Asbaabaha Dhiliya
furiinka
(Taqi)
Asalamu
Calaikum
Qaybta:
1aad |
2aad
Qeebta 2aad
Maalintaan go,aansaday inaan jaamacad
kabilaabo dalka dibadiisa waxaa talooyin iyo tusaale iisoo jeediyey
dhamaan waalidkay, asxaabtayda, macalimiintayda ,dariska iyo
qaraabada si,aan uga taxadaro maadada aan taqasuska kuqaadan qolo
kastaa waxay sigaarkeeda iisiinaayeen tijaabooyin – waxaay igula
taliyeen in aan qasaarinin 4-ta sano ee jaamacada kujiro waxay
ilahaayeen Taqi-yoow maantay waxaad usocotaa oo go,aansan
mustaqbalkaaga waxaa hadda go,aamiso ayaad kuu ah mustaqbal –dhamaan
tood abaal ayaan uga hayaa balse fiicnaan laheeda sida wanaagsna ee
waqtiga iyo waanada iigu siiyeen inay iigu siiyaan maalintaan
go,aansan qofka aan nolosha laqeebsan waxaa hubalaa maalinta aan
iraahdo waan guursan inay cidna isiineen tajaabo yar aan uga
badbaadi karo kuhungoobida guurka – waxaa la,igula talin oo cashar
la,iisiin naag waxay kugu dhaqee 70 sano waxaad kubartid 7 galka ee
waa inaysan naxariis iyo beer jileec kugu baran, xoolahaga udiidiid,
xili danbe xaafada imoow markay geel uheesto ari uhees –dumarkuna
taladaas mid kaliidata ayaa lasiiyaa maalintii lasoodoonto islaamo
aysan waligeed lasheekesan ayaa sheeko ugu imaado eedo, habayar iyo
saaxiibo aysan waligood gurigooda tagin ayaa martiqaad ugu yeero
wax kale maahee waa in lamarin habaabshaa subxaana laah!! Yaa
ilaahii
Asbaababa dahliya furiinka qurbaha –macnaa
dadka kunool dibada qaasatan Yurub iyo waqooyiga America aqoon aad
udurugsan umolihi balse waxaa iisuura gashay maraan sidaa usii
fogeen inaan shaqo kahelay shirkad USA waxaan xirii isgaarsiin
lalahaa dadka kunool Canada iyo USA waxaan maalinkastaa 8saac in
kabadan talfon kulahadli jiray dadyow kala duwan oo customes ah
somalidu waa kamid ahaayeen dadkaas nasiib wanaag waxaan jawaab
uhelay su,aasha ah asbabaha dhaliya furiinka qurbana waxaan
wareestay dumar iyo rag fara badan oo dhibkaas soomaray ama kujira
ama xigaaladooda kudhacday. Waxaan kamararneen dadka aan wareestay
dadka kunool Europe oo asxaabo badan kuleeyahay –dadka aan
warbixintan kasoo ururiray waxaa kamidaa dadaan gaar ugaran iyo
dadaan aqoon ulaheen balse markaan usheegyay inaan airnkaas
maskaxdeeda jawaab uga la,ahay ayey igu saacideen dhamaamtood abaal
weyn ayaa u,ahaa waxana kamida waxyaalaha dhaliya furiinka qurbaha
waxyaalaha soosocdo.
