Soomaaliyeey toosoo!!
Maweydo candhadii, dhoollaha marisee, aan maallo hasheenna,
Maandeeq…
Hashii,
erayadaa loogu heesay, halkee ku dambeysay?!.
****************
“Calankaan lahaa
Cisiga aan ku
qabay
Alla Caawa miyaan
Cidladaa ka
joogaa?!”
Ruuxaas ma ah Ciraaqi,
mana aha Afqaani, waa Soomaali!, erayadiisa dad badan waxay u qaadan
karaan calaacal, mase aha oo aragtidayda waa guubaabo. Cidla’ inaan
joogno kolkaan ogolaanno, waa laga rajo qabi karaa in aan ka fakarro
sidaan rafaadka uga ruqaansan lahayn. Dantaada oo aad ka gaabsato ama
aad ka xishoot ayaa wax walba ka liita. Ilbaxnimo ama rag ka rooni ma
aha, waqtiga in aad ku lumiso; Album (Cajal hees) cusub ayaa soo baxay,
Arsenal ayaa Barcelona ka badisay iyo Jaadkii ma soo dhacay?!.
Soomaalidu hore waxay u tiri;“tiisa daryeelaa tu kale ku dara”.
Haddaba, intaan
noollahay marun waa inaan dhab u wada hadallo, oo dooddu fadhi-ku-dirir
iyo middi-middi ku tag ka sare marto. Qabiil soomaali ah oo qabiil kale
oo soomaali ah muquuniya la waa!, xeerada salkeedana la soo wada
taabtay, sidoo kale; mudnaan iyo laandheeri nimo waqtigeedi waa tagay
oo, ruuxa Ak47 garabka u suranyahay ayaa laandheere ah, wuxuu
doonana yeeli kara!. Nasiib darro, geedkii soomaali hoos harsan jirtay
oo colaad daba-dheeraatay caleentii saarrayd in badan ka daadisay, ayaa
rag gudimmo xiiraya loo soo dhiibay oo dhaqdhaq yar jeebka loogu soo
shubay geesogaraacid ku bilaabeen. Raggaa waxaa la soo faray wax kasta,
xataa salaadda – waaba, hadday tukadaan- in ay ka hor mariyaan, xididdo
siibka geedka.
16-kii sano oo warmaha
la iska asladay, xanuunkeedi oo aan la illoobin Karin raad raaca;
gaboodfalkii, barakicintii iyo xasuuqii dhacay; waa howl hor taal
“hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda”, kol dhaw waxaa la arki doonaa
eedaysane yaashii oo gorodda laalaadinaya kana soo jeeda moorada
eedaynta. Dhiigga dadku sidiisaba, duudsi ma galo, gacmaha dambiiluhuna
ma mayrmaan ilaa laga jaaseeyo danbiguu galay, cadaab uu ku waarana waa
waxa u sii yaal aakhiro.
Maanta waxa socda isdil
soomaali dhexdeeda ah oo qura ma aha, waa duullaan (occupation) xabashi,
ujeeddada ka dambaysaana tahay; dhulballaarsi iyo gumayn shacbiga
soomaaliyeed. Runtii, xabashi baroor been ah waxay taageero kaga heshay
dalal carab & muslim ah iyo kuwo aan ahayn intaba.Taniyo 1996-kii
maalinba waxay geed foodda soo saarto, 26/12/2006-dii
xabashi wajigeedi runta ahaa ayay marada ka qaadday. Been-hawaasayn
saxan dahab ah lugu sido oo xabashi iyo duullaan ma dhicin afka loogu
tiray waxa loogu yeero (DFKS) oo si kalana u ah
(Dadka faraha ka-baxshay Soomaaliya) weeye
waxa u baahan; dood wax dhisid ah, dhiidhi loo dhanyahay iyo halgan
mood iyo noolba la huro.
Sidaydaba, xabashi lama
yaabbani, waayo, nin baa lugu yiri: “hebeloow; hebel ayaa ku caayayay”.
Ninkii ma caroon ma caytamin mana islurin si fudud ayuu ugu jawaabay;
“oo muxuu iga caayi waaba dagaal sannahay e’ ”!. Xabashi waa horor aan
dagaalsannahay, qaadan waaguse waa midka soomaali ila sheegta oo
xabashiga ku daaban. Alleylehe; “waxaa hoogay kan lugu daaban yahay iyo
kan ku daaban”!. Maanta dooddu waqti ahaan waa wixii ka dambeeyay
26/12/2006 oo maanta sanad buuxsamay, 10-an cisho
oo sannadkii labaad ah tagtay, meeshuna waa dalkii soomaaliya oo xabashi
gacanta loo galiyay.
Hor iyo horraan,
mowduuca oo ballaaran darti, qoraalka in aan qodobeeyo si akhristaha ay
ugu fududaato, fahamka waxa ka socda soomaaliya, waxaan u arkay lagama
maarmaan, sidaa darteed:
Qodobka 1-aad:
Xabashi damaceeda, maxaa sal u ah, yaase soo riixaya?.
Waydiintaa inta aanan
ka jawaabin, bal aan dulmar uruursan ku maro taariikhda xabashida,
inkastoon ka afeefanayo cilmiga taariikhdu in uu yahay maaddo takhasus
gaar ah u baahan, maantana loo tafaxaytay ardada soomaaliyeed in laga
duwo barashada maddada taariikhda, halka ardada xabashida loo baro
taariikhda in ay ku faanaan. Haddaba, xusuusta akhristaha waxaan ku
godlinayaa sadarradan gaaban:
Ugu horrayn, suugaantii
hore oo Carbeed Itoobiya waxay u tiqiin; (Alxabashah),
soomaaliduse waxay u taqaan; xabashi, amxaaro, itoobiya ama
qandhicillay. Xabashi waligeed, marka laga reebo xilliyadii Mingiste iyo
Zannaawi, waxaa ka talin jiray boqorro; barkaddo dhiig ah ku dhex noolaa
oo, dhul ballaarsi iyo xasuuqa dadka dalalka ay qabsadaan lagu
ibtileeyay. Xilligii gumaysigii reer Yurub Xabashidu madax bannaanideeda
way ilaalshatay waqtiyo gaaban mooyee. Arrintaa waxaa sabab u ahaa
gumaysigii reer Yurub (1884-1885) oo wax qaybsigii saami
uga ogolaaday, diinta ay wadaagaan awgeed (Kirishtan). Sannakii
1936 ciidamadii Talyaanigu waxay jiireen Itoobiya. Ciidanka
Ingiriiska iyo kuwii Itoobiya waxay 1941 jabiyeen
ciidamadii Talyaaniga, ha yeeshee Itoobiya madax bannaani ma helin ilaa
laga saxiixo heshiiskii Ingiriiska iyo Itoobiya dhexmaray 1944-kii.
