SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga...
Akhri...

Maanso: HADAF

Maxamuud Axmed Cabdalle

abdalle9@hotmail.com


Hordhac: 

Dhammaan salaan baan halka uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Waxan halka idiin ku soo gudbinayaa Maansadan la magac baxday HADAF (…hadfey, lumay), taasoo sida magaca laga garan karo yoolkeedu yahay wixii Soomaali ka lumay oo hubso la aqoon waayey; dhibaatada haysata dadkeenna; iyo aayaha dambe waxan ka fili karno. Maansadu iyada ayaa is fasiraysa, qofkii raba inuu ka jawaabo waan soo dhoweynaynaa. Mahadsanidin.

Waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine) 

  1. Halxidhaale waa xeel
  2. Hal adaygu waa dhalan
  3. Googgaale waa helis
  4. Maahmaahi waa hubin
  5. Heellayni waa jiib
  6. Dhaqan waa hab soo jirey
  7. Hidde waa ku dayashada
  8. Hooyaale waa luuq 
               *********
  9. Kolka hoga tusaaliyo
  10. Murti lagu hirtaabaa
  11. Hannaanshaa abwaankuye
  12. Maansadan Ha’leyda ah
  13. Hadaf loogu magac daray
  14. Waa himila gaaroon
  15. Ku helaadin aayaha 
    Waa hodan silsiladoo
  16. Higsanaysa meel dheer
  17. Waa hubanti waayaha
  18. Taariikhda hoos taal
  19. Hawraar u goonniya
  20.           *********
  21. Qarni waliba heerkii
  22. Ummadiba hoggaankeed
  23. Ragannimo horseedkeed
  24. Gobannimo hoyaadkeed
  25. Garashoba hummaaggeed
  26. Hooyoba kalgacalkeed 
    Hindisaba yagleelkii
  27. Geeddiba hayaankii 
    Hinjiyeba awooddiis
  28. Huriyeba colaaddii
  29. Hardafeba gammaankii
  30. Hagariba odhaahdeed
  31. Hawiraaba dhaxalkii
  32. Heegaba tigaaddeed
  33. Hawliba dhaqaaqeed
  34. Hiyi lumay dhaliishii
  35. Nacayb huursan yeelkii
  36.           *********
  37. Afartaa hawaawiga
  38. Hordhaceeda maansada
  39. Higgaaddiyo hannaanshaha
  40. Halhayskeeda jiiftada
  41. Hilin weeye suugaan
  42. Hal-abuur tilmaantiis
  43.          *********
  44. Soomaalida hirdamaysee
  45. Haaweyda noqotee
  46. Is hunjaalli iyo dirir
  47. Halbowlaha is goysee
  48. Hanadkii ka soo baxa
  49. Hilbihiisa haaddiyo
  50. Haanraawe siisee
  51. Haweenkiyo dhallaankii
  52. Haqaydii cidleeyee
  53. Ku halligay dagaallada
  54. Hablihii gammaankiyo
  55. Geela loo hibayn jiray
  56. U hanneeyey duul kale
  57. Dalkii haybadda lahaa
  58. Qarankii habaysnaa
  59. Hog madow ku ridayee
  60. Hayb hayb u kala baxay
  61. Haan haan u kala tuban
  62. Hoos hoos u kala tegey
  63. Hubsiimay u baahnayd!
  64.            *********
  65. Reer hebel ayaan ahay
  66. Qabiilkaygu waa hurin
  67. Anaa hee dheh kuu talin
  68. Heebaan anaa geya
  69. Heensaha anow sida
  70. Hilba qaybsi weeyaan
  71. Waaxdu waa halkaygii
  72. Taladana anaa haga
  73. Haarlaha shabeelkiyo
  74. Aar hooliflaan ahay
  75. Hanqadh soo hugmaan ahay
  76. Hanfi soo dhacaan ahay
  77. Dabayl huguguflaan laan ahay
  78. Hawadaydu waa magac
  79. Garab lagu hirtaan ahay
  80. Ninkaa harag sagaareed
  81. Soo hillaabtay baan ahay
  82. Hoy lagu gamaan ahay
  83. Hormood miiggan baan ahay
  84. Haadaa qabiiliya
  85. Haddaan tayda loo qumin
  86. Habar wacashadeedii
  87. Hubsiimay u baahnayd
  88.            *********
  89. Jabhad hadimadiisiyo
  90. Dhulka aniguun baw hadhi
  91. Gobol waliba waa hayb
  92. Qaarbaa haraadiya
  93. Nin kaloowba ka huleel
  94. Hiirtaanyo godobeed
  95. Hororsiga xishoodlaay
  96. Calammada la haykali
  97. Ku hawoodka qarannimo
  98. Ku hammoodka beenta ah
  99. Haydaara qabe iyo
  100. Habaaranaha derejiyo
  101. U haliili madaxnimo
  102. Hoy uu nin leeyahay
  103. Ku habsoo hantida boob
  104. Hagardaami maatada
  105. Heelheel u kala sooc
  106. Kii gacanta hoorsada
  107. Halab caaneheed sii
  108. Inta kale hungo u reeb
  109. Hubsiimay u baahnayd
  110.          *********
  111. Harga waaxisteedii
  112. Maandeeq huqdeedii
  113. Kala haadinteedii
  114. Hay’adihii qarankee
  115. Mooryaanta loo huray
  116. Wershidihii la haaligay
  117. Laamiyada hog laga dhigay
  118. Gaadiidkii hawl gabay
  119. Hantidii dadweynaha
  120. Bangiyadii la haayiray
  121. Daarihii hagoogtiyo
  122. Laga hoolay quruxdii
  123. Madficii hadheeyee
  124. Sidii hogol lagaga dhigay
  125. Agabkii Hindiga iyo
  126. Hadhka carabta loo raray
  127. Hubsiimay u baahnayd
  128.            *********
  129. Odayada hab dhaqankiyo
  130. Hiddihii ka leexdee
  131. Hamuun tirasho mooyee
  132. Ka hayaamay sharaftii
  133. Boqorrada hallaabee
  134. Hungurigu ballaadhee
  135. Heensiga u taagane
  136. Huluulaha ku loofaray
  137. Culimada hanuunkiyo
  138. Diintii habowshee
  139. Halista u badheedhee
  140. Hedda goy isbiimee
  141. Hubka noocyadiisiyo
  142. Hoobiyaha kaashaday
  143. Haabsaday siyaasada
  144. Abwaannada hal duufee
  145. Hareer maray asluubtee
  146. Hibadii ilaah baray
  147. Dhankale u hoggaanshee
  148. Qabiil soo hor kacayee
  149. Maalintay habboon tahay
  150. Hebel aan la oranayn
  151. Hubsiimay u baahnayd
  152.           *********
  153. Qurba joogga haajiray
  154. Ee hodan shisheeye ah
  155. Maatada la hoos tegey
  156. Haansaday qaxootiga
  157. Caydhana ka haqab baxay
  158. Hooggiyo dhibkuu maray
  159. Ninkaa haatan moogee
  160. Haween dhalay sidoodii
  161. Hafeefta u illaawee
  162. Qabiilkii hodee dilay
  163. Maantana u heellane
  164. Hayinka u ahaadee
  165. Hadhka iyo habeenkii
  166. Kala horaya sheekada
  167. Hubsiimay u baahnayd
  168.           *********
  169. Ubadkay habaysee
  170. Hoobaan canqarisee
  171. Danbarkeedi heensaday
  172. Halyeeyadii ay korisee
  173. Hanaqaaday ee kacay
  174. Beryo hodontigeedii
  175. Kuwii helay tacliintee
  176. Higgaad looga qaadee
  177. Heer sare ku gaadhee
  178. Jaamacad ku hoydee
  179. Aqoon loo hanweyn yahay
  180. Hawl yari ku taabee
  181. Misna horumarkeediyo
  182. Halkii laga filaayiyo
  183. Ka habaabay dawgii
  184. Hubsiimay u baahnayd
  185.          *********
  186. Afartaana hooyaye
  187. Hufan weeye maanso eh
  188. Hirarrada isdabayaal
  189. Aan hoos u daaddego
  190. Mawjadaha kala hago
  191.          *********
  192. Hodon waa ilaahay
  193. Isagaa hal u askumay
  194. Hab dhismeedka dunidoo
  195. Hadhka iyo habeenkii
  196. Aan kala habsaamayn
  197. Cirka higilka weyniyo
  198. Qorraxdaa holcaysiyo
  199. Dayaxaa hadaafiyo
  200. Xiddigaha hareer mara
  201. Dhulka hoos u gogolka ah
  202. Macdantu ay ku hilan tahay
  203. Dabaylaha hibaaqshiyo
  204. Hawa caynba cayniyo
  205. Hogol soo cusbaatoo
  206. Soo hoorta abidkeed
  207. Xareed laga hirqado iyo
  208. Noole haan walbaale ah
  209. Hilibliyo midhoole ah
  210. Dawaa’igana laga helo
  211. Intaasoon la huri karin
  212. Waa hadiyad aadmiga
  213. U hanneeyey guulluhu
  214.         *********
  215. Uunkan hadulayaankii
