- Waa sidee Xaaladda wadada isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacyo.
- Kulan ay soo qaban qaabisay Ganacsatada Puntland ayaa waxa uu ka dhacay
xarunta Madaxtooyada ee magaalada Boosaaso.
Waa sidee Xaaladda wadada isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacyo.
Wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo oo ah wadada
halbawlaha u ah xiriirka gobollada bari ee Puntland ayaa ah mid aad u dayacan,
wax dayactir ahna aan lagu samayn tan iyo markii la dhisay.
Wadadan oo aan helin habayaraatee wax dayactir ah muddo dheer ayaa waxaa ka
muuqata jajab xoogle oo soo gaaray bartamaha wadada iyo dhinacyadeedaba, taasi
oo walwalweyn xoog leh ku haysta gaadiidleyda isticmaasha iyo dadka isaga kala
safra Gobollada ay xiriiriso.
Marka la eego dhulka buuraleyda ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Qardho iyo
Boosaaso ee ay soo dhax jiirto wadadu, waxaa jira meelo badan oo laamigu ka
go'ay taasi oo halis ku ah gaadiidka sida joogtada ah u isticmaala wadadaasi.
Tusaale ahaa togga Ceel-doofaar, waxaa uu wadada ka gooyaa meel 90KM ujirta
magaalada Boosaaso, halkaasi oo uu gabi ahaanba baabi'iyey meeshii uu laamiga
kaga beegnaa, waxaana xilli roobaadka mara biyo uu ka soo qaado dooxooyinka
Bariga, kuwaasi oo hakad galiya isu socodka gaadiidka muddo maalmo ah.
Sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2007-da, waxaa halkaasi ka dhacday mid ka mid ah
khatarihii ugu weynaa ee toggaasi uu sameeyo, kadib markii biyo marayey ay
majoxaabiyeen gaadiid rakaab siday oo ka tagay magaalada Boosaaso lana kodlay
xawliga biyaha oo isla markiiba horay u dhufsaday, waxaana goobtaasi ku
geeriyooday dhawr qof, halka kuwo kalana si dirqi ah looga badbaadiyey fatahaada
toga dabadeed.
Dhulka buuralayda ah ee u dhaxeeya Qardho iyo Boosaaso waa meelaha ugu badan ee
ay ka dhacaan shilalka gawaaridu, waxaana lagu qiyaasaa rogmashada baabuurta ee
halkaasi ka dhacda sanadkasta inta u dhaxaysa 20 ilaa 30 shil sida uu idaacadda
Daljir usheegay taliyaha laanta nabad-galyada wadooyinka G/le Maxamed Faniin
Yuusuf.
Bishii aynu soo dhaafnay ee December ee sanadkii 2007-da ayaan safar ku maray
magaalooyinka uu xiriiriyo laamiga kaliya ee isku xira gobollada bari ee
Puntland, waxaana ay indhahaygu qabteen ilaa 3 gaari oo yaalay wadada
hareeraheeda, kuwaasi oo rogmaday isla asbuucii aan safarka ku jiray, waxaana ay
dhamaantood yaaleen inta u dhaxaysa Qardho iyo Boosaaso.
Rogmashada gaadiidka ee ka dhacda wadadaasi ayaa inta badan loo aaneeyaa halista
jajabka wadada, wadada oo aad u duqowday, iyo qalqalooc aan la dhanyalsan karin
oo ku badan inta u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho, kaasi oo loo yaqaan
meer-meerka. Waxaa sidoo kale wadadaasi ay caan ku tahay dalcado dhaadheer oo
gaadiidku mararka qaarkood ay ka soo laabtaan kadibna ay qalibmaan, waxaana
iyana ka mid ah waxyaabaha loo sababeeyo rogmashada badan ee baabuurta
darawalada oo aan xirfad dheer, khibrad darawalinimo, iyo garasho deegaan toona
aan lahayn, taxadarkuna uu aad ugu yar yahay.
Marka taa laga gudbo, waxaa jira meelo kale oo ka mid ah wadada laamiga ah ee
isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacyo oo isku badashay mid raf ah oo uu ka suulay
waxayaabihii laamiga lagu yaqaanay sida daamurkii, jaygii isku shubnaa, iyo
midabadii wadada.
Inta u dhaxysa magaalooyinka Boosaaso iyo Buurtinle ayaa ka mid ah meelaha
laamigu isku badalay wado caadi ah, waxaana jira burbur xooggan oo laga
dareemayo halkaasi, taasi oo maalinba maalinta ka danbaysa sii siyaadaysa.
Inkasta oo si weyn loo dareemayo burburka halakeeyey wadada laamiga ah ee
halbawlaha dhaqaale u ah gobollada bari ee Puntland, haddana ma jiro safar dhib
badan oo ay galaan dadka isaga kala goosha gobollada kala fogfog ee maamulka
Puntland.
Waxaa iyana la mid ah wadada isku xirta Laascaanood iyo Galkacyo oo iyana sidoo
kale aad u dayacan, aanad arkayso boholo iyo godad ka dhex qodan wadada.
