SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga...
Akhri...

  • Shir weynihii ururka is-baheysiga ummadda Soomaaliyeed ee Iswiidhan Göteborg 29-30 marso 2008

    March 6, 2008: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde ayaa wax laga weydiiyey waxa ay (DFKMG) kala socdeen weerarkii (March 3, 2008) ee diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay ku qaadeen magaalada Dhoobley, waxa uu ku jawaabey "Arrintaas iyada ah wixii laga dhehi lahaa waa laga yiri, waana laga yimid waqtigeedii".. Weriyaha idaacadda Codka Maraykanka, Cabdisalaan, ayaa markaas weydiiyey su'aal ahayd, "laakiin dadka faraha badan ee mudaharaadka ka dhigay magaalada Dhoobley ee weerarkaas ka soo horjeedey iyo kuwa leh bakaaraha ayaa dhibaato naga soo gaartey, haddaad dawladdii tihiin maxaad idinku ku oraneysaan." Col. Nuur Cadde waxa uu ku jawaabey "Waxaan filayaa Maraykanka iyagu in ay ka hadleen wixii halkaas ka dhacay, annagana haddee wixii... haddii... dad dembiilayaal ah baadigoob-koodii difaacooda kolley horaa looga hadlay...." [Dhegeyso].


Qaar ka Tirsan Golaha Baarlamaanka FKMG Oo Soo Gudbiyey Mooshin Ka Dhan Ah Raysal-wasaare Nuur Cadde...

Qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka DFKMG ayaa wada qorshe ay kusoo gudbinayaan mooshin ka dhan ah ra'iisul wasaaraha DFKMG.

Waxaa jira warar tibaaxaya in Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka DFKMG sheekh aadan madoobe loo gudbiyey Mooshinkas lagu dhaliilayo col. Nuur Cadde xisaab la,aan.

Xildhibaanada Oo gaaraya ilaa Labaatameeyo ayaa sida laga soo xigtey Xildhibaan Madoobe Nuunow waxaa mooshinkan ku doonayaan inay xilka kaga xayuubiyaan raysal wasaare Nuur cadde tasoo la xusay inay tahay mid ka bilaabantay Xisaab la,aan islamrkana uusan weli intii xilka loo ansixiyey uusan barlamaanka hor imaan.

Xildhiban madoobe Nuunow oo la weydiisay Xukuumada Nuur cadde weli way cusub tahay maxay tahay sababta Durba soo dedejisay Mooshinka ayuu waxaa laga soo xigtey in uu ku jawabay waxaa la rabaa in la xisaabtamo islamarkana xisaabta baarlamaanka hortiisa la keeno taas ayaa keentay in mooshin looso gudbiyo Gudoomiyaha.

Xildhibaan Madoobe Nuunow oo xukuumadii cali geedi ka ahaa wasiir ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey suurto gal ma tahay inay tahay in aad raysal wasaraha ku haysataan inuu wasiiradii hore oo aan iminka xil helin ay ka xun yihiin waayo xiligii aad wasiirka ahaydba aad ayaad ugu doodi jirtay xukuumadii cali geedi raysal wasaraha ka ahaa waxuuna la soo xigtey in uu ku jawaabay waa macquul taasi waayo qof kasta waa loo baahan yahay inuu xilkiisa ilaashado.

Mooshinkan lagu waramayo in ay soo bandhigeen xildhibaano gaaraya 25-xildhibaan ayaa kusoo beegmaya xili uu raysal wasaare Nuur xasan xuseen (Nuur cadde) uu Guda jiro dadaalo nabadeed oo ku doonayo inuu is Hor keeno xukuumadiisa iyo Kooxaha mucaaridka ah waloow ay jiraan caqabado Hor taagan.

  • Arrimaha lagu dhaliilayo Nuur Cadde waxaa sidoo kale ka warbixiyey Xildhibaan Qaalib Cumar Cali, waraysigaas ka dhegeyso halkan.

Qarax Lala Beegsaday Sarkaal Ka Tirsan Kuwa Sirdoonka Dowlada KMG ah Oo Dhaawacay Dad Rayid ah

Mid ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Sirdoonka Dowladda FKMG ah ayaa Khamiistii ka dhacay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay kaasoo sababay dhawaca dad rayid ah oo gaaraya sadex qofood oo ay ku jirto Haweenay ganacsato ah.

Qaraxan oo sida la sheegay Bam gacmeed ahaa ayaa lala beegsaday gaari uu saarnaa sarkaalkaasi sida ay sheegeen dad goob joogayaal ahi islamrkaana ay Ku dhaawacmeen inta la og yahay kuwaad 3 -qof oo mid ay tahay Haweenay ku sugneyd goob Ganacsi islamrkaana ay inta kalena isla suuqasi ku sugnaayeen .

Sidoo kale Gaariga Sarkaalkaas la socday ayaa waxaa uu Xilgaa marayay ka soo horjeedka Saldhiga yar ee degmada Baydhabo, hase yeeshe mar kaliya ayaa laga war helay Qarax Gil Giley suuqa uu baabuurkaasi marayey iyadoo dadka qaarkiis ay sheegeen inuu ahaa Bam Gacameed lagu tuuray

Ma cada cida ka dambaysa qaraxaasi waloow ay saraakiisha dowlada KMG ah sheegeen inay ka dambeeyaan kooxaha Mucaaridka dowlada ee kasoo horjeeda .

yaasiin maxamed faytin

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 7, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com