TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA
Qaybtii 6-aad

W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
QAYBTA:::
1aad |
2aad |
3aad |
4aad |
5aad |
6aad |
7aad |
8aad |
9aad |
F.G. Qaybtan 6-aad iyo kuwa xigi doonaba waxaa ku
jira ereyo af-soomaaliga ku cusub oo kamid ah erey-bixintii dowladdii hore
ee Soomaaliya u samaysay laamaha kala duwan ee cilmiga Sayniska.
War-isgaarsiintu aad bay u horumartay kadib
markii la daah-furay quwadda danabka, waxayna dadku ikhtiraaceen aalado kala
duwan oo wararka la isugu tebiyo, sida Taar (Telegraph), Telefoon, Raadiye,
iyo Telefishen. Haddaba, inta aanan u gudbin qalabka war-isgaarsiinta ee ku
shaqeeya quwadda danabka, waxaa muhiim ah in aan marka hore wax ka ogaanno
danabka iyo taariikhdiisa.
QUAWADDA
DANABKA
Sideedaba aaladda korontadu waa xoog-danabeed qayb ka ah xoogagga asaaska u
ah astaamaha-duleed ee caalamka. Ilaa iyo hadda, inta la ogyahay, xoogagga
ugu muhiimsan ee dunida ka jira waxaa loo kala qaadaa afar quwadood oo
iyaguna xoogag hoosaad usii kala bixi kara. Waxayna kala yihiin:
1. Xoog cuf-isjiidad (gravitational
force) oo ah quwadda cufafka isu jiidda, tusaale ahaan:
cuf-isjiidadka dhulka.
2. Xoog atameed tamar
badan (strong atomic force) oo ah quwadda
isku haysa bu’atameedyada (nuclei).
3. Xoog atameed tamar yar
(weak atomic force) oo ah quwadda atamada
isku dhejisa.
4. Xoog danabeed (electrical
force) oo ah quwadda dhalisa jiidashada (attraction)
ka dhaxaysa elektaronada (electrons) iyo
bu’atameedyada (atomic nuclei). Quwaddani
waxay fulisaa hawlo badan oo yaab leh, waxaana kamid ah kaah
birlab-danabeedka (electromagnetic radiation)
iyo kuwo kale.
DAAHFURKA QUWADDA DANABKA
Muddo
kumannaan sannadood gaareysa dadku waa ogaayeen jiritaanka waxa loo yaqaan
“danabka neg” (static electricity), hase
ahaatee saynisyahannadu si dhab ah ma aysan u fahmin noocyada iyo hab
adeegsiga xoog danabeedka ilaa laga soo gaarayey qarnigii 17d (1700s).
Sida ku xusan qoraal
qaddiimi ah oo uu qoray Faylasuuf Giriig ah oo magaciisa la yiraahdo
Thales the Milesian (Thales of Miletus)
qiyaas ahaan 600 C.H., dadyowgii hore ee Giriiggu waxay yaqaaneen in walaxda
Soomaalidu u taqaan cunnaabi (amber) haddii
lagu xoqo cunnaabi kale ama dhogorta xayawaanka, in cunnaabigaasi uu soo
jiito waxyaabaha fudud, sida waraaqo yaryar, iwm. Faylasuufkaasi wuxuu
aaminsanaa in cunnaabigu uu yahay wax nool maadaama uu dhaqaajin karo walxo
kale. Baaris cilmiyeed saddex qarni kadib la sameeyey, ayaa Faylasuuf kale
oo Giriig ah oo isna magaciisa la yiraahdo
Theophrastus, wuxuu ku sheegay in walxo kale ay sidoo kale leeyihiin
quwad lamid ah tan cunnaabigu uu wax ku dhaqaajiyo.
Haddaba, 2000 oo sannadood
kadib baaristii cilmiyeed ee Theophrastus,
waxoogaa horumar ah ayaa la gaaray oo ku saabsan aqoonta danabka. Taariikhdu
markii ay ahayd 1600 A.D. ayaa dhakhtar Ingiriis ah oo magaciisa la yiraahdo
William Gilbert wuxuu daabacay buug uu ku
diiwaangeliyey in walxo fara badan la danabayn karo iyadoo laysku xoqayo.
