SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaa Ka Soo Baxay Safarkii Madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf ee Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Col/ Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen madaxda ugu sareysa maamul Goboleedka Puntland Gen; Cade Muuse iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa ay soo gaareen 04/12/2008-da Caasimada dalka Jabuuti, ayaa ka dhoofey Garoonka diyaaradaha Jabuuti 05/12/2008-da.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa sii dhoweeyey Wasiirka Cadaalada Dolwada Jabuuti Md; Siciid Barkhad iyo sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Amb:- Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe.

Markii ay soo gaareen 04/12/2008-da Madaxweynaha DFKMG iyo wafigiisa oo ay soo dhaweeyey sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti Amp:- Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe iyo saraakiil wasaaradda arimaha dibada ee dalka Jabuuti ayaa Madaxweyanah iyo wafdigiisa waxaa loo galbiyey Xarunta Madaxtooyada ee Dowlada Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku qaabiley xaruntiisa, Madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf iyo wafdigiisa, inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin, waxa ay ka wadahadleen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Cabdullaahi Yuusuf ayaa markii uu kulankooda dhamaadey waxaa la dejiyey Hoteel Kempniski ee Caasimada dalka Jabuuti.

Warar kala duwan oo aan ka helney ilo lagu kalsoon yahay oo Madaxweynaha DFKMG  Cabdullaahi Yuusuf ku dhow dhow ayaa Imaashiyihiisa waxaa la iigu sheegey “in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu doonayey inay wadahal gaar ah yeeshaan Madaxda Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya, balse taasi aysan u suuragelin”.

Laakiin safarkan Madaxweynaha DFKMG uu ku yimid dalka Jabuuti ayaa waxaad moodaa inuu u dhexeeyo farqi aad u weyn, safarkii ka horeeyey mid kan, arintuna waxay u muuqataa in uusan kala kulmin Jabuuti wax farax geliya, maadaama Cabdullaahi Yuusuf uu hore Shir Jaraa’id uu kaga soo horjeeda Shirkii Dibu-heshiisiinta Jabuuti uu hore u qabtey Magaalada Garoowe, islamarkaana uu ku tilmaamey shirkaasi mid beeleed, hase ahaatee Madaxweynaha DFKMG ayaa mararka qaar hadalada ka soo baxa ayaa dadka arimaha siyaasada u dhuundaloola waxay ku tilmaamaan kuwa aan miizaaneyn, taasoo caqabad ku noqoto horumarka dowlada uu madaxda ka yahay.

abC/risaaq Maxamed Sh. Aadan” Arintaa ma rabo inaan ka hor dhaco, waxaana ka socota dood adag oo Is-bahaysiga dhexdiisa ah.. Akhri...

 

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 6, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS