Go'aan ka soo baxay Aas aase yaalkii Dalsan iyo macluumaad kale oo
ku saabsan Dalsan International Inc.
Anagoo kala ah Shiikh Mohamed Shiikh Osman iyo Haaji Abdiqani Haaji
Aadan, isla markaana ah aas aas sayaalkii shirkaddii xawilaadda ee
Dalsan, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 11.12.2007 gaadhnay
go,aan aan rabno in lagu soo afjaro dhibkii ka dhacay Dalsan,
go,aankaasna waxaa uu u qoran yahay sidan:
- In shirkadda Kaamil Consulting lacagayso dhamaan waxii guryo,
dhul ama qalab kale ah ee Dalsan lahayd.
- In Kaamil Consulting soo ururiso dhammaan daymaha iyo lacagaha
kale ee Dalsan ka maqan.
- In Golaha shareecadda(Board of Sharia) ee Kaamil Consulting kala
xukumo Aas aasayaalkii, Hantiilayaashii iyo Saamilaydii Dalsan.
- In Kaamil Consulting hawsha Dalsan ku soo geba gebayso ugu
danabayn 30.06.2008.
Haddaba Waxaan si naxariis leh uga dalbaaynaa in qofkasta oo haya hanti
Dalsan leedahay ha ahaato dayn ama ammaano loo dhiibtaye uu sida ugu
dhaqsaha badan ugu wareejiyo Kaamil Consulting...
Qoraalkii oo asal ahna waa kan hoos ku lifaaqan.
Qoraalka oo farwaaweyn ku qoran Eeg
halkan (pdf) ama halkan (jpg)
Kaamil Consulting waxay Amal Express ka furtay account ay ugu
talagashay in lagu ururiyo hantidii Dalsan, marka cidkasta oo haysa
hanti cadaan ah(cash) oo Dalsan leedahay waxaa laga dalbayaa inay sida
ugu dhaqsaha badan ugu shubto account_kaas, waana kan
account_macluumaadkiisu.
Name: Dalsan Liquidation Account
Account Number: 0201-04-39980-01
Company: Amal Dubai.
Ugu danbayn ciddii hayse hanti kale oo Dalsan leedahay ha ahaato
maguurto(fixed Assets) ama maguurto (current Assets) iyo qofkasta oo
danaynaya Dalsan iyo hawlaheedii nagala soo xidhiidh:
Ahmed Dirie Mohamed
Director
Kaamil Consulting
+ 44 1582 572 840
+ 44 7882081792
Email:
kaamilconsulting@yahoo.com