SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
January 10, 125

  • Kulanka casmara ee isbahaysiiga iyo wafti USA ah

  • C/LaahiYuusuf oo Kusii Jeeda London xaalad caafimaad awgeed....


Madaxwayne Isaias oo wadahadal la yeeshay US Congressman Donald Payne iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo kulan la leh mudane Ronald Payne iyo safarada Mareykanka Casmara ku taal....

  • Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya oo Casmara Kula shiraya Wafti ka socda Maraykanka iyo Safaaradda....

Casmara 05/01/2008 Madaxwaynaha dalka Eritareya madaxwayne Isaias Afwerki ayaa shalayto wada hadal la yeeshay mudane ka tirsan Congresska Mareykanka oo la yiraahdo Mr. Donald Payne.

Mr Donald Payne waa xubin [Member] ka tirsan aqalka Maraykaanka ee House of Representatives ee US Congress.
Labada masuul ayaa ka wada hadal xiriirka labada dal iyo arimo badan oo khuseeya arimaha geeska Afrika.

Booqashada Mr Ronald Payne ayaa ka dambeysay markii ay wadanka Mareykanka ay wadahadal dheer kula yesheen Drs Fowsiya Mohamed Sheikh iyo Prof Ibbi oo ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya .

Masuulyiinta Isbaheysiga iyo Ronald Payne ayaa ku balamay inay wadahadal toos ah ku dhaxmaro madaxda aqalka Congreska Mareykanka magaalada Casmara,si ay uga wadahadlaan arimaha Soomaaliya.

Waxaa wararku sheegeen in magaalada Casmara ka socdo wadahadal toos ah oo u furmi doono madaxda wafdiga Mareykanka iyo safaarada USA ee Casmara iyo Madax ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Safarkii Drs Fowsiya Mohamed Sheikh iyo Prof Ibbi ayaa lagu tilmaamay mid ahaa taariikhi ah sababtoo ah waa markii ugu horeysay madax sare oo ka tirsan wadanka Mareykanka ay yimadaan magaalada Casmara,si ay wadahadal ula furaan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Wixii warar ka soo baxa dib ayaan idin kaga soo sheegi doonaa hadii Eebbe Idmo.

Ilo wargal ah.

C/LaahiYuusuf oo Kusii Jeeda London

Madaxweynaha DFKMG, col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa kusii jeeda magaalada London ee dalka UK, halkaas oo ay joogaan dhakhaatiirtiisa gaarka ah.

Warar u dhowdhow madaxtooyada C/laahi Yuusuf waxay sheegeen in lagu wado in habeenimada Axada uu ka dhoofi doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si uu u arko dhakhaatiirtiisa bilowga toddobaadka. Ilaah wararka ee arrintaas ay ka heshay SomaliTalk waxay sheegeen in sababta uu London ugu laabanayo ay tahay ballamo u harsanaa oo ay tahay in uu ku arko dhakhtarkiisa.

Waxaase jira warar kale oo tibaaxay in caafimaadka madaxweynaha DFKMG uu aad u liito.

DFKMG oo had iyo jeer arrimeheedu ka dahsoonyihiin shacabka, oo aan wax u sheegin shacabka, arrimahoodana u wada si sir aha ama qarsoodi ah, ayaa ugu wacan in aan la ogaan xaaladda madaxweynaha DFKMG.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2008

Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey
Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde... Dhegeysi/Sawirro

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.