SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Madhamaaday qalalaasihii kajiray Wadanka Kenya?

W/Q: C/salan Mohammed Ali  (najax)

najax@journalist.com


 
Wadanka Kenyo waxa uu kamid yahay wadamada ku yaala Bariga qaarada Africa, waxaana lagu daraa in uu kamid yahay wadamada looga dhaqmo habka Dimaquraatiyada, ilbaxnimadiisana ay tahay mid sareeyso, wadanka Kenya ayaa waxaa uu  xormimadiisa qaatay sanadii 1963, waxaana gumaysna jiray Ingiriiska .
 
Inbadan oo markaas kadanbeeysay waxey ku naalonaayeen dadka reer kenya nabad iyo hormar, balse markii laga eego dhinaca doorashadii ugu danbeysay ee dhacaday  maalinimo khamis ah taarikhduna ay aheyd  27/12/2007, xiligaas oo ay si toos ah ubilaabatay doorashada guud ey mawaadininta kenya ku dooranayeen Madax wayne, xubnaha baarlamaanka iyo dowladaha hoose, waxaana madax waynenimada u  sharaxnaa ilaa sagaal 9,musharax, laakiinse waxaa ugu sii kala cad cadaaa madax waynaha xligaasi ay dowladiisu ku ekeed balse dib loo soo doortay Mwai Kibaki, iyo Raila Odinga, kadib waxaa bilowday qalalaaso kala duwan oy sameeynaayaan  qaar kamid ah taageerayaasha musharaxinti u tartameysay xilka madaxweynanimada,  taasina waxa ay toos u bilaabtay 30/12/2007 sadex maalin kadib doorashadii xiligaasoo si toos ah logu dhawaaqay natiijada, taasina waxeey horkacday in guud ahaan xaalada wadanka Kenya ay noqotay mid laga wal-walo ayadoo gabi ahaanba ay ku kala fogaadeen labadii musharax ee mid kood loo saadaalinaayay inuu ku guuleeyso jagada madaxtinimada wadanka Kenya mudada shanta sana ah ee soo socoto.
 
Sikastaba ha ahaatee markii ay furantay coneynta ilaa sadex  cisho Gudiga ECK-du waden tirinta codadka ayaa waxaa la lasaadaalinaayay in madaxweynaha muustaqbalka Kenya uu yahay musharaxa hogaaminayay ururka (Orange Democratic Movement) loona soo gaabiyo ODM laguna magacaabo Raila Odinga,
 
Raila Ondiga    |  Madax wayne kibaki
 
Balse taas waxeey daahsaaran tahay markii Samuel Kivitu Gudomiyaha Gudiga doorashada uu ku dhawaaqay inuu ku guleystay tartankii doorashada Madaxweynihii Kenya Mwai Kibaki,oo xiligaas ahaa Musharaxa hugaamiyaha (Xisbiga Party of National unity) loo soo gaabinaya  PNU oo ah xisbi ay ku midobeen xisbiyo kala duwan.
 
Wixii intaas kadanbeeyay waxaa  biloowday xaalada adag ayadoo ay inta badan Kenya iska hor imaadyo toos ah kadhaceen kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada Milatariga Kenya ee loo yaqaano (GSU) iyo kooxo taageersanaa ODM, kuwaasoo rabay ineey sameeyaan bananbaxyo ka dib markii ODM ku baaqaday in doorashadii looga shubtay, taageerayaashodana jidadka isugu soo baxaan, waxaana kamid ahaa gobaha sida weyn uu uga shidnaa dabka fowdada agagaasrka fagaaraha weyn ee la iskugu soo baxo kaasoo lagu magacaabo Uhuru-Park, ayadoo maalmahaas kala duwan ay guud ahaanba xirmeen isku socodka dadka iyo gawaarida meelo kala duwan oo kamid  ah caasimada wadanka Kenyo ee Nairobi, iyo in badan o katirsan gobalada una ugu horeeyso gobalka (Rift Valley)  halkaas oo uu aad ugu xooganaa Raila Odinga, balse waxaa inta badan ay soo gud biyeen warbaahinta gudaha wadanka Kenya iyo tan Caalamkaba xaafada la isdhihi karo waxey qaaday kobka fowdada intii uu jiray qalalaasaha, [waana xaafada isku raranta ah ee layiraahdo Kabira] taaso ay ka dhaceen iska hor imaadyo faraha la iskugu tagay ayadoo  Police-kuna ay isticmaaleen Sunta dadka ka ilmeysiisa, biyana ku kala cerinaayay dadka fowdada waday.
 
