Xisbiga Midnimada Jamhuuriga: "Waa in Baarlamaanku aysan Sabab u noqon in
Taako Kamid ah Badda Soomaaliya lagu qaato si Khiyaali ah"
- SomaliTalk.com | April 28, 2013
Guddoomiye ku xegeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed
Nuux (Timajilic) - Isha sawirka: ccdsomaliyouth. |
Shir Jaraa'id oo Magaalada Muqdisho uu ku qabtay Afhayeenka Xisbiga Midnimada
Jamhuuriga Soomaaliyeed ahna Guddoomiye ku xegeenka Xisbiga Cali Maxamed Nuux
(Timajilic) ayuu ku sheegay in qorshe ay Norway hormuud ka tahay lagu doonayo in
lagu baabi'iyo sharcigii ay ku xadaysnayd badda Soomaaliya "Waxaana la doonayo
in hadda baarlamaanka la soo hordhigo, laga dhaadhiciyo in la abuuro sharci
cusub. Arrintaas oo shacbiga Soomaaliyeed aan u cuntamaynin, oo aanaan yeeli
karin."
Waxana uu intaas raaciyey in sidoo kale la doonayo in heshiiskii is-fahamka
badda ee hore u dhex maray dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya, ee ay diideen
baarlamaankii hore, in hadda dib loosoo cusboonaysiinayo.
"Sidaad la socotaan hadda ka hor Soomaaliya iyo dawladda Kenya waxaa
dhaxmaray heshiis is-afgarad oo dhinaca badda ah, kaas oo baarlamaankii waqtigii
dawladdii Kumeelgaarka ahayd lagu diidey gebi anaantiisba, oo meesha laga
saaray," ayuu yiri Cali Maxamed Nuux (Timajilic). "Waxaan caddaynaynaa in
hadda dib loosoo celiyey arrintaas ayada ah, ayna hormuud ka tahay dawladda Norway, lana doonayo in la baabi'iyo sharcigii No. 37
ee ay ku sharciyaysnayd baddayadu, sharcigaas oo timaamaya 200 mayl, waxaana hadda
la doonayaa in lagu bedelo 12 mayl." Taas oo aad garan kartaan farqiga u
dhaxeeya 200 mayl iyo 12 mayl, ayuu hadalka ku adkeeyey. "Guddoomiyaha baarlamaanka markii uu dhawaan waftiga ku tegey (Norway) arrimaha
loo soo bandhigay iyo halka ay marayaan iyo dawladda Norway qaabka ay arrrintaas
u riixayso wax waadix ah. Waa arrin la doonayo in hadda baarlamaanka la
soo hordhigo, laga dhaadhiciyo in la abuuro sharci cusub. Arrintaas oo shacbiga
Soomaaliyeed aan u cuntamaynin, oo aanaan yeeli karin."
"Waxaan Baarlamaanka Soomaaliya leenahay sabab ha u noqonina in taako kamid
ah dhulkeena ama baddeena ama hawadeena in lagu qaato si khiyaali ah ayadoo laga
faa'iideysanayo burburka iyo dhibaatada ay Soomaaliya maanta ku jirto. Waa ka
digeynaa," ayuu yiri Guddoomiye K/xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga
Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux.
Waxana uu uga baaqan "in xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay fiiriyaan danta guud ee
Qaranka Soomaaliya oo keliya aanay mooshin ka keenin uun wixii ay u arkaan in dani
ugu jirto. In aanay indhaha ka daboolan arrimaha horay looga soo hadlay ee loo
gurguuranayo oo la doonayo in si uun loo meel mariyo, waa in ay u dhiifoonaadaan oo
u istaagaan oo ka hortagaan." "Dawladda Norway ujeedada ay ka leedahay annagu ma naqaan, ma Soomaaliya ayay ka
weydey xiriir, ma cid Soomaaliya ay kala hadasho ayey weydey, ma naqaan waxay
Norway u riixayso waxay baddeena iyo dhulkeena ay dawlado kale ula jeclaato.
Waa ka soo horjeednaa, waxaan leenahay dawladda Norway 'Soomaaliya waxaa iska
leh Soomaali."
"Waa in Baarlamaanka Soomaaliya aysan Sabab u noqon in Taako Kamid ah
Badda Soomaaliya lagu qaato si Khiyaali ah"
|
"Waa wax aad looga xumaado heshiis ay 550 xildhibaan tuureen oo diideen in la
yiraaahda maanta ayaa la cusboonaysiinayaa. Waa arrin aan shacabku qaadan karin,
xisbi ahaana aanaan qaadan karin, waa arrin qofkasta oo waxgarad ah loo baahan
yahay in uu ka hor tago."
"Badda Soomaaliya wax ciyaar ciyaar lagu qaadan karo ma aha," ayuu si xooggan
u sheegay Guddoomiye K/x Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed. Waxana uu
sii raaciyey "Warbaahinta waxaa saaran waajib baraarujin ku aadan badda."
"Xisbigu waxa uu u taagan yahay difaaca dalkeena Bad, Dhul iyo Hawada." "Waxay u muuqataa in lagu hamiyey in dhulka Soomaaliya yahay dhul bannaan oo aan
shacab lahayn oo dad lahayn. Taas ayaan beeninaynaa, waxaana u taaganahay inaan
difaacano dalkayaga, taako kamid ahna ma naga baxdo mana ogolin, ha ahaato dhul,
bad ama hawada," ayuu yiri Cali Maxamed Nuux (Timojilic).
Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2013
|