TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA
Qaybtii 2-aad
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
Sidii aan
qaybtii koobaad ee taxanaha Taariikhda War-Isgaarsiinta
ku xusay, hab-qoraalku markiisii hore wuxuu ku billowday astaammo iyo masawirro
wax lagu kala garto oo qayb ka ah taariikhda war-isgaarsiinta. Haddaba, qaybtan
labaad waxaan kusoo qaadanayaa taariikhda farihii ugu horeeyay adduunka ee la
qoray, dadkii lahaa, iyo halkii ay ku noolaan jireen.
“Afku”
sidiisaba waa waxa dadku ay uga duwan yihiin xoolaha iyo dugaagga adduunka kula
nool, waana qalab aan looga maarmin wada xiriirka Bani-aadamka. Aqoonta qorista
afku waxay astaan weyn oo muhiim ah u tahay ilbaxnimada iyo farsamada lagu
gaaray fikirka dadka, waana aaladda ugu muhiimsan ee loo adeegsado war-isgaarsiinta
dadku u wada baahan yahay. Mid ka mid ah guulihii ugu waa weynaa ee taariikhda
dadka lagu hayo waxa weeye curinta iyo horumarinta astaamihii ama calaamadihii
afka loo sameeyay oo suurta geliyay in la diiwaangeliyo waayihii iyo sooyaalkii
dadku soo maray.
Waxaa Ilaahay (S.W.) Suuradda
Huud, aayadda 44aad uu innoogu sheegay doonidii Nabi Nuux (C.S.) ee sidday intii
nabad gashay oo isugu jirtay dad iyo duunyo, in markii biyihii duufaanku ay
yaraadeen, ay sagxadda dhigatay buur magaceeda la yiraahdo
Juudi; Buurtaasi waxay ku taallaa degmo hadda Turkiga ka tirsan oo
magaceeda la yiraahdo Bohtan.
Wakhtigaasi taariikh ahaan goortuu ahaa lama yaqaanno, hase ahaatee, waxaa la
ogyahay in muddo imminka laga joogo toddoba kun oo sannadood, dadkii ugu
horreeyay ee cammiraad iyo ilbaxnimo sameeyay in ay deganaayeen koonfurta dalka
Ciraaq (Iraq), waa dhulka ka bilowda magaalada
Baqdaad (Baghdad) halka ay imminka tahay ilaa
halka Khaliijka ee webiyadu ku af go’aan. Ilbaxnimadaas waxaa ugu weyn nidaamka
qoraalka oo markii ugu horeysay Bani-aadamku adeegsaday.
Fartii Kiyuunifoom-ta - (Cuneiform
Script)
Fartii ugu horeysay adduunka waxay ahayd far ay samaysteen dad lagu magacaabi
jiray Sumeeriyiin (Sumerians)
oo muddo imminka toddoba kun oo sannadood laga joogo ku noolaan jiray dalka
maanta loo yaqaan Ciraaq (Iraq)
dhinaciisa koonfureed, agagaarka labada webi ee Tigris iyo Yufratis (Tigris
and Euphrates). Labadaas webi waxa af
Carabiga lagu yiraahdaa Dijla iyo
Furaad, waa dhulka hadda ay ku fadhiyaan qaybo ka mid ah dalalka
Ciraaq iyo Suuriya. Haddaba, dadkaas magacooda la oran jiray
Sumeeriyiin
waxay halkaas ka samaysteen ilbaxnimo heerkeedu aad u sareeyo.
Farta ay samaysteen waxa lagu
magacaabi jiray Kiyuunifoom (Cuneiform),
oo micnaheedu yahay “far bishileed” (wedge-shaped),
af carabigana waxaa lagu yiraahdaa “Kitaabah al-Mismaari”. Fartaasi waxay isugu
jirtaa xarxarriiq iyo sawirro waxaana markii dambe qaatay dad
Sumeeriyiintii
aad uga dambeeyay oo isla dalka Ciraaq deganaa oo loo yiqiin Baabiliyiin (Babylonia).
Dadka sooyaalka u kuurgalay waxay sheegaan in boqorradii loo aqoon jiray
Faraaciintii Masar (Pharaohs) markii ay
fartoodii sameysanayeen in ay wax ka soo qaateen fartii Kiyuunifoom-ta (Cuneiform)
oo ay lahaayeen dadkii
Sumeeriyiinta ee
ku noolaa agagaarka labada webi ee Tigris iyo Yufratis (Mesopotamia).
