TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA
Qaybtii 7-aad

W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
QAYBTA:::
1aad |
2aad |
3aad |
4aad |
5aad |
6aad |
7aad |
8aad |
9aad |
TIJAABOOYINKII GUDBINTA KORONTADA
Helitaankii quwadda danabka kadib,
saynisyahannadu waxay sameeyeen tijaabooyin fara badan oo looga gol lahaa in
lagu ogaado in danabka loo gudbin karo masaafo aad u fog iyadoo la
adeegsanayo xarko silig ah; himiladaasina waa suurta gashay oo waxaa la
ogaaday in korontada silig lagu gaarsiin karo masaafo kasta oo la rabo
durbadiiba (instantaneously). Bartamihii qarnigii 18d, waxaa si lagu
qanci karo gudbinta korontada tijaabo ugu sameeyey wadaad kaniisadeed oo
Faransiis ah oo magaciisa la yiraahdo
Jean-Antoine Nollet.
Wadaadkaasi wuxuu tijaabadiisa ku sameeyey dad nool oo ka tirsanaa kaniisad
uu madax ka ahaa oo ku tiillay magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Laba
boqol oo xertiisa ka mid ahayd (monks) ayuu mid kastaaba gacanta u
geliyey fiilo dheer oo iyaga ku teedsan; wuxuuna amray in ay si wareeg ah (circle)
u kala istaagaan masaafooyin kala durugsan oo dhexroorkoodu yahay ilaa 1
mayl (1.5 km). Markaas kadib, ayaa wadaadkii Mr.
Nollet, wuxuu fiiladii xertiisa ku wareegsaneyd uu ku xiray batari.
Mar kaliya ayey dhammaantood kor u boodeen iyagoo gariiraya markii danabku
hal mar wada saaqay.
Tijaabadaasi waxay dadkii daawanayey ku
qancisay in quwadda danabka si deg-deg ah lagu gaarsiin karo halkii la doono
iyadoo la adeegsanayo xarko gaar ah oo bir ka samaysan (fiilo ama silig).

SAWIR GACAMEED MUUJINAYA WADAADDADII TIJAABADA LAGU
SAMEEYEY (1746-kii).
ILAHA DANABKA
Waxaa jira qalab kala duwan oo dhalin kara
qulqul danab (electric current). Dadku waxay
badanaaba adeegsadaan: danab-dhaliye (generator)
iyo batari (electrolytic cells).
Danab-dhaliyuhu
wuxuu adeegsadaa tamar kiimikaad oo ka dhalaneysa quwad ay dhaliyaan biyo
socda ama cadaadis gaas (pressure steam) oo
awood u leh in ay wareejiyaan garangar mashiin ku xiran (turbine).
Halkaasna waxaa ka dhasha danabka la adeegsado. Sidoo kale waxaa jira
matoorro baasiin ama naafto ku shaqeeya oo iyaguna danabka dhaliya.
Qalabka baterigu
si uu danab u dhaliyo wuxuu adeegsadaa tamar kiimikaad oo gudaha bateriga ku
kaydsan. Baterigu wuxuu ahaan karaa mid ama dhowr xabbo oo isku xiran.
Waxaa sidoo kale jira unugyo shidaal ku
shaqeeya (fuel cells) oo danab dhaliya,
balse unugyadaasi ma kaydiyaan tamar kiimikaad, waxayna u baahan yihiin in
si joogto ah shidaal loogu shubo si ay danab-dhalinta u joogteeyaan.
Waxaa xusid mudan in unugyada shidaalka ku
shaqeeya ay ka faa’iido badan yihiin danab-dhaliyeyaasha kale, sababtoo ah
waxay si toos ah falgalka kiimikaad (chemical
reaction) ee ay sameeyaan ugu beddelaan danab caadi ah oo la adeegsan
karo. Sidoo kale, danab-dhaliyeyaasha kale waxay bixiyaan uummi wasakheysan
oo hawada xumeeya (pollution) oo sida la
ogyahay dadka iyo duunyadaba halis ku ah, laakiin qalabkan (fuel
cells) waxaa aad u yar uumiga uu hawada ku sayriyo.
FARSAMADA TELEGARAAFKA (TELEGRAPH)
Marka
hore micnaha ereyga telegaraaf (telegraph)
waxaa weeye “meel fog oo warar loo gudbiyo”. Telegaraafku
waa aalad ku shaqaysa quwadda
korontada oo
lagu diro ama lagu helo
dhambaallo iyo farriimo waayirro soo dhex
maray. Farriimaha telegaraafka waxaa la
yiraahdaa dhanbaal ama telegaraam, waxayna maraan dhulka iyo badda hoostooda
iyagoo qulqul danab ah (electric current).
Inta badan, hindisaha
farsamo kasta oo dadku ikhtiraaco sabab ayey ku timaadaa oo waxaa
dhiirriggeliya baahi loo qabo farsamadaas la ikhtiraacayo. Haddaba, qalabka
isgaarsiinta ee korontada ku shaqeeya, kii ugu horreeyey oo ah telegaraafka,
waxaa hindisihiisa sabab u noqday gaadiidka tareenka iyo dhabbaha xadiidka
ah (railway) ee uu ku socdo. Gaadiidka tareenku wuxuu soo
shaacbixiyey baahi weyn oo loo qabo isgaarsiin deg-deg ah si loo joogteeyo
habsami u socodkii gaadiidkaas isla markaasna looga hortago isku-dhac ama
shilal tareen oo ka imaan kara tareennada xawaarahoodu aad u dheereeyo oo ku
socda waddo bir ah oo iyaga loo sameeyey.
Sannadkii 1830-kii, markii dalalka
Ingiriiska iyo Maraykanka si rasmi ah looga dhaqangeliyey adeegsiga
waddooyinka gaadiidka tareenka (railway), waxaa lagu hawlanaa
diyaarinta farsamada telegaraafka.
DALKA MARAYKANKA
Taariikhdu markii ay ahayd 1835-kii,
ayaa aqoonyahanka magaciisa la yiraahdo Samuel
Finley Breeze Morse wuxuu tijaabo uu sameeyey ku caddeeyey in baaq
isgaarsiineed lagu gudbin karo xarig silig ah (wire). Tijaabadaas
wuxuu ku sameeyey danab si toos ah u dhaq-dhaqaajiyey qalin loogu tala galay
in uu ku xarxarriiqo baaq qoraal ah oo ka kooban laba calaamadood oo kala
ah: dhit ( .
) iyo dhaa (
_ ). Calaamadahaas waxaa af Ingiriisiga
lagu yiraahdaa: dot (
. ) and dash (
_ ). Sannadkii xigay ayaa
Mr. Morse sii hagaajiyey telegaraafkii uu
ikhtiraacay, wuxuuna ka dhigay aalad xaashi ku naqshadayn karta calaamadihii
( . iyo _ ).
Taariikhdu markii ay ahayd 1838-kii ayaa
Mr. Morse wuxuu soo saaray telegaraafkii ugu
horreeyey ee la iskula xiriiro, wuxuuna u dejiyey nidaam sahlan oo la raaco,
kaas oo loo bixiyey Xeerka Morse (Morse Code).
Tusaale: Alifba’da, lambarrada, iyo
astaamaha farta Ingiriisiga oo, mid kasta, lagu hor qoray astaamaha uu u
taagan yahay Xeerka Morse.
Xeerkaas waxaa markii
dambe laga dhigay mid caalami ah oo telegraafyada loo adeegsado iyadoo wax
yar uun laga beddelay, sabatoo ah wuu ka adeegsi sahlanaa xeerar kale oo dib
laga soo saaray.

Telegaraafkii ugu horreeyey ee Morse, 1835 (Qabte)
Sannadkii 1842-kii
ayaa Mr. Morse ku guuleystay in uu
kongareeskii Maraykanka ku qanciyo in ay siiyaan maalgelin lacageed oo dhan
$30,000.00 oo uu dalka ugu qalabaynayo fiilooyin telegaraaf oo war-isgaarsiin
loo adeegsan doono.
Waxaa xusid mudan in
aaladda telegaraafka iyo xeerka uu Mr. Morse
u jideeyeyba ay leeyihiin ahmiyad gaar ahaaneed, sababtoo ah waxay
tusmeeyeen farsamo ugub ah oo markii dambe ay tixraaceen aqoonyahannaddii
ikhtiraacay aaladda kumbiyuutarka.
DALKA INGIRIISKA
Taariikhdu markii ay
ahayd 1837-kii, ayaa laba nin oo Ingiriis ah oo magacyadooda la kala
yiraahdo Sir Charles Wheatstone iyo
Sir William Fothergill Cooke waxay si wadajir
ah u soo saareen telegaraaf ku shaqeeya aaladda korontada. Waxayna noqdeen
labadii nin ee ugu horreeyey dalka Ingiriiska oo sameeya qalabka
telegaraafka.
Waxaa xusid mudan in
Mr. Wheatstone uu ahaa kan hayey aqoontii iyo
xeeldheerinnimadii hirgelisey sancadooda halka Mr.
Cooke na uu hayey maalgelinta, suuq-gelinta, iyo wixii la xiriira.

Telegaraafkii ay sameeyeen Mr. Coke iyo Mr.
Wheatsone (1837-kii)
Mr. Cooke
wuxuu ka codsaday Shirkad Tareen oo magaceeda la oran jiray
London and Birmingham Railway
iyo shirkad kale oo iyana la oran jiray Great
Western Railway in ay u ogolaadaan in
ay tijaabooyin ku samaystaan dhabbaha tareennadooda.
Sannadkii 1845-kii,
waxaa dalka Ingiriiska ka dhacday sheeko la yaab leh oo soo jiidatay
xiisihii dadweynaha. Nin magaciisa la oran jiray
John Tawell ayaa wuxuu haweeney ku dilay gurigeeda oo ku yiil magaalo
la yiraahdo Slough; ninkii wuxuu ku baxsaday
tareen ku socdey magaalada London oo qiyaas
ahaan 20 mayl (32 km) u jirta. Hase ahaatee, taar (telegram) ayaa
warkii lagu gaarsiiyey
London ka hor intii uusan tareenkii
soo gaarin. Kadibna si sahal ah ayaa gacan-ku-dhiiglihii baxsadka ahaa lagu
qabtay, dabadeedna dil ayaa lagu xukumay. Dhacdadaasi waxay aad u
farxadgelisay dadweynihii Ingiriiska oo aad ula dhacay farsamada
isgaarsiineed ee dadku ku tallaabsaday, iyo waxtarka ay bulshada u leedahay
war-isgaarsiintu.
Akhri qaybta
8-aad ee TAXANAHA TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA....
Aad
baan usoo dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin
ah waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
Faafin: SomaliTalk.com | Apr 8, 2005
Sawirada: Google | Yahoo
QAYBTA
6aad |
QAYBTA
8aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|