Xabashidu Qinigii 7aad dhalashadii Nabi Ciise (CS) ka hor
waxay dhisatay boqortooyadii Aksum oo Badda-cas ku sii jeedday (halka
Eretriya ku taal). Qarnigii 4aad Miilaadiga bartamihiisa
Boqorkii “Ezana” wuxuu u wareegay Masiixiyadda (Christianity) wuxuuna ku
xirmay kaniisaddii Kobtiga oo Masar. Qarnigii 7aad ee
Miilaadiga, gacan ku haynta Badda-cas waxaa la wareegay Muslimka,
Aksumna waxaa faraheeda ka baxay ganacsigii iyo xiriirkii badda cas.
Boqortooyadii Aksum waxay baaba’day Qarnigii 10aad ee
miiladiga. Buuraha Itoobiya Qarnigii 8-aad Miilaadiga
waxaa ka dhismay boqortooyadii Itoobiya oo taxnayd taniyo 1974-kii
Xayle Sallaasena ugu dambeeyay. Erayga Itoobiya micne ahaan;”waa kii
wajiga gubnaa”. Xabashi waa meeshii ugu horraysay oo muslimiin soo
dhawaysa markii ugu horraysay oo ay ka haajiraan Maka. Inkastoo xilligii
Nabigu (SSC) noolaa uu wanaagsanaa xiriirka xabashida iyo muslimku,
haddana isku dac ayaa bilowday xilligii Cumar Binul Khadhaab.
Waxaa la xusuustaa in dakadda Jeddah weerar ay ku soo qaadeen xabashidu,
muslimkuna iska caabiyay duullamadaa. Taariikhdu waxay xustaa damac fara
badan oo boqorraadii xabashida kirishtanka ah ay ku doonayaan xukunkooda
in ay ku gaarsiiyaan dhulalkii ay xukumeen boqorrada Muslimka ah,
si ay faraha ugu dhigaan Geeska Afrika oo xeebihiisa uu maro
ganacsiga caalamiga ah. Boqoraddii “Helaana” sannadkii 1510-kii
waxay ergay u dirsatay “Amanuweel” boqorkii Burtuqaal,
ujeedadeedu waxay ahayd in si wada jir ah ay u weeraraan xoogaggii
islaamiga ahaa ee carrada ka jiray xilligaa, waxay kale oo doonaysay
Maka (Kacbada) in ay ku weerarto ciidanka badda oo boqortooyada
Burtuqaal oo guulo la taaban karo ka soo hoyiyay jabinta ciidanka badda
ee Muslimiinta. Burtuqaal waa ogolaatay codsigii waxayna soo dirtay
ciidan uu madax ka yahay Fasko Dagaama wiil uu dhalay. Ciidankii
Burtuqaal waa la jabiyay taliyihiina waa la dilay, iskastoo doomihii
muslimiintu aysan guul xoog leh ka keenin jabinta xabashi iyo ciidankii
u soo hiilliyay.
Taariikhda dhul
ballaarsiga oo Menelik-gii II aabaha u ahaa waxay ka soo bilaabataa:
1818:1868-
Lij Kasa oo weerarro ku qabtay dhulka Amhara, Goojaam,Tigray iyo Shawa
1872- Duq
Tigraanya waxaa noqday; Yohannes IV.
1889-Yohannes-kii
IVaad, markii lagu dalay dagaalkii uu la galay dhaqdhaqaaqii
Mahdigii Suudaan, waxaa taladii la wareegay boqorkii Shawa (shoa) kaas
oo markii dambe noqday Menelik-gii IIaad.
1897-Menelik-gii
IIaad wuxuu Addis Ababa ku saxiixay heshiiskii Anglo-Ethiopia oo gacanta
loogu galiyay Haud (ogaadeenya qaar ka mid ah).
1913-Melnelik-gii
IIaad waa dhintay waxaana la wareegay boqor tooyadii wiilkiisi curad;
Lij Iyaasu, waase laga tuuray boqornimadii, tuhun ah; in uu muslimiinta
gacan saar la lee yahay. Boqortooyadii waxaa loo caleema saaray gabar
Menelik dhalay, waxaana talada u sii hayay Ras Tafari Mokonnen.
1930-Zawditu,
waa dhimatay waxaana taladii la wareegay Ras Tafari Mokonnen oo la baxay
Boqor Haile Sallassie-hii I-aad.
1954-
London Ingiriiska iyo Itoobiya waxay ku kala saxiixdeen heshiis si
buuxda Hawd iyo Riseef Eereya, Haile Sallassie gacanta loogu galinayo.
1963-Addis
Ababa waxaa laga furay shirkii u horreeyay oo (OAU-da) waxaana la
kala saxiixay heshiiskii xuduudaha Afrika, ha yeeshee soomaliya ma
saxiixin.
1964-Diidmada
soomaaliya saxiiska heshiiska waxay xukuumaddii xabashida
ku kalliftay in ay weerar, kaga soo tallaabaan xadbeenaadkii, waxaana
dhacay dagaalkii Ina-gooxa iyo Dabagoryaale, si geesinnimo leh ayaa
weerarkii gaashaanka loogu daruuray.
1974-Waxaa
kursigii boqorti nimada oo uu ku fadhiyay 40 sano fadhiya laga tuuray
Haile Sallasihii I-aad, waxaana inqilaabay, Ammaan Andoom iyo Taferre
Bente oo uu laayay kol dambe Korneel Mingeste. Lafhii Haile Sillasesie
waxaa waqti dambe laga soo saaray musqul Qasriyadiisi midkood ku taal
hoosti.
1977-Jamhuuriyaddii
D. Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhex qarxay dagaalkii 77-kii,
oo lagu xoreeyay Soomaali Galbeed (Ogadeenya) inteeda badan, waxaase
Xooggi Dalka Soomaaliyeed dib loo soo riixay kolkii ay soo hiilliyeen
Midowgii Soofiyeeti, Kuuba iyo Yaman.
1982-Ciidan
xabashi ah oo ay garwadeen u tahasy jabhaddii SODAF waxay
calanka xabashi ka taageen Goldogob iyo Balamballe.
1991-Waxaa
Itoobiyadii Hantiwadaagga sheegatay kursigeedi madaxti nimada oo uu ku
fadhiyay Mingisto Haile Maryam waxaa tuuray Jabhaddii EPRDF
oo Meles Zannaawi iyo saaxibadi hor kacayeen.
1996-Ciidammo
xabashi ah ayaa Gobolka Gedo soo galay iyaga oo marmarsiyo ka dhigtay;
waxaan daba joognaa xubnno ka tirsan Alitixaad Alislaami oo
qaraxyo ka gaystay gudaha Itoobiya, xeryo tababarra ka furay baro ku
yaal agagaarada xuduudda labada dal.
2006-Ciidammo
xabashi ah oo waqti hore loo gacan haadiyay oo lugu soo uruuriyay
Baydhabo iyo Gobolka Hiiraan oo Taangiyo, Gawaarida Gaashaaman iyo
ciidan lug ah isugu jira waxay u soo gurguurteen Muqdishow caasimaddii
soomaaliya. Sida, Ido dhanaan u jeellan, askartii xabashidu iyaga oo,
sidii u raran waxay isa-sii-taageen xeebta Liido (Bad waynta Hindiya)
maalinkii 26/12 oo ku addan maalinka dunida kirishtanka ah
ay u dabaal dagaan dhalashadii Nabi Ciise (CS). Qamaankii askarta
xabashidu, wuxuu xasilay kolkay biyaha dhanaan oo badda dhawr cantuugo
ka liqeen (darmadeen). Ha yeeshee madax xanuunkii iyo dhafarkii wuxuu
soo rogaal celiyay kolkii dhawr habayn dabadood, xeryihii ay dageen lagu
miray oo dhan walba looga soo daatay. Teer iyo habaynkaa askari xabashi
ah oo xamar soo galay hurdo macaan ma ladin, khuuro tiis ahna lama
maqal!, lamana maqli doono inta cagihiisa najaasada ah ay saran yihiin
ciidda soomaaliyeed oo daahirka ah.
Sidaa hadday u soo
taxnayd silsiladda taariikhda xabashidu, maxaan ganactogaalayn kagala
soo dhex bixi karraa hayaanka dheer oo nacaybka iyo damaca ku dhisna ee
xabashida?. “Madaxa meel ka sarraysa oo la salaaxu ma jiro” 100 iyo
sgaal sano sano 2006-1897 oo taariikhda dhaw oo Itoobiya
ka mid ah –waa taariikh raadkeedi qoyanyahay- maalinba waxay geed soo
fariisto aakhirkii ciidankoodu wuxuu ka haw galay xaafadaha xamar isga
oo xaruntii Wasaaraddii Gaashaandhigga soomaaliya xarun duullamadiisa uu
ka qaado ka dhigtay.
Qarniyo fara badan,
haddaan xabashi daris ahayn oo waydiinta sare ka jawaab is-iraahdo
waxaan oron karaa; damaca xabashi oo joogto ah waxaa shidaal ay ku
dhaqaajiso u aha dhulballarsi, nacayb diineed iyo helitaan dakad (bad)
ay ka fuliso xiriiradeed ganacsiga caalamiga ah oo, ay si dhammaystiran
uga taliso, waxay doondoonaysaa badalkii dakadihii Masawac iyo Casaba oo
asy xaaranta ku haysatay!..
Wixii maanta ka
horreeyay xabashi waxaa gadaal ka soo riixi jiray damaceeda, hiilka
dowlado aan Geeska Afrika ka tirtsanayn oo diin ay ugu habarwacato iyo
qaar hantiwadaag ay la hoos cararto. Xujadeedu mar waxay ahayd; waxaan
nahay koox yar oo kirishtan ah oo, bad muslim ihi hareeraysay, marra
waxay ahayd waxaan nahay; bulso hantiwadaag ah oo kacdoon dadwayne ku
tuurtay Boqortooyo dulmi badan iyo koox dhulgoosato ah oo shacbi lixdan
milyan sare u dhaafay dhiiggooda ku noolayd muddo qarniyo ah, marra;
waxaa nagu soo fidaya dab ay shideen argagixiso caalami ah iyo wadaaddo
seef labbood ah oo isreeb-reebkii soomaaliya ka soo dhex baxay.
Nasiib darro, wixii ka
dambeeyay calankii xabashi looga taagay; Goldogob iyo Balamballe
1982-dii, xabashi indhahaa u dillacay oo waxay ogaatay in ay
heli karto dad soomaali ah oo, hangaaban oo ay ku edeegato. Xabashidu
xilli ay joogtaba, marra ma waayin marmarsiyo beerdulucsi ku dhisan oo
ay labisto, dad ay maskaxda ka xaddo oo soomaali ah iyo kooxo lobbyist
(loobiisti) ah oo aan afka ka dhigin waxa ay rabto. Boqorraddii hore oo
itoobiya iyaga oo faraha ku dhigay gobollo fara badan oo dhanka uurka
Afrika (gudaha) ah, haddana mar walba indhaheedu kama libiqsan xagga ay
jiraan Badwaynta Hindiya iyo Badda cas, dhagahoodana kama bixin hugunka
hirarka badda!, jirkooduna kama bogan tabidda, dabaysha diirran oo
guudka sare oo badda soo marta.
Qodobka 2-aad:
Xabashi, gudaha soomaaliya, Yaa ka taageera?!.
Damaca isballaarinta
xabashida oo soo jireen ah, waaga ka hor taageero kama dhexhelin gudaha
Soomaaliya. Wardoonka xabashida oo ay soo tababartay “Muusaadda
Israa’iil” oo gudaha soomaaliya xog uruurin loo soo galiyay, mid mid
soomaali ah oo la shaqeeya iyo ruux dambi galay oo xadka tillaabay,
kolka laga reebo: “xisbigii Liibaraale” oo uu
madaxda ka ahaa “Xaaji Baraako” oo u ololeeyay xilligii
gobanimadoonka lagu jiray in la “mataaneeyo Muqdishow iyo Addis Ababa”,
fallaagadii “Koofiyad Dhuub” oo uu abaabulay; Daqarre Jaamac
Guuleed Cirroobe, oo ka kacday gobolkii hore loo oran jiray Mudug
qaybtiisa Galguduud, ururakii SODAF oo mar dambe la baxay
SSDF, ururadii SNM, USC iyo SPM
oo Dirirdhabe Mingiste heshiiska saddex geesoodka ah uga
saxiixay (heshiikaa xabashi wuxuu u ogolaa dakadaha soomaaliya in ay
isticmaasho shuruud la’aan) iyo xilligii dagaalka sokeeye socday
ururadii daacadda mooday hiilka Xabashi, sida SNF-tii
gobolka Gedo iyo RRA-dii gobolka Bay, marka dhinac la
mariyo, marra xabashi dad u adeega kuma dhex yeelan gudaha soomaaliya
inta la xusuusto.
Taliska “Addis Ababa”
burburkii dawladdii dhexe wixii ka soo haray isaga oo hunguriyaynaya
caalkamka wuxuu isu tusaya; “Baraar yar oo warmooge ah”; inuu yahay.
Durba wuxuu qalqaaliyay xarunta “OAU-da” in siyaasiyiin soomaali
ah lagu soo uruuriyo si ay uga xaajoodaan dib-u-heshiisiin dhexdooda ah.
Muraadka, dhabta ahse, wuxuu ahaa in uu ka naqaysto (xusho) kooxdii uu u
tababari lahaa qabsashada soomaaliya. Ugu dambayn Addis Ababa waa heshay
raggeedi oo waa wixii ay u baxisay SRRC oo Sodare lagu
dhisay laguna burburiyay dawladdii, barlamaankii iyo madaxwaynihii
Carta/Jabuuti lagu soo dhisay. Xulkoodi weeye waxa dawladda iyo
barlamaanka maanta laga dhisay Empagathina lagu soo uruuriyay.
Siyaasiyiin qashin u badan oo meelo kala duwan laga soo uruuriyay ma
aysan garan, meesha in dabin yaal –intii garatayna waa aamustay- Hotel
Giyoon-na uu yahay saylad xoolaha lagu faasaxo “Doqon ma waaye” oo kale
.
Hawshaa muddo dabadeed,
waxaa ka dhashay saddex koox oo, mid waliba mashruuca “Addis Ababa” si u
taageerto, haba kala dadaal duwanaadaan ama kala ujeeddo leexsanaadeene,
waana kowan:
Kooxda koowaad:
waa dad wax ma garato u badan (dadwayne) oo aan wax dan ah oo la taaban
karo mashruuca ku lahayn, aamusnaan tooda ayaa ah astaan ogolaasho iyo
koox qabyaalad indhaha ka tuurtay oo, nin reerkooda ah oo kursi hoosta
ka maran ku fadhiya hadday arkaan burura (jadbooda) wax walbana intaa
ayaa uga door roon, caqligoodu 4.5 maxaan ku hellay ma dhaafsana.
Kooxda labaad:
waa koox lacagtii ummadda wax ku baratay iyo koox dalka jagooyin sare ka
soo qabtay oo dasnaystayaal ah “safka shanaad”, oo tacab iyo darajo
jacayl lugu fidneeyay. Wax ay ka xishoodaan lama arko oo, xataa, midkii
loo magacaabo safiirka soomaaliya u fhidhiya “Siberia” Saaybeeriya, isma
waydiiyo; “waa maxay maslaxadda soomaali ka Taal “Siberia”?, qabowgeeda
ba’an sidee ugu noolaan kartaa?!, isagu waa ina halkaa (dhuunta)!.
Kooxda
saddexaad: Kooxdani waa mid soomaali inkaarteedu ku dhacday
oo, wax la arko ama la maqlo ugu kharriban, waa tiir-dhexaadka ama
aaladda rogta (mechian) hindisaha xabashida oo idil. Raggaani, tababar
culus oo maal iyo waqtiba loo huray bay soo qaateen, maskax doodana si
fiican ayaa loo soo xalay (Brain washed) , dhiiggii soomaali nimadana
waa laga daadshay, qaab ay adagtahay in la fahmo ayay u qafalmardaxan
yihiin (Blackmailed). His-qabo, sidii loo yiri dibba ma aysan soo eegin.
Kooxdan astaamaheeda iyo baxaalligeeda wax laga dhammaan karo ma aha,
haddaan u gal maagana, waa in aan helo maktabad lagu keydsho (liberery)
buugtii laga qoro oo qurah, sidoo kale, liiska magacyadu waa dheeryahay,
sidaa awgeed, waxaan soo xulay dhowr qof oo tusaale ku filan:
1-Cabdullaahi
Yuusuf: waa maareeyaha mashruuca. Ninkan odaga ah waxaa la ogaaday
in uu aad u caashaqay; “Madaxwayne mar in la yiirhdo”, sidaa darteed,
sidii loo waday waxaa lagu fariisiyay kursi Madaxwayne”. Maalinkii la
dhaarshay maantii xigtay, wuxuu dalbaday ciidan 20,000 oo askari dhan in
caalamku degdeg ula soo gaaro. Geed dheer iyo geed gaaban kolkuu
codsigaa u fuulay, cid u soo dhaqaaqdana ka quustay, ayuu codsi qoraal
ah hordhigay taliska “Addis Ababa” oo horay kala soo orday ciidan meel
dhaw fadhiyay oo, tiro ahaan dhan 60.000 askari, saddex jibaar ciidankuu
dalbay oo hub fudud iyo hub culus afka ka jooga. Ciidankii hawshii wali
waa u socotaa., waase shiddaysan yahay!.
