SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

{Jabuuti}= Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Axmed Xasan Daahir “tirada la xirey, ma orankaro waa nambarkaas, qaar lagu khaldamey ayaa jira…” wareysi

29/10/2008-da waa maalintii la la beegsadey Magaalada Hargeysa iyo Boosaaso Qaraxyo gil giley deegaanadaasi oo ay ku dhinteen qaraxyadaasi in ka badan 25 Ruux, ayna dhaawacmeen in ka badan tirada dhimatey, waxaa isla xiligaasi wixii ka dambeeyey loo xir xiray dad kala duwan oo ku kala sugnaa maamulada Somaliland iyo Puntland.

Dadka dhaawacmey waxaa ka mid ahaa Wareye Maxamed Haaruun oo ay ku bur bureen adimadii uu ku socdey, waxaa la dhigey Is-bitaalka weyn ee Caasimada dalka Jabuuti oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayey maalmo, inkastoo markii dambe dib looogu celiyey Hargeysa.

Dhinaca kale dadkii uu xir xirey maamulka Somaliland waxaa ka mid ahaa oo xabsiga loo taxaabey Wariye Xadiis Maxamed Xadiis oo ka mid ahaa wariyeyaashii ka hawlgaley magaalada Hargeysa, islamarkaana aan wax maxkamad ah la soo taagin, xiliga aan wareysanayo wasiirka maamulka Somaliland, lamana ogayn waxa lagu xirey,

Hadaba si aan wax uga ogaano arinta wariyahaas xiran iyo daadka kale ayaa Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Axmed Xasan Daahir oo aan wareysi kooban oo gaar ah kula yeeshey Hoteel Shariton ee caasimda dalka Jabuuti, 15/11/2008, abaaro Kowdii Duhur nimo, islamarkaana aan wax ka weydiiyey Qaraxyadii ka dhacay magaalada Hargeysa dabayaaqadii bishii Oktoobar 2008-da, halka ay marayaan baaritaanadooda iyo xariga wariye Xadiis Maxamed Xadiis ayaa wuxuu ku jawaabey

Dhibaatooyinka dhacay wax la soo koobi karo ma ahan, sidey u dhaceena laydinkama sheekeyn karo, waxayna ahayd arin aan la fileyn oo dhacdey, arimahooduna wax is dabasocda weeye, hadii ay tahay kuwa dhibaatada galey iyo kuwa loo geysteyba, waa la garankaraa meel wax ka dhaceen, in wareer badani ka imaanayo, ilaahay idinkii way kala bixi doonaan.

S- dadka dhibaatada ka dambeeyey ilaa iyo hada wax raadkooda ah oo la heley miyaa jira?

J-taasi waa mid wali laaban, wax maalin iyo laba lagu ogaankaro ma aha, wax badan oo war ah waa la hayaa, arintaasina waxaa ku hawlan, wasaarada daakhiliyada, sida ugu dhakh-siyaha badan inay usoo saaridoonaan ayaan filayaa.

S-waxaa nagu maqaalo ah in dadd badan looo xir xirey, ma jiraa wax maxkamad la soo taagey dadkaas xir xiran?.

J-baaritaankii baa lagu jiraa, wixii loo maleeyey iyo meelihii lagu tuhmey dadkaas markii horeba guryo haday tahay, baabuur hadii uu yahay iyo kuwii u adeegayey baa la soo xir xirey, laakiin si dhakh-so ah baa loo soo sheegidoonaa, madaxweynuhu wuxuu amarey in sida ugu dhakh-siyaha badan, maxkamad loo soo taago.

S-tirada dadka xir xiran wax ma inooga sheegi kartaa?

J-tirada la xirey, ma orankaro waa nambarkaas, qaar lagu khaldamey ayaa jira, qaar la tuhmaayo baa jira, dadka la xirey waa tuhun waxa lagu xirey ee wax cad oo la hayo oo aan leenahay waa la xirey ma jirto.


Wariye Maxamed Haaruun

S-Wariye Xadiis Maxamed Xadiis ayaa ku jira dadkii loo xir xirey dhacdadan, wuxuuna ka mid yahay wariyeyaashii ka hawlgalayey Deegaanada maamulka Somaliland, maxay tahay sababaha uu ku xiran yahay, hadii uu dembi galeyse maxaa maxkamad loo soo taagi waayey?.

J-dhamaantood hadii wariye yahay iyo hadii uusan ahaynba, ruux kasta dembi wuu geli karaa, maanta ma orankaro Xadiis dembigaas buu galey, aniga Xadiis aad baan u garanayaa, in badan buu nala joogey, Warbaahintayadu aad iyo aad bey uga wal walsaneyd, hadii uu demi galo, loo saamixi mayo ooo waa wariye la oran mayo, laakiin waa tuhun, wax la hayaa ma jirto, waana la soo cadeyndoonaa.

S-saxaafada inta badan waxay qayb weyn ka qaadataa hawlaha Bani-aadaninimada, hadii uu kusii daaho xabsiga, sow dhibaato ku noqon meyso?

J-xabsi laguma hayo anigu wali ma lihin waa dembiile, waana tuhun, kaasina waqti buu leeyahay, hadii uu Alle idmo waa lagu deg degayaa arintaas si ay u dhamaato.

Dhamaad

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS