SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
08 Jenuary 2008.

Macaluul ka jirta Ogaadeenya iyo raashiinkii oo xayiran.

Eritereya oo canbaaraysay siyaasada Maraykanka.

Kibaki oo oggolaaday inuu wadahadal la galo mucaaradka.

Ururka haweenka Ogaadeenya ee Galbeedka Australia oo kulan isugu yimid.

======================


Macaluul ka jirta Ogaadeenya iyo raashiinkii oo xayiran.

Qaar ka mid ah gobollada dalka Ogaadeenya ayaa laga soo sheegayaa macluul la soo gudboonaatay dadwaynaha, iyadoo ay ugu wacan tahay roobabkii Dayrta oo aan si fiican uga di’in dalka iyo xayiraada naxariis darrada ah ee ciidammada gumayisga Itoobiya in ka badan lix bilood ku hayeen dalka Ogaadeenya.

Dadkan tabaalaysan ayaan wali la gaadhsiinin wax kaalmo ah, gargaarkii ay hay’adaha caalamiga ahi geeyeen dalka Ogaadeenyana waxaa xayiray ciidammada gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo gargaarka u isticmaalaya hub ay ku sii cadaadiyaan dadwaynaha dhibban ee Ogaadeenya.

Raashiinka gargaarka ah ayaa inta badan la dhigay meelo ay ciidammada Itoobiya u qoondeeyeen, iyagoo sida muuqata awood kula wareegay masuuliyada qaybinta raashiinka gargaarka ah ee hay’adaha caalamiga ahi ay dalka geeyeen.

Toddobaadkii hore ayay Qaramada Midoobay ka digtay xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta dalka Ogaadeenya, iyadoo sheegtay inay si wayn uga walaacsan tahay cunta la’aanta ka jirta Ogaadeenya.

Xafiiska Xidhiidhka Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay OCHA ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in xalad bani’aadamnimo oo qallafsan ay ka taagan tahay Ogaadeenya, iyadoo roob yaraantu ay dhalisay daaq iyo biya la’aan, isla markaana uu sicirka maciishadu cirka isku shareeray, dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Itoobiya xayirtay dartii.

Xafiiska OCHA wuxuu kaloo intaas ku daray in dhibaatooyinka Ogaadeenya hadda ka taagan ay ka mid yihiin nafaqo darro iyo cabsi ballaadhan oo laga qabo cayayaanka baabi’iya cagaarka, sida Ayaxa, gaar ahaan marka la galo xilliga Jiilaalka.

Dowlada Maraykanka ayaa iyaduna jimcihii sheegtay inay khubaro u dirtay dalka Ogaadeenya, kuwaasoo soo qiimayn doono xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta. Khubaradan ayaa u kuur-gali doonto dhibaatooyinka ka jira dhinacyada cunta la’aanta, caafimaad xumada iyo adeegyada daruuriga u ah bulshada.

Eritereya oo canbaaraysay siyaasada Maraykanka.

Madaxwaynaha dalka Eritereya Isaias Afwerki ayaa magaaladda Casmara kulan kula yeeshay xildhibaan caan ah oo ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka oo lagu magacaabo Donald Payne, kaasoo ay ka wada-hadleen khilaafka xuduudeed ee u dhaxeeya Eritereya iyo Itoobiya, xaaladda Soomaaliya iyo siyaasada Maraykanka ee ku aaddana gobolka Geeska Afrika.

SOOMAALI LAGU GUBEY K/ AFRIKA

Dukaankii lagu dhex gubey laba Soomaali ah.. AKhri...

Madaxwayne Isaias ayaa sheegay in sida kaliya xal ku iman karo ay tahay in ciidammada Itoobiya ka baxaana dhulka Eritereya ee ay xoogga ku qabsadeen, isagoo xilidhibaanka Maraykanka ah xusuusiyay inuu dowlada dalkiisa ka codsado inay xukuumadda TPLF ku cadaadiso inay ciidammadeeda kala baxdo dhulka Eritereya.

