Ogaysiis Muhim ah (Mudaharaad ka Dhici Doona London) - Maarso 15,
2008
Codkaaga ugu hiilli walaalahaaga dunida ku dulman.
Waxaa socota qaban qaabadii ugu weyneed oo loo diyaar garoobayo Mudaharaadkii u
weynaa ay Soomaali Qabato, Mudahaarkan ayaa waxaa soo Abaaubulay, Ururuka ugu
weyn ee ka soo horjeeda Dagaalada ay wadaan Ciidanka American Ka ( Anti War
Collation ) Sidoo kale waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Midowga Dhalinyarada
Soomaaliyeed,( Somali youth Union ) oo Fadhigiisu yahay London Uk, Ujeedada
Mudahaaradka ayaa noqon doona in looga soo horjeedo Xasuuqa ay ka wadaan
Ciidamada American ka iyo Kuwa la socda sidoo Kale waxa looga hadli doonaa
Xasuuqa Ciidanka Ethopia ay ka wadaan Somalia iyo Duqeynta Cirka ay Geysanayaan
Ciidanka American, ey ka Wadaan Jubada Hoose Somalia ka Hadaba Jaaliyada
Soomaalida waxaa laga codsanayaa inay ka soo qeyb Galaan iyadoo Mudaharaadkan ay
iman doonaan Dadweyne gaari doona 40,0000 Qof oo ka kala iman doona Daafaha
Yurub, Waxaa Mudaharaadkan ka hadli doona Mp badan ( Memebers of Uk Parliament )
Aqoonyahano Meyor ka London, Dad Caan ka ah Qaaradan Yurub iyo Somali iyaguna si
wen looga yaqaan Dunida oo dhan, Hadaba Balanteenu waa Ka soo qeyb gal wacan
Fadlan soo Qaado Calanka Soomaaliya iyo Sawirada Xasuuqa Muujinaya sidoo kale
soo kaxey Caruurtaada, Codkiina waxa uu wax ka badali Doonaa Halganka Fadlan
Waqtigaaga u hor Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhiban Somaliya iyo Dunida
Muslimka
Date 15th of March 2008
Time waa 12 Noon
Goobtu waa Trafalgar Square
Contact Zakariye Xaaji Maxamed 07960721669
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf 07947510746
Public Transport
The Tube
Charing Cross (Bakerloo and Northern lines) is the closest Tube station, with an
entrance/exit on Trafalgar Square.
The following stations are within a few minutes' walk:
Leicester Square (Northern and Piccadilly lines)
Piccadilly Circus (Bakerloo and Piccadilly lines)
Embankment (Bakerloo, Northern, District and Circle lines)
Mainline train
Charing Cross mainline rail station is about a three minute walk from the
Square.
Buses
Routes 3, 6, 9, 11, 12, 13, 15, 23, 24, 53, 77A, 88, 91, 139, 159, 176, 453 go
past Trafalgar Square. Also routes 22 and 94 terminate nearby at Piccadilly
Circus. Many of London's night buses serve Trafalgar Square. The following
routes start/end near the square: 53, N2, N5, N18, N20, N21, N26, N29, N41, N47,
N50, N89, N91, N97, N279, and N381, and these routes go past the square: 6, 12,
23, 24, 88, 139, 176, 453, N3, N9, N11, N13, N15, N36, N44, N52, N77, N155,
N159, N343
WARGALIN : KA SOO QAYBGAL MUDAHARAADKA
Xaggee: London, taariikhdu markay tahay 15-ka March 2008 saacaduna
tahay 12.00 duhurnimo.
Waxaan ogaysiinaynaa dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool
wadanka Ingiriiska inay ka soo qayb galaan mudaharaad weyn oo looga soo
horjeedo dagaalada ay ka wado dowlada Mareykanka aduunka oo ay soo qaban
qaabiyeen ururka Stop the war coalition.
Hadaba anagoo ka faaidaysanayno mudaharadkaan caalamiga ah waxaa
haboon inaa si wayn uga qayb qaadano madaama diyaaradaha dagaalka
America ay duqayn u gaysteen magaalada Dhooblay oo ku taal xadka
Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya, ma ahan markii kowaad ee
ciidamada cirka Americanka ku xadgudbaan shacabka Soomaaliyeed ee dagan
gobalada Jubbada hoose iyo Jubbada dhaxe, iyagoo dhibaato baxad weyn u
gaystey dadka dagan deeganadaas, isla markaana dhibaato gaarsiiyey dad
iyo duunyo xataa iyagoo ka laayey xoolihii ay dhaqanayeen dadka
Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan ee loogu soo marmarsiiyooday
diidmada ay diidan yihiin qabsashada iyo haysashada ciidamada Ethopia ee
Soomaaliya, kuwaas oo ku haya dadka Soomaaliyeed dhibaato baaxad weyn oo
ah xasuuq iyo dhac joogta ah.
Waxaan la xiriirnay ururka soo qabanqqaabiyey mudaharadkaan kadibna
waxaan isla garanay inaan ka soo qayb galno oo aan qayb weyna ka
qaadano,.
Anagoo ka faaidaysanayna dibad baxaan qiimaha leh ayaa waxaa muhiim ah
in jaaliyada Soomaaliyeed si weyn uga soo qayb gasho, waxaana horey u
soo wadataan caruurtiina, idinkoo soo qaadanaya calanka Soomaaliya, iyo
sawiro muujinaayo dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee aan waxba
galabsan ee dalkooda lagu gumaadayo.
Dibad baxaan caalamiga waxaa ka soo qayb gali doono dad caan ah oo ka
kala imaan doono dunida dacaladeeda, iyagoona ka muujin doono dibad
baxaan sida dadyoowga dunida u diidan yihiin in la iska laayo dad maato
ah oo aan waxbo galabsan iyo siyaasada Mareykanka.
Waxaa kale oo ka soo qayb gali doono Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee
Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya mudane Zakariye Xaaji Mohamud iyo
xubno kale oo ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya,.
Hadaba anagoo ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London,
kana soo horjeeda dhibaatada ka jirta dalkeena, waxaan idin kugu
baaqeynaa inaa loo kala harin mudaharadkaan si aan shucuurteena dagaal
diidka ah ugu muujino dibad baxa, waana in la soo qaataa boorar ay ku
sawiran yihiin dhiibatada muuqata ee ka jirta dalkeena iyo hal ku dhigyo
muujinaayo hadafkeena gumaysi diidka ah.
Waxaa lagu qabanaayaa dibad baxaan caalamiga ah TRAFALGAR SQUARE oo ku
taal bartamaha magaalada London, taariikhdu markay tahay 15-ka March
2008 saacaduna tahay 12.00 duhurnimo.
Hadii aad dagan tahay magaalooyinka ka baxsan London waxaan la
xirireysaa cinwaankaan saad u soo raacdo Buses-ka lagu imaanayo
mudaharadka
Riix halkaan kadibna meesha aad joogta sii raadi information-ka sii aad
Buses-ka u soo raacdo.
http://www.stopwar.org.uk/index.php
Ka soo qayb gal wacan dhamaantiin.
Mahadsanidiin
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Somali Youth UK
www.somaliyouth.net
Faafin: SomaliTalk.com |
Maarso 5, 2008
|