Marka loo dhaqaaqo galbeedka Puntland ee la wajaho gobolka Cayn ee loo dhaqaaqo
dhankaa iyo Buuhoodle, ama dhanka gobolka Sanaag ayaan iyagu markii horena
lahayn wadooyin laami ahi, safarkooduna uu aad u adag yahay.
Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo oo ah kuwa ugu kala fog marka la eego inta
dhacda wadada laamiga ah, waxaa u dhaxaysa maasafo dhan 750 Km oo leh caqabadaha
aan soo tilmaanay, haddana gaadiidka xamuulka ah waxay ku qaadataa ugu badnaa 10
saacadood, halka kuwa yar yarna ay safarkood ku dhamaystaan wax ka yar 8
saacadood, mana jirto wax cabsi ah oo laga qabo ku safarka wadadaasi habeen iyo
maalintoona.
Shilalka ka dhaca ayaanse sidaa u badnayn, maadaama aanu dhulkaasi buuraley
ahayn.
Maamulka Puntland oo haatan dhisan ku dhawaad 10 sano ayaan wax la taaban karo
ka qaban dayactirka wadada laamiga ah, marka laga reebo meelo meelo kabitaan
lagu sameeyey, kuwaasi oo ay ka mid tahay agagaarka tuulada Laag oo wax yar u
jirta magaalada Boosaaso. Waxaa haatan soo muuqata halisyo waaweyn oo ku soo
food leh wadada laamiga ah oo ay ka mid tahay buundooyin aad u jilicsan oo
haddii ay go'aan ay adkaan karto in dib loo dhiso.
bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com
Kulan ay soo qaban qaabisay Ganacsatada Puntland ayaa waxa uu ka dhacay
xarunta Madaxtooyada ee magaalada Boosaaso.
Kulanka ayaa waxa ka soo qayb galay dhinaca dowladda Madaxweynaha DGPl Mudane
Maxamuud Muuse Xirsi,wasiirka Kalluumaysiga iyo dekadaha mudane Axmed Siciid Aw
Nuur,wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/samed yuusuf Maxamed iyo qaar ka mid ah
xildhibanada Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf.
Dhinaca kalena waxaa ka soo qayb galay,Isimada Gobolka Bari, Nabadoonada,
Aqoonyahano, Ganacsatada Puntland.
Kulankan ayaa waxa uu ka dambeeyey ka dib markii kulamo isdaba joog ah ay
yeesheen, ganacsatada, Isimada, Nabadoonada iyo Aqoonyahanada oo dhamaantood
looga hadlayey Ammaanka Puntland gaar ahaana Magaalada Boosaaso.
Kulamadaasi ayaa waxaa laga soo saaray talo soo jeedin ku saabsan tayaynta iyo
xoojinta amniga Magaalada Boosaaso.
Talo soo jeedintan ayaa waxa ay ka koobnaayeen 21qodob, waxaana markii laysku
raacay wada saxeexay 37 xubnood oo isugu jira isimo, Nabadoono, ganacsato iyo
aqoonyahano.
Qodobadaasi ayaa waxaa loo soo bandhigay DGPl oo uu horkacayo Madaxweynaha DGPL
mudane Maxamuud Muuse Xirsi.
Hadaba furitaankii shirkaasi ayaa waxa lagu furay Aayado quraan ah iyo wacdi.
Ka dibna guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Cali Axmed(Cali Ceelaayo) ayaa
waxa kulankaasi ka akhriyey qodobadii ay talo soo jeedinta ahaa.
Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii qaatay Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse
Xirsi oo sheegay in dhammaan qodobadan aad soo jeediseen ka dowlad ahaan raali
baan ka nahay qodobadan aad keenteen oo ah kuwa intooda badan waxtar u leh
ammnaanka, Madaxweynaha ayaa waxa kaloo sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan
xoogga saari doono Ammaanka Puntland,ma doonayo anigu in ay Puntland ay
gacantayda ku burburto, waana dadlkaygii waayo aniga oo aan madaxweyne ahayn
ayaan nabadda wax ka qaban jirey, run ahaantiina inta badan waxa ay ku dheceen
anigoo waxa badan nabad ku raadiya.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu codsaday in qodobadan la fuliyo guddiyo dowladda
iyo idinka ah la soo saaro,waayo waxaan naqaan in aan wax wacan ku hadalno,
qornana hadana aan halkiisii laga qaadin, marka ka dowlad ahaan annagga wixii
xagayaga ah diyaar baanu u nahay.
Intaasi ka dib ayaa waxa halkaasi layskula gartay in la magacaabo guddiyo isugu
jira dowladda,Isimada,Ganacsatada, nabadoonada iyo Aqoonyahanada.
Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo isafgarad.
bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2008
Madax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta
Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka
UK... Akhri....
![](/terry/arrowleft.gif)
![](/terry/arrowright.gif)
|