Xildhibaan Payne, oo hormuud ka ahaa qorshihii ku baaqayay in Maraykanku joojiyo kaalmada uu Itoobiya siiyo ee kal hore Barlamaanka la soo hordhigay, ayaa isaguna sheegay in dowlada Maraykanku ay si joogto ah ula jirsatay Itoobiya marka laga hadlayo khilaafka Eritereya iyo Itoobiya, taasoo ah siyaasad aan wax guul ah lagu gaadhin.

Madaxwayne Isaias ayaa sheegay in siyaasada ay dowlada Maraykanka iyo Itoobiya isu kaashadeen kal hore ayna ahayn oo kaliya mid lagu guul darraystay, balse ay tahay mid aan wax faa’iido ah u soo jiidin Soomaaliya iyo Itoobiya midna, arrintaasoo uu xildhibaan Payne laftiisu ku raacay.

Kibaki oo oggolaaday inuu wadahadal la galo mucaaradka.

Madaxwaynaha dalak Kenya Mwai Kibaki ayaa isniintii oggolaaday inuu wadaxaajood la galo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, kaasoo ay si fool-ka-fool ah uga wadaxaajoon doonaan doorashadii muranka ballaadhani ka dhashay.

Wadaxaajoodkan ayaa laga yaabo in la qabto maalinta jimcaha ah haddii uu hoggaamiyaha mucaaradku arrintaas oggolaado.

Hoggaamiyaha mucaaradka Odinga ayaa hadda ka hor ku gacan saydhay baaqii madaxwayne Kibaki ee ahaa inuu soo dhisi doono xukuumad qaran oo mucaaradkuna ay qaybtooda ku yeelanayaan.

Odinga wuxuu sidoo kale ka noqday bannaanbax uu taageerayaashiisa ugu baaqay inay talaadada qabtaan, isagoo sheegay inuu bannaanbaxaas joojinayo, si uu fursad u siiyo dadka ku hawllada dhexdhexaadinta labada dhinac

Dowlada Kenya ayaa ergooyin u kala dirtay dalalka Afrika, si ay ugu sharxaan xaaladda calawsan ee ka jirta Kenya, isla markaana ay xukuumaddu uga codsato madaxda Afrikaanka ah inay taageeraan.

Shaqaaqooyin ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee la qabtay 27 Dec 2007 waxaa lagu dilay in ka badan 360 qof, waxaa sidoo kale ku bara-kacay dad gaadhaya 250,000 oo qof.

Ururka haweenka Ogaadeenya ee Galbeedka Australia oo kulan isugu yimid.

Maalintii Sabtida ahayd ee bishan janaayo ay ku beegnayd 05-01-08 ayayDumarka Ogaadeenya ee Galbeedka Australia kulan isugu yimideen, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen dumar aad u badan ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ay isugu yimaadaan dumarka Ogaadeenya ee Galbeedka Australia.

Shirkan oo ka dhacay Magaalada Perth ayaa ahaa shir aad lo soo abaabulay inkasytoo dumarka Ogaadeenya ee dagan magaaladda Perth ay bil walba shir isugu yimaadaan,iyadoo uu kulankani ka balaadhnaa kuwii hore ee ay dumarku qabsan jireen.

Waxa shirkas lagu lafo guray qodobo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen u diyaar garoowga shir weynaha Jaaliyadaha AUS & NZ ee laqaban doono bisha April ee sanadkan 2008,laguna qaban doono magaaladda Perth waxaa sidoo kale laga dooday sidii ay u kobcin lahaayeen kalinta ay dumarku kaga jiraan taageerada halganka Ogaadeenya ka socda ee ay JWXO hor muudka katahay waxayna si weyn ugu nuux nuuxsadeen islana meel dhigeen siday waajib utahay xil weynina uga saaranayhay dumarka Ogaadeenya inay u guntadaan halgankan ka nasiibka badan halagnadii horey u soo maray Ogaadeenya.

Haweenka kulankan isugu yimid waxay diirada saareen tacadiyada loo gaysto guud ahaan shacabka dulman ee Ogaadeenya gaar ahaan dumarka & caruurta oo mar walba u nugul dhibaatada waxaana laysla qiray in lagaga gudbi karo midnimo, sabbir & in la dardar galiyo hawlaha lagu xoojinayo halganka xaqa ah ee Ogaadeenay ka socda waxaa kale oo shirka laga akhriyay warbixin dheer oo muujinaysa dagaalada aan kala go’a lahayn ee CWXO uu kunaafeeyo ciidanka daalan ee itoobiya & guulaha lagu diirsaday ee ay JWXO kagaadhay gude & dibadba waxaa kale oo warbixinta lagu cadeeyay xasuuqa loo gaysto shacabka Ogaadeenya & xadgudubyada dhinac walba leh ee gumaysigu ku hayo bulshada rayadka ah ee aan waxba galabasnin iyadoo warbixintu daboolka ka qaaday tiro dad badan oo la laayay hanti, la boobay & meelo badan oo laga baro kiciyay dadkii daganaa ee awalba noloshu ku adkayd, dumarka shirkan isugu yimid oo aad u qiiraysnaa isla markaasna ay wajiyadooda ka muuqatay cadho xoog leh ayaa balan qaaday in ay is garab taagayaan CWXO ee qabjabiyay cadowga hororka ah ee dulmiga ku jooga ciida Ogaadeenya.

Dumarka Ogaadeenya ee magaalada Perth waxay ugu baaqeen haweenka Ogaadeenya ee ku nool qurbaha inay u istaagaan sidii ay u muujin lahaayeen wax qabadkooda kaalin wax ku ool ahna uga gali lahaayeen hawlaha halganka Ogaadeenya lagu xoreynayo waxaa kale oo ay dumarka Ogaadeenya ku booriyeen inay iska ilaaliyaan kuwa dubka & magaca lawadaaga balse aan damiirka & caqliga ay ku kala duwan yihiin ee u adeega danaha gumaysiga, gacanyarahana u ah taliska gabalkiisii sii dhacayo ee Adis ababa.

Ugu dambayntii dumarka Ogaadeenya ee ku dhaqan Galbeedka AUS waxay amaan & bogaadin u soo jeediyeen guud ahaan Jabhada Waddaniga Xoreyta Ogaadeenya Gaar ahaan CWXO waxayna kula dardaarmeen dhamaan shacabka Ogaadeenya ee kunool gudaha dalka Ogaadeenya adkaysi & in aysan u liicin dibin daabyada gumaysiga waxaan rajaynaynaa ayay yidhaahdeen guul soo deg degta

Radio Xoriyo
08 Jenuary 2008

Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2008


Garoowe. Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas RPP oo wada hadalo u bilaabmeen... Jan 7

Madax Mareykan ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo shir ku yeeshay Casmara... Akhri... Jan 7

Wariyihii labaab oo ku xiran xabsiga magalada bosaaso

Waa sidee Xaaladda wadada isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacyo- warbixin

Golaha Samafalka Iyo Horumarinta Bulshada oo Deeqo ay bixiyeen Shirkadda Dahabshiil iyo kuwa kale u qeybiyey dadka u barakacay duleedka Muqdisho

Nabaddoon Xasan Dhuqub oo Weli Ku Xiran Boosaaso... Jan 6

Gudiga Ganacsatada Islii oo Shir saxaafadeed ku qabtay Nairobi.. Jan 6

Sh. C/qaadir Nuur Faarax  Oo La kulmay Ardayda Soomaliyeed Ee wax ka barta Malaysia... Jan 6

Warbixin- Maxaad ka ta qaan Magaalada Taariikhiga ah ee Laasqoray

Waxqabadka Ururka Naafada Soomaaliyeed:::

Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya oo Casmara Kula shiraya Wafti ka socda Maraykanka...
iyo Madaxwayne Isaias oo wadahadal la yeeshay US Congressman Donald Payne iyo C/laahi Yuusuf oo kusii jeeda London, UK... Akhri... Jan 5

Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu jabiyay.

caddeGolaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey
Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde
Dhegeysi/Sawirro Jan 5

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com