Shariif Sheikh Axmed oo Ku Guulaystey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
VIDEO: Daawo
Xafladda Dhaarintu sida ay u dhacday......
Wareeggii saddexaad ee doorashadii
madaxweynaha DFKMG oo Janaayo 30, 2009 ee lagu qabtay Jabuuti ayaa waxaa ku
guulaystey Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxana uu helay 293 cod,
halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Maslax Maxamed Siyaad Barre uu
helay 126 cod...
Waxaa markaas goobtii hadal ka jeediyey Maslax iyo Shariif Sh. Axmed..
Kaddib waxaa xildhibaanada loo sheegay in ay ka soo qayb galaan xafladda
dhaarinta. Xaflaadaas oo subaxnimadii Sabtida (Jan 31, 2009) ka dhacday Hotel
Kampisi. Waxaana xafladda dhaarta ka hadlay Shariif Axmed.

Shariif Sheikh Axmed
Sheikh Shariif waxa uu ku dhashay Shabeelada Dhexe sannadkii
1964. Waxana uu waxbarashada Dugsiga Sare ku dhamaystay Muqdisho. Kaddibna waxa
uu Jaamac ku qaatay Sudan iyo Liibiya isagoo Jaamacadda furan dhamaystay 1999.
Sannadkii 2004 ayuu noqday Guddoomiyihii maxkamadda Sii-Sii ee Muqdisho.
Sannadkii 2006 waxa uu ka mid noqday hoggaamiyaashii Maxaakiimta Islaamiga ugu
cadcaddaa. Waxaana Muqdisho ka cayriyey ciidamadii Itoobiya ee xoogga ku galay
Soomaaliya. Kaddib waxa uu tegey Kenya oo uu uga sii gudbey Casmara oo ay ka
sameeyeen Ururkii Dib u xoraynta, ururkaas oo laba u kala jabay, garab ku haray
Casmara iyo garab aadey Jabuuti oo heshiis la galay DFKMG, waxaana markaas
xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG lagu kordhiyey 200 oo xubnood oo ah
garabkii Jabuuti.

Sh. Aden Madoobe oo dhaarinaya Shariif Sh. Axmed, Jan 31, 2009
Si aqlabiyad ah ayuu Sheikh Shariif Axmed ugu guulaystay
doorashada ay xildhibaanadu u codeeyey musharaxiinta tartamaysey oo lagu qabtay
magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Waxaana codbixinta si toos ah u
lalinayey TV-ga Jabuuti ee RTD.
Haddaba, sidii Doorashadu u dhacday iyo "Madaxweynaha la Doortay oo Tegi Doona Addis
Ababa ka hor inta uusan Dooran Ra'iisul Wasaare" hoos ka akhri:
JABUUTI: Qaabkii ay u Dhacday Doorashada Madaxweynaha DFKMG - Jan 30, 2009
WAREEGGA 3aad:
Wareeggii saddexaad waxaa codeeyey 421 xildhibaan
|
Musharax |
Codadka |
1 |
Sheikh Shariif Sheikh Axmed |
293 |
2 |
Maslax Maxamed Siyaad Barre |
126 |
WAREEGGA 2qaad:
Maadaama ay laba xubnood keliya isugu soo hareen waxaa loo gudbey wareegga
3aad
WAREEGGII 1aad:
Wareegii waxaa codeeyey 425 xildhibaan.
|
Musharax |
Codadka |
1 |
Sheikh Shariif Sheikh Axmed |
215 |
2 |
Maslax Maxamed Siyaad Barre |
60 |
3 |
Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" |
59 |
4 |
Cali Khaliif Galayr |
31 |
5 |
Maxamed Cismaan Aaden |
25 |
6 |
C/raxmaan Cabdi Xuseen "Guulwade" |
10 |
7 |
Axmed Xaashi Maxamuud |
9 |
8 |
Cawad Axmed Casharo |
5 |
9 |
Muuse Macallin Yuusuf |
4 |
10 |
Yuusuf Cumar Azhari |
2 |
11 |
Cali Xaashi Dhoorre |
2 |
Warbixinta sidii ay doorashadii u dhacday:
Gelinkii hore ee Jimce, Janaayo 30, 2009 ayaa waxaa magalada Jabuuti ka bilowday
agaasinkii sidii loo dooran lahaa madaxweyne ay yeelato DFKMG. Xildhibaanada
codka bixinaya - oo isugu jira xildhibaanadii Mpagathi iyo xildhibaano gaaraya
200 oo ah ARS - ayaa yeeshay fadhigii cod bixinta. Qaabka codbixintu waa in
xildhibaan kasta uu codkiisa u dhiibto hab qarsoodi ah.
Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, ahna
sii hayaha xilka madaxweynaha DFKMG, ayaa hadal u jeediyey Xildhibaanada, isagoo
kula dardaarmay in ay si miisaaman oo ku salaysan hab fikir iyo degganaan ay u
doortaan qofka ay u xulanayaan madaxweyne.
Waxaa kale oo isla goobta lagu dhaariyey xildhibaano cusub oo tiradoodu tahay
gaareyso dhawr iyo toban oo ah xildhibaano ka baaqday maalintii dhaarinta
xildhibaanadii lagu kordhiyey baarlamaanka.
Musharaxiinta xilka madaxweyna-nimo ayaa lagu qiyaasay ilaa 15 xubnood. Laakiin,
intii aan doorashadu bilaabay ayaa waxaa soo baxay in qaar musharaxiinta u
taagan madaxweynaha ay tanaasuleen, sida Xasan Abshir Faarax, Maxamed Maxamuud
Guuleed "Gacma-dheere", Moorgan iyo xubno kale, waxaana wareegii koowaad cod
bixinta loo codeeyey 11 musharax.
Qaabka Doorashadu u dhacaysay waxaa korka kala socdey Qaramada Midoobey. Waxaana
goobta ka hadlay Wakiilka Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad
Cabdalla, isagoo la dardaarmayey musharaxiinta waxa uu yiri waa in aad la
shaqaysaan qofkii soo baxa ama ku guulaysta doorashada, isagoo taas ku saleeyey
in Soomaaliya ay nabad u baahan tahay. Waxana uu baarlamaanka kula dardaarmay in
ay nabadda ka shaqeeyaan.
Waxaa markaas bilaabatay cod bixintii ay xildhibaanada DFKMG oo gaaraya 425 ay u codaynayan
madaxweyne,xilliga doorashadu dhacayo oo ah fiid waqtiga Geeska Afrikada Bari.
Kaddib waxaa la guda galay tirintii codadka oo ku jirey 5 sanduuq oo ay
xildhibaanadu ku rideen waraaqihii cod bixinta..
Waxaa marka hore waxaa la akhriyey dhammaan codadkii la dhiibtey, kaddib ayaa
waxaa la tiriyey inta musharax kasta helay, oo wareeggii koowaad noqotay sidan (oo
loo tiriyey sida magacyadu u kala horeeyaan Al-fabeetada Ingiriisiga).
Xildhibaanada codka dhiibtey oo gaarayey ugu yaraan 425, markii codadka la
tirinayey ayaa la sheegay in xildhibaan ka mid ah uu laalaabay warqaddii
codaynta isagoo aan cidna u codayn. Codadka ugu badan waxaa helay Sh.
Shariif Sh. Axmed (215), Maslax Siyaad Barre (60), Nuur Cadde (59), Cali Galayr
(31), iyo Maxamd Cismaan (25)
Wareegii Sheikh Shariif iyo Maslax Siyaad Barre

Bidix: Maslax Siyaad Barre iyo SHeikh Shariif Sh. Axmed
Markii la sheegay codadka musharax kasta helay wareeggii koowaad, oo aan weli
loo gudbin wareegga labaad, ayaa waxaa tanaasuley xubno ay ka mid yihiin Nuur
Xasan Xuseen "Nuur Cadde" iyo Cali Khaliif Galayr. Waxaa markaas xildhibaanadu
qaateen birif ah. Markii la soo laabtay ayaa waxaa la sheegay in musharaxiintii
oo dhammi tanaasuleen marka laga reebo labo musharax oo ah Sheikh Shariif iyo
Maslax Siyaad Barre, sidaas ayaa waxaa loogu gudbey wareegoo saddexaad maadaama
laba mushar oo keliya isu soo hareen.
Xildhibaan Xasan maxamed Nuur "Shaati Gaduud" ayaa xanuunsaday intii la
sugayey wareegga saddexaad, waxaana xildhibaanadda loo sheegay in xildhibaan
Shaar Gaduud iyo xildhibaan kale oo meel geynaya in maadaama codkooda loo baahan
yahay ay in la hor mariyo, maadaama aysan sugi karayn inta codka ay bixinayaan
xildhibaanada oo dhan. Waxaana sidaas ku bilowday wareeggii saddexaad.
Waxaa markale saf soo galay xildhibaanada oo ay hor yaalaan 5 sanduuq oo
muraayad ah si ay codkooda ugu ridaan. Xildhibaanadda ayaa mid mid loogu yeeray
si ay u codeeyaan. Xildhibaanada waxaa laga doonayaa inay wataan teesarahoode
(badge). Xildhibaan Cumar Finish ayaa waxaa ka lumay teesarahii, markaas ayaa
loo weydiiyey xildhibaanada "Badge-kii Cumar Finish ayaa lumay ee qofkii arkay
halla keeno". Waxaa wareegga 3aad codkoodii dhiibtey 421 xildhibaan,
waxaana codkooda dhiibaan 4 xildhibaan aan meel lagu sheegin. Waxaana
codbixintii dhammaatay waaberi soo dhawaadkii Sabtida (Janaayo 31, 2009).
Waxaa markaas la tiriyey codadkii wareegii 3aad, halkaas oo guushii ku
raacday Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo helay aqlabiyadda codadkii oo ah 293
cod. Waxaa markaas goobtii hadal ka jeediyey Maslax iyo Shariif Sh. Axmed..
Halkaan Dhegeyso
ama Soo Rogo (mp3).
Waxaa loo ballamay 9-ka subaxnimo ee Sabtida (Jan 31) xilliga Afrikada Bari
si loo dhaariyo Shariif Sh. Axmed, xafladda dhaarta waxaa lagu qabtay Hotel
Kampisi ee magaalada Jabuuti.. Waxaana goobta xafladda dhaarta ka hadlay xubno
ka socdey Midowga Yurub, Midowga Afrika, Carabta iyo ergayga gaarka ee Qaramada
Midoobey. Kaddib Sh. Aadan Madoobe oo ah guddomiyaha baarlamaanka DFKMG ayaa
dhaariyey madaxweynaha la doortay Sheikh Shariif.
Halkan Ka Dhegeyso
Dhaarintii ama Soo
Rogo (mp3).
"Madaxweynaha la Doortay oo Tegi Doona Addis Ababa ka hor inta uusan
Dooran Ra'iisul Wasaare"
Qoraal uu Janaayo 28, 2009 soo saaray Axmed Walad Cabdalla, wakiilka QM, oo
uu kaga hadlayey doorashada madaxweynaha ayaa waxaa uu ku sheegay in "Madaxweynaha
loo doorto DFKMG la dhaarin doono Sabtida (Janaayo 31, 2009), kaddibna uu
madaxweynahaasi tegi doono (1-2 Febraayo) Addis Ababa, Itoobiya oo uu kaga qayb geli doono
Kulanka Madaxda Afrika, kahor inta uusan dooran Ra'iisul wasaare. Kaddib ayey
dawladda oo dhan tegeysaa Muqdisho."- Xubnaha baarlamaanka oo markii hore ahaa
275 oo u codeeyey in la kordhiyo baarlamaanka ayaa sidoo kale Isniintii Janaayo
26, 2009 waxay kordhisadeen waqtiga ilaa Agoosto 2011... (Eeg
halkan).
In la doorto madaxweyne ay yeelato DFKMG ayaa timid kaddib markii Cabdullaahi
Yuusuf uu is casiley Isniin December 29, 2008.
Eeg halkan. Dastuurka DFKMG ayaa dhigaya haddii
madaxweynuhu is casile in 30 beri gudahood lagu soo doorto madaxweyne cusub -
taas oo macneheedu yahay haddii 30 beri la dhaafo oo aan la dooran madaxweyne in
baarlamaanku dhacayo ama la kala dirayo.
Doorashadii iyo dhaarintii Shariif Axmed kaddib waxaa (Jan 31, 2009)
warsaxaafadeed soo saaray Ergeygga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha
Soomaliya, Ahmedou Ould Abdullah, oo yiri “Ugu danbeeyntii waxaa arkeeyna in ay guuli ka soo baxday dadaalkii
dhamaan dhinacyadu ay sameeyeen si loo abuuro baarlamaan loo dhan yahay”,
isagoo intaas raaciyey “Waxaan jeclahay in aan u han-balyeyo, isla
markaasna kuna guubaabiyo dhmaan xubnaha baarlamaanka in ay u shaqeeyaan
sida ay ku jirto maslaxada ummaddoda”.
Waxa kale oo Axmed Walad Cabdalle warsaxaafadeedkiisa ku sheegay: “Waxaan ku farax-sanahay in Madaxweynaha cusub ay ka go’an tahay in
uu siyaasad-ahaan iskaashi dhow uu la sameeyo Wadamad IGAD xubnaha ka
ah, khaasatan kowa Soomaaliya deriska la ah sida Jabuuti. Itobiya, Kenya
iyo Ururka AU-da” ayuu yiri Ould Abdullah. “ Waxaan ogahay in Dawladda
cusub ay wada shaqeyn dhow la yeelan doonto xubnaha kale ee bulshada
Caalamka sida Jaammacadda Carabta, Ururka Islaamka Adoonka, Midooga
Yurub, iyo Yurubiyaan Commission iyo Qarammad Midoobay”
Halkan ka akhri warsaxafadeedka oo dhan...

Jabuuti, Jan 28, 2009: Dhaartii xildhibaanadii lagu siyaadiyey baarlamaanka
DFKMG |
EEG SAWIRADA DHAARTA
Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo Si Kulul uga Hadlay Shirka Jabuuti
Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ah Sheikh aad looga yaqaan Soomaaliya
oo hadda ku sugan Nairobi, Kenya ayaa khudabadii Jimcada (Jan 30, 2009) ee Masjidka 6-steet uu
ka jeediyey waxa uu si kulul u dhaliilay culimada ku sugan Jabuuti ee ku
dhaartat Kitaabka si ay ugu hoggaansamaan dastuur dad qoreen, waxana uu yiri :
"Waxa ay ku dhaaranayaan Kitaabka Allah, waxaana ay sheegayaan in ay u
hogaansamayaan Dastuurka Dowladda ee ka soo horjeeda Kitaabka iyo Sunnada Nabiga
NNKH.... Subxaanallaah".

Sheikh Aweys oo u waramay Aljazeera |
Sheikh Aweys oo Qaadacay Doorashadii Shariif Sh. Axmed...
Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ku sugan magaalada Casmara ee dalka Eriteria oo
warbixin siiyey telefishanka Aljazeera ayaa sheegay in isaga iyo
taagerayaashiisu aysan wax xiiso ah u hayn (ama macno ugu fadhiyin) guusha
Shariif Axmed iyo xitaa haddii cid kale guulaysan lahayd. Waxana Sh. Aweys
intaas ku daray in kooxdiisu waxa ay danayanayaan uu yahay mabda' iyo maslaxad (ama
dan guud).
Sh. Aweys waxa uu sheegay in arrinta u dhaxaysa isaga iyo Shariif Axmed aysan
ahayn codayn, balse ay salka ku hayso mabda', waxana uu ku tilmaamay in Shariif
Axmed uu ka leexday mabda'ii midaynayey. Isagoo kursiga madaxweynanimo ee uu
Shariif Sh. Axmed ku guulaysteyna ku tilmaamay "Kursi hawo dhalanteed ah oo aan
xeer adag ku salaysnayn." (Tixraac).
Puntland iyo Doorashada Ka Dhacaysay Jabuuti...
Kulan ay Khamiistii, Janaayo 29, 2009, yeesheen golaha xukuumadda Dawlad
Goboleedka Puntland oo uu guddoominayey madaxweynaha DGPL, Dr. C/raxmaan Faroole,
ayay "falan qayn iyo dood dheer ka dib ayaa kulankaasi waxa ka soo baxay
go’aamada ay ka mid yihiin: In dhammaanba la qaadaco shirka Jabuuti waxa ka soo
baxa, maadaama uu hadda (Jan 29, maalin ka hor doorashadii) ku jiro gabagabo
hada ka horna aanan nala talogelin ma ogolaan doono waxa ka soo baxa, maadaama
ay qaramada midoobay ay iska dhagatirtay qoraalkii aanu u soo qornay ilaa hadana
aan wax jawaab ah laga Mas’uulka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Axmed Wallad
Cabdalla.
AKHRI: Taariikh Kooban
ee Soomaaliya....
:::Shariif yahow Xil qaadaye Sheekadaadu Say noqon?
............
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2009
|