2-Geeddi
iyo Nuur-cadde: labadan axad waa (pay one take two) mid bixi laba
qaado, ama xarar iyo madax (Dul iyo daabac), waxaa la qaybsiiyay
inkiraadda qaddiyadda soomaali galbeed “Ogaadeenya” iyo xamar waxaa
dadka ku laaya oo burburiyay waa muqaawamada. Hammigooda oo idil waa
lacag jeebka lagu shubto, Hoteel shan xiddigood ah oo la dago, diyaarad
la sii raaco oo la soo raaco iyo marka dambe oo, CV-ga (taariikh
nololeedkooda) lagu qorto; “waxaan soo noqday ra’iisul wasaare
soomaaliya”!.
3-Shiikh
Madoobe: waa kutubo-xoor indho la’ oo wuxuu arko ciidan xabashi ugu
dambeeyay, haddii la waydiiyo Maraykan ma taqaan?, “wuxuu oran;
“Itoobiya, intee ka le-eg yahay?”. Waa gartiisoo; ciidan uu arko midkii
xabashida oo SNA Baydhabo ka saaray ayaa ugu xoog badaa.
Indhooluhu ma wuusan arag “Xooggii Dalka Soomaaliyeed” oo 70-dii
jooga!.
4-Buubaa:
naynaastiisa ayaa tilmaan ugu filan. Bal, maxaad ka fili kartaa nin wayn
oo; Buubaa loogu yeeray oo; “heeh yiri?!. Ninkani, soo ma aha ninkii
M.I.Ciqaal (AUN) kolkuu biilkiisa xajin kari waayay, ku yiri:
“wiilyahow, wax ku deeqa ma heli karee, meelahaa u xoogsi tag!”, waxba
yoosan soomaali isu keenine meel kale masruuf ha ka doonto!.
5-Maxamed
Dheere: isagu waa, webpage-ka abaaqaroow oo la qofeeyay
(personificeted). Waa caalle iska waynaaday oo markuu jawaan Jaad ah
daaqo wixii maskaxdiisa yarta ah ku soo dhaca yiraahda, sida: “Bukaaraha
waxaa duqeeyay, niman afka soo duubtay oo cad-cad oo, ajnabi ah.
Gobollada oo dhan Amxaartu waa joogtaa, ee xay ba’sheenoo xamar looga
saaraa?!”. Tollow, Shaanshida xamar-wayne iyo Carabta Bilaajo ma
ajnabiga ayuu ku tiriyaa?!. Dhanka kale, ma isaga ayay la dhasheen
xabshida Falaashada ah oo, xaafadaha Kaaraan iyo Maanaboolyo la
dhexmara koofi gabbal ah oo ay dhakada saartaan Yuhuuddu?, mise
aragtidiisa, xabashi dalkay wax ku lee dahay?!. Wanaagiisu, waa in;
wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya ay ka
soo xigteen;“Bakaarha waxaa duqeeyay nimanka Muqaawamada sheegta”.
6-Ina
Shaaweey:Gabankan waxaa lagu barbaariyay dil iyo dhac, aabbihi wuxuu
ahaa qab-qablle dagaal, iyadii oo dhaxal ugu soo meertay weeye sababta
markuu arko Baambayda (kooxda Miyuusigga) xabashida oo, heesta calanka
ciyaaraysa u ruuxmo, sida ruux; Maamme iyo Yoose (Mingis) laga tumayo.
Kalgacal aan la qiyaasi karin ayuu gabanku xabshi u qabaa!, sababta,
lama yaqaan!. Warkii afkiisa soo dhaafa waa; “duleedka magaalada xamar
ayaa dagaalku ka socdaa”!.
7-Ina
As-hari: ninkan oo xurmada magaca uu sito aan qaadi karin, wuxuu
gaaray isku mid in uu ka dhigo socdaal (immigration ama hijra) iyo
duullaan (occupation). Bishii April /10/ 2007 barnaamijka “Al-itijaah
Almucaakis” oo Aljazeera tabiso, waxaa dood xiiso badan oo aad u
kulul ku dhexmartay Sakariya Maxamuud oo xildhibeen Barlamaanka xorta
ah, isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka isbahaysiga dib-u-xoraynta
soomaaliya iyo ninkan oo, hadalkiisu madaxa dhul la dhac iyo xag-xagasho
ku koobnaa, waxaan ka soo qaatay dhowrkan sadar:“Qaanuunka caalamiga ah
wuxuu sheegaa laba iskaashi, mid wuxuu oranayaa; haddii dowlad dareento
xisillooni darro ama cabsi waa u yeeran kartaa ciidan
shisheeye”…“Falluuja iyo Malluuja wax la yiraahdo kama jiraan
xamar”…“Muqdishoow muqaawama iyo Maxkamad Islaami ah ma joogaan, waa dad
ka yimid; Alqaacida, Afganistaan iyo Shiishaan”…Cabdullaahi Yuusuf
waa in adeerkay, Cabdirashiid C. Sharmaarkana (AUN)
gabadhiisa ayaan qabaa!...Xabashida maanta joogtaa waxay la mid tahay;
tii Nabigeennu (SSC) uu yiri u haajira (socdaala), kolkii cadaadiska
Quraysh ay u adkaysan kari waayeen. Meles Zanaawi wuxuu ka soo daahiray
qabrigii Nagaashi-gii, nabigu (SSC) ku takaday saaltul jinaasa isaga oo
maqan”.
Ma iswaydiiyay; xabashi
ma iyadaa nagu soo duushay, mise annaga ayaa u socdaallay (hijroonnay)
kolkaan dhibta dhexdeenna ah u adkaysan kari waynnay?, been soo halkaa
kuma jirto?1, cawro waa isagee, safiirku aqoon gaabanaa, ma sidaa ayuu
la-taliye ku yahay?!.
Hormadan, Meles Zanaawi
markuu qaaq yiraahdo; meerisyada kaliya oo ay ku celceliyaan waa; “aaheey,
waa saas, runtiis”. Raggaas waa
tusaale yar oo aan ka soo qaatay dhowr kadin oo, loo adeegsaday
qabsashada soomaaliya. Qoladan qaabka loo maray qabsashada soomaaliya
looma sheegin wax kulayl ahna kuma hayso, balse, dalal badan oo Carab
iyo Muslimba leh; waxaa lagu qanciyay waraaq; ruux soomaali ah oo arkay
uusan jirin, oo la yiri: “waxay ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha ama
wasiirka koowaad midkood iyo go’aankii barlamaanka oo tafsiirkii uu
lahaa la garab mariyay. Kooxdaa waxaa la galiyay Jib (Gib) ay ku
duubantahay; “soomaaliya waxaa joogta; “Alqaacida iyo ururro argagixiso
ah oo ajnabi iyo soomaaliba leh”. La-isma waydiin; dadkii dalka u
dhashay haddii la barakiciyay, side, shisheeye kaligi ugu dhex noolaan
karaan xaafado burburay, oo cidla’ ah, oo mukulaalihii (bisadihii) ku
haray gaajo laysay!. Horta, ciidanka xabashidu ma sokeeye aan wada
dhalannay baa?, xishood, haddii laga tago oo, haah, jawaabtu noqoto!,
qabiilkee galaan?, meeyana hilbihii ay ku lahaayeen 4.5-ka?,
yaase u qaaday?!.
Soomaaliya ma laha
dhismayaal badan oo dhaadheer oo lugu dhuunto iyo xaafado aan war isu
hayn, sida “London iyo New york”, iyada oo dhammi waa afar cariish iyo
dhawr guri oo 13x13-she ah oo dadka dagaa isyaqaan!. Xadiithkii
Nabigeenna suuban (ssc) oo ahaa; “dariskaagu waa afartan guri oo dhan
walba ah” ku dhaqankiisa ayaa si quman isu baray.
Hadalba ha yaraadee, ma
la shaaciyo qalabk samada wax ka soo eeg (satellites) ee basaasidda
sawirrada ku kaydsan?!, soo tii la yiri xabbad sigaar ah oo dhulka taal
waa arkaa!, ma wuxuu qalabku sawiri la’yaha midka afka duubtay oo meel
suryo (luuq) ah hoobiye ka soo ridaya?. Si le-eg soomaliya ma laha
Buuraha Toora-boora oo kale, mana ah dhul kaymo waawayn leh sida dalalka
dhaca dhulbaraha (Equaiter-ka), inta badan, waa lamadagaan, meelo kooban
oo dhir gaagaaban (savanna) leh marka laga reebo!.
Qodobka 3-aad:
Iska cabinta xabashida (muqaawamada, resistance) ma garbaa?.
Arrintu gar iyo gar
la’aan ma joogto oo, waa amar, amarra waajib ayaa daba yaal waajibnna
waa in laga soo dhalaalo, halkaa khiyaar kama furra. Kutubta
samaawiga ah, qawaaniinta aadanuhu dhigto iyo jaartarka Qaramada
Midoobay, midkoodnna qori mayo; dalkii lagu soo duulo in uu gacmaha sare
u taago, garaad aqbalaana ma jiro. Ma diimooqaraadiyad baa, in
xukuumaddu dalka ku soo hoggaamiso cadaw, colaadda uu soomaaliya u qabo
kutubta taariikhdu wax badan ka qortay?, mise waa; “la jiifiyaana
bannaan”. Haatan, haddii ciidan soomaali ah “Addis Ababa” galo oo
xaafadaha u qaybiyo xabbado BM iyo Taangi, bulshada caalamku ma
aamusnaan?!. Waxa socda soo ma aha (Alkaylu bi mikyaalayn) laba
miisaan arrin mid ah in lagu kala beego. Sidaas ayaan u garannay waxa
maanta Geeska Afrika ka socda, hase yeeshee talo la’aanay ba’!. Dunidan,
cadaaladdu gabaabsi ka sii tahay in aan ka sugnno garsoor, waa doqonimo
midda ugu liidata, garra nalooguma laha.
Qodobka 4-aad:
Gunaanad.
Soomaaliya waxay ku
dambayn doonto (Alle) oo kaliya ayaa og, saadaashuse ma fiicna, haddaan
si Alle kaligi ogyahay wax isu baddalin, quusinna igama aha. Laakin,
casharada ugu wayn oo musiibada taagan aannu ka kororsannay waxaa ka mid
ah; bulsho meel ku nool haddaysan hoggaan daacad ah oo toosan helin; in
ay luntay oo, dayeer kasta xariga ku jiidanayo. Sidaa darteed; haddaan
waynay ruug-caddaa taliya, miyaan waynay dhallinyaro dhiig leh oo
halganta?!. Majaahidkii waynaa; Maxamad Cabdulle Xalane (AUN)
dhaxalkii dhiiggiisa uu ugu qoray shacbiga soomaaliyeed waaye; waxa
xabashi ay uga quusatay muddo 32 sano ah (1964-1996dii) in
ay waydo meel ay ka soo gaadho xurmada masaajidda soomaaliyeed, sidoo
kale ay waydo meel ay u soo marto kufsiga gabdho bikro ah oo
soomaaliyeed.
