Asalaamu
Calaykum
wr wb.
Qisadii
Nabi Ibraahim Qaybtii 2aad
Iska hor imaatinkii Nabi ibraahim iyo kuwii
sanamyada caabudayay
“Markuu ku yidhi aabihii iyo goomkiisi waa maxay
sanamyadan aad caabudaysaan (52) waxay yidhaadeen waxanu ka soo
gaadhnay aabayaashayo oo caabudi jiray (53 wuu ku yidhi xaqiiqdii
idinka iyo aabayaashiinba waxa aad ku sugantii baadi cadaan ah (54)
waxay yidhaahdeen ma xaq ayaad noola timid mise waad nagu
dheel-dheelaysaa (55) waxa uu yidhi rabigiinu waa rabiga samooyinka
iyo dhulka waana ka abuuray anigana sidaa idinka markhaati ah (56)”
Suuratul Al-anbiyaa.
Waxa dhamaatay arintii waxana bilaabmay iska hor
imaadkii ibraahim iyo qoomkiisa ka ugu darnaana waxa uu ahaa aabihii,
waxa isku dhacay inan iyo aabihii iska hor imaadkaa waxana kala
gaxeeyay mabdayo kala duwan inankuna waxa uu raacay dhinaca illaahay
(SW) aabuhuna waxa uu raacay dhinacii baadilka, aabihii waxa uu ku
yidhi aabo masiibo ayaa iga kaa haysta ibraahimow waad I
khiyaamaysay waanad I xumaysay ibraahi isagoo ka jawaabaya arinta
ayuu yidhi sida quraanku tilmaamay “Aabo maxaad u caabudaysa mid
aan ku maqlay oo aan ku arkayn waxbana ku tarayn (42) aabo aniga
waxa iigu yimi cilmi ahaan wax aan adiga kuu iman isoo raac aan kugu
hanuuniyee dariiqa toosane (43) aabo shaydaan ha caabudin shaydaanku
raxmaanka wuu caasiyayee (44) aabo waxa aan kaaga baqayaa in uu ku
asiibo cadaab dhinaca raxmaanka oo aad shaydaanka xidhiidh la
yeelato (45)” Suuratul Maryan.
Aabihii ayaa soo kacay isagoo aad u cadhaysan waxana
uu ku yidhi ibraahim isagoo canaanaya waxan aad wado hadii aad
joojin weydo dhagax ayaan kugu dili doona, taasina waa baal-marino
kuwa illaahayaga ka hor yimaada iigana bax gurigayga mana doonayo in
aan ku arko iga bax.
Iska hor imaadkaasi waxa uu keenay in ibraahim laga
eryo guriga, Nabi Ibraahim (CS) waxa uu aabihii ula dhaqmi jiray si
xushmad leh waxana uu kula hadli jiray aabihii edabtii Nabiyada
waxana uu ugu jawaabay aabihii “Nabadgelyo dushaada ha ahaato
danbi dhaaf ayaan kuu weydiinayaa rabigay aniga waa mid I xafidayee
(47) waan idinka dheeranayaa idinka iyo waxan aad baryaysaan
illaahay sokadiisa rabigay ayaan baryayaa ducada rabigayna deyn mayo
(48)”.
Nabi Ibaraahim (CS) waxa uu u soo baxay si taxadri
leh isagoo u socda dhinaca macbadka dariiqyaduna waxay kuwa lagu
dhibtoonayo macbadukuna wuu madhnaa dadkuna waxay tageen xaflado,
ibraahim waxa uu soo galay macbadkii isagoo sita faash waxa uu eegay
sanamyadii laga sameeyay dhagaxa iyo geeda, wuxuu eegay cuntadii la
agdhigay sanamyada, wuxuuna ku soo dhowaaday sanamyadii waxana uu
weydiiyay miyaanad cunayn isagoo ku dheel-dheelaya garanayana in
aanay waxba cunayn, wuxuu mar labaad weydiiyay maxaad u hadli la
dihiin intaa ka dibna waxa uu bilaabay in uu sanamyadii ku burburiyo
faashkii uu sitay, illaahyadii goobtaa lagu caabudi jirayna waxay
isku rogayn qurubyo yar yar oo dhagaxaan ah iyo foliidho yar yar oo
looxan ah.