Magaca “Mesopotamia”
waa erey asalkiisu kasoo jeedo afka Greek-ga oo
micnihiisu yahay “Dhulka u dhexeeya
labada webi ee
Dijla
iyo Furaad”, waa dhulka hadda ay ku
fadhiyaan qaybo ka mid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya; dhulkaasina wuxuu ahaa
halkii ugu horreysay ee aqoon iyo ilbaxnimo loo aayo adduunka u horseeday.
Magaca dalka Ciraaq (Iraq) waxaa la sheegaa in uu kasoo jeedo magaalo qadiimi ah
oo magaceeda la oran jiray
Uruk
oo mar xarun u ahaan jirtay dadkii
Sumeeriyiinta.
Uruk waxay ahayd magaalada ay taariikhdu sheegto in uu kasoo haajiray
Nabi Ibraahim (C.S.) markii uu u ambabbaxay dhulkii laysku oran jiray
Shaam (Suuriya, Lubnaan, Jordan, iyo Falastiin).
Akhrinta iyo qorista fartii
Kiyuunifoomtu
aad bay u adkayd,
waxayna ka koobnayd ilaa 550 calaamadood (characters). Qofka baranaya fartaasi
waxay ku qaadan jirtay dhowr sannadood si uu uga lib keeno xirfadda
qoris-akhriska ee fartii
Kiyuunifoom-ta.
Si kastaba ha ahaatee, fartii
Kiyuunifoomta waxaa dhowr kun oo sannadood si aad ah looga adeegsanayey guud
ahaan Bariga Dhexe, waxaana lagu qori jiray agab ka samaysan dhoobo la
qallajiyay kadibna la dubay. Waxaa imminka la helay tirooyin aad u fara badan oo
ah agabkaas oo ay ku qoran yihiin dhaxalkii ay adduunka uga tageen
Sumeeriyiintu.
Fartii ay ikhtiraaceen qoladaasi waxay dadka
u sahashay in ay ku urursadaan taariikh badan oo iska lumi lahayd haddii aysan
jiri lahayn hab lagu diiwaangeliyo waayaha iyo sooyaalka dadka ee jiilba jiil
kale usii gudbiyo. Haddaan si kooban u sheego, qoraalkan aad imminka
akhrisanayso waxaa weeye mirihii ka dhashay fikirkii Sumeeriyiinta oo la sii
horumariyay.
Fartii Hayrugaliif ee
Faraaciintii Masar - (Hieroglyph Script)
Marka hore, inta aanan ka hadal
fartii Hayrugaliif, waxaan si korkaxaadis ah u dul marayaa sooyaalkii boqorradii
Faraaciintii Masar. Faraaciintu waxay ahaayeen dadyow taariikhda adduunka ka
galay baal dahab ah, waxayna ka mid yihiin dadka ugu taariikhda dheer ummadaha
dunida. Faraaciintu waxay ahaayeen dowlad ay xukunkeeda isu beddeleen 178 boqor,
waxayna dalka Masar (Egypt) xukumayeen muddo
dhan Laba Kun Toddoba Boqol Lixdan iyo Toddoba (2767) sannadood. Muddadaasi waa
inta u dhaxaysa 3100 (C.H.) ilaa 333 (C.H.) Waxyaabaha ugu cajiibka badan ee ay
ka tageen Faraaciintii Masar waxaa ka mid ah Ahraamta faraha badan (Pyramids)
oo ay dalka Masar ka dhiseen. Culimada haatan ku nool adduunka ee ku xeel dheer
dhismaha iyo cabbiraadda waxay la yaabban yihiin sida ay Faraaciintii Masar u
dhiseen ahraamta weli taagan ee la yaabka leh, iyo aqoontii ay u adeegsadeen.
Fartii Hayrugaliif ee Faraaciintii Masar
Haddaba, fartii ay isticmaali
jireen Faraaciintii Masar waxa magaceeda loo yaqaan “Hieroglyph”.
Magaca Hieroglyph wuxuu kasoo jeedaa afka
Greek-ga, micnihiisuna waa
calaamado barakaysan (sacred signs); fartaasi waxay ahayd hab-qoraaleed la
adeegsanayo sawirro iyo xarxarriiqmo u taagan micno laysla garanayo oo lagu wada
xiriiro.