Fowdadaas ayaa waxaa hareer socday dagaalka qarsodiga ah ee udhaxeeyo labada qabiil ee  Kenya ugu badan kuwaasoo ay kaso kala jeedaan Madaxweyne Mibaki oo udhashay qabiilka Kukuyada iyo Raila Odinga oo asagan kasoojeedo qabilka Jalwada, Sikastaba ha ahaatee sanadkaan 2008 bishiisi kowaad ayaa inta badan gayiga wadankaan Kenya waxa uu ahaa meel anan xasiloneeyn ayadoo markii dan uu yara dajiyay dareenka ururka  ODM Jagada Gudomiyha Barlamaanka oy ku guleeysteen inkastoo ayba horay usii haysteen inta badan xubnaha Barlamaanka.
 
Dhinaca beesha caalamka kama aynan laabanin indhaha waxa Kenya ka dhacaayo ee waxey usoo direen wafud kala heer heer ah si ay u dahiyaan xaalada wadadeedi kaluntay ee Kenya,  waxaana kamid ahaa wafuudaas  Mr. Tutuu oo ah baadariga ugu sareeyo wadanka koonfur Africa. Jandaaya Fareysar oo ah kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada  Africa u qaabilsan mareykanka, Iyo sidoo kale Gudomiyaha ururka midowga Africa ahna madax weynaha wadanka Gana John Kafuur kaasoo layeeshay kulamo aanan lashaacinin waxa kasoo baxay madaxda kala duwan ee Kenya, asagoona dib ugu laabtay dalkiisa  balse waxaa ku soo xigay oo dalka yimid  Xog-hayihii guud ee horee Qaramada midoobay Koffi Anan iyo wafuud uu hogaaminaayo, waxaaana ku soo xigsaday Xoghayaha haatan ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mon,
 
Imaatinkiisa kadib Mr, Anan waxa uu kulamo kala duwan oo uu layeeshay labada dhinaca uu sura galiyay inuu iskugu keeno miiska wada hadalka, waxeeyna markii ugu horeeysay  la arkay madaxweyne Kibaki iyo Raila Odinga oo is gacan qaadaayo  waxeeyna labada dhinacba ay ogalaadeen in lawada hadlo, nabadana laga wada shaqeeyo.
 
Balse wali waxaanan la ogeyn heshiiyeen rasmiga ah eey wada gaareen inkastoo kulankoodi labaad kadib uu Raila Odinga madaxa mucaaradka Kenya uu sheegay in aaynan wada kulmin dowlada iyo mucaaradka ee ay laakin wada kulmeen labo xubnood oo kakala socdo labada xisbi ee kala ah ODM iyo PNU.
 
09/02/2008 ayaa waxaa ay shaaciyeen qaar kamid ah warbaahinta caalamka in ay gaaren heshiis hordhac ah labada xisbi ee isku hayo talada wadankaan Kenya, inkastoo anan laqeexin heshiiskaas hordhaca ah  balse waxaa lasugyaa natiijadiisa isbuuca soo socdo.
 
Saadaasha ay bixinayaan iyo hadal haynta dadka reer Kenya aya haatan waxa ay tahay in labada dhinac ay isku afgarteen awood qebsi balse su’aasha taagan ayaa noqoysa hadii lagu heshiiyo awood qeybsi masii hayn doonaa jagada madaxweyne kuxigeenka Kolonso Misyoka oo horay gu tartamay xilka madaxweynanimada wadanka Kenya doorashadii dhaweeyd ahaana Musharaxii sadexaad ee loo saadaalinaayay inuu noqon dono madaxweyne, Wuxuu sidoo kale ahaa hogaamiyaha garabka ODM-K  kaasoo mar sheegay inuu  dhexdhexaadinaayo Madexweyne Kibaki iyo Raila xiligi ay kukala tageen siyaasada  balse markii danbe madaxweyne kibaki ayaa umagacaabay in uu noqdo Kolonso Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee wadanka Kenya.
 
Si kastaba ha ahaatee haatan ayaa waxa ay umuuqataa xaalada guud ee wadanka kenyo in ay kasoo ronaaneyso sidii ay aheyd doorashadii kadib,
 
Balse dad badan ayaa waxa ay qabaan in hadii uu Koffi anan kuguuleeysan waayo dadaaladaan Diblamaasiyadeed ee uu kadhax wado madaxda wadanka Kenya, in aay Kenya noqon doonto Qax mahurto maadaa aayba horay uqaxeen dad lagu qiyaasay ilaa sadex boqol oo kun oo shacab ah 3,00,000  halka  dadka dhintay in uu  qalalaasuhu socdayna lagu qiyaasay hal kun oo qof 1.000. 
 
C/salaan Maxamed Cali (Najax)

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2008

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...: 3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland ee saddexda sano (2005-2008) ku jirey xabsiga Thailand ayaa helay Xoriyadoodi, waxay hadda ku sugan yihiin..... Akhri...

G/sare C/lahi Yusuf: DFKMG waxay jiri doontaa 5-sano ka badan, Itoobiyaankuna kama bixi doonaan Soomaaliya.... Daawo Waraysi

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com