SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

WAA SU'AAL DA'WEYNE: DALKA YAA ISKA LEH? QEYBTII 2AAD

  • Waxaa nasiib daro ah in Xadka Badda Soomaaliya oo 1972 lagu qeexay QAANUUNKA LAB. 37 oo ay gacanta ku hayso JQM laga daadhiciyo MADAXDA DAWLADDA ugu sareysa sida MADAXWEYNAHA iyo RA”IISUL BAARLAMAANKA in baddaya 12 MILES lagu Xadeeyo. "Ruqo Ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo".

Arar

Waxaa la yidhi Sheydaanku markaad ka cawdibilaysato waa cararaa hadana wax yar dabadeed ayuu soo rogaal celiyaa, mana dalo kama waabto inuu kugu jiheeyo inaad Eebe caasido. Hadda waxaa sidaas oo kale ummadda Soomaaliyeed ku noqdaydawladda Norway oo u tafaxaydatay inay Badda Soomaaliya dhaco.

Sida aad wada ogtihiin sheekada Norway waxay bilaabatay sanadihii 80dii markaas oo ay rabtay inay shidaal ka baadho xeebaha koonfureed ee Soomaaliya taasoo isafgarad la’aan ku dhammatay. Waxay soo rogaal celisay 2009kii ayadoo Kenya gabaad ka dhiganeysa adeegsaneysana DFKG.

Nasiib wanaag taasi waxay ku dambeysay guuldaro usoo hoyatey Norway, Kenya iyo madaxdii DFKG raggii kala socday kadib markii halgan dheer oo aan kala go’ lahayn ay galayn ummadda Soomaaliyeed iyo Barlamaankii markaas jiray oo ammaan iyo bogaadin mudan; waxaana mahadaas iska leh Illaahay oo nawaafajiyey inaan ka dhiidhino boobka NORWAY iyo dabadhilifyadeedu ay baddayada rabeen inay ku xalaaleystaan.

Waa sidaan kor ku xusaye sheydaanku ma quusto. Mar saddexaad ayey Norway soo rogaal celisay ayadoo markaan adeensaneysa Barlamaankii shalay kasoo horjeestay ujeedooyinkii guracnaa ee ay Badda Sommaaliya ka layad. Waxaase nasiib daro ah in Gudoomiyaha Barlamaanku uu u jilicsanaaday NORWAY oo uu haysto JINSIYADDEEDA.

Waxaa wax laga xumaada ah in uu RB soo qaaday qoraalada gurigiisa looga furanayey uuna ka qariyey Baarlamaanka qoraalkaas asagoo mindaa leh si hoose aad xubnaha Baarlamaanka uga dhaahicisid. Arintani waxay xaqiijineysaa tuhun laga qabay in markii horeba Norway keensatay Ra’iisul Barlamanka ayna aad ugu ololeysay kharash farabaddanna ku bixisay doorashadiisii. Waxaase sharaf iyo bogaadin mudan geesiyaashii kashifay sirta Soomaaliya OSLO loogu soo maleegay oo hadda uu garwadeenka ka noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Ummadda Soomaaliyeed u dooratay in difaaco danaheeda.

Waxaa ayana nasiib daro labaad oo ka daran ah khudbaddii uu maxadweynuhu video-ahaanta 1dii May ugu jeediyey contact group shirkood oo looga hadlayey Burcad Baddeeda taasoo uu ku sheegay inay wadaan sharci xuduuda badda soomaliya ka dhigaya 12 mile. Hashu maanka gaday ee ma masaar bey liqday. Maxaa is waafajiyey waraaqaha Ra’iisul Baarlamaanka loo soo dhiibay iyo khudbadda madaxweynaha. Tolow ma markii hore ayaa laga tashaday intaan Norway-ba la aadin? Mise midba goonibaa loola faqay?

Taariikhdu ayadaa dib isu soo celisa

Intii u dhaxeysay sannaddihii 790 ilaa 1066 waxaa Yurup ila Bariga Dhexe qaar ka mid ah dhibaatooyin badan ka geystay duul Burcad Badeed ah oo loo yiqiin VIKINGS asalkooduna kasoo jeeday Norway iyo dalalka Denmark iyo Sweden, saldhiggooda weynse ahaa Norway sida taariikhda lagu hayo. Vikings-ka waxaa caado u ahayd inay qaaruun deggen badda uga yimaadaan ayagoo wata doomo markay xeebta yimaadaan ilaa biyaha xeebta ugu dhaw gaaraya si ciidanku biriga ugu lugeeyo; kolkay hawlgalkooda soo dhammaystaanna ay si sahlan ugu boodaan doonyahooda ayna badda si fudud ugu libdhaan.


