SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaliya 

War-saxaafadeed- 006/2009

Baarlamaankii la balaariyey ee Soomaaliyeed oo doortay Madaxweyne cusub 

Jabuuti, 31 January 2009 - Habiin aad loo soo jeeday oo lagu dafray codeeyn kadib, xubnaha baarlamaanka la balaariyey  ee ku-Meel Gaarka ah ee Soomaaliyeed, wuxuu u doortay Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib-Uxureynta Soomaaliya, Sheikh Sharif Sheikh Axmed in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Koow iyo toban (11) musharax ayaa isu soo taagay wareegii hore ee dorashadda, halkaas oo Sheikh Sharif uu ku-helay codadka intooda badan, laakiin uu ku guul-darestay in uu helo sedex-meelood lab-meelood codadkii la riday si uu ugu guuleysto doorasha. Hase ahaatee, wareegii labaad ee doorashada wuxuu ka dhex-dhacay Sheikh Sharif iyo Wiilkii Madaxweynihii hore ee Soomaliya, Maslax Mohamed Siad, alkaas oo Sheikh Sharif uu ka helay codad kabadan sedes-meelood laba-meel codadkii loo baahna in uu ku guuleysto.

Ergeygga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaliya, Ahmedou Ould  Abdullah, wuxuu sheegay in xiligii uu socday wareegii kowaad ee doorashada in Sheikh iyo Raisul Wasaare Nuur Hassan Hussein oo aha labada nin oo hogaaminayey geedi-socodka nabadda Jabuuti ay taageero weyn ka heleen baarlamaanka. 

Wuxuu aad u amaanay sida furan ee Shaki usan ku-jirin ee loo agaasimay codeytii labada wareegba.

“Ugu danbeeyntii waxaa arkeeyna in ay guuli ka soo baxday dadaalkii dhamaan dhinacyadu ay sameeyeen si loo abuuro baarlamaan loo dhan yahay”, ayuu yiri Ould Abdullah. “Waxaan jeclahay in aan u han-balyeyo, isla markaasna kuna guubaabiyo dhmaan xubnaha baarlamaanka in ay u shaqeeyaan sida ay ku jirto maslaxada ummaddoda”.

Wuxuu sheegay in uu raali ka yahay in sida musharaxiinto ay ugu go’an tahay in ay u taageeraan dawlad midnimo qaran leh, kuna saleeysan kawada qeybgal, dulqaad iyo iskaashi siyaasadeed.

“Waxaan ku farax-sanahay in Madaxweynaha cusub ay ka go’an tahay in uu siyaasad-ahaan iskaashi dhow uu la sameeyo Wadamad IGAD xubnaha ka ah, khaasatan kowa Soomaaliya deriska la ah sida Jabuuti. Itobiya, Kenya iyo Ururka AU-da”  ayuu yiri Ould Abdullah. “ Waxaan ogahay in Dawladda cusub ay wada  shaqeyn dhow la yeelan doonto xubnaha kale ee bulshada Caalamka sida Jaammacadda Carabta, Ururka Islaamka Adoonka, Midooga Yurub, iyo Yurubiyaan Commission iyo Qarammad Midoobay”.

Madaxweynaha la doortay waxuu yiri: Waxaan sameyn-doonaa intii karaankeyga ah si bulshadda caalamka u taageerto dawladda cusub, dawladdaaas oo laga rabo in xubnaheedu ay muujiyaan sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya nabad iyo xasiloono ku soo celiyaan, dadkeeduna ay ahaadaan kuwa iso dulqaata. 

“Bulshada caalamka mar hore ayey balaan-qaaday in ay taageerto geedi-socdaani, aniguna waxaan sameyn-doonaa inta karaankeyga ah si aan u xaqiijiyo in deeq bixi-yayaasho iyo jaalayaasha kalaba ay xurmeeyaan balanqaakooda.

For more information please contact: Susannah Price or Donna Cusumano, Public Information Officers, UN Political Office, for Somalia (Nairobi, Kenya)
Tel +254 20762 1192/16250r + 254 733902020/737400133
Please Visit www.UN-Somalia.org 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS