Cabdulwahaab, wuxuuna ku tilmaamay erayadan soo socda: “kulligood waxay ku
saabsanaayeen in tawxiidka la baraxtiro iyo in laga fogaado shirkiga ay
sameeyaan kuwa qubuurta caqiidaysan. Risaalooyin wanaagsan oo ka buuxa daliilka
kitaabka iyo sunnada ayay ahaayeen.
وفي
سنة (1215) وصل من صاحب نجد المذكور مجلدان لطيفان أرسل بهما إلى حضرة مولانا
الإمام حفظه الله، أحدهما يشتمل على رسائل لمحمد بن عبدالوهاب كلها في الإرشاد إلى
إخلاص التوحيد، والتنفير من الشرك الذي يفعله المعتقدون في القبور، وهي رسائل جيدة
مشحونة بأدلة الكتاب والسُّنة.
Marnaba
sooma koobi karno culumada sida garsoorka ah uga hadashay shiikha iyo
dacwadiisii, waxaase aad loo yaqaanaa culumada ay ka mid yihiin:
-
Siddiiq Xasan Khaan (Hindiya), oo caan ku ahaa culuumta xadiithka iyo fiqiga
ahna caalim aad loo qaddariyo.
-
Muxammed Bashiir Assuhsawaanii (Hindiya), wuxuuba qoray kitaab weyn oo uu ku
burinayo been abuurkii Daxlaan uu shiikha ka qoray.
- Al-imaam
Al-aaluusii (Ciraaq) oo ah caalim weyn oo aad looga danbeeyo xagga tafsiirka
Qur’aanka iyo culuumta kaleba. Wuxuu shiikha aad ugu ammaanay Kitaabkiisa
Taariikhda ah.
- Al-amiir
Shakiib Arislaan (Shaam) oo isna kaga warramay (Xaadir Al-caalam Al-islaami)
-
Muxammed Abuu Zahra (Masar)
-
Rashid Ridaa (Shaam, Masar) oo ahaa caalim raad weyn ku reebay dunida
islaamka kuna caanbaxay Tafsiirka Almannaar iyo Majalladiisa. Wuxuu tibaaxay
in uu waagii hore shiikha ka aaminsanaa fikrad xun oo uu ka qaatay
kitaabadii uu qoray ninkii la oranjirey Daxlaan, hase ahaatee uu gadaal ka
ogaaday in waxa uu Daxlaan faafiyey ay tahay been abuur aas sal iyo baar
toona lahayn.
-
Bahjat Al-asarii (Ciraaq)
-
Kheyruddiin Az-Zarkalii (Shaam) waa taariikhyahan aan looga daba hadlin
aqoonta ragga iyo kooxaha, kitaab taariikhda ah oo weyna wuu leeyahay.
-
Jabartii, Cabdurraxmaan bin Xasan Al-jabartii: Waa taariikhyahanka aan laga
daba hadlin xagga taariikhda Masar. Asal ahaanna sida uu isagu sheegay wuxuu
ka soo jeedaa Galbeedka magaalada Seylac ee waqooyiga soomaaliya.
Kitaabkiisa (Taariikh Al-jabartii) ayuu si aad u qurxoon uga warramay
shiikha iyo dhaqdhaqaaqiisii, isku wakhti ayayna ahayeen. Jabartii waxa uu
xusay waxyaabihii uu sheekhu dadka u sheegayey markii uu magaalo soo galo.
Wuxuu tusaale u soo qaatay markii uu soo galay magaalada Makkah oo uu horay
u haystey nin lagu magacaabi jirey Shariif Qaalib oo sheekha raacay. Waxay
dadka u sheegayeen –atbaacdii sheekhu- in ay munkaraatka joojiyaan,
salaadaha laasimaan, qubuuraha ay dhisayaan joojiyaan, la raaco kitaabka iyo
sunnada ....Bal akhri erayadan soo socda oo ah heshiiskii dhex maray xertii
shiikha iyo shariifka:(fiiri mujalladka saddexaad 116-117)
فعاهده على ترك ذلك
كله واتباع ما أمر الله تعالى به في كتابه العزيز من إخلاص
التوحيد لله وحده
واتباع سنة الرسول
(....)
وترك ما حدث في الناس من
الالتجاء لغير الله من المخلوقين الأحياء والأموات في الشدائد والمهمات
“Wuxuu kula ballamay in uu waxaas oo dhan ka tago
oo raaco waxa Ilaahay kitaabkiisa ku amray oo ah in tawxiidka loo baraxtiro
Ilaah oo kaliya, lana raaco waddadii Rasuulka (scw), Khulafadii, Saxaabadii,
Taabiciintii iyo imaamyadii islaamka ee mujtahidiinta ahaa ilaa laga soo gaarayo
dhammaadkii qarnigii saddexaad. Wuxuu kaloo kula ballamay: in laga tago
waxyaabaha dadku gadaal kala yimaadeen sida in makhluuqaadka la baryo, ha
dhinteen ama ha noolaadeen. In aan qubuuraha qubbado laga dul dhisin… inaan loo
nadrin, wax loo gawricin aan loo samayn maalmo lasoo siyaarto oo gaar ah oo
dadkoo dhan isugu soo baxaan qubuuraha deetana ragga iyo dumarku is dhex boodaan
… iyo dhammaan waxyaabaha Allah khaaliqa ah iyo makhluuqa wax la isugu darayo”.
Waxaan
runtii anigu is weydiinayaa inta ay arrimahaasi qiime iyo qaayo leeyihiin.
Haddaynu
intaas ku dhaafno culumada islaamka iyo wixii ay shiikha ka yidhaadeen oo aan
runtii la soo koobi karin, waxaynu maqaalka 4aad kaga hadlaynaa:
-
SOOMAALIDA IYO
DACWADII MAXAMED CABDIWAHAAB
Cabdisamad Xoday
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|