Kaambeynka Doorashada Madaxweynaha Dowlada TNG-da cusub oo Si Rasmi ah u
Bilowdey iyo Daadka Qado Sharafyo Siyaasadeed oo Qaarkood ay Bilowdeen
SAWIRRO:
Daawo Sawirada Musharaxiinta iyo Kulanka...
Kulan lagu dhegeysanayey khudbooyinka Musharixiinta xilka Madaxweynihii Afraad
ee lagu doorto dalka dibadiisa oo uu shir gudoominayey sii hayaha xilka
madaxweynaha, ahan Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG Sheekh Aadan Madoobe iyo ku
xigeenadiisa ayaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Maleesiya Maha Tiir Maxamed
a khudbad taariikhi ah oo dhinacyo kala duwan taabaneyey ujeediyey Xildhibaanada
Baarlamaanka TNG 29/0/1/2009 Guriga Ummada ee caasimada dalka jabuuti.
Gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu kordhiyey Xildhibaano cusub oo
ka tirsan ARS ayaa hawshoodii dhegeysiga soo gebagebeeyey, 15 xubnood oo isugu
jira Siyaasiin caan ah, Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka FKMG iyo laba
xubnood oo kale oo shacabka ka tisan oo isu soo taagey Jagada Madaxweynenimada
ayaa hadalo isku dhow ka jeediyey Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti,
marka laga reebo Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka tanaasuley tartankii
doorashada Madaxweynaha.
Musharaxiintii halkaasi ka hadashey waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen,
Axmed Xaashi Maxamuud, Cali Xaashi Dhoore, Cali Khaliif Galeyr, Cawad Axmed
Casharo, Xasan Abshir Faarax, Maslax Maxamed Siyaad, Maxamed Axmed Cali, Maxamed
Maxamuud Guuleed, Maxamed Cusmaan Aadan,Muuse Macallin Yuusuf, Nuur Xasan Xuseen,
Shariif Sheekh Axmed, Yuusuf Cumar Al-Azhari, dhamaan Masharixiintan meesha ka
hadashey ayaa marka laysku soo duubo hadaladooda waxay muujinayeen dhibaatada
dalka iyo dadka Soomaaliyeed haysata in mudo ah, islamarkaana ruuxba si u
cabirey, balse aan la ogeyn ruux kasta waxa u qarsoon.
Waxay keloo muujineysaa khudbooyinka Musharixiintan, in ay soo yaraaneyso
hamigasiyaasadeed ee ku dhisan damac daaleedka siyaasadeed aan ku soo jirney,
sababtoo ah doorashan tii ka horeysey waxaa tartamey 28 Musharax, waxaana ku
guuleystey madaxweynihii xilka ka degey Col/ Cabdullaahi Yuusuf, halka maanta ay
mareyso 14 xubnood in ay doorashada isu soo taagaan, dadkuna waxay hadal hayaan
Sheekh Shariif iyo Nuur Cadde.
khudbooyinka laga jeediyey Guriga Ummada oo ahaa kuwo aad u dhaadheer,
islamarkaana xambaarsanaa muhiimado gooni gooni ah ayaa waxaan soo qaadaneynaa
ahaa aabihii mideynta TFG iyo ARS, Nuur Xasan Xuseen waxaa hadaladiisa ka mid
ahaa "hadii aan guuleysto, doorashada madaxweynaha waxaan balan qaadayaa soo
dhisida Dowlad midnimo Qaran oo fulisa adeegyada soo socda, sida soo celinta
Amniga, kala dambeyntii iyo shuruucda dalka, in hay'adaha ugu sareeya ay
xurmeeyaan Adiga KMG iyo shuruucda dalka, ilaalinta xuquuqda bani'aadamka iyo
xoriyada shekh-siga, tixgelin weyn siiyo fududeynta gar gaarka Ban'aadaninimo,
caafimaadka wax-barashada, horumarinta dhaqaalaha iyo dibu-dhiska dalka, lana
dhameystiro dibu-hehiisiinta, iyadoo la raacayo qaabkii hada uu ku socdey oo
ahayd in nabadeyn wax lagu raadiyo, Soomaaliya ay noqoto meel nabad ah oo
caalamka nabad kula noolaada, si walaallaheena Soomaaliyeed ee kale si nabad ah
ay ugu soo biiraan geedi socdka nabada, khalaafkastana lagu raadiyo si nabad iyo
cadaalad ah, hawlaha ku xusan Axdi Qarameedka xiligii loogu talo galey lagu
fuliyo, lana xaqiijiyo fulintooda, si loogu gudbo abuuris asxaab siyaasadeed iyo
dooho xor ah, ilaaliyona xuriyada saxaafada tixgelina ay mudan tahay in la siiyo,
kaalinta bulshada Rayidka, maamulka maaliyudan uu noqdo mid waafaqsan nidaamka
caalamiga, lana dhowro dhaqanka suuban ee Ummada Soomaaliyeed ee ku saleysan
Diinta Islaamka" ayuu ku yiri khudbadiisa Nuur Cadde oo ahayd mid si gaar ah
looga fiiqayey hawlaha ugu muhiimsan ee xiligan loo baahan yahay.