Ku dayashada ayaa waydaarisay wixii ay fikir iyo
garasho la haayeen manay waydiin nafahooga hadii ay waxani illaahyo
yihiin sidee ayay u dhaceen waxan ku dhaca kuwa kale ee waxba iskaga
celin wayeen, waa kaa kii weynaayee sidee ayuu kuwa kale waxba uga
celin wayay, waxay yidhaadeen yaa sedan u galay illaahyadii? Kaasi
waxa uu ka mid yahay kuwa daalimiinta ahee, waxana la sheegay in ay
dadku maqlayeen ibraahim in uu diiday aabihii iyo sanamyadan la
caabudayaba oo uu balan ku qaaday in uu baabin doono marka ay ka
tagaan!
Waxay u yimaadeen Ibraahim (CS) dadkiina way ku soo
aruureen waxayna weydiiyeen:- ibraahimow ma adiga ayaa sidan u galay
illaahyadii, ibraahim waxa uu ugu jawaabay waxa sidaa u galay ka ugu
weyn bal weydiiya hadii ay hadlayaan, waana ku takrifal cadaan ah
jawaabtan ku dheel-dheelka ah, mana aha in la yidhaado ibraahim been
ayuu sheegay, jawaabta ku dheel-dheelkuna waxay ku noqotay mid
gelisa ka fikir iyo dib u noqosho “Waxay dib ugu noqdeen
nafahoogi waxayna yidhaadeen idinku waxaad tihiin dalimiin (64)”
Suratul anbiyaa.
Fikirkan iyo dib u noqoshadani waxay keentay in ay
dareeman in ay ku sugnaayeen marxalad liidata sanamyadan ay
caabudayeena ay ahayn dulmi, markii ugu horeysana waxa u furantay
garashada arintiina way rog rogeen laakiin waxay ahayd talaabo
kaliya “Waxay hoos u rogeen madaxoogi waxana ay ogaadeen waxanu
in uuna ahayn wax hadalaya (65)” Anbiyaa.
Runtiina markii ugu horaysa nafahooga ayay dib ugu
noqdeen markii labaadna madaxa ayay foorariyeen sida ka muuqata
macnaha quraanka, marka hore naftoodu waxay samaysay in ay
waxyaabahan u fiirsadan mar labaadkiina waxa uu inqilaab ku dhacay
kuwii aan caqliga iyo fikirta toona lahayn oo waxay yidhaadeen
ibraahim waaka ina xujeeyay wixiina hadli waayeen ee maxaynu naguna
ibraahim ku xujaynaa, waxa uu ku yidhi ibraahim “Ma waxa aad
caabudaysan inta illaahay ka so kaysa wax aan waxna idiintarayn
waxna idin yeelayn (66) waxna la soo dhowaysta toona maaha idinka
iyo waxan aad caabudaysaan” Anbiyaa.
Sidii Illaahay (SW) Nabi Ibraahim uga badbaadiyay
Dabkii
Dhacdadan… waxa bilaabmatay in ay u diyaar garoobaan
in ay gubaan nabi ibraahim (CS) warkaasina waxa uu ku fuday
boqortooyada oo dhan, dadku waxay isaga yimaadan miyi iyo magaalo,
buur iyo banaan, si ay goob-joog uga ahaadaan ciqaabta ninkan
burburiyay illaahyadoodi sanamyada ahaa kunan dheel-dheelaya
Kuhaanadoodi.