Faraaciintu waxay wax ku qori
jireen agabyo kala duwan. Waxa aan imminka u naqaan xaashi ama warqad lama aqoon
xilligaas, hase yeeshee waxay dadku adeegsan jireen qalab kale oo wax lagu
xardho, lagu qoro, lagu xoqo, ama lagu buufiyo (inscription).
Qalabyadaas wax lagu qori jiray waxa ka mid ah qardaasyo laga samayn jiray
geedka af Ingiriisiga lagu yiraahdo Papyrus-ka,
af Carabigana loogu yaqaanno Bardi1,
lafaha iyo saanta (hargaha) xoolaha, dhagaxa, dhoobada, qalinka, birta, dahabka,
iwm. Qoraalka lagu qoro mid ka mid ah qalabyadaas aan soo sheegay ma fara
badnaan jirin sababtuna waxay ahayd qalabka oo aan lahayn meel wax badan la
deeqsiin karo.
Tusaale fiican oo loo soo qaadan
karo habkii qalabkaas wax loogu qori jiray ama looga akhrisan jiray waxaa noqon
kara: (1) beesada oo iminka isticmaalkeedii laga ilbaxay, (2) shilimaadka
sunuudda ah ee maanta dunida laga adeegsado, (3) qoraallada ku xardhan dhismaha
taallooyinka lagu muuneeyo wax dhacay oo taariikh leh ama qof weyn oo reebay wax
waxtar leh oo aan la illaabi karin. Mid kasta oo ka mid ah tusaalooyinka aan soo
qaatayna waxa lagu qoro, sida aan ognahay, ma aha wax sahal lagu tirtiri karo;
waxaana la mid ah agabyadii hore ee dadku u adeegsan jireen qorista iyo akhriska,
ka hor inta aan la baran adeegsiga xaashiyaha ama warqadaha.
Mid ka mid ah agabyadaas lagu
kaydiyay taariikhdii Faraaciintii Masar
waxaa ka
mid ah faallo dheer oo ku saabsan socdaalkii dheeraa ee ay boqoraddii
Hatshepsut u dirtay dalkii Punt
(waa qayb ka mid ah dhulka haatan loo yaqaan
Soomaaliya - inta u dhaxaysa xeebaha waqooyi-bari ee badda cas iyo kuwa
koonfur-bari ee Badweynta Indiya),
laguna qiyaaso in uu ahaa sannadihii 1490
ilaa 1468 (C.H.).
Socdaalkaas taariikhdiisa si tifaftiran baa loogu masawiray derbiga
xujuub-taallada
(mortuary temple)
ee magaciisa la yiraahdo Deir al-Bahari
ee ilaa iyo hadda ka dhisan dalka Masar.
Masawirradaasi waxay muujinayaan noloshii tiillay waagaas dalkii
Punt, waxaana ka mid ah masawirkii boqorkii iyo boqoraddii dalkaasi u talin
jiray berigii socdaalkaasi tegay dalkooda. Masawirrada lagu xardhay derbiga
Deir al-Bahari waxaa kale oo ka muuqda badeecadihii la yaabka lahaa ee
reer Punt ee ay badmaaxyadii reer Masar ka soo
buuxsadeen maraakiibtoodii. Haddaba, in aan maanta wax ka ogaanno waayihii
nololeed ee faraaciintii dalka Masar iyo dalalkii ay xiriirka ganacsi la lahaan
jireen waxaa noo suurta geliyay aqoontii iyo ilbaxnimadii ay ugu muhiimsanayd
fartii ay u sameeyeen in lagu diiwaangeliyo sooyaalkii taxanaha ahaa ee
boqortooyadii Faraaciintii Masar.
Tixraac:
-
Ancient records of Egypt, J. H. Breasted, Chicago, 1906, vol. 2.
- Dalkii
Udgoonaa “The land of Spices”, Axmed Cartan Xaange, Muqdishu, 1984.
-
Origins of the Alphabet, Joseph Naveh, Jerusalem, 1975.
- Soomaaliya,
Cultural Department, Ministry of Education, Mogadishu, August 1967, pp. 62-63.
- Writing
The Story of Alphabet and Scripts, Georges Jean, New York, 1992.
______________________
1
Haddii uu jiro erey af Soomaali ah oo la micne ah
Papyrus ama Bardi, waxaan codsanayaa in
e-mail la iigu soo diro.
F.G.
Aad baan usoo dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin
ah waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
Faafin: SomaliTalk.com | August 24, 2004
QAYBTA
1aad |
QAYBTA
3aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|