Nin ayaa maxkamad la
soo hor taagay iyada oo tuugo lagu eedaynayo, garsoorihii markuu
eedayntii dhagaystay ayuu isaga oo aan caddayn iyo markhaati midna
dalban, ninkii, xabsi iyo ganaax lacageed isu raaciyay. Waa la yaabay,
dabadeed garsoorihii ayaa la waydiiyay:“oo cidnna ma aadan waraysan,
caddaynna ma aadan raadine, maxaad ku xukuntay; ninku inuu tuug yahay oo
ciqaab mudanyahay?!. Garsoorihii ma xanaaqin ismana lurin, wuxuu yiri:
“anaa aqaan oo waa tuug mariyay oo madoobeeyay”. Kayn in la gubo waa
danbi aan cafin lahayn, shacbi in la gumaadase waa arrin ka fiirsi leh.
Bal orod oo kaymaha Kalifoorniya (California) laba geed oo ka mid ah
gub, Wallee adiyo aabahaa in aad u naf waayaysaan!.
Haddaba, taniyo, kolkii
xeradii Galbeedka iyo xeradii Barigu –Maraykan inta raacsan iyo Midowga
Soofyeeti wixii la oran jiray inta raacsan- kala itaal roonaadeen oo,
waliba midka dambe la muquuniyay, caalamka xeerka ka socdaa wuxuu ku soo
uruuray; caqli ku salaysan labada tusaale oo aan sare ku sheegay.
Soomaaliya oo ahamiyad istaraatiiji ah iyo khayraad dabiici ah leh,
albaabada fidnadana iyadu gacanteeda ku furtay waxay noqotay dhul falan,
waraabsan, bacrimaysan oo wixii lugu ridaaba laban-laab keena!.
Soomaalidu waxay
tiraahdaa; “intii orod jiray kufid waa jirtay”. Waxaan ulajeedaa; “intii
gumaysi jiray iska cabinna waa jirtay, hadday Yurub noqoto, Afrika
noqoto ama Aasiya. Eraybixinta oo, caqiidada diiniga ah oo dadkaas
rumaysan yahay, dhaqanka uu lee yahay, micnaha eraygu bixiyo, kala duwan
ah ku timaadda mooyee bulsho meel ku wada nool oo rumaysan haddii la
gumaysto in ay afka xirato edebnna meel u fariisto hore looma arag hadda
ka dibnna la sugi mayo, soomaalina tii dhabbahaa jidaysa noqon mayso.
Micne kala duwan sooma kordhiso kala duwanaanta eraybixintu. Haddaba,
diinta, dadka iyo dalka xabashi in ay ku soo duushay, nin kasta oo
soomaali ah waa ogyahay, sababta iska caabintana (muqaawamada) wuxuu u
tirin karaa saddexdaa midkood; diinta, dadka ama dalka, ama saddexda oo
uu meel isugu keenay, “biyo meel godan ayay isugu tagaan”. Caqliga san
wuxuu qabaa xilligan oo kale, wax walba in loo jeheeyo saaridda
ciidamada xabashida, daba-dhilifkoodana la raaciyo, wixii khilaaf ah oo
yimaadaa waa maslaxadda gumausiga, adigu waxaad doonto ulajeedada ka
dhigo. Muslim ilaahay baa naga dhigay oo meella ugama soconno. Alle kor
ahaaye wuxuu yir;(Laqbaha) [Haddii la idinku dilo jidka
Eebbe ama aad dhimataan, dambi dhaaf Eebbe iyo naxariistiisa ayaa
idiinka khayr badan waxy kulmin (uruuriyeen)].
Aali-cimraan:157 Wuxuu kale oo yiri: (Laqbaha) [Adeeca
Eebbe iyo Rasuulkiisa ha murmina yaan xooggiinu kala tagine samrra Eebbe
wuxuu la jiraa kuwa samree] Al-Anfaal:46.
Isku-soo-xoori, oo waxa
Maandeeq loo hilbeeyay, miniwaarro calammo kala jeeda ah surtay u
afmeerayaan xeebaha soomaaliya, diyaarado joog sare ku lalaya cirka
isugu jiireen, ma aha daryeel nala mihiibsiinayo, ama tuldo (geel) ah oo
bulshada caalam ka soo baxsaday oo laga yaboohinayo soomaaliya
ceelasheeda!. Balse, aragtidayda waxaa soomaaliya loo dabar goynayo oo
xargahay hore u xirxiratay loo furfurayaa, waa afar arrin oo labo
xabashi gaar u thay;
1- Dhul
ballaarsi mar dambe isu rogi doona ilaaq ah; soomaali oo idil, meel ay
ku nooshahayba (labadii gobol ee J.Soomaaliya (koofur iyo waqooyi),
Jabuuti, NFD iyo Soomaali galbeed (ogaadeenya) waa hal qowmiyad oo ka
mid ah qowmiyadaha Itoobiya daga, giddigoodnna waa kililka shanaad.
Taliska Addis Ababa haddii uu arkay aragtidii soomaali wayn (the great
Somalia) in la baylihiyay, waxaa damac ka galay burburkayaga in uu ka
dul dhisto Itoobiyada Wayn (the great Ethiopia) oo bado leh, waana halka
sartu ka quruntay.
2-
Badwaynta hindiya iyo Badda cas oo ganacsiga caalamiga ah marin u ah,
ahamiyad wayn u leh itoobiya, waligeedna ku taamaysay; in ay gacanteeda
si fudud oo kharaj yar ku soo galaan.
3-
Khayraadka dihin oo soomaaliy, mid dhulka hoostiisa ku aasan ama mid
dhulka guudkiisa yaal oo soomaali xog iyo war qumman aysan ka hayn; in
Maraykan iyo dalkii uu ka lug bixi waayo ceeriinka ku qaybsadaan,
madax-is-haysiga soomaaliya fursadda ka bilatayna laga faa’iidaysto.
4- Cudur (jirro)
nafsi ah oo la yiraahdo Islamafoobiya (islamophopia) oo dawladaha aan
muslimka ahayn qaarkood qaadeen, waliba, wixii ka dambeeyay 11/09
aad u faafay in daawooyinka loo qoro (prescribtion-ka) buktadeeda ay ka
mid noqotay; “soomaliya waxaa ka hawl gala kooxo argagixiso ah, waana
gabbaad nabad u ah argaxisada caalamiga ah”. Dawlado Itoobiya u horrayso
cudurkaa waa ku habsaday.
Nasiib darro, maanta oo
wax walba la burburiyay, dadkii la xasuuqay, qax joogto ah la baday; hal
qof, xataa, qof barki oo argagixiye ah lagama soo qaban gudaha
soomaaliya. Guwantanaamo argagixiye soomaali ah lagama diiwaan galin
inta aan ogahay, marka laga reebo rag dawladda Kenya ay Itoobiya u gacan
galisay oo Guwantanaamada Itoobiya laga furay ku xiran. Meel kale oo
aannan garan ayaa Salaaddu iska qabsan la’dahay. Soomaaliya argagixiso
laga soo waa, ciddi ku farxi lahay iyo ciddii ka nixi la haydba!. Horta,
argagixisadu ma makhluuq indhaha Maraykanka iyo xabashida oo kaliya
arkaan baa?!. Ma dadqalatadii Dhagdheer, oo carruurta lagu cabsi galin
jiray oo buuraha Xargaga lagu sheegi jiray baa?!.
Wax kasta oo la sheego
ama dhaca, Maandeeq meella uma socoto, waa la khasbayaa mooyee…labada
addin oo hore ayay mudatay iyda oo dhaawacan. Ma foga markay ku tuman
lahayd Daaxuurka hoggankeeda loo dhiibay…Dhaawacyo hore oo far badan waa
ka kabatay, dhaawaca maanta ahna “Eebbe” idanki way ka kaban.
Berlin,
1884-1885-tii markii soomaaliya gumaysigu ku qaybsaday oo,
Ingiriis waqooyiga iyo NFD qaatay, Talyaanina Koofur qaatay,
Faransiisna Jabuuti qaatay kol dambana, Itoobiya Ogaadeenya qaadatay, oo
dib-u-soo noolaynta midnimadii soomaali warmaha loo tuntay; Yuusuf Xaaji
Adan qabille (AUN),wuxuu tiriyay 40-tameeyadii hees ku fidday soomaali
dhexdeeda, magaceeduna ahaa:
Soomaaliyeey Toosoo.
Heestaa oo hubkii gobanimada lagu soo dhiciyay ka mid noqotay, goobaha
kulammada sida, xaruntii S.Y.L waxaa ka qaadi jiray;
Qaasim Hilowle Iskiifo (AUN) isaga oo dhallinyarada horseedka ah;
dhiiggooda ku dhaqaajinaya, waddaniyiinta oo idilla ugu yeeraya reenka
codkiisi iyo diryaan xabeeb leh oo dhagaha u roon kana soo burqaday
laabtiisa. Afarta meeris oo heestu ka bilaabato dhextaalkana u ah oo
kaliya, haddaan fasirkooda isku dayo, waxaa oran lahaa:
Soomaali/yeey;
shantii Soomaali oo aan kala sooc lahayneey. Toos/oo qummaati u
socda oo, tubta saxa ah wada raaca oo, midba midka (adinka oo soomaali
ah) kale tiir iyo garab u taagan ha noqdo. Mar walba dhammaantiin midka
tabar daran (tabar darro waa wax nolosha ka md ehe) ha taageero. Sidaa
waligiin u toosnaada isuna taageera
-
Soomaaliyeey Toosoo
-
Toosoo isku
Tiirsada
-
Hadba kiina
taagdaran
-
Taageera waligiin
-
Tuldo geela oo
dhacan
-
Baad toogasho u
badheedhaan
-
Ma dhulkan dhanee
tagay
-
Ayaan ninna qori u
tuurayn
-
Hadba waxaan la
taahaa
-
Togagga uga
qaylshaa
-
Nin dalkiisii cadow
tegay
-
U taag waayey baan
ahay
-
Odayaasha kala
tegay
-
Iyo tafaraaruqaa i
dilee
-
Amxaar ima taseeyeen
-
Hadaydaan tog wada
marin
-
Taladeenu meel
noqon
-
Taabimayno calan
wacan
Ugu dambayn, heestan;
“xaal ha la siiyo, abwaankii curiyayna warasadiisa tacsi ha loo geeyo,
waayo, marar fara badan ayaa, iyadoo laab been ah la isla dhacayo, illin
tii yaxaaska oo kale ahna la qubayo lagu jiiday –luggooyay- goobo aysan
gayin oo laga hor tiriyay rag aan mudnayn oo dibinnaha qaniina markaay
ereyadeeda maqlaan, waa; raga Addis Ababa iyo Nairobi ku nool,
madaxdana ka ah. Qoon wax ma garato u badan oo aan nuxurkeeda garan ayaa
aftirtir iyo isbihin-bihin been ah u adeegsaday. Ardaashaa afkooda iyo
uurkoodu abid ma wada-shaqayn!...Kuwaa ciribtooda dambe; Allaha ka digo
kuwii mid mid foodda isu qabsada, oo heestaa cuqubadeedu ku dhacdo,
aamiin dhaha.
Inkastoo, anba qaxooti
aan ahay oo aanan waxba dhaamin dadka “Siinka dheer” ku rafaadssan,
haddana heesta waxaan hawada u marinayaa; geesiyada gudaha –dalka- ka
halgamaya iyo inta qaxooti nimada aan wadaagnno, ha yeeshee iga nasiib
daran oo, geedaha hoostooda; gaajo iyo darxumo la daadsan, keneecadu
dhiigga ka noogtay, galmigu indha ka tuuray oo, kufsi iyo dhac joogto ah
lagala xishoon waayay. Waxaan isleeyahay ereyadaa ha ka dhigtaan maro
(qayd) ay dhexda ku adkaystaan. Wax tar dhaqaale; in walwalka iyo
murugada oo lala qaybsado loo dheeraysiiyo waa waajib meeshiisa ugu yar,
waana rag ka rooni. Dhib kasta fudayd ayaa ka dambeeya Inshaa Allaah.
Guulaysta.
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
08/01/2008
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com
| Jan 9, 2008