Gunaanadkii khudbooyinkan kadib ayaa siihayaha xilka Madaxweynaha, ahna
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu u soo jeediyey
Xildhibaanada Baarlamaanka in shirku uu xiran yahay, islamarkaana dib layugu soo
noqondoono gelinka dambe ee maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay
30/01/2009-da
dhinaca kale Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Qado sharaf siyaasadeed
oo lagu soo bandhigayey awoodaha codka doorashada Madaxweynihii Afraad ee lagu
doorto dalka dibadiisa ee uu u taagan yahay qabashada xilkaas ka bilaabey Hoteel
pailoter ee Caasimada dalka Jabuuti 29/01/2009-da, qado sharaftan siyaasadeed oo
ay ka soo qaybgaleen Waiirka Warfaafinta Dowlada Jabuuti Cali Cabdi Faarax iyo
Wasiirka Arimaha Diinta Dowlada Jabuuti Dr. Xaamud Suldaan, Gudoomiye ku
xigeenka Koowaad Prof dhalxa iyo ku xigeenka labaad Cismaan Cilmi Boqore, inta
badan Xildhibaanada TNG, siyaasiin kala duwan iyo xubno ka socdey Ururada
Bulshada Rayidka xildoonka ayaa waxaa ka hadley Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee
Baarlamaanka Prof, Dhalxa, Xildhibaan Dr. Maxamed Cali Ibraahim iyo Xildhibaan
Cabdirashiid Ciro waxayna si guud iyo si cadaan ah halkaan ugu soo jeediyeen
xubnahan meesha ka hadley taageerada ay u hayaan Qabashada xilka Madaxweynaha
Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dalxa"Haddaan
nahay TFG, waan iska musharaxiin badanahay, mana suurta galeyso in gebi ahaanba
musharaxiintaasi ay ku wada guuleystaan kursiga, waana mida aad nooga fiican
tihiin haddii aad tihiin ARS, waadna ka dhabeyseen wadaad-nimadiina sababtoo ah
waxaad soo sharaxateen hal musharax,haddaan runta sheego shaqsi dhalinyaro oo
Shariifka oo kale ah inuu na hogaamiyo, odayaashu wey na qaribeen" ayuu yiri
Prof Dhalxa.
Sheekh Shariif hadalkii ugu horeeyey ka jeediyey isagoo Xildhibaan ah halkaas
ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyey sababaha uu isgu yeerey Xildhibaanada
Baarlamaanka, sababaha uu iskugu soo taagey Muharaxnimada iyo balan qaad uu
sameeyey
"waxaan aad ugu faraxsan yahay inta hortayda ka muuqta maanta xildhibaanadii
TFG-da, iyo kuwii ARS, isla markaana hal meel ku wada sharaabaya una jeestay hal
meel iyo ayna ka shaqeeyaan danaha dalka, dadka iyo diinta, ujeedada ugu weyn ee
aan maanta halkan isugu kiin yeernay idinkoo mideysan waxa ay aheyd, inay is
bartaan xubnaha xildhibaanada baarlamaankana, isla markaana ay ku kulmaan meel
ka baxsan shaqada si loo fududeeyo hawlaha na horyaala, maadaama qeybo badan
laga soo kala galay baarlamaanka marxalad cusub-na la galayo in dhinac walba
laga muujiyo in isku mid la wada yahay mas’uuliyadna la qaaday, marxaladda cusub
ee la galayo iyo waxyaabaha na hor yaala waxay tilmaamayaan Midnimo dhaafsiisan
inta hadda jirta ee muuqata, marka qorshahaani woxow ku saleysnaa qaabka aan
isleenahay maadaamaTFG wax yaabihii ugu badnaa ee ay ku fashilantay ay ahaayeen
is qabqabsi dhexdeeda ah iyo howsha oo culeys badani ku yimid in la abuuro jawi
wanaagsan oo farxad leh, waxyaabaha ugu muhiimsana waa taas maanta inaad isku
timaadaan, marka dhaamaan xildhibaanada waxaan ka codsaneynaa inaan ku wada
dedaalno maslaxada guud iyo sidii looga shaqeyn lahaa".
Xildhibaan Sheekh Shariif isagoo ka hadlaya in uu isku soo sharaxo Xilka
madaxweynenimaa waxaa ugu weyn oo aan isleenahay wax weyn ayaad ka bedeli
kartiin jawigan iyo marxaladda lagu jiro, haddii aan helno codkiina,
taageeradiina iyo mida shacabka, dabcan Bacdallaahi subxaanahu watacaalaa, marka
Insha allah waxaan rajeyneynaa kalsoonidiina inaan heli doono oo aad nagu sharfi
doontaan codkiina, Anagu waxaan idiin balan qaadeyaa inaan idinku dhaqi doono
Cadalaad, Sinaan, horumar Amni iyo nabad iyo Eex la’aan, Somalia maanta waxa
halkan dhigay waa Eex iyo marna in aysan dhicin Guruubeysi iyo kooxeysi Insha
allah, maxaa yeelay isbaheysigeenu wuxuu heerkaan ku soo gaaray isu tanaasul iyo
iska warqab iyo isku duubni, insha allah kaas ayaana hiigsaneynaa inaan wax ku
wadno" ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Xildhibaanku.
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Xildhibaanada cusub ARS ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey
Guriga Ummada ee Jabuuti +sawirada dhaarta iyadoo Xaruntii Baarlamaanka DFKMG ee
Magalada Baydhbo ay ka talinayaan Xoogaga Al-Shabaab....
Akhri Jan 29
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2009