SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Shirkadaha Heshiisyadii Hore ee Shidaal Qodista La Galay Dawladda Soomaaliya ka hor 1991..

  • Tarjumadii iyo soo ururintii SomaliTalk.com

Ka hor burburkii Soomaaliya, waxaa jirey shirkado heshiisyo iyo qandaraasyo ku saabsan baaritaanka iyo qodista shidaalka la galay dawladda Soomaaliya. Xilliyadii heshiisyadaas la saxiixday iyo shirkadaha heshiisyadaas la saxiixday Soomaalida waxaa ka mid ah:

  • January 31, 1986: CHEVRON iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis shidaal laga baarayo dhulka loo yaqaan Guban, aag baaxadiisu dhan tahay 40,509 Km2 oo oo ku dherer san xeebta Woqooyi Galbeed...
     
  • July 8 , 1986: CONOCO iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis batrool laga baarayo dhul baaxaddiisu dhan tahay 98,700 Km2 oo ka mid ah Gobolada Nugaal, Sool iyo Togdheer...
     
  • May 5, 1987: AMOCO iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis batrool laga laga baarayo dhul baaxadiisu dhan tahay 35,091 Km2 oo ah aagagga loo bixiyey Blocks 6, 9, iyo 12, oo ah Woqoyiga iyo Koonfurta magaaladda Muqdisho.
     
  • October 19, 1988: CONOCO ayaa ballaarisay baaritaankii shidaalka ee ay ka waddey Soomaaliya kaddib markii ay Soomaaliya la gashay heshiis ay ku baxaysey lacag dhan 20 million dollars oo loogu talo galay agagga blocks 33 iyo 34 oo ku yaal ari, Sool iyo NugalWoqooyi-Bari ee Soomaaliya [Bari, Sool iyo Nugal]....
     
  • November 29, 1989: PHILLIPS iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis shidaal lagaga baarayey dhul baaxadiisu dhan 14,165 km2 tahay oo ka mid ah Soomaaliya...
     
  • September 6, 1989: PARKER iyo CONOCO ayaa kala saxiixday heshiis shidaal looga baarayo aagga Magaalaad Laascaanood ee Soomaaliya..
     
  • August 30, 1990 : MOBIL iyo SHELL ayaa heshiis waxay ku gaareen baaritaan shidaal lagu samaynayo meel ka mid ah dhulka Soomaalida ee Badweynta Hindiya. Shirkadda Shell waxay xilligaas baaritaan ku samaysay aag baaxaddiisu dhan tahay 60,300 Km2....

Faahfaahin Heshiisyadaas hoos ka akhri....


Shirkadda CHEVRON INTERNATIONAL oo Heshiis Shidaal baaris la saxiixatay Soomaaliya - 1986

January 31, 1986

SAN FRANCISCO - Shirkadda Chevron International Ltd., oo ay leedahay shirkadda Chevron Corp., ayaa waxay 31kii January 1986 shaaca ka qaaday in ay heshiis ah qandaraas shidaal baaris la gashay Dawladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Heshiiskaas shidaal qodistu waxa uu ku saabsanaa dhul ka kooban saddex aag oo ku yaal meesha loo yaqaan Guban oo ku taal dhanka woqooyi ee Soomaaliya. Sidaa waxaa magaalada SAN FRANCISCO ka soo werisey hay'adda wararka ee PR Newswire.

Aagga heshiisku waxa uu ku dherersan yahay xeebta Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, dhanka bad iyo berrigaba ilaa laga gaarayo Gacanka Cadan. Aaggaas lagu heshiiyey waxa ay baaxadiisu dhan tahay 40,509 Km2 (ama 10,009,744 acres.).

Baaritaan dhuleed in aaggaas lagu samaynayo ayaa la qorsheeyey labada sano ee ugu horeysa ee heshiiska, waxaana la qorsheeyey in ay xigi doonto shidaal qodista.

Isha: PR Newswire, 31 January 1986 | Tarjumadii SomaliTalk.com 2007


Soomaaliya oo Heshiis Batrool Baaris la saxiixatay CONOCO - 1986

July 8 , 1986

Heshiis shidaal baaris ayaa waxaa uu dhex maray JDS [Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya] iyo shirkadda Conoco Inc. ee USA. Heshiiskaasi waxa uu ku saabsanaa dhul baaxaddiisu dhan tahay 98,700 Km2 oo ka mid ah Gobolada Nuqgaal, Sool iyo Togdheer ee dalka Soomaaliya. Sidaas waxaa werisey British Broadcasting Corporation, 8 July 1986.

Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha, Jaalle Axmad Maxamuud Faarax, oo xubin ka ah golaha dhexe rr siyaasadda ee XHKS [Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed], ayaa u saxiixay Soomaaliya, dhanka shirkaddana waxaa u saxiixay Mr. Raymond, oo wakiil ka ahaa shirkadda, oo ah kan hawshaas (shidaal baarista) u joogi doona Soomaaliya. Wasiirka iyo wakiilku waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii loo hir gelin lahaa shidaal baarista. Waxaana munaasabadaas goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada Macdanta iyo biyaha Eng. Maxamuud Sheikh Mursal, iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Jaalle Muxamad Cumar (Asad).

Isha: The British Broadcasting Corporation, 8 July 1986 | Tarjumadii SomaliTalk.com 2007


Shirkadda AMOCO oo heshiis Batrool Baaris ah la saxiixatay Dawladda Jamhuuriyyada Dimoqraadiga Soomaaliya- 1987

May 5, 1987

MOGADISHU - Shirkadda Amoco Somalia Petroleum ayaa heshiis la gashay Dawladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, heshiiskaas oo ku saabsan in shidaal laga baaro dhul ka mid ah Soomaaliya oo baaqdiisu dhan tahay 35,091 Km2 (8.67 million acres). Sidaas waxaa magaalada MOGADISHU ka soo werisey hay'adda wararka ee PR Newswire 5 May 1987.

Dhulka heshiiskaasi ku saabsanaa waa aagagga loo bixiyey Blocks 6, 9, iyo 12, oo ah Woqoyiga iyo Koonfurta magaaladda Muqdisho. Baaxadda aagga Block 6 waa  12,347 Km2 (3.05 million acres), aagga block 9 waa 9,515 Km2 (2.35 million acres), iyo aagga block 12 oo ah 13,229 Km2 (3.27 million acres).

Heshiiskaasi waxa uu dhigayey in waqtiga baaritaankaasi soconayo uu yahay saddex sano, taas oo loo kordhin karo heshiiska saddex sano oo kale oo sanad-sanad ah, marka lagu qanco hawsha baaritaanka ee asaaska ah ee la fuliyo. Baaritaankaas oo la adeegsanayo aalado iyo habab kala duwan oo shidaalka loo baaro. Waxaana la qorsheeyey in baaritaankaasi bilowdo muddo saddex bilood gudahood ah oo ku beegnaa Agoosto 1987.

Wasiirkii macdanta iyo biyaha ee xilligaas Axmed Maxamuud Faarax ayaa dhanka dawladda heshiiskaas u saxiixay, dhanka shirkadda Amoco waxaa u saxiixan Charles H. Moerbe, oo ahaa madaxweyne ku xigeenka Amoco Somalia.

Amoco Somalia waa shirkad hoos timaada Amoco Production Company, oo ah shirkad caalami ah oo hoos timaada Amoco Corporation.

  • Sannadkii 1998 waxaa midoobey oo hal shirkad isku noqday labada shirkadood ee Amoco iyo BP, waxayna noqdeen BP Amoco,

Isha: PR Newswire 5 May 1987 | Tarjumadii SomaliTalk.com 2007


Shirkadda Dupont unit Conoco Inc. oo Ballaarisay Baaritaanka Batroolka Soomaaliya - 1988

October 19, 1988

NEW YORK- Dupont unit Conoco Inc. ayaa sheegtay in heshiis qiimihiisu dhan yahay 20 million oo dollar ay la saxiixatay Dawladda Soomaaliya, si ay shidaal uga baarto Woqooyi-bari ee Soomaaliya, sidaas waxaa magaalada NEW YORK ka soo werisey hay'adda Reuters, 18 October 1988.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in heshiiskaas la kala saxiixday October 16, 1988, taas oo ay shirkadda Conoco ku kharash garaneysey lacag dhan 20 million dollars agagga blocks 33 iyo 34 oo ku yaal Woqooyi-Bari ee Soomaaliya.

Sida uu xilligaas [maalin Isniin ah] sheegay raadiyaha ay Dawladu gacanta ku haysey ee Radio Muqdisho, shirkadda Conoco waxay qorshayneysey in ay baaritaan batrool ku samayso gobolada Bari, Sool iyo Nugal oo ku yaal dhanka Woqooyi bari ee Soomaaliya, muddo saddex sano ah [1989-91].

War xilligaas laga baahiyey British Broadcasting Corporation ayaa sheegay in heshiiskaas lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho maalin Axad ah, waxaana baaritaanka la qorsheynayey in uu bilowdo muddo saddex bilood gudohood ah [taas oo ku beegnayd bilowga sannadkii 1989].

Afhayeen u hadlayey shirkadda Conoco ayaa sheegay in qorshahooda shidaal baarista ee Soomaaliya uu yahay bilow. Conoco waxay shidaal ka rajayneysey dhanka Woqoyi ee Soomaaliya laga soo bilaabo sannadkii 1986.

Shirkad kale oo laga leeyahay Maraykanka oo ah Amoco Corp, iyo shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga oo ah Agip SpA ayaa sidoo kale baaritaan shidaal ka wadey gobolka.

Isha: Reuters Limited , 19 October 1988 | Tarjumadii SomaliTalk.com, 2007


Shirkadda PHILLIPS Petroleum oo Soomaaliya la saxiixatay heshiis Shidaal laga baarayo dhul baaxaddiisu dhan tahay 3.5-million Acres - 1989

November 29, 1989

Oklahoma City- Shirkadda Phillips Petroleum International Corp. ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshiis la gashay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya si ay batrool iyo gaas uga baarto dhul baaxaddiisu dhan tahay 14,165 km2 [oo u dhiganta 3.5-million acre], sidaas waxaa magaalada Oklahoma City ka soo werisey hay'adda McGraw-Hill, Inc. 28 November 1989.

Heshiisku waxa uu dhigayey in shirkadda Phillips loo ogolaaday muddo laba sano ah in ay samayso baaritaan batrool. Kaddibna ay shirkadaasi haysato fursad ay heshiiska ku cusboonaysiin karto hal mar sannad kasta. Shirkadda Phillips waxay qorshayneysey in ay baaritaanka nooca loo yaqaan "seismic" ay samayneysey horraanta sannadkii 1990. Wax faahfaahin ah oo intaas dheer lama bixin.

Agga heshiiskaasi khuseeyo cid kale kuma wehelin shirkadda Phillips taas oo macnehedu tahay in 100% macaashka [faa'iidada ka soo baxda] aaggaas ay leedahay shirkadaasi. Taas oo ka dhigeysa in xilligaas ay shirkadda Phillips lahayd macaashka dhul baaxadiisu dhan tahay 38,851 Km2 [oo u dhiganata 9.6-million acres] ee dhulka Soomaaliya. Waxay xilligaas shirkaddu ku dhex jirtey qoditaanka ceel ku yaal Soomaaliya, oo ay wada qodayeen shirkadaas [Phillips] iyo shirkadda Conoco. Ceelkaas oo ku yaal meel ka baxsan dhulka heshiiska cusubi uu ku saabsanaa. Xilligaas waxa uu afhayeen u hadlay Phillips uu sheegay in ay Soomaaliya ka qodeen ilaa 50 ceel oo shidaal laga baarayey.

  • August 30, 2002, waxaa midoobey labada shirkadood ee Conoco Inc. iyo Phillips Petroleum waxayna noqdeen ConocoPhillips

Isha: Source:  McGraw-Hill, Inc. 29 November 1989 | Tarjumadii SomaliTalk.com, 2007


Shirkadda Parker Drilling oo Gashay Heshiis aad u baaxad weyn oo Shidaal Lagaga Baarayo Soomaaliya - 1989

September 6, 1989

TULSA, Okla.- Shirkadda Parker Drilling Co. ayaa shaaca ka qaaday in shirkad isla shirkadaas hoos timaada ay heshay heshiis aad u baaxad weyn oo ku saabsan shidaal qodista Soomaaliya, sidaas waxaa werisey PR Newswire, 6 September 1989.

Shirkadda Conoco Somalia Ltd. ayaa waxay heshiis la gashay shirkadda Eastern Hemisphere Ltd. oo hoos timaada Parker Drilling Co. Heshiiskaas oo ku saabsan baaritaan shidaal laga baarayo ceelal ku yaal Laascaanood, Soomaaliya.  Heshiiskaas awgeed shirkadda Parker waxay xafiis mar kale ka furatay magaalada caasimaidda ah ee Muqdisho.

"Shirkadda Parker waxay ku faraxsan tahay in ay mar kale ku laabato dal aad muhiim u ah," sidaas waxaa yiri Robert L. Parker Jr. oo ah madaxweynaha shirkadda iyo hoggaamiyaha hawlgalka shidaal baarista. Waxana uu intaas ku daray "waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay in aan mar kale cusuboonaysiinay xiriirkayagii wanagsanaa ee aan la lahayn Saraakiil Soomaaliyeed oo kala duwan."

Waxaa heshiiskas loo hawl geliyey Riigga shirkadda Parker ee lagu magacaabo TBA 2000 Rig 195. Riigaas oo xilligaas iska yaaley dalka Suudaan, waxaana loo jiidayey dekeda Suudaan. Halkaas oo laga saarayey doonida xamuulka jiida oo lagu geynayey dhanka Woqooyi ee Soomaaliya magaalada Boosaaso, kaddibna lagu qaadayey gaari xamuulka qaada oo la marsiinayey dhul dhererkiisu dhan yahay 430-mile, kaddibna lagu geynayey xaruntii hore ee Conoco. Sidoo kale dekeda magaalada Mombasa, Kenya waxaa laga rarayey alaabada kale ee shirkadda Parker oo loo rarayey Boosaaso.

Wayne Hazelwood oo ka mid ahaa shaqaalihii shirkadda Parker oo ka shaqeeyey Soomaaliya sannadkii 1986 ayaa loo magacaabay agaasimaha hawlgalka shirkadda ee mashruuca Soomaaliya. Hawlgalka shidaal qodistana waxaa la qorsheeyey in ay bilaabato November 15, 1989.

Shirkadda Parker waa shirkad baarta batroolka iyo gaaska oo qandaraasyo ka haysata ka haysatey hawlgalka shidaal baarirta ee  15 dal.

Isha: PR Newswire, 6 September 1989 | Tarjumadii SomaliTalk.com, 2007


Heshiiskii Mobil iyo Shell ee Baaritaanka Shidaanka Soomaaliya - 1990

August 30, 1990

FAIRFAX, Va. - Shirkadda Mobil ayaa shaaca ka qaaday 30kii Agoosto 1990 in faraceeda loogu magac daray "Mobil Exploration Somalia Inc" ay heshiis Wax-soosaar wadaag ah la gashay shirkadda Pecten Somalia Co. oo hoos timaada Shell Oil Co. Heshiiskaas oo ah in baaritaan batrool laga sameeyo meel kamid ah Badweynta Hindiya oo ku dhow xeebta Soomaaliya. Sidaas waxaa magaalada FAIRFAX, Va., ka soo werisey hay'adda Reuters Aug 30, 1990.

Aagga heshiiska lagu galay waa aagga sannadkii 1988 loo qoondeeyey ama la siiyey shirkadda Pecten in ay shidaal ka baarto. Halkaas oo ay baaritaan ku samaysay dhul baaxaddiisu dhan tahay 14.9 million acre [oo u dhiganta 60,300 Km2]. Shirkadda Pecten waxay hoos tagtaa Royal Dutch/Shell Group.

Shirkadda Mobil waxay xilligaas sheegtay in ay shirkadda kale ee Pecten ay si siman u wadaaigi doonaan baaritaanka batroolka halistiisa iyo wax kasta natiijo ah oo ka soo baxa. Waxayna xilligaas rajaynayeen in ay ceelka ugu horeeya qodaan sanandkii 1991.

Xigasho: Reuters 30 August 1990 | Tarjumadii SomaliTalk.com, 2007



Shirkadda Chevron oo Sheegtay in aysan ku laaban doonin Soomaaliya....

Shirkadda Batroolka baarta ee Chevron Corp. ma qorshayneyso in ay ay Soomaaliay ku laabato mustaqbalka dhow, sidaas waxaa Talaadadii (Aug 14, 2007) sheegay afhayeen u hadlay shirkadda, sida ay NEW YORK ka soo werisey wakaladda wararka ee Reuters.

Waxaa wakaaladda xustay in xeerka qabyada ah ee batroolka Soomaaliya uu shirkadaha batroolka oo hore Soomaaliya uga tegey 16 sano ka hor in ay ay hawshoodii dib uga bilaaban karaa Soomaaliya.

A draft hydrocarbon law obtained by Reuters would allow oil majors who declared force majeure and quit Somalia 16 years ago to resume their activities there. Waxaana warku intaas ku daray in shirkadaah waaweyn ee reer galbeedka ee batroolka baara oo ay ka mid yihiin oyal Dutch Shell, BP, ConocoPhillips, Chevron, ENI ay haystaan heshiisyo qandaraas batrool ah oo ku siman sanadihii 1980-maadkii, kahor intii aysan kasoo bixin dalka 1991 markaas oo la ridey xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

Chevron waxay heshiiska batroolka Soomaaliya la saxiixatay 31kii January 1986, sida kor ku xusan.


::: Ceelasha Batrool ka Laga Baaray ee Xeebaha Banaadir, Maxaa Lagu Arkay?

::: The history of hydrocarbon [oil & gas] exploration activities in Somalia 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH