Sheekh Shariif “Dabcan xulashada waa arin Is-bahaysiga u taala, iyaagana isla
eegidoona, laakiin mas’alada ku aadan, 4.5-ka…”
Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu=xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed oo
shir jaraa’id ku qabtey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti ayaa kaga
Hadley shan qodob oo khuseeya, arimaha dibu-heshiisiinta, War-murtiyeedkii
dowlada Ethopia, Burcad badeeda Soomaaliya, Gaaleysiinta dadka iyo af-duubka
dadka loo geysto.
Sheikh Shariif waxaa uu ku yiri shirkiisa jaraa’id “Isbaheysiga Dib U Xoreynta
Soomaaliyeed wuxuu aad iyo aad uga xun yahey dagaalada ka sii soconaya
Soomaaliya, wuxuuna ka tacsiyeynayaa dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay
dagaaladaas ee soo gaaraya dadka maatida ah ee aan waxba galabsan, anagoo ku
baaqayna in loo hogaansamo heshiiskii xabad joojinta ee lagu gaarey Jabuuti,
sidoo kalena wuxuu Isbahaysigu soo dhoweynayaa war murtyeedkii xukuumada
Itoobiya ka soo yeerey ee ka bixitaanka ciidameeda ku sugan dalka Soomaaliya
arrinkaas oo ah mid waafaqsan Heshiiskii wadahadalada Jabuuti lagu gaarey”.,
isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey
“Wadahadalka Jabuuti ka socda waa hawl ay ka wada qeyb qaadanayaan Guddiyo si
dhab ah u matalayey Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya iyo TFG-da waana arrin
si aad ah looga shaqeynayey danaha Ummadda Soomaaliya iyo in Soomaali heshiiso,
waxaana ayaandarro ah hadalada ka soo yeeraya dad mas’uuliyad haya, misna
indhaha ku haaya baaxadda dhibka Soomaaliya ka taagan”.

Sheikh shariif wuxuu keloo yiri “Isbaheysigu wuxuu adkaynayaa dhankiisa, kuna
taagan yahey dhamaan heshiisyadii lagu gaarey Dalka Jabuuti ee nabad-galyada iyo
Siyaasada, wuxuuna ku boorinayaa dhinacyada kale in ay dhowraan, kana fogaadaan
wax allaale iyo wixii caqabad ku noqon kara dhaqan galka heshiiska hadal ama
falba, waxaan sidoo kale codsaneynaa in si shuruud la’aan ah loo sii daayo dadka
ajnabiga iyo Soomaalidaba leh ee sida xaqdarada ah lagu afduubtey”
“Waxaan ka digeynaynaa falalka iyo hadalada takfiiriga ah ee kooxaha qaar ay
caadeysteen, kuwaasoo lagu banneysanayo dhiigga, xoolaha iyo sharafka dad aan
waxba galabsan oo Soomaali ah, falalkaan oo aan shacabka Soomaaliyeed
dhaqankiisa ka mid aheyn, waana in dhinac looga soo wada jeestaa xadgudubyadaas
aan diinta islaamka meelna ka heysan” ayuu ku yiri mar uu ka hadlaayey dadka
dadka gaaleysiiya.
Sheikh Shariif “Isbaheysigu wuxuu canbaareynayaa falalka burcad badeednimada ah
ee lagu carqaladeynayo dhaqdhaqaaqa maraakiibta isticmaalaya badda Soomaaliya,
iyo kuwa sharci daradda uga kaluumeysanaya iyo kuwa sunta iyo qashinka ku
shubaya, taasoo aan soo dhoweyneyno tallaabooyinka caalamku qaatey ee wax looga
qabanyo arimahaas, xalka kama danbeysta ahna waxaan u aragnaa in la helo dawlad
adag oo damaanad qaadi karta guud ahaan amniga wadanka Soomaaliya bad iyo
bariba”.
“waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay taageeraan heshiiska jabuuti,
ayna gacan siiyaan nabadda iyo dibuheshiisiinta. Hey’adaha gargaarka waxaan ugu
baaqeynaa in ay gargaar gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed ee ku dacdareysan dalka,
Waxaan halkaan ugu mahadcelineynaa walaalaheen dawladda Jabuuti, iyo beesha
caalmku kaalinta wanaagsan ee ay ka qaadanayaan najaxinta wadahadalada jabuuti
iyo sida ay ugu taagan yihiin xal u helidda mushkilada Soomaaliya” ayuu
shirkiisa jaraa’id kusoo gebagebeeyey sheikh shariif.
Mar aan weydiiyey sida nagu maqaalo ah madaxweynaha DFKMG ee yimid shaley
jabuuti waxaa la sheegey ij ujeedada socdaalkiisa ay ahayd inuu doonayey in
isaga iyo Is=bahaysiga wadahadal uu dhex maro, ee ma jiraa wax kulan ah oo aad
yeelateen ayaa wuxuu ku jawaabey “ wax nasoo gaarsiiyey in arintaas ay jirto ma
jiraan”.

Sidoo kale mar aan weydiiyey Sheekh Shariif in wadahadal uu u socdo iyaga iyo
xubnaha jooga Asmara ayaa wuxuu yiri “ waxaa lagu balansan yahay gudaha, halkaas
ayuuna shirka ka furmidoonaa”.
“Dabcan xulashada waa arin Is-bahaysiga u taala, iyaagana isla eegidoona,
laakiin mas’alada ku aadan, 4.5-ka, waxay ku timidey dhibaato iyo duruuf
shacabka Soomaaliyeed ka dhex dhacdey iyo shirarkii dibu-heshiisiineed, markaa,
waa arin nina Indhaha ka laaban Karin arintaas, in la helo nidaam cadaalad ah oo
keeni kara, in Ummada Soomaaliyeed aysan ku dhicin khilaaf iyo is eed eed,
arimaha federaalkuna waxaa loogu talo galey in ay maareyso DKMG ee soo socota,
waa waxyaabo u baahan in talooyin badan laga qaato” ayuu ku jawaabey mar aan
weydiiyey Sheekh Shariif 275-tii hore ee Baarlamaanka FKMG waxay ku dhisnaayeen
nidaamka 4.5-ka, Is-bahaysiguna wuxuu ku dhisnaa dadd siyaasiin isutegey
275-tiina qaab side baa loo soo xulayaa, haleebayse marayaan xulashadooda?!!
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Maxaa Ka Soo Baxay Safarkii Madaxweynaha
DFKMG Cabdullaahi Yuusuf ee Dalka Jabuuti.
C/risaaq Maxamed Sh. Aadan” Arintaa ma rabo inaan ka hor dhaco, waxaana ka
socota dood adag oo Is-bahaysiga dhexdiisa ah.. Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com |
December 6, 2008
|