Xulashada 4.5: Xaq, Xal, Mise Xujo?
Maxamed C. Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Xaq ma aha 4.5
Muddooyinkaan dambe, khilaafka iyo isfaham la’aanta ay Soomaalidu la
ildarantahay si aad ah ayaa looga deyriyaa. Haseyeeshee waxaa weli jira
arrimo ay si buuxda dadku isugu waafaqsanyihiin waxaana ka mid ah; in
xeerka wax ku qaybsiga qabyaaladeysan ee 4.5 uusan aheyn mid xaq ah.
Xitaa, kuwa ku xiiqsan ee xoolaha iyo xilka ku raadiyaa ma
xalaaleynayaan, mana dafirsana in uu arrinku xaqdarro yahay. Waxayse
markey doodayaan, dulmigooda ugu qiilbixiyaan in uusan xaq aheyn, balse
uu yahay xaajo laga fursan waayay oo xal lagu gaarayo.
Haddaba, haddii la isku wada raacsanyahay in xeerkani uusan xaq
aheyn, su’aashu waxay noqoneysaa: Xal ma lagu gaari karaa xaaraan aan la
barxin, xisaab khaldan, xoog isku sheegasho iyo xaquuq la is duudsiiyo?
Xal ma aha 4.5
Walow ilaa burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay masraxa
siyaasadda jilayeen ururro beeleedyo qabyaalad ku saleysan, haddana
markii ugu horreysay ee si toos ah loo hirgeliyay saamiga 4.5, waxay
aheyd shirkii Carta ee sanadkii 2000 lagu qabtay waddanka Jabuuti.
Sida la sheegay, waxay shirkaas ujeeddadiisu aheyd in lagu soo dhiso
dowlad ku meel gaar ah oo badbaadisa qarannimadii Soomaaliyeed. Laakiin
nasiibdarro, walow ay walaalaheenna Jabuuti aad u dadaaleen, wanaag
badanna sameeyeen, haddana nidaamkii aasaaska looga dhigay qabyaaladdu
wax aan dhibaato aheyn uma soo kordhin shacbigii u han weynaa. Waqtigii
loo cayimay wuxuu ku dhameysatay isqabqabsi iyo isbarbaryaac. Anaa iri
iyo annagaa mudan. Horumar ummad loo horseedaa waa halkeedee,
heshiisiinta hoggaankii la soo caleemo saaray ayaaba howl culus noqotay
ilaa ay markii dambe har cad kala dareereen.
Mar kale, haddana 2002dii ayaa shir jiitamayay muddo labo sano ah
lagu qabtay Eldoret iyo Mbeghati, waddanka Kiinya. Shirkaas waxaa la
isugu keenay kooxo ka soo habqamay maamulkii is burburiyay ee Carta iyo
kooxihii ka soo horjeeday oo ay hormuud u ahaayeen xulufadii ku midowday
ururkii ay Itoobiya aasaastay ee SRRC.
Shirka Kiinya oo ilaa abaabulkiisii ugu horreeyayba ay in badan oo
indheergaradka Soomaaliyeed ahi shaki ka muujiyeen, kuna tilmaameen
shirqool qaran, waxaa ka dhalatay dowlad lagu sheegay - sidii tii ka
horreysay - mid ku meel gaar ah, awooddeedana lagu qaybsaday afar
dhibic shan. Dowladda la sheegay afnac ay ummadda u soo kordhiso daaye,
aafadey dhigtay iyo amakaaggey la timid waa la wada ogaa !
Xujo
Siddeed sano oo jihowareer iyo jab ah ka dib, mar kale ayaa haddana
sanadkii la soo dhaafay ee 2008da Jabuuti laysaga gacan haatiyay. Waxaa
dhowr jeer la kulansiiyay dowladdii ku meelgaarka aheyd ee Mbeghati
lagu soo dhisay oo kala raaracda iyo ururkii ka soo horjeeday ee dib u
xoreynta oo isna laba garab u kala jabay. Is jiidjiid badan ka dib,
waxay kooxaha laysku jujuubay ku heshiiyeen in ay wada dhisaan dowlad
midnimo qaran. Waxaana hoosta laga xarriiqay in mar saddexaad awoodda
lagu qaybsado oo lagu saleeyo saamigii la eeday ee afar dhibic shan.
Haddaad si dhab ah ugu fiirsato shirka hadda Jabuuti ka socda iyo
labadii shir ee ka horreeyay, waxaa kuu soo baxaya in ay isaga mid
ahaayeen arrimo badan oo la yaab leh. Aanse ka soo qaadanno kuwa ay
hadalhayntoodu ugu badantahay oo ah : in la dhiso dowlad badbaadisa
qarannimada Soomaaliyeed iyo in dhismahaas ay aasaas u noqoto
qabyaaladdu (4.5).
Dhibaatada ay leedahay qabyaaladda oo wax lagu qiimeeyo diintu wax
badan ayay ka digtay. Sidoo kale suugaanteennu wax badan ayay ka
tilmaantay, waxaana qofkii miyir qab ah oo aan damacu marinhabaabin
waano ugu filan dardaarankii Abwaankii C/laahi Suldaan “Timacadde” ee
ahaa:
Dusgsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Sida ay murtidaan miidda ahi tilmaameyso, marnaba rajo lagama qabo in
qabyaaldi ay wax dhisto, balse taas liddigeeda waa aalad aad u halis ah
oo si fudud wax loogu dumiyo. Tijaabooyinkii aan soo marnay siddeedii
sanadood ee u dambeeyay waxaan ka barannay in afar dhibic shan iyo wixii
la halmaalaa aysan xaq aheyn, xalna aysan noqon karin, balse ay yihiin
xujo meel yuurarta iyo xarfad jiritaankeenna ummadnimo lagu burburinayo.
Waxaanan soo barannay in ay tahay xeelad cadow, xoolo sheydaan, iyo
luggooyo inta aan xishoonnin iyo afmiishaarradu ay ku xoogsadaan.
Xisaabtan
Soo aragnay oo isla garannay in afar dhibic shan ay tahay aafo dhib
iyo shar. Ogaannay in awr ku kacsi iyo ujeeddo gaar ah ma ahee aysan
arrintaani ummad waxba tarin, tarina doonin, wax u dhimid ma ahee. Waxaa
haddaba habboon in shaqsiyaadka iyo kooxaha u xusulduubaya ee weli ku
xiiqsan xisaabta 4.5, ay allahooda ka baqaan ummaddoodana u naxaan.
Waxaa muhiim ah in leys weydiiyo, yaa allifay ibtiladaan, ujeeddadeese
laga lahaa? Yaa u ololeynaya ilaa maanta, yeyna anfac u leedahay?
Quursiga iyo qabyaaladdu waa labada qodob ee loo badinayo iney
qaranjabkeenna qayb libaax ka qaateen. Qorshaha 4.5-na waa labadii oo la
isku qooshay, qurunna lagu suugeeyay, qiil in loo raadiyana ma mudna.
Imaan la’aantu ma fiicna , Aakhirana xisaab ayaa dambeysa ee ha la iska
jiro in Aayadaha Quraanka iyo Axaadiista ujeeddooyin gaar ah oo aan
habbooneyn loo adeegsado. Waxii aan uurka jirin afka ha laga dhowro,
hana lagu xisaabtamo in Allaha na abuuray uu wax walba ogsoonyahay.
Waxaan filayaa in lagu waanoqaatay waayihii qaraaraa ee la soo maray,
wax badanna lagu baraarugay. Waxay ila tahay in la gaaray waqtigii
xisaabtanka ee ay ummaddu kala garan laheyd waxa u daran iyo waxa u dan
ah, waxaanan rajeynayaa in la gaaray waqtigii la isku tashan lahaa,
lagana tashan lahaa shisheeye inta badan sharwadayaal ah. Sidoo kale,
waxaan filayaa in la garowsaday in qof walba tayadiisa iyo waxtarkiisa
lagu tixgeliyo,laguna taageero oo uu tartanku noqdo maxaad taqaan iyo
maxaad tari kartaa?
Ugu dambeyntii, waxaan qabaa haddaan isku hiillinno hiilo dhab ah in
aan dhabbaha badbaadad dhaqso ugu dhaqaaqi doonno. Hiilladaasi siduu
Nabigeennu (scw) na faray waa in aan u gargaarno oon garab istaagno
walaalka laga gardaranyahay, sidoo kalena aan gacanta qabanno midkeenna
gardaran. Markaan is taageerno ayuu Rabbi (swt) na taageerayaa, markaan
isku naxariisanno ayuu Raxmaanku raxmaddiisa waasica ah noo furayaa.
Markaan isbadbaadinnana isha-Allaahu Ilaah inta daran wuu naga
badbaadinayaa.
Dulmiga ha loo joojiyo degdeg, danta guudna ha loo wada gurmado.