Wararkii: Oct 23, 2007
Itoobiya oo ku guuldareystay in ay
dhameyso khilaafka Yuusuf iyo Geeddi…
Iyadoo Maalmahan Magaalada Baydhabo uu ku
sugnaa wasiirka isgaarsiinta iyo Dalxiiska
Itoobiya Maxamuud Dirir isagoo halkaasi u
joogay sidii uu u dhex dhexaadin lahaa
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi
Yuusuf axmed iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG
Cali max’ed Geeddi, waxaana lagu waramay in
Maxamuud Dirir uu shalay ka dhoofay
Magaalada Baydhabo kadib markii uu meel
dhexe isugu keeni waayey Madaxweynaha iyo
Ra’isul Wasaarha DFKMG.
Maxamuud Dirir ayaa warbixi u gudbin
doona Dowladda Itoobiya taas oo la xiriirta
halka uu marayo khilaafka u dhexeeya
Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha DFKMG.

Dirir oo maalmahan kulamo gaar gaar ah la
lahaa mas’uuliyiinta sare ee Dowladda
Federaalka oo kala xaajoonayey sidii loo
qaboojin lahaa xasarada ka dhex oogan
madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG
ayaa warar waxay sheegayaan in saacadaha soo
socda ay magaalada Baydhabo soo gaaraan
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya Musfin
isagoo la filayo in uu kulamo la qaato
C/llaahi Yuusuf iyo Geedi.
Cali Max’ed Geedi ayaa isagu ku taagan in
Madaxweynaha ay ku kala bixi karaan
dastuurka iyo waliba Golaha Baarlamaanka
halka Madaxweyne c/llahi Yuusuf Axmed uu
isna ku adkeysanayo in Ra’isul Wasaare Geedi
ay xukuumaddiisu ku ekeed 12-ka October
2007. '
Itoobiya ayaa iyadu si weyn walwal uga
muujisay hadalkii ka soo yeeray Ra’isul
Wasaaraah DFKMG Cali Max’ed Geedi, iyadoo ku
tilmaantay in uu ahaa mid lagu kicinayey
bulshada ku nool Gobalka Banaadir.
Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo
ayaa waxay sheegayaan in inta badan
xildhibaanada Baarlamaanka ay haatan ku
xiran yihiin Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geed, iyadoo uu dhawaan u sameeyey ilaa iyo
180 xildhibaan qado. Isku soo wada duuboo
haddii aan xal deg deg ah loo helin
khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo
Ra’isul Wasaaraha waxay keeni kartaa in gebi
ahaanba ay burburto Dowladda Federaalka ee
aan cagaha badan ku taagneen.
Dowladda Itoobiya oo ku hanjabtay in
haddii ay heshiin waayaan....
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Adis-Ababa waxay sheegayaan in Dowladda
Itoobiya ay si weyn uga walaacsan tahay
xaaladda ciidmada Itoobiya ee ku sugan
Magaalada Muqdisho, kadib markii dhowr
weerar oo lagu qaaday ciidamada loogu
gaystay khasaarooyin dhinacyo badan leh.
Weerarada ayaa waxay sii xoogeysteen
markii uu sii xoogeysatay khilaafka u
dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha
DFKMG, iyo waliba markii xeryahoodii ay ka
baxeen ciidamadii Dowladda Federaalka ee
Muqadisho joogay.
Dowladda Itoobiya ayaa waxaa la sheegay
in ay fariimo soo gaarsiisay madaxweynaha
DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul
Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi oo la
xiriira in haddii ay heshiin kari waayaan ay
ciidamada Itoobiya si dhaqsi leh looga saari
doono gudaha dalka Itoobiya.
“Waxaad dowlad ku tihiin ciidamada
Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, haddii aad
heshiin weysaana ogaada in aan la bixi doono
ciidamadeena” ayaa lagu yiri qoraal ka soo
baxay dowladda Itoobiya oo loo sii diray
madaxda Dowladda.
Sheekh Aadan Madoobe oo ku
Jaah-wareersan khilaafka ..
Guddoomiyaha Baarla-maanka Sheekh Max’ed
Nuur ayaa waxaa la sheegay in uu si aad ah
uga walwalsan yahay khilaafka u dhexeeya
Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Sheikh Aadan Madoobe oo dhowr jeer isku
dayey in uu dhex dhexaadiyo Madaxweynaha iyo
Ra’isul Wasaaraha ayaa ku guuldareystay ilaa
iyo haatanna lama ogaan karo halka uu u
janjeero guddoomiyaha Baarlamanka, wallow ay
wararka qaar sheegayaan in uu doonayo in si
dhaqsi leh loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya
mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda
Federaalka.
Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa u soo
jeediyey xildhibaanada Baarlamaanka in ay
dhex dhexaad ka noqdaan ishaysiga u dhexeeya
Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo ay
joojiyaan la kala safashada Madaxweynaha
iyo Ra’isul Wasaaraha.
“Waxaad tihidiin garsoorkii Madaxweynaha
iyo Ra’isul Wasaarha, waa in aan
garsoorkaasi u fulisaan si cadaalad ah” ayuu
yiri Sheekh Aadan Madoobe mar uu la kulmay
xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku
Faraxsan waqtiga jiitamaya ee Khilaafka
Yuusuf iyo Geeddi...
Mar aanu khadka isgaarsiinta kula
xiriirnay mid ka mid ah Xildhibaanada
Baarlamaanka oo diiday in magiciis la sheego
ayaa waxa uu sheegay in khilaafka u dhexeeya
Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG uu
yahay mid ay faa’iido weyn ku qabaan
Xildhibaanada Baarlamaanka.
“Marba marka ka dambeysa oo uu waqtigu
sii dheeraado, waxaan noo sii kordha
qarashka” ayuu yiri xildhibaankaasi oo
sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay
taxadar ka muujinayaan lacagaha ay ka
helayaan labada dhinac, qaarkood waxa uu
sheegay in ay doonayaan in ay helaan lacag
aad u fara badan, waxayna eegayaan hadba
meesha ay xildhibaanadu u janjeeraan.
Askari lagu qisaasay Magaalada
Kismaanyo…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Kismaayo waxay sheegayaan in maalintii
shalay ahayd meel fagaare ah lagu toogtay
askari ka tirsan ciidanka nabadgelyada ee
Magaalada Kismaayo kadib markii uu doraad
dilay askari kale si ulakac ah.
Askarigaan oo markiiba la saaray maxkamad
ayay maxkamaddu waxay go’aamisay in
askarigaasi la qisaaso, waxaana la sheegay
in ay toogteen eheladii askarigii la dilay,
waxaana arrintaani si weyn u soo dhaweeyey
dadweynaha ku nool Magaalada Kismaayo oo
sheegay in qisaastaasi ay keeni karto in
beelaha ku nool Magaalada Kismaayo ay ku
noolaadaan si nabadgelyo ah.
Waa ninkii labaad oo lagu qisaaso
Magaalada Kismaayo, kal hore ayay ahayd
markii nin isna dilay nin kale lagu qisaasay
magaalada Kismaayo.
Qisaastaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay
wax ka tari karto falalka burcadnimada ah ee
maalmahan ku soo kordhaya Magaalada
Kismaayo, waxayna maamulka haatan ka
arrimiyaha magaladaasi ay dadaal ugu jiraan
sidii ay u xakameyn lahaayeen kooxaha
maleeshiyooyinka ah.
Labo beelood oo wada dega Magaalada
Kismaayo ayaa iyagu waxa uu dagaal ku dhex
maray duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana
lagu heshiiyey in lagu dhaqmo shareecadda
Islaamka.
Cadde Muuse “Waa in aan dib u soo
ceshanaa Magaalada Laascaanood…”
Gen. Cadde Muuse ayaa Magaalada Garoowe
waxa uu kulan kula yeeshay Saraakiisha
ciidamada, waxaana kulankaasi la iskula soo
qaaday sidii mar kale gacanta maamulka
Puntlan ugu soo laaban lahayd magaalada
Laascaanood oo dhawaan gacanta u gashay
ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland.
Saraakiisha Puntland ayuu Cadde Muuse waxa
uu kula dardaarmay in ay diyaariyaan
ciidamadii mar kale gacanta ku dhigi lahaa
Magaalada Laascaanood, waxayna wararku
sheegayaan in tikniko iyo ciidamo fara badan
ay haatan ka kala imaanayaan Magaalooyinka
Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, warar kale
ayaa waxay sheegayaan in hub iyo ciidamo
looga diray magaalada Baydhabo kadib markii
uu sidaasi codsaday Madaxweynaha maamul
Gobaleedka Puntland.
Xaalad colaadeed ayaa la sheegay in ay ka
taagan tahay magaalada Laascaanood, waxaana
la sheegay in dad fara badan ay halkaasi ka
barakaceen oo qaarkood la sheegay in ay
gaareen magaalooyinka Buuhoodle iyo Garoowe.
Maamula Somaliland ayaa waxaa la sheegay
in uu ciidamo fara badan u soo diray
magaalada Laascaanood si ay isaga difaacaan
weerar kaga yimaada dhinaca Puntland.
Ciidamada Itoobiya oo yareeyey
dhaqdhaqaaqii ay ka wadeen..
Maalintii shalay ahayd oo la filayey in
uu hawlgal balaaran ka dhaco aaga suuqa
Xoolaha kadib markii dhowr jeer halkaasi ay
ka dhaceen dagaalo khasaaro loogu gaystay
ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in
ciidamada Itoobiya ay haatan ku nagaadeen
xeryahoodii.
Ciidamada Itoobiya ayaa yareeyey
dhaqdhaqaaqii suuqa Xoolaha iyo Jidka
warshadaha, iyadoo ciidamada Itoobiya ay
haatan noqdeen kuwo ku jira dhufeysyo ku
yaala xerooyinka ay ka degan yihiin suuqa
Xoolaha.
Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo
gurmad ah waxay soo gaareen ciidamada
Itoobiya ee ku sugan Warshadda Baastada,
kuwaas oo la sheegay in wateen Gawaarida
dagaalka. Kooxaha ka soo horjeeda
joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa waxay
sheegeen in ay dagaalka sii wadi doonaan tan
iyo inta ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan
gudaha dalka Soomaaliya.
Dadweyne fara badan ayaa waxaa la sheegay
in ay si weyn uga barakaceen suuqa Xoolaha
iyo Jidka Warshadaha ee Magaalada Muqdisho,
iyagoo ka cararaya in ay waxyeelo ka soo
gaarto dagaalada u dhexeeya labada dhinac,
waxaana haatan deegaankaasi isugu soo haray
kooxo maleeshiyooyin iyo ciidamada
Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ayaa maalintii doraad
ahayd waxay isgoyska Towfiiq ku dileen ilaa
iyo todobo qofood, mar ay guryahooda kala
soo baxeen, waxayna arrintaani ka dambeysay
markii dhowr askari looga dilay dagaalkaa
halkaasi ka dhacay.
Dowladda Kenya oo u soo jeedisay
Cabdulaahi Yuusuf iyo Geedi…
Dowladda Kenya oo ahayd middii
martigelisay shirkii dib u heshiisiinta ee
lagu dhisay Dowladda Federaalka ayaa haatan
waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u
dhex-dhexaadin lahayd khilaafka u dhexeeya
Madaxweynaha iyo Ra’isul, waxaana lagu wadaa
in ergay ka socda Dowladda Kenya uu maalmaha
soo socda uu soo gaaro Magaalada Baydhabo si
uu kulamo ula qaato madaxweynaha iyo Ra’isul
Wasaaraha.
Madaxweynaha wadanka Kenya ayaa waxaa la
sheegay in uu taleefanka kula soo xiriiray
Madaxweyne C/llalahi Yuusuf Axmed iyo
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo ay isla soo
qaadeen sidii loo xalin khilaafka u dhexeeya
labadooda, warar kale ayaa waxay sheegayaan
in Dowladda Kenya ay dadaal ugu jirto sidii
ay magaalada Nairobi ugu kulansiin lahayd
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geedi.
Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo
ra’isul Wasaaraha ayaa waxa uu keenay in ay
wiiqmaan hawlihii Dowladda Fedeaalka,
waxayna Magaalada Baydhabo haatan noqotay
mid la ciirciireysa ciidamo aad u fara
bgadan kuwaas oo xoogoodu ka tagay magaalada
Muqdisho, sidoo kale waxaa ku soo kordhaya
Baydhabo qaraxyada iyo weerarada, iyadoo ay
haatan Baydhabo ay ku jirto bandow.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com