Maalmihii dhaarinta Xildhibaanada cusub ARS ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey
Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti, iyadoo Xaruntii Baarlamaanka DFKMG ee
Magalada Baydhbo ay ka talinayaan Xoogaga Al-Shabaab maalintii Saddexaad
SAWIRRO:
Sawiraddii Dhaarta halkan ka daawo
Waxaa 28/01/2009 si rasmi ah loogu dhaariyey Guriga Ummada ee Caasimada dalka
Jabuuti 140 Xildhibaan oo ka tirsan Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya oo ay
ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo
xubno kale oo ka tirsanaa Golihii dhexe iyo fulinta Is-bahaysiga, waxaana dib
loo dhaarindoonaa 60 Xildhibaan oo qaarkood dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ku
kala maqan yihiin, halka kuwa jooga goobta shirkuna lagu balamey in la dhaariyo
29/0/1/2009-da inkastoo dhaarta xubnahan cusub ay ka dhigeyso Soomaaliya oo
yeelatey Baarlamaankii ugu badnaa abid intii ay xornimada qaadatey.
Wajiyada Xildhibaanadan cusub qaarkood waxaa ka muuqdey farxad, halka kuwo kale
ay ahaayeen kuwo aad u xanaaqsan, kadib markii lagu dhaariyey wax ay hore uga
soo horjeedeen oo ah in ay dhowrayaan Diinta, Dastuurka dalka, dadka iyo
shuruucda u taala, halka kuwo kaley ay ahaayeen kuwo khabaar moog ah oo dhexda
looga soo darey Reero Guuraaya.
Xubnihii la dhaariyey waxaa ka mid ah Wasiirka Dibu-heshiisiinta Cabdi Waaxid
Cilmi Cumar, arintan ayaa waxay muujineysaa caqabadihii Dowlada Federaalka KMG
ay la socon weysey mudadii ay jirtey, dadkuna waxay leeyihiin waxaa jiri kara
xubno ka tirsan Baarlamaanka cusub iyo kuwii hore oo la shaqeynayo Xoogaga
All-Shabaab.
Kulan ay soo xaadireen 220 mudane oo Baarlamaanka FKMG 28/01/2009-da oo ay ku
yeesheen Guriga Ummada ee Caasimada dalka jabuuti oo shir gudoominayo Siihayaha
xilka Madaxweynaha DFKMG, ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo
ku xigeenadiisa ayaa lagu Ansixiyey waqtiga ay jireyso dowlada cusub ee TNG-da,
islamarkaana lagu shaaciyey xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha, laguna
kordhinayo xubnaha gudiga doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka tiro kale oo
ka socota Xildhibaanada cusub.
Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta
Dowlada jabuuti Dr. Xaamud Suldaan, Wakiilka Qaramada midoobey ee arimaha
Soomaaliya Amb; Axmed Wallad Cabdallah iyo Walkiilo ka kala socdey Jaamacada
Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Dowlada Mareykanka, Talyaaniga, qaar ka mid ah
Diblamaasiyiinta joogta Caasimada iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen
Safiirada Soomaaliya ee ka jooga dalallka caalamka ayaa Baarlamaanku wuxuu cod u
qaadey in wax laga bedelo qodob Dastuuri ah oo Axdiga KMG ah, qodob kaasoo ahaa
mudada jiritaanka Baarlamaanka TNG in laga dhigo 2 sano iyo 8 bilood, waxayna
xildhibaanada cod balaaran ku ansixiyeen in jiritaanka TNG uu ahaato Augosto
211-ka xiliga u dhiman TFG iyo 2-sano ee lagu heshiiyeyBaarlamaanka TNG
jiritaankiisa, 211 mudane ayaa cod ku ogolaatey 6 mudane waa ay diideen, ma
jirin wax ka aamusey.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka TNG aan wax ka weydiiyey Doorashada
Madaxweynaha dhicidoonta xubnaha isugu soo hari doono iyo cid ku guuleysaneysa
ayaa Xildhibaanadan waxay isku raaceen Sheekh Shariif iyo Nuur Cadde inay isku
soo haridoonaan, halka kuwo kale ay sheegeen in ay jireyso in kuwo kale oo
qarsoon soo bixikaraan. Sidoo kale Mid ka mid ah Akh-ristayaasha National Post
oo halkii ay ka dhaceysey Dhaarinta xubnaha cusub ee Baarlamaanka TNG)-da oo aan
kula kulmey, islamarkaana codsadey inaan magaciisa la xusin, waxna ka weydiiyey
sida uu u arko qaabka ay wax u socdaan iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub ayaa
wuxuu yiri "shirka ka socda jabuuti, waa mid ku dambeyn doona bur bur; sababtoo
ah ma ahan shir loo dhan yahay, dadka hada is dooranaya meel ay ka taliyaan ma
jirto dalka, waana wadadii Soomaaliya ay ku gaari lahayd Maxmiyad hoos tagta
Qaramada midoobey, taasoo aan la garaneyn cawaaqibka ay keeni doonto, doorashada
Madaxweynaha waxaa ku soo bixidoona Sheekh Shariif, wuxuuna xarun ka dhigan
doonaa Hoteel lafweyn, xaafadihii Ethopia-nku ka guureena lagama taageeridoono
Sheekh Shariif, sababtoo ah wuxuu uga baxay balamo fara badan taasoo aad ka
garankarto dadka Koofurta Muqdisho degan oo taageero hiil iyo hooba la garab
taagan yihiin Nuur Cadde, waana Musharaxa ay ku mideysan yihiin marka lagu daro
Xasan Daahir Aweys, wuxuuna xeyndaab ka dhigtey xubno kasoo kala jeeda Gobolada
Woqooyi Barri, Baay,Bakool,Jubooyinka, Sh/Dhexe iyo Gobolka Hiiraan, taasoo
aysan ku qanacsaneyn Beesha Koofurta Muqdisho" ayuu kusoo gebagebeeyey
Akh-ristahan.
Laakiin marka si guud loo eego Xildhibaanada labada dhinac ayaa waxaa kuu soo
baxaya sawiro badan oo micnooyin kala duwan sameyna, kuwaasoo aan laga hor
dhicikarin, balse ay iska cadahay marka si kooban loo sheego in ay dhib
badnaandoonto qaabka ay isul jaan qaadayaan, waayo hawsha hada socota waxaa la
wada oo ku dhex jira xubno kala duwan iyo dano gaar ah oo mid kasta eeganayo,
balse marka ay soo geba gebowdo ayaa la arkidoonaa halka ay wax ku
dambeyndoonaan hawlaha la wado.
SAWIRRO:
Sawiraddii Dhaarta halkan ka daawo
Liiska
Xildhibaanada cusub ARS ay u qaybsatey 4.5-ka oo Dhameystiran
200 oo ah magacyada xubnaha cusub ee lagu kordhin
doono Baarlamaanka DFKMG ka akhri
halkan....
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Letter to
the members of the Somali Jaaliyadda from Ahmedou Ould-Abdallah
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2009