Walxahaasna wuxuu u bixiyey magaca Laatiinka ah ee
electrica; magacaasi oo asal ahaan laga soo dhiraan-dhiriyey ereyga
Giriigga ah ee elektron (oo la micne ah
ereyga “cunnaabi”).
DANAB (ELECTRICITY)
Ereyga danab (electricity)
waxaa markii ugu horreysay adeegsaday qoraa Ingiriis ah oo magaciisa la
yiraahdo Sir Thomas Browne taariikhdu markii
ay ahayd 1646-kii.
Danabku in uu walxo kale
uu dhex gudbi karo waxaa markii ugu horreysay daahfuray dhakhtar Jarmal ah
oo magaciisa la yiraahdo Otto von Guericke.
Dhakhtarkaasi waxaa kale oo uu sameeyey danab-dhaliyihii ugu horreeyey ee
lagu danabeeyo korontada taariikhdu markii ay ahayd 1672-kii.
Danab-dhaliyahaasi wuxuu ka koobnaa kubbad salfar ah (sulfur
sphere) oo lagu wareejinayo aalad ama botoon.
Gudbinta danabka (conduction)
waxaa dib usii daahfuray aqoonyahan Ingiriis ah oo lagu magacaabo
Stephen Gray horraantii qarnigii 17d.
Mr. Gray waxaa kale oo uu ogaaday in walxaha
qaarkood ay yihiin gudbiye-yaal (conductors)
halka kuwo kalena ay yihiin ma gudbiye-yaal (insulators).
Sidoo kale, isla qarnigii
17d, aqoonyahan Faransiis ah oo magaciisa la yiraahdo
Charles Dufay ayaa daahfuray in danabku uu ka
kooban yahay laba nooc oo uu ku kala magacaabay togane (vitreous)
iyo tabane (resinous); sidoo kale, wuxuu
ogaaday in danabyada isku caynka ahi ay kala didaan (repel)
kuwa kala caynka ahina ay isa soo jiitaan (attract).
Haddii walax electroonno ku bataan waxay siinayaan danab-tabane (negative
charge), haddii ay ku yaraadaanna waxay siinayaan danab togane (positive
charge).

Luigi Galvani iyo tijaabadii uu ku sameeyey raha
Taariikhdu markii ay ahayd
1791-kii ayaa saynisyahan talyaani ah oo magaciisa la oran jiray
Luigi Galvani uu daabacay buug uu ku
magacaabay Danabka Xayawaanka (Animal
Electricity).
Buuggaas wuxuu ku sharraxay tijaabo uu ku guuleystay oo sheegeysa in
muruqyada raha iyo xayawaanno kaleba ay yihiin madhxiye danabaysan. Galvani
wuxuu qalay rah (frog);
laba birood oo maar iyo xadiid ahna wuu isku lifaaqay; kadibna rahii ayuu
suray. Biraha isku lifaaqan mid kamid ah ayuu labadeeda geftin kala
taabsiiyey lugta iyo laf-dhabarta raha. Kadib, lugtii baa gariirtay,
sidaasna wuxuu ku ogaaday in muruqyada iyo dareemayaasha rahu ay yihiin
madhxiye danabaysan oo danab tirmaaya marka biro danab-gudbiye ah lagu
xiro.
Alessandro
Volta oo ah saynisyahankii loogu magac daray hal-beegga danabka ee
(volt).
|
Galvani
markii uu daabacay tijaabooyinkiisii kadib, ayaa aqoon yahan kale oo isna
Talyaani ah oo magaciisa la yiraahdo
Alessandro Volta
wuxuu billaabay baaris-cilmiyeed iyo tijaabooyin uu markii dambe ku
caddeeyey in gariirka lugta rahu aanay ahayn muruqyada iyo dareemayaasha oo
danab tirmaaya, balse ay yihiin labada birood ee kala jaadka ah ee uu
Mr. Galvani tijaabadiisa u adeegsaday.
Aragtidiisa waxaa uu daliil uga dhigay qalabka bateriga (battery)
ee Alessandro Volta
uu ikhtiraacay taariikhdu markii ay ahayd 1800. Si cilmiyeysan ayuu u
muujiyey aragtidiisa kadib markii uu isdul raseeyey bir-daawayaal (metal
disks) naxaas (zinc) ah iyo kuwo qalin
(silver) ah. Bir-daawe kasta oo naxaas ah iyo
mid kasta oo qalin ah wuxuu u dhexeysiiyey warqad qallafsan (cardboard)
oo milan cusbo ah ama asiidh (acid) la dhex
geliyey. Bir-daawuhu milanka cusbada ama asiidhka ayuu warqadda adag ku
tuujinayaa. Qalabkaas uu isku dul-dhisay qofkii isla mar taabta daawaha ugu
sareeya iyo kan ugu hooseeya wuxuu dareemayey jiriirico ama gariir.
Alessandro Volta wuxuu hab-dhiskaas u bixiyey
Taajka koobabka ah; imminkana waxaa la yiraahdaa taxa unugyada gudha (voltaic
pile). Waxaa xusid mudan in saynisyahankaas hawshii uu qabtay
abaal-gud looga dhigay, in loogu magac daro hal-beegga danabka lagu cabbiro
ee loo yaqaan (volt).
BATERIGII BAQDAAD (THE BAGHDAD BATTERY)
Taariikhdu markii ay ahayd
1938-kii ayaa caalin Jarmal ah oo ku taqasusay aqoonta hab-nololeedkii
dadkii hore (archaeologist) oo magaciisa la
yiraahdo Wilhelm Konig wuxuu ka helay magaalo
magaceeda la yiraahdo Khujut Rabu oo dhinaca
koonfur-bari uga aadan magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, qalab dhoobo iyo
walxo kale ka samaysan oo qiyaas ahaan xilligii la sameeyey ay ku abbaaran
tahay 250 C.H. Qalabkaas oo sida aashuunka soomaalidu biyaha ku shubato u
samaysan, wuxuu u egyahay bateri danab kiimikaad ah, oo dadka qaar ay
aaminsan yihiin in loo adeegsan jiray bateri ahaan.
Qalabkaas waxaa loo
bixiyey Baterigii Baqdaad (The Baghdad Battery)
wuxuuna ka kooban yahay walxaha soo socda:
-
dhoobo xagga sare uga
daboolan (earthenware shell);
-
dabool daamur ka
samaysan (stopper composed of asphalt);
-
ul bir ah oo ka dhex
baxsan daboolka dushiisa (iron rod sticking through the top of the
stopper);
-
dhululubo maar ah
(cylinder of copper);

Caalinkii Jarmalka ahaa,
Wilhelm Konig, kadib markii uu
qalabkaas soo helay wuxuu daabacay qoraal dheer oo uu kaga hadlayo walxahaas
qalabka bateriga u eg; wuxuuna sheegay in uu aaminsan yahay in qalabkaas loo
adeegsan jirey bateri ahaan, balse wixii lagu qabsan jirey aan ilaa iyo
hadda la aqoon; reer Ciraaqna wuxuu ku sheegay in ilbaxnimadoodu ay aad u
fac weyn tahay. Qalabkaasi wuxuu
soo saarayaa 1.1 volts
haddii khal (vinegar) ama milan kale oo
elektarolaayit ah laga buuxiyo dhululubada maarta ah ee qalabkaas ku dhex
jirta.
Ilaa iyo hadda ma jiraan
wax caddeynaya waxa dhab ahaan qalabkaas loo adeegsan jiray, waxaase la
ogyahay in reer Misobotaamiya [dadkii
ku noolaan jirey agagaarka labada webi ee
Tigris iyo Yufratis (Mesopotamia)]
ay ikhtiraaceen waxyaabo fara badan oo ilbaxnimadoodii qaddiimiga ahayd
muujinaya.
Akhri
qaybta 7-aad ee TAXANAHA TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA, Alle idankiis.
Aad baan usoo
dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin ah waxaan
codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2005
Sawirada: Google | Yahoo
QAYBTA
5aad |
QAYBTA
7aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|