Isha sawirka: Wikipedia

Waxyaabaha ay caanka ku ahaayeen Vikings-ku waxaa ka mid ahaa inaysan diin layan, inay biliqeystaan wax kasta oo ay gaari karaan, inay dadka laayaan, dumarkana kufsadaan, dabadeena waxii ay qaadi waayaan gubaan.


Isha sawirka: Wikipedia

Sida ka muuqata khariidadda kore asalka burcad badeedkii Vikings wuxuu ahaa dalalka loo yaqaan hadda Norway, Denmark iyo Sweden waxayna weerar ku kala bixiyeen Yurubta galbeed iyo tan Bariba sida khadka buluuga ahi muujinayo. Meelo badan sida Waqooyiga Ingriiska, Waqooyiga Scotlad, Qeybo ka mid ah Ireland, Ruuska, Yukrayn, Iceland, Greenland, iyo Gobolka Normandy ee Fransiiska oo 911 kii uu u hibeeyey boqorkii Fransiiska oo waqtigaa jiray ayey xoog ku qabsadeen Burcad Badeedaasi. Ugu dambeyntii 1066dii ayaa Normans-kii asalkoodu kasoo jeeday Vikings-ku weerar ku qabsadeen dalka Ingriiska oo dhan.

Maxay tahay Istrateejiyadda Burcad Badeeda cusub ee Norway

 

"Ruqo Ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo"

 

Maadaama aysan awood ciidan oo ay hadda dhul ku furtaan lahayn ama aysan u saamaxeyn duruufaha aduunka ka jiraa waxa kaleya ee u furani waa inay QALIN iyo Khiyaamo wax ku boobaan. Sidaan hore usoo sheegnay waxay ilaa mudoba aha dabajoogeen inay baddayada dhacaan ayagoo adeegsanaya ama ku gabanaya KENYA iyo rag u dhashay dalka NORWay oo ku jira GUDIGA BADAHA ee Jamciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa.

Waxaa nasiib daro ah in Xadka Badda Soomaaliya oo 1972 lagu qeexay QAANUUNKA LAB. 37 oo ay gacanta ku hayso JQM laga daadhiciyo MADAXDA DAWLADDA ugu sareysa sida MADAXWEYNAHA iyo RA”IISUL BAARLAMAANKA in baddaya 12 MILES lagu Xadeeyo.

Waxa yaabka ka leh waxaa weeyeye maxaa ugu kordhaya raggaas aan talada wadanka u dhiibnay inay hibeeyaan DHUL BADEED ka baaxad iyo bedba weyn DHULKEENA BIRIGA ah, Dhul badeedkaas oo weliba la tuhunsan yahay in khayraadka ceegaaga uu ka badan yahay kheyraada ku sugan BIRIGA Soomaaliya.


Badda Soomaaliya Beec ma aha (Somalia is NOT for Sale): Xildhibaan Dalxa

Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilimi Boqore oo si kulul uga soo horjeestey iskuday kasta oo la doonayo in Badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl

Waaba la gartay RA’IISUL BAARLAMAANKA oo wuxuu haystaa dhalasho NORWEGIAN ah oo waxaa lagu beerlaxawsaday waxaad tahay NORWEGIAN ee MADAXWEYNUHU MUXUU KU GATAY DHUL BADEEDKA INTAAS BAAXADDIISU LE’EGTAY? WAA SU’AAL DA’WEYNE DALKA YAA ISKA LEH? JAWAABTU WAA SOOMAALIYA SOOMALI BAA LEH. SOOMAALIDU WAXAY KU MAAHMAAHDAA “ RUQO NINKEEDII DABADA HAYO MA KACDO.”

Waxaa laga yaabaa inaad akhristeyaal badani fahmin Ruqo waxay tahay ee aan macneeyo. Kolka abaar ba’ani dhacdo oo xooluhu qurub ay gooyaan waayaan, geela ayaa ugu dambeeya wax dibi gaadho. Markuu caatoobo neefka geela ahi wuxuu gaaraa inuusan kici karin in dadku kiciyo oo dhulka laga hinjiyo mooyee. Hadaba hadii neefkaas asagoo fadhiya dabada la qabto si kasta oo loo hinjiyo meesha kama kaco.

Maahmaahdu waxay ifineysaa haddii neefkaas ruqada ah ninka asagu iska lehi dabada qabto hada yaa kicin. Dulucda maahmaahdan aan u soo qaatay waa haddii MADAXWEYNIHII IYO RA”IISUL BARLAMAANKII ay goosteen inay hibeeyaan Baddii ay lahaayeen yaa difaaci kara?

MAXAA NALA GUDBOON

2009kii markii Norway ku guulaysatay inay DFKG madaxdeedii u saxiixaan heshiis KENYA waxaa ka dhiidhiyey ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxaana hormood ka ahaa aqoonyahanadaa oo qoraallo ku dhifaacayey dalka iyo BAARLAMAANKII xilligaas oo gaashaanka ku dhuftay khiyaanaddii NORWAY soo maleegtay ee ku hadoodilneyd MOU Kenya DFKG u saxiixday.

Waxaa xaqiiqdu tahay in la meersanayo dhul badeed kii hore ka baaxad iyo bedba weyn haddaan halgankii hore mid ka weyn la qaadin oo weliba markaan seefa si quman loo afaysan sababtoo ah labada Masuul oo wadanka ugu sareysa ayaa hawsha wada. Xaalku wuxuu marayaa WIXII DHIIG LAHAW KACA, YAA MAALI JIRAYEEY IYO WEEDHIHII CABDULLAAHI SULDAAN TIMACADE EE AHAA:

  • GUMAYSIGU HASHUU NAGA DHACAY ...... EEN GURAYEY RAADKEEDA
  • GU'YAAL IYO GU'YAAL BADAN ...... HASHII GAMA'A NOO DIIDEY
  • GOOBTAY ISTAAGTABA HASHAAN ...... JOOGAY GARABKEEDA
  • GUURAA HABEENIMO HASHAAN ...... GEBI WALBA U JIIDHAY
  • GAASHAANDHIGEEDII HASHU ...... GALOWGU EEDAAMAY
  • HASHII GEEDDANKEEDII RAG BADAN ...... GOODKU KU CASHEEYEY
  • GACMAA LAGU MUQUUNSHAYE ...... XORNIMO NOOGUMAY GARANE
  • GARRE IYO GUNTANE MAALINTAY ...... GEES ISUGU BOODEY
  • ALLAA NOO GARGAAREE XORNIMO ...... NOOGUMAY GARANE
  • GEERAARRADEEDII HASHAAN ...... ANNIGU GOOGOOYEY
  • GALOOL IYO MARAA IYO HASHAAN ...... KIDIGA GEYLAANSHEY
  • GAAJIYO HARRAAD BADAN HASHAAN ...... UGU GARAACAAYAY
  • GOOBTUU SIDKEEDII GO'AY ...... GALABTII FOOLQAADAY
  • AYADOO CANDHADA GIIJISAY ...... OO GODOL KU SII DEYSAY
  • GARAAD MIDAN LAHAYN BAY ...... LA TAHAY WAAD KA GAAGIXINE
  • ANNAGOO GANTAALAHA DHACIYO ...... HAYSAN QORI GAABAN
  • HASHAAN GAADDA WEYNOW LIBAAX ...... UGA GABOON WAAYEY
  • INAAN GARAYACAWL UGA TAGAA ...... WAA HAL SOO GUDHAYE.

Xikmadda gabaygani waa in xornimada Soomaaliya oo aabayaasheen radinteeda iyo dhalinteeda ay u babacdhegeen quwadihii reer Yurub ee aduunka gumaysanayey ayagoo waran iyo toorey waxaan ahayn haysan, gaariiseeyey markey si kale uga adkaadeen in diyaarado lagu dhukheeyo; inaan Norway iyo kuway ku gabaneyso si fudud dhul-badeedkayaga ugu hibeyno qaranigan 21aad waa noo garaad li’i.

Waxaan maqaalkaan kusoo gunaanadayaa HAYAAY KA SOO KACAAY HAYAAY AAN DIFAACANO DALKEENEE, HAYAAY KA KACA FADHIGA SOOMAALIYEY.

Aden Yabarow
ayabarow@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  May 8, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: