Dr. Barre Xaaji Jaamac “Warka Fowsiya ku Beenisey Heshiiskaas waxaan ka
leeyahay War Jiraaba Cakaaruu Imaan”
“ Kuwa Baddeena Muranka Geliyey Inkaar idiin ku Dhacdey”
“Muddo dheer ayaa u soo shaqeynayey Dowladihii kala duwanaa ee Dalka soo marey
waligey ma maqal Muran ka taagan Badda Soomaaliya waxaan aad u naxay markaan
Maqley Baddii Soomaaliya ayaa Dood la geliyey Sannadkii 2009 hase yeeshee waxay
Neef iga soo Go’dey markii uu Baarlamaanka uu laaley in Badda Soomaaliya Muran
la geliyyo”ayuu yiri Dr: Barre Xaaji Jaamac oo ka mid ah Aqoonyahanda
Soomaaliyeed oo intaa ku darey

Labada wasiir oo dukumiinti isku weydaarsanaya Nairobi |
“ Waa wax laga Naxo in mar kale la soo Nooleeyo Murankii Badda ee Soomaaliya ,
miyeysan Dadku fahamsaneyn in Badeenna mar hore la Calaamadeeyey, waana arrin u
baahan in kuwa mar waliba soo Nooleeya in Maxakamad la soo taago waayo maalin
waliba marka ay Dowlad Dhalato maxaa looga hadlaa Badda Soomaaliya kuwa mar
waliba Muranka Geliyana Baddeena waxaan leeyahay Inkaar Idiin ku Dhacdey” Waxaa
uu sii raaciyey
“Waxaan Warbaahinta Xaley ilaa maanta aan ka Maqlayaa Wasiiradii arrimaha
Dibadda ee Dowladda Federaalka oo Beenineysa Heshiis ay la saxiixatey Dowladda
Kenya oo ku Aadan in mar kale laga wada hadlo Badda Soomaaliya , markaan si
wanaagsan u dhageystey Wareysigaas ku saabsan Heshiishkaas waxaa ii soo baxay in
Fowsiya wax badan ay Qarineyso waayo waxaa hadalkeeda ku jirey in ay tiri waa
igu soo hadal qaadeen arrintii Badda , hadaba maxaa keeney in la isla soo qaado
horaa Baarlmaanka u dhameeyey arrintaas marka waxaana leeyahay Fowsiyo War
jiraaba Cakaaruu Imaan”
Dr:Barre waxaa uu sheegey in uu Akhriyey warka ay sida wada jira u soo saareen
labada Wasiir ee Arrima Dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa laga
dhadhansanyaa in uu Heshiiskaas jiro islamarkaana waxaa uu sheegey in Fowsiya ay
wax badan daboolka saareyso wuxuuna sheegey Dr Barre in kuwa mar waliba soo
hadal qaada Badda Soomaliya waxaan leeyahay Dadka Soomaaliyeed ee Xiligaan Jooga
waxba lagama Qarin karo ee yeysan Taariikh Xumo Idiin raacin.
31-kii Bishii May ayaa waxaa Magaalada Nairobi Heshis kuwada gaarey Dowladaha
Soomaaliya iyo Kenya waxaana Heshiiskaas Qodob ka mid ah uu Qorayo in labada Dal
ay kawada hadlaan arrimha Badda Soomaaliya hase yeeshee Fowsiyo Yuusuf Xaaji
Aadan waa ay Beenisey in wax heshiis ah oo ku saabsan Badda Soomaaliya la
saxiixatey.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2013
|