SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin- Maxaad ka ta qaan Magaalada Taariikhiga ah ee Laasqoray

Laasqoray:- Magaalada Laasqoray ee xeebta dheerleh ayaan u kuur galay si aan uga ogaano xog dheeraad ah anaga oo booqanay goobo badan oo ah dhulka Muhiimka ah ee Deegaankaasi ku yalaa sida Iskuulada iyo Goobaha Caafimaadka, Garoonka Diyaarada iyo Buuraha magaaladaasi ku teedsan, waxa kale oo aanu Booqnay warshadadii hore ee Kaluunka ee lagu magcaabi jiray Rushka ama Ayeeyo.

Magaalada Laasqoray waxa ku nool Dad lagu qiyaasay ku dhawaad ilaa 50,000 ilaa iyo 55,000, oo Ruux kuwaasi oo u kala Jarmaada goobaha Shaqada ee magaaladaasi ilaahay ku manaystay sida warashada Kaluunka ee Laskorey Fisheirs, iyo dad kale oo oo u kalaha Bada sidii ay uga soo jilaaban lahaayeen Kaluun.

Sida aad Sawirkaasi ku argtaan Gurigaasi waxa uu ka mid yahay guryaha Taariikhiga ah ee Magaaladaasi ku yaala isaga oo la cadeeyay in dhidibada loo taagay ilaa Qarani ka hor, isaga oo ahaa guriyaha markaasi laga dhisto deegaanadaasi nooca ugu qurxoon.

Magaalada Laasqoray waxa lagu tiriyaa inay safka hore kaga jirto Magaalooyinka Taariikhiga ah ee dalka Somaliya iyada oo ah Maagaalo Caan ah oo guud ahaan laga yaqaan Caalamka, dadka in badan joogay magaalada Laasqoray oo aanu la kulanay ayaa nooga sheekeeyay Magaaladaasi iyo goobaha Taariikhdaleh oo ku hareeraysan,waxaya sheegeen inay Laasqoray tahay magaalo xaga Cimilada aad u wanaagsan, oo ku fiican daaqa iyo deegaamaysigaba.

Goobaha ugu badan ee ay ka dhisan yihiin guryaha Taariikhda leh ee Magaalada Laasqoray ayaa ah meelo isku dhaw dhaw oo saaran xeebta si ay dadkii halkaasi deganaa ugu fududaato inay ka jilaabtaan khayraadka Ilaahay ku Nimceeyay xeebta Magaalada Laasqoray.

Qalacada halkaasi ka muuqata waxa la sheegay  inay ka mid tahay goobihii uu deganaa Suldaan Maxamuud Cali Shire, isaga oo gurigaasi ahaa halkii uu fadhiga u ahady Suldaanka waxana lagu tiryaa inuu ka mid yahay guryaha ugu taariikhda wayn ee Magaaladaasi.

Dad ku aga dhawaa Gurigaasi Taariikhda lahe ayaa Noo sheegay inuu yahay mid adkasi badan oo in mudo ah  taagaan isla markaan aanu roobku waxba yeelin,taasi ayaa lagu macnaynkaa Qaabka gurigaasi loo dhisay markiisii hore inuu ahaa kan ugu sareeya ee qarnigaasi wax loo Yagleeli jiray.

Muuqaalka Guud ee Degmada Laasqoray iyada oo ay muuqdaan dhirta loo yaqaan Dhamaska oo Kumanaan kor u dhaafaya kuwaasi oo bilcada magalaada ka qayb qaatay, dhirtaasi badan koodu ayaa ah kuwa kabaxay goobaha laysugu yimaado  ee koonaha Magaalada iyo waliba Hareera ah wadooyinka Magaalada.

Dhanka kale Magaalada Laasqoray waxa ku teedsan Buuro waa wayn iyo waliba dhir xoon kuwaasi oo ku haboon dhaqashada xoolaha, iyada oo ay halkaasi degenaayeen Qaysas badan oo reer guur ah kuwaasi oo kaabiga u saaran  Magaalada Laasqoray.

Buuraha ku teedsan magaalada Laasqoray ayaa ah kuwa cirka ku tolan waxana halkaasi hoos mara togog dhaadheer oo ay qol qolayaan Biyo Macaan,kuwaasi oo salhlaya beerashada Khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Mid ka mid ah Hoteelada la seexdo ee Magaalada Laasqoray kaasi oo lagu magcaabo Shaaca Hotel, waxa uu ka kooban yahay Hotelkaasi ilaa 120- Qol oo kuwaasi oo ah kuwa qalabaysan oo loo dhamaytiray adeegii uu lahaan jiray Hotel.

                       Daawo         Sawiro Kale

Dhismihii Warshadii Hore ee Kaluunka Laasqoray

Muuqaalka Guud ee Warshadii Hore ee Kaluunka- 1964

         Mid  Kaluumaysada Laasqoray

Gaadiid ku jira Bada oo jilaabanaya Kaluun

Jaamac Ayaanle feyte/ LaasqorayNet

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2008

Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya oo Casmara Kula shiraya Wafti ka socda Maraykanka...
iyo Madaxwayne Isaias oo wadahadal la yeeshay US Congressman Donald Payne iyo C/laahi Yuusuf oo kusii jeeda London, UK... Akhri... Jan 5

Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey
Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde... Dhegeysi/Sawirro

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com