SAFIIRKA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA EE INDONESIA OO BOOQDAY
JAAMACADDA TARUMANAGARA
Shalay oo ay
taariikhdu ahayd 04 March 2008; Md. Maxamuud Colow Barow,
Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia waxa uu booqday
Jaamacadda Tarumanagara ee ku taal magaalada Jakarta ee
Indonesia. Booqashada safiirka oo ka dambeysay martiqaad uu ka
helay Madaxda Jaamacaddaas ayuu wuxuu u kuurkalayay qaabka
waxbarasho ee Jaamacadaas, si uu ugala hadlo madaxda
waxbarashada ee Jaamacadda sidii ay fursad u siin lahaayeed ardo
Soomaaliyeed oo ka timaada Soomaaliya, kuna biirta kulliyadaha
ay Jaamacaddu leedahay.
Ka dib, wada hadal dheer oo dhex maray Madaxda iyo
Safiirkuba, waxa ay isla garteen in la abuuro jawi lagu soo
dhaweeyo arday ka timaada Soomaaliya oo wax ka barata
kulliyadaha faca dheer ee Jaamacadda, isla markaana loo abuuro
jawi wax wada qabsi dhex mara Jaamacadaha Soomaaliya iyo kuwa
Indonesia o oo ay ka mid tahay jaamacadan Tarumanagara.
Ka dib,
Safiirka waxaa lagu martiqaaday inuu hadal u jeediyo ardayda wax
ka barata Kulliyada Political Communication and International
Relations oo xilligaa qaadanayay maadada English for
Journalists. Md. Barow, faahfaahin ka bixiyay sida baahida loogu
qabo xiriirka caalamiga ah iyo bahda saxaafadda, isagoo kula
dardaarmay ardada wax ka barata Warbaahinta in ay ka shaqeeyaan
sidii ay umadda ugu faa’iideyn lahaayeen aqoontooda oo ku
mashquulin qoraalada iyo baahinta wararka xaqiiqda ka fog iyo
kuwa ku lugta leh xanta shaqsiyaadka ama ururada magaca ku leh
bulshada dhexdeeda, sida ay ku caad bexeen warbaahin badan oo
xilligan hawlgala.
Gunaanadkii
booqashada Safiirka, waxa uu mahad ballaaran u jeediyay
macallimiinta iyo Maamulka Jaamacadda sida hagar la’aanta ah ee
ay ugu taagan yihiin soo saarida jiilka cusub ee hogaanka ugu
qaban lahaa shucuubta aynu ka dhalanay. Sidoo kale, Dr. Eko
Harry Susanto, M. Si, oo ah Madaxa Kulliyada Communication
Science, isagoo ku hadlaya magaca macallimiinta iyo maamulka
Jaamacadda uu mahadceliyay Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
ee Indonesia Md. Maxamuud Colow Barow, kuna soo dhaweeyay ardada
Soomaaliyeed in ay wax ku bartaan jaamacadooda, cadeeyayna in ay
tixgelin gaar ah siin doonaan.
Booqashada Safiirka ayaa ku soo gabagabowday jawi wanaagsan
oo muujinaya horumar deg deg ah oo laga gaaro dhanka
waxbarashada.
Jakarta 04 March 2008
Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia
Jakarta
Embassy of the Republic of Somalia
Jl Permata Hijau Raya Block T No. 8
Kebayoran Lama, Jakarta Selatan 12210
Telp. 0062215321920, Fax: 0062215494730
Email: somalirep_jkt@yahoo.com, molow2000@yahoo.com