DIFAACA RASUULKA:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
YAY U TAHAY MAALINTA JACAYLKA
Waxaan
Somalitalk.com ka akhriyey qoraal ciwaankiisu ahaa:
Wax
ka baro maalinta Jaceylka Adduunka!(Valentine’s day). Markii hore
waxaan moodey in qoraalku arrintan ka hadlayo isagoo ka duulaya aragti ku
salaysan muslimnimo, isagoo sheegi doona waxa la gudboon qofka Soomaaliyeed
ee Muslimka ah maalmaha caynkan oo kale ah ee ay ciidayaan ama
dabbaaldegayaan dadka diimaha kale haysta, ama aan diinba haysan. Runtii
qoraaga soo diyaariyey maqaalkan mowduuca ma aanu siinin xaqiisi, ugamana
hadlin isagoo ka duulaya halkii laga rabey nin muslim ah. Waxaad mooddaa in
uu u qoray kaliya inuu wax qoro.
Maalintan ay ugu
yeedheen "Valentine's day" kuna naanayseen "Maalinta
Jacaylka Adduunka" maxaa inaga galay?
Xaggee ayay ka soo
jeeddaa?
Yaa bilaabay maxaase
looga dan lahaa?
Waa kuma Valentine
muxuuse ahaa?
Maxaa maalintan
dhaca oo la sameeyaa?
Yayse, horta, u
tahay maalinta jacaylka?
Runtii waa su'aalo
ay tahay in la is weydiiyo inta aan maalintan maalmaha laga duwin, ama aanay
noloshaada saamayn ku yeelan.
Maalintan, haddaad
joogtid meelaha laga tixgeliyo, waxaad arkaysaa dhallinyarada, wiilal iyo
gabdhaba, oo labbisan dhar guduudan. Iibsanaya ubaxyo guduudan. Isku
hadiyaynaya kaarar iyo hadiyado wada guduudan. Ka qayb qaadanaya xaflado
wada guguudan. Marka intaadan wada guduudan, is weydii maxaa horta maalintan
loo guduudanyahay? Mise maalinba dharkii la xidhaad gashanaysaa? Xaashaa
lillaahiye maya!
Waxaa maalintan lagu
wardinayaa Valentine, Valentine, Valentine.
Horta
Valentinoow yaad tahay? Maxaadse aniga ii tahay?
Wuxuu ahaa nin ka ka
tirsanaa Romaaniyiintii hore ee mushrikiinta ahaa, intaan la soo dirin Nabi
Ciise (cs). Wuxuu ahaa nin dumarka ku falan, jacaylkuna madax maray.
Noloshiisi wuxuu ku dhamaystay qaraabasho iyo raadinta dumar uu xaaraam kula
seexdo, ilaa aakhirkii sababtaas darteed loo diley.
Markii Valentine la
diley ayay dadkii Mushrikiinta ahaa ee uu ka dhashay waxay u aqoonsadeen "ilaaha
jacaylka". Waxayna ku caabudeen oo ku qaddariyeen in maalintii uu
dhintay loo aqoonsado Maalinta Jacaylka.
Haddaba Valentine
waa mid ka mid ahaa ilaahyadii tirada badnaa ee ay caabudi
jireen Romaaniyiintii hore.
Markii ay qaateen
diinta Kiristaanka waxay diinta cusub la soo galeen caadooyinkoodii iyo
dhaqammadoodii hore.
Ha ahaato qisadu
sidaas aan ku saleeyey, ama ha ahaato sida kale ee loo wariyo ee uu walaalka
qoraalka qorayi cuskaday, mar walba waxaa hubaal ah in ay ka soo jeeddo
gaalnimo iyo gaalo. Haddii ay sida hore tahay Valentine waa sanam ama "ilaah
baadil ah" oo la caabudo, haddii sida kale la marana Valentine waa baadari
kiristaan ah. Kee baa adiga kula fiican? Mise waa isma dhaantiyo dhasheedii?
Run ahaantii
maalinta 14-ka Febraayo ayaa ah maalinta uu dhaco gogol-dhaafka ugu badan
adduunka. Waa maalinta zinada, faaxishada iyo foolxumoo idil la sameeyo. Waa
maalinta uu shaydaanku ugu qooq badanyahay, inta shaydaanka raacsanna waa
sidaas.
Waxaa wax laga
tiiraanyoodo ah in dad muslimiin ahi u dabbaaldegaan
"Valentine's Day", iyagoo si aan ka fiirsi lahayn u raacaya dhaqammo ummado
kale!
Waxaa wax
laga murugoodo ah in aad shaaricyada magaalooyinka muslimka
ku aragtid dhallinteennii oo maalintan wada guduudan!
Maxay tahay gabadh
soomaaliyeed oo suuqa la qalaadaysa "nin baan jeclahay". Sawtii gabdhuhu
xishoon jireen! aaway hableheennii xorta ahaa?!
Waxaa xusuusin mudan
in aynu nahay dad diin leh. Diinteennu waxay inaga reebaysaa in aynu daba
galno ummadaha kale dhaqankooda. "Ciddii cid isku shabbahda iyaday
ka mid tahay" ayuu yidhi Rasuulkeennu (sallallaahu caleyhi
wasallam). Yacnii qofkii qolo isku ekaysiiya, sameeya caadooyinkooda iyaga
lagu yaqaan iyo dhaqammadooda, qofkaasi iyaga oo kale ayuu noqonayaa!.
Ciidaha iyo
faystooyinka waynu kala leennahaye yaan la noqon gaalo raac.
Haddaan u soo laabto
walaalka soo diyaariyey qoraalkan aan kor ku xusay, waxaan odhan lahaa labo
eray:
1--Waxaa wax loo
qoraa in akhristayaasha u sheegtid wax aanay ogayn, ama xusuusisid wax ay
illaaween, ama aadba furtid dood ku saabsan mowduuc muhiim ah. Waxaa kaloo
qoraallada lagaga qayb qaataa dood markaasi aloosan, adigoo wax uun soo
siyaadinaya, caddaynayana aragtidaada ku saabsan mowduucaas laga dooday.
Laakiin wax iska qor
aan hadaf lahayn waa wakhti lumis adiga iyo akhristayaashaba maalaayacni ku
ah.
Waxaan, haddaba,
walaal ku waydiinayaa: Waa maxay dulucda qoraalkaagu? Waase maxay faa'iidada
aad/aanu/aynu ka helayno qoraalkaagan?
Cabdisamad Xoday
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|