SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaa kala socotaa Safarka Cade Muuse ee Adis-Ababa.

Madaxwaynaha Musharaxa ah ee Puntland Gen- Cade Muuse ayaa maanta Dec-05,2008- Gaadhay Magaalada Adis-Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia halkaasi oo la sheegay inay isku Arkeen Masuuliyiinta Dalkaasi oo uu ugu Horeeyo Raisal Wasaaraha Itoobiya Males Zanawi, Cade Muuse ayaa la sheegay inay Zanawi isla soo qaadeen Amuuraha ka taagan Puntland iyo sidii xal loogu Heli lahaa Khilaafyada hadheeyay Maamulkiisa xili doorashadii loo Han Qal Taagayo.

Raisalwasaaraha Ethiopia ayaa sidoo kale Cade Muuse ay isla soo qaadeen Go"amadii shirkii Jabuuti oo uu dhawaan Cade Muuse ku Gacan saydhay, isaga oo Raisalwasaarahu Cade Muuse u soo Jeediyay inuu taageero shirkaasi si dalka Somaliya oo dhan looga dhaliyo Nabad Laakiin Cade Muuse ayaa la sheegayaa inuu Raacay dhabadii uu Maray Madaxwayne C/laahi Yuusuf isaga oo wali ku Adkaysanaya diidmada Shirka Jabuuti.

Warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegay inay Melas Zanawi iyo Cade Muuse isla soo qaadeen in Ciidamo Gaar ah oo xiliga doorashada teegeera Cade Muuse ay Tababar siiso Xukuumada Ethiopia taasi oo ay sheegayaan dad war gal ahi inuu Ogolaaday Zanawi.

Gen- Cade Muuse ayaa safar uu ku weheliyay Madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yuusuf kaga duulay Magaalada Garoowe iyaga oo Gaadhay Jamhuuriyada Jabuuti, waxana la soo tabinayaa inay is arkeen Madaxwaynaha Dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, ayna aad uga wada hadleen Amuuraha Somaliya.

Cade Muuse ayaa la sheegay inuu ku Fashilmay Siyaasada Puntland waxana la sheegayaa inuu wakhtigan xusul duub ugu jiro sidii uu Mar labaad u qaban lahaa Hogaanka Puntland iyada oo aanay taasi Raali buuxa ka ahayn Shacabka Puntland.

Madaxwayaha DGPL Cade Muuse ayaa marar badan lagu tilmaamay in uu dhaqaalihii Gobolka ku Tarki falay, sidoo kale Ciidamada PL ayaan wax Mushaharo qaadan mudo dhan 9-Bilood taasi oo keentay sida la sheegay inay qaarkood ku Biiraan Budhcad Badeeda.

Gen- Cade Muuse ayaa Shirkado Ajaanib ah ku wareejiyay Garoonka diyaaradaha ee Bosaaos, iyo Dekeda taasi oo ay aad ugu xumaadeen Isimada Pl iyo Golaha Baarlamaanka oo xaq u lahaa inay Goob joog ka ahaadaan marka saxeexaasi wareejintu dhacayay.

Safarka Cade Muuse ee Dalka dibadiisa ayaa ku soo aadaya xili uu Khilaaf xoogan ka dhex Aloosanyahay Musharaxiinta iyo Cade Muuse kaasi oo salka ku haya Guddi uu magacaabay oo ah Gudiga xalinta Khilaafaadka Pl, laakiin Musharaxiinta ayaa Gudigaasi ku sheegay kuwa sharciga Gees marasan isla markaana uu Hogaanka Puntland ku Gafay Dasduurkii Puntland.

Jaamac Feyte
feyte37@googlemail.com

Maxaa Ka Soo Baxay Safarkii Madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf ee Dalka Jabuuti.

Sheekh Shariif “Dabcan xulashada waa arin Is-bahaysiga u taala, iyaagana isla eegidoona, laakiin mas’alada ku aadan, 4.5-ka…” Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | December 6, 2008

Gen. Cadde Muuse oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Caafimaadka DGPL
iyo C/lahi Yuusuf oo Garoowe u Tegey sidii la soo siideyn lahaa Markab laga Afduubay Yemen.... Akhri

cwaaxidWasiirka Federaalka, Dastuurka, Dibu-heshiisiinta iyo Horumarinta Gobolada
Cabdi waaxid Cilmi Cumar ee Dhowaan la magacaabey oo Somalitalk wareysi siiyey... Akhri...

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid {Jinni Boqor} "Xaalada Cabdullaahi Yuusuf waxay ku dhamaan doontaa, halkii uu ku dhamaadey saaxiibkiis Mingiste Xeyle Maraam".... Akhri....

bankaxPuntland oo ka Jawaabtey Qoraalkii Kusoo baxay Warsidaha AGE NEWS
iyo Gen. Cadde Muuse oo ka hadlay Burcadda badda
Dhegeysi/akhri

sl

{Jabuuti}= Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland “tirada la xirey, ma orankaro waa nambarkaas, qaar lagu khaldamey ayaa jira…” wareysi

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS