SomaliTalk.com
Tell Your Friends

Khalidmosque Toronto

Sadaqad malabexeysaa, taageer masaajidka Ilaah hakuugargaaree; ku hagaaji foomka hoos kuxusan (fadlan)
. MSWORD Pledge Form
. PDF Pledge Form
. Click here for more info


Faahfaahin dheeraad ah
guji halkan




barava


Xayaysiiska SomaliTalk

Fadlan daabac xaayasiiska Somalitalk kunadheji xarumaha Soomaalida ee cariga aad kunooshahay.

Guji halkan

Mahadsanidin Taageeradiina.


Chat | Forum | Search | Feedback | News
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | News | SomBusiness | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakaat | Saxaabada
LiveNews Update | AfricaNews Highlights | Sports-News | News Sources
Islaamka iyo mustaqbalka Soomaliya
SherifOsman
Email: editor@somalitalk.com
SomaliTalk
June 11, 2000

Minneapolis, USA - Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay muxaadaro Masjidka Daar-alfaaruuq ee Minnesota, sidii aad horayba oogaga aragteen ogaysiiskii lagu daabacay boga hore ee Somalitalk tan oo ay aad oga soo shaqeeyeen dhaliin yaro soomaaliyeed oo khayrka jecel,

Muxaadaradan ayaa iyadu si wada jir ah waxaa u qaybsanayay laba sheekh oo aad caan oga ah dhamaan dalalka ay soomlidu degaan Soomaaliya ama qurbaha waa sheekh Cabdulaahi Cali Xashi iyo Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo iyagu soo marinayay muxaadaradan hawada sare iyaga oo isticmaalayay qalabka isgaarsiinta Galkom, GALKACYO,.

Waxaa qaybtii koowaad ee muxaadaradaa isagu furay sheekh Cabdulaahi Cali xaashi oo si aad oga waramay arimo dhoow ah oo ay ugu horaysay dhibaatada doowlad la'aaneed ee ka jirta Soomaliya iyo sida ay arintaasi u saamaysay mid walba oo ka mid ah dhaqanka iyo dhaqaaalaha Ummadda Soomaliyed Meelwalba oo ay jooogaan,.

Waxaa sheekhu aad iyo aad uu xooga u saaray bal in uu tilmaamo saamaynta arintaasi ku yeelatay Ummadeena waxa u si gooni ah ugu fara fiiqay qurgooyaha loo yaqan qaadka oo uu sheegay dhibaatada ugu wayn ee haystaa ummadeena maanta in ay tahay isaga iyo maandooriyayaasha kale oo si aan caadi ahayn ogaga soo muuqanaya beryahan dambe suuqyada waaweeyn ee dalkeena sida xashiishada, koofiyiinka, iyo noocyo kale oo farabadan, arintan oo inteeda badan ay ka dambeeyaan dib markii loo raacay qabqablayasha dagaalka meelwalba oo ay jogaan,.

Waxaa kaloo uu sheekhu wax ka tilmaamay akhlaaq darada tala meelo badan oo ka mid ah soomaliya maanta filimada xunxun, gabdhaha jirkooda ka baayacmushtaraya, iyo fasaad kale oo aad iyo aad u fara badan,.

Mar uu sheekh Cabdulaahi Cali Xaashi wax ka tilmaamayay shirka maanta loogu doonayo nabada soomliya waxa uu tibaaxay in haba yaraatee cid aan diinta illaahay rabini waxba u qabsoomaynin waxa uu sheekhu tuusaale usoo qaatay barnaamijyada laga sii daayo televisionka imika nabada loo fuuray habeenada qaar oo ay qabtaan doodo ku jeeda bal in ay suurto gal tahay in maanta lagu socon karo ama lagu dhaqmi karo diinta oo laga dhigi karo dastuurka uummada ka mid ah ummadaha xiligan jira, sheekhu waxa uu yiri doodoodaa inta badan waxa ay kusoo gabagabaynayeen in aysan waqtigan xaadirka ah la socon karin diintu oo siday ay leeyihiin imika horumar balaaran la gaaray kan oo aan jirin waqtigii diinta lagu dhaqmi jiray amaba ay soo dagaysay,.

Arinta taa kaba sii daran ee uu sheekh Cabdulaahi ka hadlay waxay ahayd in meesha la isugu keenay odayaal qabiil iyo niman dhaqanka reer galbeedka wata kuwan oo ay kala wayntahay qaran Soomaliyeed oo la dhisaa in reerkoodu Qayb fiican helo sidaa awgeed buu yiri sheekhu inta ay tasi jirto wax ka soocanayaa ma jiraan,.

Sheekhu wuxuu iyana taabtay in dadkii Culimada ahaa ee ka qayb galay shirkaa ay mutaan karaamo daro oo aan qayb iska daayee la iswaydiinba nin qabiilkiisa lagu daray ma ahane uusan ninkalena wax ka qaadin, hadaba adinkaan idiin waydiine meeday diintii ilaahay iyo dadkeedii, ilahay usoo laabta oo ku fakira in aad wax ku islaaxisaan mabda'a uu isagu raaliga ka yahay,.

Intaa ka dib waxa u sheekhu waano balaaran u soo jeeiyay dadkii soomalida ahaa ee isugu yimi halkaa oo uu u sheegay in dadkooda iyo dalkoodaba uu u baahanyahay maanta oo la soo gaaray waqtigii ay ilaahoda la duuban laahyeen ee aysan ahayn waqtigii ay guriga gaalada u fadhin laahaayeen quud, hadii ay joogaan meelwalba oo aduunka ka mid ahna uu ilaahay damaanad qaaday quudkooda, haday marka arintu sidaa tahayna aysan ahaynba in ay lasi fadhiyaan dad aysan isku dhaqan iyo diin midna ahayn,.

Hadalka waxaa intaa kadib lagu wareejiyay sheekh cabdulqaadir nuur, isaguna waxa uu dadka ku booriyay sheekhu in ay tashadaan oo ay maanta ogaadaan in dhulkooda iyo dadkooduba u baahanyihiin hiilkooda, sheekh cabdulqaadir oo ka hadlayay duliga dhulka gaaladu leeyahay ayaa waxa u aad ugu tirtirsiiyay dhalinta Soomaliyed ee muslimka ah in aysan diintooda dhaafsan xoogaa aduunya ah, isla markaana sheekhu waxa uu ka digay in sharaf iyo wanaag laga doono meel aan ahayn rabbigii aduunka iyo aakhiradaba sameeyay, qofkii doonaya sharafna ay tahay un in uu isaga waa ilaahaye isku xiro oo isu dhiibo,.

Ugu dambayntii waxaa la waydiiyay oo uu hadalkii dib ugu laabtay sheekh cabdulaahi cali xaashi dhoowr su'aalood oo ay mida ugu muhimsani ahayd rajada laga qabo in ay doowlad fiican oo soomali oo dhan wax tartaa ka soo baxdo shirka jabuuti inta ay la egtahay,.

Sheekhu waxa uu kaga jawaaabay horta ilaahay baa og waxa kasoo bixi doona halkaa laakiin hadii aysan ahayn dowladu mid haysata xariga ilaahay wax ka socanayaa ma jiraan, waxa ummaddayada sidaa u galay waa caddaalad daro, tii unbaana taagan buu yiri sheekhu ilaa cadalad la helana wax ka soconayaa ma jiraan,.

Mar sheekha wax laga waydiiyay rabitaanka shacabka ee shirka waxa u sheegay in meelihii uu maray oo dhan ay dadku ayidsanyihiin 99.99 balse sida muuqataa dadku nabad bay doonayaan mooyee iyagu ma oga waxa ka soo bixi doona shirkaa maanta reer galbeedku u fadhiyaan,.

sherifosman
dar-alfaaruuq
Minneapolis,
Minnesota, USA,.


AKHRI


>> Canug Soomaaliyeed oo reer Christian ah loo dhiibay
>> Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday
>> Yaa nabadda Soomaaliya ka go'daa?
>> Shirweynaha Islaamiga oo Laguqabandoono Toronto
>> MINNESOTA SOMALI STUDENTS UNION
>> KULANKII ARDADA MINNESOTA
>> Quudka Naarta & Qaadka (BOQOLSOON)
>> Gabaygii ABSHIR BACADLE ee Qaadka


Posted by SomaliTalk.com Team
June 11, 2000
Allah Is Great
.



mail


Top | Somali | Search | Forum | Add Site | Contact Us | Feedback