GUN IYO GAAL-BA WAA FARXEEN GOBI-NA GEERI WAA
TAQAAN
A.A.
WARDHERE (Ali yare)
Stockholm ,Sweden
Cali_yare@hotmail.com
Sahan Tirokoob ee lagu sameeyay dadka sanad kasta dadka is deldela/ismarjiya ee
nafta iska qaada,is barbardhig loo sameeyay shucuubta ku nool dacalada dunida
gaar ahaan Qaarada Yurub waxaa la ogaaday in Shacabka Hangeri Ay ugu badanyihii
dadka is deldela ( suicide ). Is marjinta reer Hangeri waxaa loo aaneeyaa sababa
ka dhalatay Bulshada reer Hangeri oo aan laheyn taariikh ay ku faanaan.Taxana
Sooyaalka kuma xusna dagaal ay guuleysteen Sheeko-xariirta Carruurta Lagu
abbabiyona Kuma badna geesiyaal guluf dagaal libin kaga geeraaray ama halyeeyo
heybadooda lugu faani karo, .arintaasi waxay bulshada reer Hangeri ku beertay
ineey goroda laalaadiyaan gacantoodana isku gowracaan.
Taas badalkeeda ,Bulshada jarmalka iyo Somalidu
waxay safka hore kaga dadyoowga dagaal ku faanka ah ,
DR.Josseph Geobbles oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee Taliskii ADOLF HITLER
hogaamiyaha ka ahaa ,Geobbles wuxuu ahaa aftahan hibo u leh allifida iyo
baahinta beenta ,hadaladiisii guubaabinta iyo kicinta bulshada ku wajahnaa ee
halkudhigeedu ahaa : Ummada jarmalku waa ka geesisantahay ,kana
dagaalyahansantahay ummadaha kale. weligi askeri Jarmal ah oo baqanaya dhabarka
lagama toogan ee isagoo diriraya ayaa shafka xabbadu kaga dhacdaa,, hadalkaa
waxaa ku naf waayay malayiin reer jarmal ah.
Hadii Dr Josseph Geobbles uu ku faanay guud
ahaan dayowga reer jarmany oo isugu jira rag iyo dumar ,Lakin batuulo Sh:Axmed
Gaballe oo reer jowhar ehed waxa ay u faantay si ka ka heersareysa sida uu u
faanay DR Geobbles, iyadoo ka hadleysay banaanbax lugu taageerayay S/GALBEED
waxay tiri GABADHU:
( Haduu duldhabo Kenya u soo hiiliso oo
Xabashida Haweenka haloo daayo Dagaalka KENYA, ragguna ha ku qaybo Dagaalka
XABBASHIDA)
Hadalka gabadhu ka jeedisay Fagaarahaas wuxuu daliil cad u yahay isla weynida
Ummada Somalida iyo sida guulka gaarista dagaaladu xabashidu ula sahlanyihiin,
Taariikhda ayaa Dib-isku qortay ,Marka aan
qorayo sadarkaan waxaa qalbigeygu la holcayaa in gabdhihii shalay sidaa lahaa
maanta barqo cad wiilashii xabashidu ku faraxumeynayaan caasimadii Qaranka ee
muqdishu Madaxdii Qarankuna caagado biyo ah u geynayaan si askarta xabashidu uga
qubeysato Qasligii hooyooyinkood somaliyeed lugula kacay,
Hadii Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
Mahadi ha ka gaartee uu hadiyad iyo abaalmarin u sameynaya hooyada uu yiri,
Hooyoy la'aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa
Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor Illaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hoogiyo
Ka hor taga daalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku haggoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Hooyoy la'aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la'aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii kalgacalkee
Naxariistu hadataay.
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu hubaayooo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam'aayoo
Hooyoy taftaadaa
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidda lagu arooraay.
Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligay hoygaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon AAMIIN .
Inkastoo anan ku soo kobi karin heesta oo dhan
iyo waliba qisada hadraawi ka sameeyay arinkan ayaa hadana jecleystay inaan
iftiimiyo sida taariikhdu dib-iskugu rogtay
Hooyaadii somalida eheeyd ee Abwaan Hadraawi
sidaa yiri Barqo cad ayaa wiilal injir lihi ku fuuleen banaanka ceel carfiid
iyadoo rag fiirsanayo masuuliyiin sheeganaya,
Khabiirka arimaha xuuqda insaanka Qaramada
midoobay u qaabilsan somalia, Dr . Qanim Al-Najar una dhashay Kuweit oo New York
Jooga oo ka murugeysan hooyada leh 8-da caruurta leh ee ceelcarfiid lugu
faraxumeeyay ayaa isagoo ilmeynaya waxa uu yiri ( WAA ARIN UURKUTAALO LEH ,MANA
AHAN WAX CAQLIGA NADIIFKA AHI AQBALIKARO )
Isla maalintii DR-ka ajnabiga ahi ka xumaaday
Dhibka hooyada somalida ah loo geeystay ayaa Madaxwenaha IMBAGHATI waxa uu yiri
isagoo dhoola cadeynaya (WAXA AY NOO DHIBEEN WAXAA KA BADAN WAXA AY NOO QABTEEN)
Xabashida oo ku faanta inay tahay dowlad fac weyn oo aan weligeed la gumeysan
isla markaana leh ilbaxnimo iyo xadaarad fog, waxaa u suurtagashay inay
isticmaasho saxaafadda afka dheer ee Yuhuudda, lana hirgeliyo tookha iyo
islweynida Xabashida. Ummaddaha madow waxaa laga dhaadhiciyey inay yihiin
daayeer ducufo ah, Xabashiduna tahay libaaxyo sare oo laga haybaysto. Josoph
Geobles wasiirkii warfaafinta ee Naziga ayaa laga soo xigtay inuu yiri “ ku
celceli beenta illaa la rumasyto”. Been fakatay runi ma gaarto ! Beentii
saxaafadda Yuhuuddu faafisay ee ahayd Xabashidu waa Libaaxyada Afrika, waxay
dhalisay in dadyowga madow ay gorodda laalaadiyaan oo ay ka cabsadaan Xabashida,
balse taasi liddigeed Soomaalidu si ba’an ayey u yastaa Xabashida, waxayna u
taqaan Amxaaro injirley iyo wax liita. Soomaalida oo aaminsan inay Xabashida ka
burji sarayso oo goobaha dagaalka uga adag tahay, waxay Xabashida u taqaan fulay
aan haadda hubsan oo marka faltanka dagaalka foodda laysdarro fagaareeya. Ubadka
Soomaaliyeed waxaa lagu anqariyaa oo lagu barbaariyaa nacaybka Xabashida,
carruurta oo lagu baraarujiyo cadowtooyada kala dhexaysa Xabashida, waa xaq iyo
wax haboon. Ayaandarro mar kastoo Soomaalidu ka adkaato Xabashida waxay u
habarwacataa oo qaylodhaan u dirsataa dowladaha Kirishtaanka, waxaa la ogyahay
1530kii goortii Axmed Gurey jebiyey Xabashida in Boortaqiisku u soo gurmaday,
sidoo kale 1977 markii Kacaankii MSBarre jebiyey kibirkii Xabashida waxaa u soo
gurmaday Huwantii Warso oo ay hormood u ahaayeen Ruushka iyo Kuuba. Hobollada
qaranka ayaa ku heesay “Galbeed waa la xoreeyee Waarsaa Gaagixisey, iyadooMaanta
oo amxaaro injireey dalkii iyo dadkii loo gacangaliyay ayaa waxaa muuqato
amxaaro ay hurdo caafimaad leh hurdo la,dahay , Maraykanka oo dalka ciraaq si
gardaro ah ugu duulay Iraq 2003dii ayaa bishan aan ku jirno saxaafada ka hor
cadeey in in magaalada Baqdad 60% uusan gacanta ku heyn ,
Si la mid ah sida maraykanku runta u qiray Ayaa
taliska naf la caariga ah ee ITHIOPIA April 25, 2007 Rizal Wasaaraha Ithiopia
ayaa si aan ganbasho iyo xishood laheyn Saxaafada hortooda uga yiri
"Ciidamadaydu waxa ay kula dagaalamayaan gudaha Somalia Waa Beesha CEYR waxa
aanan wiiqnay Awooddoodii ciidan, Maalinta uu sidaa leeyahay Xabashigu waxaa
mudo 24 maalmood ah ka hor muqdishu ka socda xasuuq qalbiga ugu qoran somalida
dhab ah.