Waxay qodeen god-weyn waxayna ka buuxiyeen xaabo iyo
xansan iyo dhagaxaan waxayna ku huriyeen dab waxayna soo qaateen
Mijiniiq oo ah aalad awood u leh in ay ibraahim ku dhex tuurto dabka,
ibraahim ayay ku xidheen Mijiniiqi, godkii ay dabeeyeen ololkii ayaa
kirka isku shareeray, dadkuna way ka fogaayeen godka kuleelka dartii,
Kuhaankii ugu weynaa ayaan amar ku bixiyay in ibraahim lagu tuuro
dabka.
Waxa u yimi Malaku Jibriil oo madaxa iska soo taagay
ibraahim waxana uu weydiiyay ibraahinow wax miyaad iiga baahan tahay,
ibraahim waxa uu ku yidhi adiga miyaa maya, Mijiniiqi ayaa lagu sii
daayay si uu ibraahim ugu dhex tuuro dabka, dabku wuu ka holcayay
halkiisi, laakiin dabkii muu qaban dantii laga lahaa oo ay ahay in
uu gubo naba ibraahim, illaahay (SW) ayaana dabkii amar ku siiyay in
uu ahaado “Qabow iyo nabadgelyo ibraahim u sugnaatay”
ibraahim waxa uu fadhiistay bartankeeda si wixii u dhex fadhiyo beer
waxana uu ku tasbiixsanayay mahadnaqa rabigii qalbigiisana kamay
banaaneen meel ay ka gasho cabsi iyo argagax kale, qalbigiisa waxa
ka buuxay jacalka illaahay oo kaliya.
Waxa soo fadhiisatay kuhaankii amarka bixiyay dadkoo
meel fog ka soo eegaya, dabka kuleelka dabkuna waxa uu gaadhay heer
ay gaaladii u maleeyeen in ayna weligay bakhtiyeen, markii denbe uu
bakhtiyay ayay arkeen ibraahim oo caafimaad qaba kana soo baxaya
wajigiisana nuur ka widh-widhayo maryihiisuna ayana guban, manuu
lahayn raadkii qiiqa iyo gubashada, ibraahim waxa uu uga soo baxay
sidii wax uu beer ka soo baxay, waxa kale oo gargaaray baroortii u
qaadan waagi kufaarta waana ay ku qasaareen, “Waxay la dooneen
khiyaamo waxana aanu ka yeelnay kuwa khasaaray (70)” Suuratul
Anbiyaa.
Quraanku inagamuu waramin ibraahim markii u
burburiyay sanamyada da’diisu inta ay ahayd kamanuu warami sannadkii
lagu amray in uu risaalad fuliyo, laakiin waxa quraanka ku cad
ibraahim in uu ahaa nin shabaab ah markii uu arintaa sameeyay.
Iska hor imaatankii nabi ibraahim iyo kuwii
boqorada caabudayay.
Wakhtigii uu illaahay (SW) uu doortay nabi ibraahim
quraanku muu-xadidin ta labaad ma karno in aynu ka bixino jawaab
sugan laakiin ibraahim waxa uu watay xujooyin uu ku gaciyay kuwii
caabudayay sanamyada iyo kuwii caabudayay xidigaha si dhamays-tiran
waxa soo hadhay kuwii caabudayay boqorada taasina waxay noqoto in ay
xuju ku noqoto gaalada.
Ibraahim waxa uu u tagay boqor ka mid ah kuwii
wakhtigiisi noola quraanka illaahay (SW) nagumuu sheegi magaciisi
qiimo la’aantiisa dartee, laakiin waxa lagu tilmaamay in uu ahaa
Namruud waa boqorkii araamiinta ee reer iraq, boqorka iyo
ibraahim waxa dhex martay dood dheer quraankuna waxa uu inooga
waramay xujadii ugu horeysay ee nabi ibraahim uu hor dhigay boqorka
xadgudubsan in ay ahayd “Rabigay waa ka I nooleyay waana ka nafta
iga qaadi doona” boqorkii waxa uu yidhi anigu waxna waan noolayn
karaa waxna waan dili karaa, waxana karaa in aan u yeedho nin wadada
iska maraya oo aan dilo waxana karaa in aan iska cafiyo nin lagu
xukumay dil oo natiijadiisu ahayd dhimasho, sidaa dartee waxa aan
awood u leeyahay in aan waxna dilo waxna nooleyo.
Ibraahim waxa uu kula dooday boqorkii mar hadii
boqorkii isku tuhmay in uu karo in uu waxna dilo waxna nooleeyo,
ibraahim waxa uu ku yidhi mid aanu isku dayi karayn oo ah “Illaahay
waa ka cadceeda ka keena beri ee galbeed ka soo saara” markii uu
maqlay boqorkii wuu aamusay waxana ay ku dhamaatay in uu dareemo
boqorki in uu ka jawaabo waxan uu isku dayay in uu nabi ibraahim ku
sheego beenale, ibraahim waxa u sugnaatay in uu boqorku beenale
yahay aduunyaduna waxay leedahay nidaam iyo qowaamiin ay ku socoto,
qawaamiinta illaahay (SW) u sameeyay aduunkana qof illaahay abuuray
ma karo in uu xukumo, hadii ay dhab tahay sheegashada boqorka ee
illaahnimadu waxa uu badali lahaa nidaamka koomka iyo qawaamiintiisa
laakiin waxa uu dareemay in uuna karayn waana uu garan wayay wax
alle wuxuu yidhaa.
Hijradii Nabi Ibraahim (CS)
Waxa meel kasta ka dhacday caan-nimadii ibraahim
boqortooyada oo dhan dadka ayaana ku sheekaysta mucjisooyinkiisi iyo
sidii uu uga badbaaday dabkii waxa kale oo ay ku sheegayteen
mawqifkii uu iska taagay boqorkii sida uu u baabiyay boqorkaa garan
wayay waxa alle wuxuu yidhaa, ibraahim wuu sii wada dacwadii waxana
uu sameeyay dadaal badan si ay qoomkiisi u hanuunaan waxan uu isku
dayay in uu ku qanciyo dariiqa kasta, markii uu yaraaday jacalkii uu
u qabay iyaga (qoomkiisa) ayuu ka cadhooday kana hijiraaday, nabi
ibraahim (CS) waxa rumeeyay oo kaliya nin iyo gabadh qoomkiisa ka
mid ah, gabadhu waxay ahayd Saara oo markii denbena noqotay
xaaskiisi iyo Luud oo isaguna noqday nabi ka denbeeyay.
Hadaba markii uu gartay in aanu qofna rumaynay ayuu
go’aansaday in uu ka haajiro ka hore intaanu haajirin ayuu waalidkii
ugu yeedhay imaanka ka dibna waxa u cadaatay waalidkii in uu yahay
cadow illaahay oo aanu lahayn iimaan, waxana uu yidhi beri ayaan ka
ahayn cilaaqaadkiisina wuu jaray.
Mar labaad qisaska anbiyadu waxa uu leeyahay lama
filaan qisadii Nabi Nuux (CS) aabuhu nabi ayuu ahaa inankuna
gaal, Qisadan Nabi Ibraahim (CS) aabuhu waa gaal inankuna waa
nabi, hadaba labadan qiso waxaynu ka aragnaa sida muuminku ugu
dhawaaqay in uu bari ka yahay cadowga illaahay in kastuu inankiisi
yahay ama aabihiiba, illaahayna (SW) waxa uu ina fahansiinayaa inta
aynu ku jirno qisadan cilaaqadka kaliya ee waajibka tahay in ay ku
taagnaato isku xidhnaanta dadku in ay tahay cilaaqadka iimaanka ee
ayna ahayn ka dhiiga iyo wada dhalashada.
Ibraahim waxa uu ka soo baxay dulkiisi waxana uu
bilaabay hijradii waxana uu u safray magaalo la yidhaa Arwa
iyo Xaaran waxana uu u socdaal ilaa iyo Falastiin
waxana la socotay gabadhiisi, Falastiin ka dib waxa uu tagay
Masar, wakhtiga uu ku jiray socdaaladan oo dhan dadka waxa uu
ugu yeedhayay jidka illaahay (SW) waxana uu u dagaalamayay dartii
waxana u adeegayay dadka taagta daran iyo faqarada waxana uu
dhex-dhaxaadinayay dadka, waxana uu ku hadeynayay xaqa.
Waxa jira qisas kale oo ka waramaya ibraahim iyo
gabadhiisi mowqifka ay ka gaadheen boqorkii masar oo ah….
Boqorka masar waxa soo gaadhay warar odhanaya masar
waxa yimi nin ay la socoto gabadhii aduunyada ugu quruxda badnayn
waana uu damaaciyay, waxana uu u diray ciidankisii si ay ugu keenaan
waxana uu ku amray in ay waydiiyaan ninka la socda hadii uu ninkeedi
uu noqdo ay dilaan, Nabi ibraahim (CS) ayuu illaahay (SW) u soo
waxyooday waxana uu ku yidhi nabi ibraahim gabadhiisi hadii ay aniga
I kaa waydiiya waxa aad ku tidhaahdaa waa walaalkay, macnaha in ay
ku walaaloobeen illaahay dartii.
Hadaba aynu ku noqoto kalmadii ahayd waxa sidan
yeelay kooga u weyn ee waydiiya iyo tan ah waa walaashay mid waliba
waxay wadataa tafsiir gaar ah iyadoo taasi jirto illaahay waxa uu
aad ugu cabsanayay xisaabtiisa kalmadahan maalinta qiyaamaha, marka
dadka qiyaamaha la soo saaro lana xisaabinayo nabi ibraahim (CS)
waxa uu odhanayaa anigu rabigay sadex jeer ayaan been u sheegay,
imikana waxanu arkaynaa in ay dadku umada hortooda been ka sheegan
iyagoo ka xishoonay kana cabsanayn illaahi abuuray.
Saara markii ay ogaatay in boqorka masar uu
yahay qof xun iyadana uu doonayo waxay go’aansatay in ay illaahay
(SW) barido waxayna tidhi “Allahayow adigu waad ogtahay in aan
adiga ku rumeeyay iyo rasuulkaaga oo aan iska ilaaliyay xumaanta
illaahayow ha igu salidin gaalkaa”
Markii ay u soo galeen ayuu boqorkii gacantiisa ku
fidiyay si uu u taabto wuu fashilmay gacantiina waxay ku engegtay
halkeedi, waxa uu bilaabay boqorkii in uu aad u qayliyo markii ay
gacantii dhaqdhaqaa yeelan wayday waxana u yimi kuwo noocisa ah
laakiin way kari waayeen in ay wax u taraan, Saara waxay ka
cabsatay in ay nafteeda u dilaan waayna tidhi “Rabiyow iga gaxee
yaanay I dilinee” illaahayna (SW) waa uu ka caqbalay.
Boqorkii muu tooban keenin waxna kumuu qaadan waxana
uu u malayeeyay dhacdo laga soo gudbay wuu tagay waxana uu soo
weeraray mar labaad mar labadkiiina wuu ku fashilmay waxana uu ku
yidhi ii ducee illaahay (SW) ayay u bariday waana laga caqbalay, mar
sadexaad ayuu hadana sidii yeelay markaa denbena wuu ku fashilmay
waxana uu ku yidh hanada ii ducee waan iska kaa siidaynayaaye,
hadana illaahay (SW) ayay u bariday illaahayna wuu ka caqbalay.
Boqorkii waxa uu u dhawaaqay kuwii noocisa ahaa waana
uu ku yidhi iga fogeeya gabadhan qof iimaad keenine shaydaamad ayaad
ii keenteene
Akhri Qaybtii 3aad
Waxa si wada jir ah u diyaariyay