Bulshadda Somalidu waxay haystaan dhibatoyin fara badan oo dadku uhaystan
raaxo iyo in aay ku nafisaan, haddaba qadku wuxuu ku jiraa maan doriye, waxanna
kaaga fillan in u yahay sheyga dilka qofka biniadanka u dhib yareya in uu
dillo qof wallalkisa, ama ugu shirqoollo. Qaadku waa oogayalka dagalka wax yabaha
bulshadda Somaliyeed u Adegsato wuxuna la wallalayahay mandoriyayalka kalle ee
dadku cunnan ama cabaanba.
Qaadku wuxuu u xun yahay xagga cafimadka gaar ahaan:
- - wuxuu keenaa
cunno xumo
- - Walbahar
- - Hamad badan iyo bilaash xaytannimo
- - karah iyo
indha adayg
- - been shegid iyo af miishaarnimo iwm.
Sidas darteed aad iyo aad ayay u dheer tahay hadii aan is idhahdo wax ka sheeg
mana aha wax malin kaliya halkan lagu soo koobi karro. ee bulshadda somaliyeed
ha laga qabto.
Qore: Hassan Hussein
Ottawa
www.somaliland.on.ca
walaahi run ahaantii marka aynu kafaaloono qaadka waawax aynu isla wada
fahansanahay inuu xunyahay sababtoo ah qaadku waawaxa soomali halkaadhigay
laakiin aynan garanayninsababta oo ah hadii uu san jaad jirilahayn waxbaynu
qabsanlahayn ama waxbaynu baranlahayn
mahadsanidiin
Qore: mohamed khaliif abdi
Ileen qaadku waa jaad magaciisu waa qaad, jaadka qaadka yuu nasoo galin,
heestaa iyo kuwa lamid ah ayaan maqli jirey markaan soomaaliya joogay,
Hadaba fikradeeyda hadaan ka dhiibto qaadka waa sheey aad u xun dhinac kasta oo laga
fiiriyo diin, dhaqan dhaqaale iyo dhismaha guurka, iwm, in kastoo dhibaatooyinka
qaadka uu keeni jiray iyo kuwa hada uu keeno eey kala duwan yihiin, sida waagii
hore dumarka oo qaadka ka soo horjeeday iskana furi jiray hadii ninka qaadka
joojin, laakin hada haweenka (dumarka) ayaa ka badiyo nimanka marka la fiiriyo xaga cunida
taas oo ku heeyso dhibaato weeyn caruurta waayo wadankaan waxaa joogay dad badan
oo ninka iyo naagta is qaba eey qaadka cunaan taas ee keentay in eey ilmaha
dhaxda ka baxaan.
Hadaba aniga waxaan soo jeedin laha in qaadka la dabar gooyo
hadii eey suuragal tahay, waxaan kaloon jeclaan lahaa in la qaban qaabiyo
convention eey isugu imaadaan soomaalida daneeyneeyso arintaan lagan wada hadlo
sidii loo dabargoony lahaa qaadka, iyadoon cidna !dhib loo geeysan.
Qore: Muhiyadin Qassim
ASALAAMA CALEYKUM WARAXMA TULAAHI WABARAKAATU
WALAAL MAARKA HORE JASAAKUMALAAHI KHEYR
HADDII AAN FIKRAD KA DHIIBTO WAXYEELADA QAADKA MARKA HORE
- - WAXUU DHALIYAA BURBUR QOYS
- - NAFSATAADA OO HALIS GASHA, SABABTA OO AH JEERMIS WAXAA HALIS U TAHAY
BAAKTERIYA.
- - IYADA OO UU SHAHWADA RAGGA UU BINAANKA KEENO HOWSHII LAGA RABAYNA UU QABAN
AAD IYO AAD AYAD U MAHADSAN TIHIIN BAHDA QEYBTA WAXWEYDIIN OGAAL
NB-WALAYAAL WAXAAN DEGENAHAY WADANKA DENMARK
WALAALAYAAL WAXAA JIRA IN WADANKAAN AAD QAADKA LOOGA CUNO WAXAA
JIRAA DHOWR MAQAAYADOOD OO LAGU CUNO MAANDOORIYAHA QAADKA
WAXAAN ARKEYSAA DHALINYARO SOOMAALIYEED OO UU DULEYSTAY QAADKA.
ASALAAMA CALEYKUM WARAXMA TULAAHI WABARAKAATU
QORE: Mohamed (janagale)
Assalamacaleyku. Marka hore waxaa su,aal u bahan in aan isweydino qaadku
ma xalaal baa mise waa xaaran? (2) muxuu badey ummada Soomaaliyeed?
Aniga waxey ilatahay qaadku waan ka wadankii baa biyey. Aniga naf ahaanteyda waan cunney
qaadka waana garanaya wax ugalo iyo wax u yahay. Marka waxaan ummadan kunool
dalka dibadiisa usheegi la'haa in ay ka fikiraa sidii ay u joojin lahaayeen.
Waxaa intaa iidheer culimada Islamka oo dhan waxay isku raaceen in qaadku uu
ka mid yahay drugs, marka hadii uu sidaas yahay waxay ilatahay in aan ka
fekiri karo dhibatada uu geystay qoyska iyo caruurtanadii.
Waxaan xasuustaa ayadoo
magalada Muqdishu inta qaadka cuntaa ay aad ugu yartahay. Balse dhamaadkii
sideetenkii ay magaladu aheyd meesha ugu badan ee lagu cuno qaaka. Waadna
ogtihiin sida ay kudambeysay marka walaala yaal aan ku dhaqaaqno sidii aan ku
joojin laheyn
Qore: Mohammed Raghe
Akhri qaybtii hore (Back) | Waa socotaa ee guji halkan (Forward)
Posted SomaliTalk.com Team
May 19, 2000
QAYBAHA KALE EE QAADKA