DHIMASHO : 1086 ruux somali ah isuguna jira
Caruur ,Haween ,dad,da,ah
DHAAWAC : 4344 ruux oo Somali ah
BARAKAC : (1.400.000) qof, dadkaas oo la ildarnaa biyo la,aan, cunto la,aan,hooy
la,aan,cuduro ,sida shubanbiyoodka,iyo amaan la,aan
Sidoo kale maalintaas waxaa dhulka lala simay goobo muhiim u ah nololsha
somalida sida , jaamacadaha, iskuulada, dugsiyada qur'aanka, Warshadaha,
Isbitaalada, shirkadaha ganacsiga, wadooyinka iyo masjidyada,
Schoolada xirmay darteed waxaa maalintaa murugada leh waxbarasho la,aan noqday
arday gaareysa (155.300) xiisada baaqdayna waxa ay ahaayeen, 30.030.000 oo
xiiso.
Tirada Jaamacadaha ku xirmay waxa ay gaarayaan
13 jaamacadood, ardeyda jaamacadahaasi dhigata waxa ay gaarayaan in ka badan
5.800 kuwaasi oo aan waxbarasho heysan ilaa maanta.
Tirada Dugsiyada qur'aanka ku xirmay waxa ay
gaarayaan 1096 Dugsi Qur'aan, dugsiyadaasi oo ay dhiganayeen 56.760 arday.
GUN IYO GEBEGEBO
Somalidu waxay hoodo u leedahay ineey
cadowgeeda cagta ka hoos mariso ,
12kii/juun1993 goor barqo ah saacaduna shegeysay abaarihii 10:05 daqiqo,
maalintuna ku beegneyd isniin,ayaa waxaa shir heerkiisa ahaa wada tashi waxaa
iskugu yimid Aqoonyahano,iyo saraakiil, ka tirsaneeyd Ururkii awooda Badan lahaa
ee SNA, goortaas oo muqdishu ay ka dhacayeen dagaalo faraha la iskula tagay oo
dhex marayay Taageerayaasha URURKII SNA iyo ciidamadii Maraykanka horboodayay ee
UNISOM
aqalka gaashaandhiga maraykanka ee pentagonka loo yaqaano ayaa helay sir
maraykanu aad ugu farxay oo eheeyd in hogaamiyaha sida weyn loo doondoonayo ee
URURKA SNA JEN: MAXAMED FAARAX XASAN ( CAYDIID) iyo saraakiil heerkeedu sareeyo
ay kulan ku leeyihiin guri u dhow Isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdishu ,
LES ASPEN, oo ahaa xoghayaha gaashaandhiga ee
maraykanka ayaa fursad dahabi ah u arkay arinkan oo ku soo beegmay muddo bil un
ka yar ah markii Admiral Jonathan Howe uu soo saaray warqad ( Warrant ) oo uu ku
amaraayo ciidamada UNISOM in la soo xiro Jeneral Caydiid isla markaana uu balan
qaaday in la siinayo 25,000 dollar cidii soo qabata ,ama disha,ama ugu yaraan
soo sheegta meesha uu ku dhuumanayo, Les Aspen.ayaa amar ku siiyay ciidamada
taliska dhexe ineey duqeyn ba,an u geystaan JANANKA iyo saaxiibadiisa kulanka la
leh .
