SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

Golaha Samafalka Iyo Horumarinta Bulshada oo Deeqo ay bixiyeen Shirkadda Dahabshiil iyo kuwa kale u qeybiyey dadka u barakacay duleedka Muqdisho

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed ka dib markii ay soo gaareen deeqo kala duwan oo loogu talagalay dadka ku barakacay dagaallada Muqdisho ayaa wuxuu qorsheeyey sidii uu kaalmooyinkaas u gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan duleedka magaalada Muqdsiho, Ilaahay mahaddiisa waxaa Golaha u suurto gashay inuu deeq ka kooban 667 loor bariis ah iyo 334 kartoon saliid ah uu gaarsiiyo qaar ka mid ah dadkii ku barakacay dagaallada Muqdisho oo ku nool deegaannada kala ah: Ceelasha Biyaha , Kax Shiiqaal & Dayniile , howsha qeybinta deeqdan raashinka ah ayaa u fushay si nabad ah

Dadka ka faa'ideystay deeqdan ayaa kala ah :-
1) Kaxshiiqaal 500 qoys
2) Xerooyinka Ceelasha biyaha 1000 qoys
3) Dayniile 835 qoys
Total 2335 qoys

Lacagaha lagu iibiyay deeqdan raashinka ah waxaa ku tabarucay :-
Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil : $ 15,000
Jaaliyadda Soomaaliyeed Aarhus -Denmark $ 5,000
Shirakadda Diyaaradaha Jubba Airways $ 3,500
Sirkadda Xawaaladda Qaran Express $ 3,000
Jaaliyadda Soomaaliyeed Begen -Norway $ 1,000
Sirkadda Xawaaladda Amal Bank $ 1,000
Isku dar - Total : $28,500

Mahad celin

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahad celinayaa dhammaan dadkii ku tabarucay deeqdan lacagta ah, wuxuuna Ilaahay uga baryayayaa in uu ugu bedelo wax ka kheyr badan.

Sidoo kale Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan jaaliyadaha & ganacsatada Soomaaliyeed in ay u istaagaan taakuleynta walaalahooda dhibaataysan.




Deeqahan ka sokow golaha samafalka bulshada waxay ka wadaan labo xero oo ku yaala deegaano u dhexeeya Xaawo Cabdi iyo Ceelasha biyaha ee duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho mashruuc biyo dhaamin joogto ah, iyagoo halkaasina ka dhisay barkado biyo loogu shubo dadka soo barakacy ee xeryahaasi ku jira, waxaana labadaasi xero ay kala yihiin Saddex buurood iyo Towfiiq (2) oo ay ku nool yihiin qoysas tiradoodu ay gaareyso illaa 1100 qoys oo ka mid ah kuwo ka barakacay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.



F.G: Warbixinta ku saabsan qaabka loo gaarsiiyo lacagahan dadka dhibaataysan waxaad kala socon kartaan bogga Golaha Samafalka : www.samafale.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com