- Xaalada Suuqa Bakaaraha Oo Maanta Degan Kadib Bililiqo Loo Gaystay Maalmihii
Nasoo Dhaafay.
- Meydka Labo Haween ah Oo Maanta Laga Helay Agagaarka Isbitaalkii Hooyada Iyo
Dhalaanka Ee SOS.
- Masuuliyiin ka Tirsan Dowlada FKMG Oo Xilalkoodii Iska Casiley Kadib Markii Ay
Hanjabaadyo kaga Yimaadeen Kooxaha Dowlada Kasoo Horjeeda.
Xaalada Suuqa Bakaaraha Oo Maanta Degan Kadib Bililiqo Loo Gaystay Maalmihii
Nasoo Dhaafay.
Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa Maanta (Maarso 4, 2008) Degan Kadib markii Maalmihii nasoo dhaafay
ay ciidamada dowlada KMG ahi u gaysteen Bililiqo xoogan oo ay meelaha qaarkood
ka rarteen alaabtii Ganacsi ee taalay ee ay lahaayeen dadka shacabka ah ee ka
Gancsanayey suuqasi.
Suuqa weyn ee bakaaraha oo ah meelaha Ganacsi ee ugu waaweyn dalka soomaaliya
ayaa laga dheehanayaa maanta Xaaladii uu ku jiray labadii maalmood ee ugu
dambeeyey iyadoo aaed meelaha qaarkod ku arkayso rasaasta madaafiicda iyo tan
kaleba oo ay ciidsamad adowladu albaabada ku jebiyeen islamrkaana sida la
sheegay ay ku rarteen gawaarida dagaalka ee ay wateen .
Dhinaca kale Dadka fara ku tiriska ah ee ay hantidoodii u badbaaday ayaa maanta
laga dheehanayaa suuqaasi inay ka baxayaan iyadoo laga cabsi qabo inay mar kale
kusoo laabtaan ciidamada dowlada KMG ahi oo ay ka qaataan waxa ay haystaan .
Waxaa soo kordhaya cabsida iyo wel welka kasoo baxaya ganacsatada gobolka
banaadir oo xiligan gashay xaalad murugo leh islamrkaana aysan jirin cid uga
aabe yeelaysa hantidooda iyo dhaca loo gaysanayo islamrkaana ma jiraan cid ilaa
iminka ka hadahay dhacan ay gaysanayaan ciidamada dowlada KMG ah marka laga
reebo Hadalkii uu dhowaan ugu tacsiyeeyey dhaca suuqa bakaaraha raysalwasaaraha
dowlada oo aysan jirin wax qabad ah oo kasoo baxay .
Xaalada suuqa bakaaraha ayaa kusoo beegmaysa xili ay xukuumada Raysal wasaare
Nuur cadde ay dhowaan hadal kasoo saareen ay doonayaan in ciidamada dowlada laga
dulqaado suuqaasi waloow ay taasi noqotay mid dhicisoowday islamrkaana ay
socdaan weli dhaca iyo boobka loo gaysanayo dadka shacabka ah .
Meydka Labo Haween ah Oo Maanta Laga Helay Agagaarka Isbitaalkii Hooyada Iyo
Dhalaanka Ee SOS.
Meydka labo Haween ah ayaa saaka lagu arkay agagaarka isbitaalka Hooyada iyo
dhalaanka ee SOS ee degmada Huriwaa ee magaalada muqdisho .
Meydadkan labada Haween ah oo ahaa kuwo da,yar ah oo lagu qiyaasi karo ilaa
20sano ilaa 22-sano ayaa ahayd goobta ay yaalaan meelo mudooyinkanba aysan jirin
cid deganayd kadib markii ay iskaga barkaceen dadkii shgacabka ahaa ee deganaa
Dagaalada u dhexeeya xoogaga wax iska caabinta iyo ciidamada dowlada iyo
Ethiopia .
Ma cada sababta iyo Cida ka dambaysa dilkan labada gabdhood ee meeydkooda laga
helay agagaarka isbitaalka SOS .
Maaha markii ugu Horasay ee meyd noocan oo kala ah laga helo meelaha qaxa looga
maqan yahay asbuucii nasoo dhaafay Horaantiisii ayay ahayd markii meydkiisa laga
helay Nin oday ah xaafada Towfiiq ee degmada yaaqshiid kaasoo sida la sheegay ay
dileen ciidamada xukuumada Ethiopia .
Masuuliyiin ka Tirsan Dowlada
FKMG Oo Xilalkoodii Iska Casiley Kadib Markii Ay
Hanjabaadyo kaga Yimaadeen Kooxaha Dowlada Kasoo Horjeeda.
Tirada masuuliyiinta xilka iska Casilaya ayaa dhowaanahanba isa soo tarayey
kuwaasoo qaarkood ay ka cabsi qabaan Dil ay u gaystaan kooxaha dilalka
qorsheysan ka gaysta magaalada muqdisho oo la sheegay in ay telefoono kula
hadleen islamarkaana
Hanjabaadyo u gaystay .
Gudoomihii Xaafada kaawo Godey ee degmada kaaraan Warsame Cali Macow ayaa ku
dhawaaqay inuu xilkiisa iska casiley kadib markii uu saxaafada ka sheegay inay
hanjabaadyo kasoo gaareen kooxaha dilalka qorsheysan ka sameeya caasimada
islamrkaana uusan maanta waxii ka dambeeya xil u hayn dowlada islamrkana uusan
aqoonsanayn waa siduu hadalka u dhigaye .
Sidoo kale, Xaliimo Ubax oo aheyd guddoomiyihii Laanta Dayax ee degmada Kaaraan
ayaa ku dhawaaqday iney xilkaasi iyana iska casishay, oo iyana ay sheegtay inay
wixii maanta ka dambeeya aysan xili u hayn dowlada iyo degmadaba islamrkaana ay
sheegtay inay hanjabaadyo ka heshay kooxahan dadka qaarajiya .
Maaha markii ugu Horaysay oo sidan oo kale xaalad Cabsiyi ku jirto ay xilalkii
ay dowlada u hayeen ay iskaga casileen kadib markii telefoonada No, numbarka loo
yaqaano laga soo wacay islamrkaana ay wel wel walaac Naftooda ah ku abuurmay
Horey ayaa waxa isku casilay tiro aad u fara badan oo ka tirsan mas’uuliiyinta
laamaha iyo kuwa waaxyaha degmooyinka Gobolka Banaadir taasoo sii wiiqaysa
howlihii ay dowladu ka haysay Gobolka banaadir oo u muuqda kuwo looga awood
roonaaday dowlada .
yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com