ciidamada u tababaran xaaladaha degdeg ah oo
isticmaalayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee xambaara hubka dilaaga ah ee
maraykanka ayaa weeraray xaruntii ciidamada Caydiid,halkaas ay ku shirsanaayeen
madaxda sarsare ee hogaamisa URURKA SNA,lana filayay inuu ka mid ahaa jananku.
howlgalkaas waxaa abaabulay qorsheyay-na UNISOM
isla markaana ka anxixiyay taliska guud ee ciidamada maraykanka,aqalka cad ee
looga taliyo maraykanka iyo xarunta UNka. iyadoo aan cidina digniin lasiin ayaa
ciidamadii watay diyaaradaha qumaatigau kaca ee loogu talo galay iska caawinta
quwadii WARSOW ay duqeeyeen duqeyn arxan daro ah waxayna ku dhufteen16 missilis.
Jabka SNA ku dhacay maraykanka ka sokoow wuxuu
aad u farxad galiyay Somali aan badneyn oo fikir wadaag la ahaa huwantii
maraykanka,
waqooyiga muqdishu abwaan joogay oo shirib wadaag la ahaa Abshir bacadle ayaa si
aad ah ugu farxay jabkii taageerayaasha SNA ku dhacay,
wuxuu ku shirbay isagoo faraxadi ka muuqato ,
AFAR SAAC ISIIN EHEEYD ES-EN-EE ( SNA )
INDHEHEED DHECEEN,
Abwaan abshir bacadle oo shiribkaas si aad ah
uga gubtay una arkay inuu yahay mid jees jees ah, lakin tolkiis iyo somaliweyn
oo dhami ay halgankooda wadayaan inta gumeystuhu ka baxayo dalka, hadii wiil
dhintay-na wiil dhalan doono ,rabana inuu abwaanka shirirbka jees jeeska ah u
soo diray uu ku tilmaamo GUN GAALADA la soo safatay,isaguna uu yahay gob gob
dhashay ,dhaqan-ka gobtuna uu yahay ineey u samraan dhibka dheeftana ka mahad
naqaan ayaa ugu jawaabay ,
GUN IYO GAAL,BA WAA FARXEEN GOBINA GEERI WAA
TAQAAN,
ugu danbeyn arinkii wuxuu ku dabeeyay in abshir
bacadle oo cad hilib ah oo askari maraynkan ah kor u sida shirib u diray
somalidii la safneeyd maraykanka waakii lahaa Bacadle,,
SULUXII SOORTU QAADAYOOW SUQAAR MARAYNKANAAN
SIDNAA.
Sidaas si la mid ah ayaan leeyahay kuwa maanta
Somalia oo gaartay bash bash,barwaaqo iyo bareere, inta xabashi u soo hogaamiyay
ee nabadii la dagaalamay yiri salaada cishaha iyo subaxa lama dukan karo ee
xabashi u soo hogaamiyay dhulkii daahirka ahaa waxaan u soo qaadan lahaa gabay
uu ka tiriyay gabyaa Dhunkaal Faarax Barre,uu ka tiriyay kooxaha Tabcane Tigree,
waxaanan ka soo xulay baydkan:-
Geyigeena oo xora annagoo dowladnimo gaarnay
Gablamaha cadaawuhu watee gadaya Soomaali
Ee gibilka inooga eg haddana garan afkii hooyo
Alle gowrac gacal maahoo waa Gaalo ubadkeede
Godkuu galay Cabdimajiid Eebbow goor dhow lagu aaso
Geeridii wadaadkii dishaay gurubso gaagaabta
Allow guusha haw dhiibin waa garac Tigreeyaade
Gudubtadu ha sheegtee nimanka geliya taariikhda.
A.A. WARDHERE (Cali yare)
Gudoomiyaha Guddiga Qurbajooga Soomaaliyeed
Stockholm ,Sweden
Cali_yare@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 30,
2007


|