Waxaa ninka iyo naagta isqaba isku
dhibaan inay udhaqmaan ama ufekeraan siday ufekeraan bulshada ay
lanool yihin taasoo suura gal aheen marnaba in gabar Somali ufekerto
sida gabdhaha reer galbeedka wiilashuna waa lamid dhibaatada
kadhalata soomin guurida dhaqamada shiheeye ayaa ah lafdhabarta
furiinka guurka qurbaha. Dhanka cunto karinta, labiska, galmada iyo
iscarfinta ayaa ah dhibka dhaliya furiika qurbaha waxaan nafsadeyda
iyo qofkastoo Somali kula talin inuu joojiyo dabeecada daanyeerka! –hadaad
ufiirsatay daanyeerku wuxuu kudabeecad yahay qofka uu lajoogo ee
korsada haduu yahay ruux tuug isna tuug ayuu noqdaa oo xaafadaha
ayuu alaabta kasoo xadaa hadduu ruux dadka dila lanoolyahay
daanyeerka wuxuu isna udhaqmaa sida gacan kudhiigle oo intuu
dariiqyada joogsado ayuu dadka dhegxeeyaa haduu yahay ruuxa
daanyeerka heesto ruux dhilayaa(zaani) isna dhilay ayuu noqdaa oo
gabdhaha ayuu dariiq kuqabsadaa taas waax garan kartaa hadaad dib
uxasuusato daayeerada xaafdada joogi jiray marka inaad isku dhibto
inaad sooqaadato caadooyinka aad ku,aragtay dadka aad lashaqeeso ama
aad wax labarato kuumo haboono ee sida Hinidada dab caadubka
meelkastoy joogan udhaqmaan ayaa kula gudboon inaad diintaada
islaamka iyo dhaqabkaaga wanagsan ee somaliga kudhaqanto Qodobka
2aad waxaa weeye ragga iyo dumarka isqaba waxaa wax kasugaayo
xidid iyo xigaalo oo waajib weyn ayaa kasaaran siday qoosaskooda
kutabaalesan dalka uga bixin lahaayen dhibka heesta marka guur
meesha soogalo isqabqabsi dhanka xoolaha iyo sida qofkastaa waajibka
gaarkiis usaaran ulaxalin lahaa qofka kale ayaa bilowda taasoo
gaarsiisa in aaqirka laysfuro –markii hore ayaan lagu darsan talada
arinkaan oo layska indha saabay markii baahida shahwo degtay ayaa
lagu soobaraa rugay. Qoodnka 3aad oo ah qodob xasaasiyaa ayaa isna
meesha kamarneen taasoo ah in dumarka somalida aysan kabaran ama
ku,arag hooyadeed, sodohdeed ama walaasheed kaweyn inay aqalka
fadhiso sida gabdhaha carabta ama Pakitaanta raguna sooshaqeeyaan
waa dhaqan islamiya in dumarku aqalkooda joogaan raguna
sooshaqeeyaan balse yaa kukari kara raga somalida inay dumarku
ushaqeeyaan oo suuqa uga soo adeegaan waa calaacashoo timo kasoo
baxdo!! –markii qurbaha latagay ayaa rag fiican dabeecadaan
lasoobaxeen balse markay si xukun askarimo kujirto u,armeen
xaasaskooda inay aqalka joogaan isna sooshaqeeyo ayaa diidmo culus
kahortimid ama hadii sikale looyiraado uusan awoodi karin inuu
xilihiisa, xigaaldiisa, xididikiisa uwada xamaalo ayaa kadhalan
karta inay ooridisu tiraaho jaale dadkayga ayaan ushaqeesan ee aqal
adiga xabsi kuugu gali mayo halkaas oo xero fandhaal kala fulqamaan!!
Qodonka ugu dabneeyo oo ah qodob dumarku shaydaan uqurxiyey ayaa ah
sababha furiinka qurbaha –waana in dumarku iska dhaadhiciyeen in
diinta islamka xuquuqdooda kutumatay oo raga wax dheeri lasiiyey
markii qurbo latagay ayey afar xaniinyo lasoobaxeen iyagoo kujirto
aargoosi iyo xaasidnimo ragga uqabaan waxay bilaabeen inay waxkastoo
wanaag uu ninku usameeyo aysan milicsan oo caadifad ayaa kujirto
taasoo aaqirkii kafarxineeso ibliis iyo dhashiisa waxaan umaleen
inaysa dumar badan oo Somali aysan maqal oraahdii ninkii ingriiska
ahaa ee islaamay markuu aqriyey xuquuuqda diinta silaamku siisay
dumarka ayuu aad uyaabay isagoo yiri hadii aan muslim ahaan laheen
waxaan oran lahaa kitaabka qur.aanka dumarka ayaa qoray sida uu ugu
hiilinayo darteed – balse way yartahay dumarka somalida ee qaba
fikirkan qolo yar oo shaydaan wax udhurxiyey oo wax magarataa ayaa
ku,andacoota in diintu kahiilisay.
FG: waxaan dhanaam aqristayasha
sharafta badan uga cudurdaran inaan qoraalkan qolo gaar ula jeedin –waxyaalaha
aan kuqaldamo aad karaali noqtaan adinkuu mahdsan aqoon yari
aawadeed – haddii aad dooneeso inaad kahortagto waxyaalaha shaydaaka
farxad galin uu furiinku ugu horeeyo waa inaad kudhaqdaan aqalkiina
siday diinteena nafareeso –adigoo lakaashan dhageesiga cajaladaha
boqol soon ilaah ha,unaxariistee
aamiin dhaxal wanaagsna oo wax ku,ool ayuu uga tagay dadka
guurdoonka marka cajaladahaas iyo kuwo kaloo fara badan oo culimo
diyariyeen ayaa jira waadna mahadsan tahay aqrinta maqaalka walaahu
waliyul mutaqiin wabilaahi towfiiq wasalamu calaikum.