  216. Kala haabba weeyoo
  217. Qaarbaa hore u maray
  218. Higsadoo barwaaqada
  219. Dalkoodana u hagar baxay
  220. Innaguna hadhiiniyo
  221. Hanfadaynu wada nahay
  222. Wada habacsanaan nahay
  223. Duul hadaadumaan nahay
  224. Baryo hoobsataan nahay
  225. Habeen wada jiraan nahay
  226. Kolka haanta loo tumo
  227. Hooballaynu wada nahay
  228. Kolka huur makhaayada
  229. Shaaha la hirqanayee
  230. Hooshayntu joogtana
  231. Hargaantaynu wada nahay
  232. Kolka heel la soo shiray
  233. Danta laga hadlaayana
  234. Wada hoorri baan nahay
  235. Kolka hiil qabiil iyo
  236. Reer hebel la magac dhabo
  237. Hanad baynu wada nahay
  238. Kolka qaran la haybshee
  239. Gobannimo habboon tahay
  240. Habash baynu wada nahay
  241. Dareennada wax haga iyo
  242. Qalbiyadeennu waa habow
  243. Hoobaaqda araguhu
  244. Halista uma jeedaan
  245. Hanfigiyo dabaylaha
  246. Hawda dheguhu may maqal
  247. Hunri soo dhacaayiyo
  248. Saantu halowga may tebin
  249. Carrabkuna hammuun maleh
  250. Dhadhan kale ma halabsado
  251. Hawo caraf leh daayoo
  252. Sanka haragna uma uro
  253.          *********
  254. Afartaana hor ilaah
  255. Hibadiisa weeyee
  256. Ma hitiqiyey jiiftada
  257. Ma hoogaanshey sida roob
  258. Horma kale ma daba dhigay
  259.         *********
  260. Nimaan tiisa ku hamiyin
  261. Miyuu horumar gaadhaa
  262. Nin dadkiisa hoog baday
  263. Miyuu haybad leeyahay
  264. Hungo madhan miyaa nolol
  265. Qaran lagu haleelaa
  266. Hidiirka iyo liitaha
  267. Haaneed aan garanayn
  268. Hadhuubgaal ma qaataan
  269. Qaxootiga hanqaarmee
  270. Huuriga ku le’dee
  271. Ku halaagmay badahee
  272. Yaman heedaddaabee
  273. Bawdyagaabtu hiiftee
  274. Hatigaad nacaybiyo
  275. Kufsigiyo halgaaddii
  276. Hanjabaadda ugu daray
  277. Hoodh miyay ku qoystaan
  278. Halyeyada la gawracay
  279. SouthAfrika ku hawiran
  280. Hoos u jiiftadadoodiyo
  281. Haniyena lagaga tegin
  282. Hanaqa iyo beerkiyo
  283. Haamadduba daloolaan
  284. Hiil miyay ka sugayaan
  285. Ameerika u hayluul
  286. Kiiniya u hoy dayo
  287. Giriig haabso iyo yurub
  288. Ku harraad saxaaraha
  289. Itoobiya habeen joog
  290. Carab kale hulqe u noqo
  291. Haaraanka haw bixin
  292. Naftu hadiyad weeyee
  293. Heerkaa dad laasimay
  294. Hoo miyay ka filayaan
  295.            *********
  296. Maansadu ma heegaa
  297. Ma hillaac guyeedbaa
  298. Ma daad hadadafaayoo
  299. Haradii irmaanshaa
  300. Sida hogol kaliileed
  301. Miyay hibitiqaysaa
  302. Sida heedda oo kale 
  303. Miyay kala hufmaysaa
  304. Sida hamashka geedaha
  305. Miyay halalaclaysaa
  306. Ha’du waa muggeedee
  307. Ma ku hoobanaysaa
  308. Hilinkiyo ujeeddada
  309. Delebkaan hortii dhigay
  310. Ma sitaa hog ugu dhacay
  311. Ma halkaan la rabay bay
  312. Ku hagaag I leedahay
  313. Hadhuub daadanaayay
  314. Hamba qabo ileedahay
  315. Hororkiyo waraabaha
  316. Ma hir bay ileedahay
  317. Ma huraanka kala tegey
  318. Ma heshiiya bay tiri
  319. Hadimada shisheeyaha
  320. Ma horjoogsaday tiri
  321. Hoosiiska nagu dedan
  322. Ma ka hoos baxay tiri
  323. Mise waan hadraayaa
  324. Dhibka hadiba maysaan
  325. Huqdu waygu keligay!
  326.           *********

Maxamuud Axmed Cabdalle 
abdalle9@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 7, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com